SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Soomaliya masii ahaan doontaa qaran?

c/raxmaan saalax cadaawe

xareed130@hotmail.com


Mucjisada soomaalida haysata waxa weeye 'siday baylahda ugu yihiin cadawgooda xoogga iyo xirribta badan iyo siday garashadoodu umaqantahay', taas oo fududaynaysa in ay si-sahlan dabin aysan kasoo waaqsan ugu dhacaan, sida maantayba muuqata.    

2007-da soomaaliya waxay gashay masiibo iyo god geeriyaad, kadib markay kudhacday gacanta Ethiopia, iyadoo Ethiopia shaati  kadhiganaysa damiirlaawayaal iyo qabqablayaal dagaal, islamarkaasna taageero iyo maamuus kaheleysa quwadaha reer galbeedka.

Ethiopian-ka ummada maantay looyaqaan( marka laga reebo Soomaalida iyo Oromada) ee kunool wadanka gerigo'anka ah ee saboolnimada, cudurada iyo badla'aantu curyaamisay; waxay qabaan dareen taariikheed oo dhow iyo mid diineed oo ku xanbaaraya in ay shucuubta kale ee Bariga Africa tirtiraan ama cabiidsadaan, hadba intay awoodaan.

Aan ku horreeyo dareenka taariikheed ee ay qabaan Ethiopian-ku: waxay Ethiopia aaminsantahay in Bariga Africa ay iyadu xaq uleedahay in keligeed kataliso maamul ahaan, dawladaha kalena xaq ulahayn in ay jiraan--Somalia-Jabuuti iyo Eretrea.

wixii kahorreeyey bartamihii qarnigii 19-aad xuduuda siyaasadeed ee caalami ahaan Ethiopia ugu naaloon jirtay waxay ahayd Bariga Africa oo dhan; madoonayo in aan si-ballaaran uga sheekeeyo taariikhda gobolka balse waxaan soo qaadanayaa laba qodob oo cadaynaya fikirkaas Ethiopianka:

  1. 1889-kii boqorkii ladhihi jiray Menilik, waxa uu jeediyay khudbad taariikhda gashay oo uu ulajeeday quwadaha reer Europe oo markaas ku hawllanaa googoosashada qaaradda Afrika, wuxuu sheegay: in  xeebaha Bariga Afrika aysan reer Europe  kusoo xadgudbin; haddii ay taasi dhacdona ay noqonayso in Ethiopia lakala jarjaray; isaguna uusan taas aqbalayn, wuxuu qoray qoraalo uu ku caddaynayo xuduuda Ethiopia( Abyssinia) oo ay kujiraan Somalia, Jabuuti iyo Eretrea. Aragtidaasi waxay gundhig u ahayd dagaaladii dhexmaray Italy iyo Ethiopia sannadadii 1895---1896 iyo 1936---1941, oo ay kadhalatay in Talyaanigu qabsado Ethiopia.
  2. 1913-kii boqorkii ladhihi jiray Ras Makahil ee markaas xukumayey Ethiopia, wuxuu warqad usoo qoray Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo Daraawiish,wuxuu warqadaas Sayidka ugu sheegay: in isagu yahay Boqorka shucuubta Bariga Afrika--muslim iyo masiixiba--madow iyo caddaanba, ciddii taas khilaaftana ay wareersantahay; Sayidkkuna aytahay in uu taas marka hore aqbalo, kadibna uu helayo taageerada xabashida si uu reer Europe ula dagaalamo.Sayid Maxamed isagoo kafekeraya cadawgiisa faraha badan iyo taagdarradiisa wuu aqbalay arintaas, sidaasna waxa uu ku helay taageerada boqorkaas mudo dhowrsano ah, iyadoo waliba sayidku ahaa ninkii ugu horreeyey ee somali ah ee lasoo banbaxay fikrada ah "Somaliya Somali baa utalinaysa", marag waxaa ii ah  buugga " Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayid Maxamed" ee Aw Jamac Cumar Ciise.

Dhanka kale, dareenka diineed ee Ethiopianku qabo waa mid soo jiray muddo kudhow 12-qarni, Bariga Afrikana waxaa kadhacay dagaalada dhexmaray muslimka iyo masiixiga kuwa ugu xun, walina lasaadaalinayo in ay soo noqdaan, balse Ethiopianku waxyaabaha dareenkooda carinaya waxaa kamida:

  1. tirada dadka muslimka ah ee kunool gobolka oo aad uga badan tan masiixiga, middaas oo Ethiopian-ka kadhigaysa jasiirad ku dhextaal badwayn.
  2. dadka muslimka ah oo deggan dhulxeebeedka, taas oo dhaawacaysa awoodda dhaqaale, Istaraatijiyo iyo xaddaaradeed ee Ethiopian-ka.
  3. iyadoo taariikhda Bariga Afrika soo martay xilliyo masiixiyiinta loo cudud sheegtay sida: bilawgii qarnigii 16-aad, dagaalkii uu hoggaaminayey Axmed Gureya(allaha u naxariistee), iyo kii Masar ugu gargaartay muslimiinta Bariga Afrika kahor immaantankii gumaystayaasha reer Europe.

haddaba, innagoo xaqiiqadaas iyo afkaartaasi inna hortaal, maxaynu kasaadaalin karnaa maantay wadankeenna (somalia) muquunada ah ee galay gacanta melletiriga Ethiopia?, maxaynu qiyaasi karaynaa innagoo ogsoon meesha ay marayso xuquuqul insaankii iyo madaxbannaanidii reer galbeed inna cabsiinayeen? bal eeg: Ciraaq maxaa lagu haystaa? Afqanistaan ma mareekan iyo Nato ayay saldhigyo u noqonaysaa? kuwa hadda duulaanka loo qalqaalinayo sida Iran ma cidbay xoolo kahayaan? !!!.

Aniga waxay ilatahay in hadalkii Xuseen Caydiid ee uu jeediyay 02/Jan/2007 ee ahaa "in labada dal ee Somalia iyo Ethiopia ladoonayo in laysku daro"  aynu markale isagoo kamadanbays ah kasugno xagga Ethiopia.

c/raxmaan saalax cadaawe
xareed130@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 11, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com