SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Aug 12, 2007

  • Ciidamada Ethiopian-ka iyo kuwa DF oo Sabtidii qaraxyo lala beegsaday. 
  • Nin dhaawac ahaa oo xoog loogala baxay isbitaalka Madiina. 
  • Dagaal culus oo ka dhacay degmada Ceele Obo ee dhulka Soomaali Galbeed.
  • Somalia oo noqotay dalka saddexaad ee adduunka ugu xasiloonida xun
  • Agaasimaha Idaacada Capital Voice oo Sabtidii Muqdisho lagu dilay. 

Dagaal culus oo ka dhacay degmada Ceele Obo ee dhulka Soomaali Galbeed.

Wararaka naga soo gaaraya degmadda Ceela Obo ee gobalka Nogbeed ayaa sheegaya in uu shalay subax weerar kadis ay ku qaadeen Mujaahidiinta MJXSG, saldhiga CEELA OBA oo ilaa 30 km dhanka koonfureed kaga aadan dagmada Baabili.

Dagaalkan ayaa ilaa Sabtidii shalay galinkii hore socday mana jiraan ilaa hadda warar faahfaahsan oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Dadku deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa xaqiijiyay in labadda dhinacba ay soo gaareen gurmadyo, dhanka Mujaahidiinta ayaan ilaa hadda ayna noo suuragalin inay noo faahfaahiyaan siday waxa u dhaceen iyo khasaaraha ay ugaysteen ciidanka gumaysiga iyo inta uu dhan yahay khasaaraha dhankooda kasoo gaadhay.

Ceela Obo waxay ku taalaa wadada isku xirta magaalada Fiiq ee gobalka Nogbeed iyo magaalada Baabil, waana goob aad xaga istraatiijayada milatari aad ugu horaysa oo waxaa fadhiya ciidan loogu talagalay ilaalada wadooyinka halbawlaha ah ee isku xira magaalooyinka (Jigjiga & Herar) iyo wadada dheer,dhanka kalana isku xirta (Fiiq & Baabili) waxaana degan had iyo jeer ciidan Ethiopian ah oo aad u qalabaysan laguna qiyaaso 600-800.

Wararkani waxay si toosa u beeninayaan isla markaana dharbaaxo lama filaana ku yihiin bayaankii kasoo baxay Ciidamada gumaysiga ee tibaaxayay inay naafeeyeen xoogaga xaq u dirirka ah ee ka dagaalama dalkaas, waliba saldhigani waxuu halbawlo u yahay difaaca qeybta Hararge ee la gaba xukumo dhamaan ciidamada haysta Soomaali galbeed iyo kuwa qabsaday Jamhuuriyada Soomaaliyeed.

Waxaa xusid mudan in Gudoomiyaha Ururuka MJXSG uu balan qaaday inuu si ficila ku beenin doono warka been abuurka ah ee Tigreegu ku daboolayo jabka ka haysta gudaha wadanka S/galbeed.

Wixii faaahfaahina waan idiin soo gudbin doonaa wakhtiyadda soo socda hadii Alle idmo

Ciidamada Ethiopian-ka iyo kuwa DF oo Sabtidii qaraxyo lala beegsaday. 

Xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa ayaa Sabtifii barqanimadii waxaa ka dhacay qaraxyo xoogan oo lala eegtay ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka oo howl-galo baaritaano ah ka waday gudaha xaafadaasi. 

Cabdiqaadir Maxamuud oo kamid ah dadka deegaanka oo daqiiqado kadib marka ay qaraxyada dhaceen aan qadka telefoonka kula xiiriiray ayaa xaqiijiyay in qaraxyadaasi lala eegtay ciidamada isagoo sheegay inuu arkayay qaar ka tirsan ciidamada oo gawaari lagu daad gureynayo dhaawacyadooda. 

Cabdiqaadir waxa uu sidoo kale sheegay in markii ay qaraxyada dhaceen ay ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa DF fureen rasaas aan cidna looga eegan isagoo sheegay in rasaastaasi ay ku dhaawacmeen haween gaaraya saddex iyo cunug yar oo u dhawaa goobta ay waxa ka dhaceen. 

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa la xaqiijiyay inay isku socdka dadka iyo gaadiidka ay u diideen wadada dhex martay suuqa xoolaha iyo Ex Ctrl Balcad. 

Waxaa la xiray goobihii ganacsiga ee u dhawaa halka uu qaraxyada ka dhaceen, iyadoo ciidamadana ay bilaabeen sida caadada u aheyd inay xir xiraan dadka u dhowaa goobta qaraxa uu ka dhacay. 

Si kastaba, qaraxyada iyo weerarada lala eeganayo ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Dowlada ayaa maalmihii ugu dambeeyay silsilad ka noqday gudaha caasimada Somalia ee Muqdisho, taasoo keentay in caasimada ay isaga qaxaan dadka. 

Nin dhaawac ahaa oo xoog loogala baxay isbitaalka Madiina. 

Kooxo hubeysan ayaa u suurta gashay inay xoog kula baxaan nin dhaawac ahaa oo muddooyinkaan yaalay gudaha isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, halkaaso lagu daaweynayay. 

Madaxa caafimaadka isbitaalka Madiine Dr. Daahir Dheeere ayaa Sabtidii khadka telefoonka iigu xaqiijiyay in ninkaasi dhaawaca ahaa ay isbitaalka ka wateen kooxo hubeysan oo xoog kusoo dhaafay ilaalada isbitaalka. 

Daahir Dheere waxa uu sidoo kale sheegay in ninkaan muddooyinkii ugu dambeeyay lagu daaweynayay isbitaalka, isagoo xaqiijiyay inay ilaalo ka hayeen ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka. 

“Ma sheegi karo in ninkaan uu kamid ahaa kooxaha qaraxyada ka sameeya Muqdisho, balse dhaawaciisa ayaan daaweyneynay muddooyinkaan, waxaana ilaalinayay ciidamo ka tirsan Dowlada” ayuu yiri Dr. Daahir Dheere. 

Daahir Dheere ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ninkaan uu aqoonsaday kooxda hubeysan ee isbitaalka soo gashay isla markaana isagoo raali ah uu raacay oo aad u faraxsan. 

Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka ayaa soo gaaray isbitaalka kadib daqiiqado marka ninka dhaawaca ahaa lagala baxay, iyagoo isku gadaamiyay goobaha u dhow dhow isbitaalka balse lama sheegin inay heleen ninka dhaawaca ahaa iyo in kale. 

Dowlada Federaalka ayaa ilaa iminka ka hadlin waxa uu ahaa ninkaasi dhaawaca ah ee ciidamadeeda ilaalin jireen. 

Ma ahan markii ugu horeysay oo isbitaalka Madiina lagala baxo nin dhaawac ah, iyadoo marar hore u dhaci jireen in dad bukaan ah oo isbitaalka ku jira in lagu dhex dilo.

Somalia oo noqotay dalka saddexaad ee adduunka ugu xasiloonida xun

Warbixino kala duwan oo laga ururiyay 177 waddan oo caalamka ah, ayaa isku raacay in dalka Soomaaliya uu yahay dalka saddexaad ee caalamka ugu xasiloonida daran, kaas oo ay warbixinahaasi shaaca ka qaadeen in dalkaas ay hadheeyeen kooxo kala duwan oo hubaysan, balse waxay tirada ka saareen Somaliland, oo ay ku sheegeen warbixinahaasi inuu yahay dal ay dimuquraadiyadi ka jirto, hase ahaatee, aan aqoonsi weli caalamka ka helin, sida aanu ka soo xiganay Wargeyska Tiraspol Times, oo ka soo baxa dalka Maldova ee bariga Yurub.

Machadka lagu magacaabo ‘Fund for Peace,’ oo sida uu wargeysku daabacay shalay isku soo duba riday warbixinahaas ay soo diyaariyeen khubaro ka kala socotay 177 dal oo caalamka ah, ayaa lagu sheegay in dalka Maldova uu yahay mid ka mid ah dalalka loo yaqaano waddamada guuldaraystay "Failed States." Isla markaana ururinta macluumaadkan oo ka dhacday magaalada Washington DC, ayaa laga soo saaray kala horraysiinta dalalka ay mashaakilaadku ka haystaan hanaanka xukuumiga ah, halkaas ayaana lagaga dhawaaqay in dalka Maldova uu yahay ka ugu hooseeya Yurub, iyo mid ka mid ah dalalka caalamka ugu xasiloonida liita. Sidoo kale, dalalka lagu xusay xasilooni darrada ugu xuni inya ka jirto, oo loo eegayay sida uu wargeysku sheegay ilaa 12 dhinac, tiradoodana lagu tilmaamay 60 dal, ayaa Maldova waxa uu ka soo galay kaalinta 48aad.

Dalalka Suudaan, Ciraaq, Soomaaliya, iyo Maldova, oo dhamaantood lagu sheegay inay aad ugu liitaan nidaamyada maamul iyo kala dambaynta, lagana aaminsan yahay inay ku jiraan dalalka ku saaqiday xasiloonida iyo maamulka cadaaliga ah, ayaa waxa dhamaantood ku hoos jira gobollo xasilooni iyo xorriyaad ka jiro, isla markaana dimuquraadiyad iyo kala dambayni ka jiraan, balse lagu magacaabo loona tixgeliyo inay qaybo ka yihiin dalalkaas, hase ahaatee, xaqiiqada marka la eego ah laba midkood; inuu gobolkaasi mar horeba ka xoroobay oo ka madaxbanaan dalka loo tirinayo iyo inuu gobolkaasi yahay mid qarka u saaran inuu ku taagan yahay dariiqii uu dalka uu hore uga tirsanaa ka go’ayo.

Warbixintan uu wargeysku daabacay, afartaas dalba waxa siyaabo gaar-gaar ah loo tilmaamay kuwa ay yihiin gobollada magac ahaan ay wadaagaan ee haddana ka hoos-baxaya ama horeba madaxbanaanida uga qaatay. Dalka Suuddaan, ayay ugu horrayn warbixintu sheegtay in codbixintii aftida madaxbanaanida koonfurta dalkaasi ay ku beegan tahay sannadka 2011. Sidaa daraadeed, sida ay khubarada Ameerikaanka ahi u badan tahay natiijada laga filayo aftiddaasi waxa lagu wadaa inay noqoto mid uu ku abuurmo dal cusub oo ku biira Qaramada Midoobay, isla markaana ahaan doono waddan ay yeeshaan kiristaanka koonfurta Suuddaan. Waddanka Ciraaq, khubarada qaarkood – kuwaas oo uu ku jiro Senetar Maraykan ah oo guddoomiye u ah gudida xidhiidhada caalamiga ah u qaabilsan kongareeska Maraykanka Joe Biden, waxay aaminsan yihiin in dalka Ciraaq uu u kala jabi doono saddex waddan, isla markaana Mr Biden, waxa uu tilmaamay in taasi ay guul u tahay Gobolka Kurdiyiinta ee waqooyiga Ciraaq, oo markaa ay dadweynaha madaxbanaanida dalkoodu madax-martay fursad u helaan is-maamulka dalkooda.

Dalka saddexaad ee caalamka ugu xasiloonida darani waa Soomaaliya, oo ay walaaqayaan kooxo dagaal-oogayaal ah, marka laga saaro dalka iskii uga go’ay ee madaxabanaan ee Somaliland, kaas oo tan iyo sannadkii 1991-kii u shaqaynayay sidii dal aan la aqoonsanin, iyada oo ay mar kasta hoggaaminayso dawlad xasilooni haysata oo dimuquraadiyadeed, oo shicibku raali ka yahay. Sidaasoo ay tahay waxa weli ka laalaada kooxaha sheeganaya maamulka Somaliya.

Dalka Moldova, waxa sannadkii 1990-kii ka go’ay Gobolka Transdniestria, oo loo yaqaano Jamhuuriyadda Pridnestrovskaia Moldavskaia Respublica. Sannadkii la soo dhaafay afti loo qaaday madaxbanaanidooda gooni-isu-taaga ayay dadweynuhu ku muujiyeen in aanay niyad u haynin dib ugu noqoshada dalka Maldova.

Agaasimaha Idaacada Capital Voice oo Sabtidii Muqdisho lagu dilay. 

Agaasimahada Idaacada Capital Voice oo hoos timaada HornAfrik ayaa sabtidii abaarihii 7:20 AM Subaxnimo lagu hor dilay albaabka hore ee Idaacada HornAfrik ee magaalada Muqdisho. 

Allaha u naxariistee Wariye Mahad Axmed Cilmi ayaa la sheegay in labo nin ooh or fadhisay guri kasoo horjeeda idaacada ay soo kaceen marka uu usoo dhawaaday isla markaana ay rasaas ku dhufteen.

Alaha u naxariistee Marxuum Mahad Axmed Cilmi ayaa dhaawac ahaan loo geeyay Isbitalka Madiina halkaasi oo uu ku geeriyooday.

Saacadu markii ay aheyd 8dii subaxnimo ayaa idaacadda Hornafrik ay hawada ka baxday markii ay baahiyeen geerida Mas’uulkaasi.

Siciid Tahliil oo ka mid ah Mas’uuliyiinta idaacadda Hornafrik ayaa Saxaafada u sheegay in sababaha ay hawada uga baxeen ay tahay u diyaar garoowga aaska Marxuumka oo lagu wado in maanta uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Lama oga wali sababaha ka dambeeya dilka Marxuumkaan oo ka dhigaya qofkii 5aad ee lagu dilo magaalada Muqdisho 24 kii saac ee la soo dhaafay.

Marxuumka oo meydkiisu yaalo imika isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in isla maantaba lagu aaso qabuuraha Barakaat oo ku yaala duleedka Muqdisho.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa aad u cambaareeyay falkaasi waxuusnimada ah ee lagula kacay Wariye daacad u ahaa shaqadiisa isla markaana ummadiisa u adeegi jiray. 

Guddoomiyaha ASOJ Daahir Cabdulle Alasoow ayaa ugu baaqay Dowlada Federaalka ee sheegta inay ummada u adeegeyso inay gacanta kusoo dhigto cid kasta oo ka dambeysa falkaasi, isla markaana falkaan dilka ah ee Mahad loo geystay sida uu yiri aan la iskula hari doonin. 

“Marnaba lagama yaabo in dilka Mahad saakay loo geystay la iska iloobe, Saxaafadana baaritaano ayay sameyneysaa oo lagu ogaanayo cida ka dambeysa cidii lagu helanaa waxaa hubaal ah inay Maxkamad caalami ah kori doonto” ayuu yiri Daahir Calasoow. 

Si kastaba, dilalka loo geysto Wariyaasha ka howl-gala magaalada Muqdisho ayaa waayadii ugu dambeeyay soo badanayay iyadoo wariyaashii ugu caansanaa gudaha Muqdisho ay haatan joogaan gobo ka baxsan magaalada kadib markii ay naftooda la cabsadeen. 

Faahfaaahinta weeraradii Habheenkii Sabtidu soo geleysey ka dhacay qeybo kamid ah Muqdisho. 

Kooxo hubeysan ayaa Sabtidii habeenimadeedii weerar ku qaaday goob ay joogeen ciidamada Dowlada Federaalka Somalia oo u dhow Shineemo Cabdi Waayeel ee ku taala xaafada SOS ee magaalada Muqdisho.  

Kooxahaan ayaa ciidamada ku weeraray bambooyinka gacmaha laga tuuro iyo qoryaha baasukayaasha ah, iyadoo halkaasi ay ka dhaceen dagaalo goos goos ah oo muddo daqiiqado ah socday sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka. 

Iska horimaadka oo dhacay 10 habeenimo xiliga Muqdisho ayaa dhawaqa rasaasta iyo waxyaabaha qarxa ee labada dhinac is weydaarsanayeen laga maqlayay guud ahaan magaalada Muqdisho. 

Dadweynaha ku dhaqan xaafada SOS ilaa Suuqa Xoolaha ayaa xalay xabad dhulka dhigay, iyagoo walaac xoogan ku abuureen rasaasta labada dhinac ay is weydaarsaneyeen. 

Deeqo Xasan oo kamid ah dadka deegaanka SOS ayaa qadka telefoonka saakay iigu sheegtay inaysan caruurteeda xalay jiifan, iyagoo ka baqayay rasaarta dhaceysay, iyo ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka oo darbiga dambe guriga ay degan yihiin difaac ka galay. 

Deeqo Xasan waxey sheegtay inay dhowr rasaas ay ku dhaceen gurigooda, isla markaana ay soo galeen xalay ciidamo ka tirsan Dowlada balse aysan waxba ka qaadan.

Ma cadda qasaaraha kala gaaray ciidamada dowladda Somalia ee la soo weeraray iyo kooxdii weerarka soo qaaday, iyadoo sidoo kale aan la sheegin qasaaro nafeed oo soo gaaray dadka rayidka.

Habeenadii ugu dambeeyay ayaa kooxaha wax iska caabinta weeraro culus waxa ay ku qaadayeen goobaha ay degan yihiin ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka, iyagoo inta badan rasaasta labada dhinac isweydaarsanayaan ay ku habsanayaan shacab aan waxba galabsan.

Abdifitahaam Ahmed
Hargeysa - Somaliland
Email: abdifitahaam@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 12, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com