SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo

11 August 2007.  

  • Dadwayne gumaysigu ku laayay meelo kala duwan. 
  • Xidhay iyo waxyeellooyin kale oo gumaysigu u gaystay dadwaynaha.
  •  JWXO oo beenisay guul gumaysigu sheegtay.
  •  OHRC oo shir jaraaid ku qabatay hoolka caalamiga ah ee magaalada Geneva.
  •  Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo gudoomiyaha JWXO oo ka dagay Washington DC
======================                    
 
Dadwayne gumaysigu ku laayay meelo kala duwan.
 
Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah dad shacab ah ku laayay.
 
07/08/07 Maraacaato waxay ciidammada gumaysigu ku dileen dhawr nin oo shacab ah, waxaanan magaciisa helnay;

1-    Carab Tuuladiid

 
04/08/07 waxay ciidammada gumaysigu ku dileen Lix-irridood nin shacab ah oo lagu magacaabi jiray; Dayr Aaden Dalwiye.
 
02/08/07 Shilaabo waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin lagu magacaabi jiray;
Fiixiye Cabdi Salal
 
Dhinaca kale weerar mir ah oo CWXO ku qaadeen kuwa gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Awaare markii ay taariikhdu ahayd 01/08/07, waxay ugu gaysteen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
 
Xidhay iyo waxyeellooyin kale oo gumaysigu u gaystay dadwaynaha.
 
Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiy ayaa dadwayne rayad ah meelo kala duwan ku xidhxidhay. Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu hanti ka dhaceen dadwaynah.
 
09/08/07 waxay ciidammada gumaysigu Ceel-Ogaadeen ku xidhxidheen dadka kala ah;

1-    Nimco Carab

2-    Deeq Carab

3-    Gurey Maxamed cadde

4-    C/llaahi Xasan Cabdi iyo

5-    Sangaab oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin

 
08/08/07 magaalada Dalaad waxay ciidammada gumaysigu ka qaqabteen dad rayad ah oo lagu xidhxidhay magaalada Qabridaharre. Dadkaasi waxay kala yihiin;

1-    Faadumo Dafar

2-    Maxamed-Wali Cabdi Salal iyo

3-    Barkhadle Mursal Cagoole.

 
07/08/07 waxay ciidammada gumaysigu dad shacab ah ka qaqabteen Maraacaato, kuwaasoo ay ku xidhxidheen magaalada Qabridaharre. Dadkaasi waxay kala yihiin;

1-    Khadar Gaaleri

2-    Farxaan Gaaleri

3-    Nuur Maalik

4-    Asad Cabdi Baddal iyo

5-    Faadumo Caydiid

 
05/08/07 Yucub waxay ciidammada gumaysigu ka soo qaqabteen dad shacab ah, kuwaasoo ay ku xidhxidheen magaalada Wardheer. Dadkaasi waxay kala yihiin;

1-    Anwar Ibraahim Barre

2-    Sanwayne Axmed Cibaad

3-    Qalalab oo magaciisa buuxa aanaan haynin iyo

4-    Faarax Maygaag

 
06/08/07 magaalada Sagag waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;

1-    Wali Muxumed Garaad

2-    Muxumed C/raxmaan Cirro

3-    Axmed Aarbe Gaaxnuug iyo

4-    Xafsa Maxamuud Cabdi Qaybe

 
06/08/07 Cadaley, waxay ciidammada gumaysigu hanti kaga boobeen dadwayne deegaankaas deggan. Dadka hantida laga boobay waxaa ka mid ah;

1-    Shukri Kaariye oo laga dhacay 4000 oo Bir iyo

2-     Muxubo oo magaceeda buuxa aanaan haynin, taasoo laga dhacay 12 Neef oo Adhi ah.

 
JWXO oo beenisay guul gumaysigu sheegtay.
 
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO ayaa beenisay war xaqiiqada ka fog oo ka soo baxay wasaarada gaashaandhigga gumaysatada Itoobiya oo sheegtay inay guulo waawayn ka soo hoyisay hawlgal millatari oo ay Ogaadeenya ka fulisay.
 
Guusha ay xukuumadda Itoobiya sheegatay ee ah inay guulo millatari ka soo hoyisay Ogaadeenya waa hadal aan xaqiiqo ku fadhiyin, isla markaana loogu talagalay in ballanqaad nabadgelyo oo been ah loogu fidiyo sharikadaha shidaalka oo taliska Addis Ababa oo ka codsanayo inayna ka noqonin qorshayaashoodii ahaa inay shidaal ka soo saaraan Ogaadeenya, sidaas waxaa lagu sheegay bayaan ay JWXO soo saartay.
 
JWXO waxay bayaankan ku sheegtay in ciidammadeedu ay leeyihiin awood ay dalkooda ku difaaci karaan, taabba-galna yihiin. Waxay kaloo JWXO caddaysay in taliska Meles Zenawi uuna gacanta ku haynin dalka Ogaadeenya, taasoo ku kalliftay siyaasada ah inay saxaafadda caalamiga ah dalka u diiddo, isla markaana ka caydhiso Ururka Laanqayrta Cas.
 
Waxaa sidoo kale bayaankan lagu shegay in sii wadista hawlo shidaal iyo gaas dabiici ah laga soo saarayo Ogaadeenya oo xaaladdan ku sugan lagu macnayn karo oo kaliya masuuliyad xumada horseeday in taliska Addis Ababa uu denbiyo dagaal ka galo dadwaynahayaga rayadka ah.
 
JWXO waxay mar kale sheegtay inayna marna oggolaan doonin in taliska gumaysiga ah ee Addis Ababa uu intifaacsado khayraadka dabiciga ah ee Ogaadeenya..
 
OHRC oo shir jaraaid ku qabatay hoolka caalamiga ah ee magaalada Geneva. 
 
Maalintii Arbacada ahayd ee 08-08-07, ayaa waxa lagu qabtay xarunta warfaafinta ee magaalada Geneva kulan saxaafadeed eey soo qabanqaabiyay Ururka Xuquuqul Insaanka Ogaadeenya oo kaashanaysa Midowga Jaaliyadaha Ogaadeenya ee Yurub.
 
War saxaafadeedka ayaa cinwaankiisu ahaa : Ciidamada itoobiya oo xasuuq, barakicin iyo cuna qabateeyn ku haya shacabka Ogaadeenya iyadoo aan jirin cid xusuuqa aay geeysanayaan kula xisaabtamaysa.
 
Xaruntan warfaafineed  ayaa ah goob aay ka diiwaan gashan yihiin warfaafinta caalamiga iyo kuwa lokalka  ah ee ka howl gala xarumaha Qaramada Midoobay ee Geneva,iyagoo ay saxaafadaha badankoodii soo xaadireen si aay u dhageeystaan is la markaana u faafiyaay war saxaafadeedkan. Ururka Xuquuqul Insaanka Ogaadeenya ayaa halkaa ku soo ban dhigay wajiga dhabta ah ee taliska arxanka daran ee gacanta ku haya awooda itoobiya iyo sida uu u meelmariyo tacadiyada qorshaysan oo uu ku fuliyo shacabka dulman .
 
War saxaafadeedkan oo sacday mudo ka badan saacad iyo badh ayaa lagu xusay gabood falada ka dhanka ah xuquuqda biniadamka sida: dilka shacabka, kufsiga, xariga, cuno-qabateeynta ula kaca ah oo keeni karta macluul iyo abaar baahsan oo ku habsata dadka iyo duunyadaba, ee uu sida badheedhka ah u sameynayo gumeysiga itoobiya, ujeedaduna tahay sidii umada reer Ogaadeenya wadankooda loogala wareegi lahaaa isla markaana kheyraadkooda looga manaafacaadsan lahaa.
 
War saxaafadeedkan ayuu lagu codsaday in wadamada Mareykanka, Midowga Yurub, iyo wadamada xorta ah ee jecel nabada iyo cadaalada soo fari galiyaan sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada ka taagan Ogaadeenya  xilna is ka saaraan ka hortagida dhibaato kale oo ku timaada shacbiga Ogaadeenya, is la markaana ku qasbaan gumaysiga itoobiya in aay meel mariso dhowrida xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta Ogaadeenya iyo rabitaankoda aayo ka talineed.
 
Eryidii itoobiya ee Ururka Laanqeeyrta Cas iyo dilkii badhhedhka ahaa oo aay u geeyteen masuuliyiintii heyada OWDA, ayaa waxey muujinaysaa in itoobiya aay go’aansatay xasuuqida shacabka iyo sida aanay u dooneeyn in cid markhaati noqon karta aay ku sugnaadaan dhulka Ogaadeenya. 
 
Ururka Xuquuqul Insaanka Ogaadeenya ayaa war saxaafadeedka ku soo gaba gabeeyay baaq iyo codsiyo loo jeediyay Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo heeyadaha caalamiga ah ee xaq dhorka xuquuqda asaasiga ah ee bani’aadanka in aanay indhaha ka laaban xusuuqa qorsheysan oo uu go’aansaday taliska Addis-Ababa, isla markaana aay fulinayaan ciidamada cadowga ee jooga dhulka Ogaadeenya.
 
Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo gudoomiyaha JWXO oo ka dagay Washington DC. 
 
 ¨Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo gudoomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa 09-08-2007 ka dagay  gegida Diyaarahada Caalamagiga ee Dulles International Airport, Washington DC, subaxnimadii darraad markay saacada Washington, DC. ahayd 8:15AM.

Waftigan ayaa waxaa weheliya Hogaanka Arimahada Dibada ee JWXO, Mudane Abdirahman Mahdi.

Sida uu noogu soo waramay wariyaha RX ee magaalada Washington DC Xuseen Alifle Waftigan ayaa u yimid wadanka Maraykanka  hawlo la xiriira halganka ay JWXO ugu jirto aayo katashiga shacabka Ogadeniya iyo arimo kale oo muhiim ah,faahfahinta iyo wixii kazoo baxa socdaalka waftigaasna waxaad ku maqli doontaan idaacadahayaga soo socda.
 

11 August 2007

Axmed Gaal-Eri

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmahaa Talaadada & Sabtida  7:00PM – 7:30  waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 12, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com