SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden... Akhri...

bananbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

sandiego
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA.. Akhri

swiss
Banaanbixii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland Akhri
finland
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland.... Akhri

minneapolis
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota.. Akhri

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK... Akhri...

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...

sweden
Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay...
Akhri..
::FAALLADA TODDOBAADKA::
ItoobiyaFaallo: Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa sidii in Tigree marti looyahay... Akhri
::HADALKII MINGISTE 1978::
Mingiste"dagaalka ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa gudaha Soomaaliya” Mingiste 1978... Guji...
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL:::
GurbiyeCali Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar sabankoodi joogtaye,.. Akhri...
::MAQAALKII XASAN CARAB::
carabMa Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga: Guri uu Deganaan Jiray Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri
:::TACSI:::
Waxaa tacsi loo dirayaa, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso. Tacsi
::TACSI:
Tacsi: Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye oo 20kii May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka Sweden... Akhri
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:
dhegaweyneJawaab Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr. C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri..
:::QORMADII: SACIID FURAA:::
saeedArdaydii Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA::
dholawaaCiise Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji
:::MAGAALADA BORLANGE:::
shiilBorlänge & Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda Soomaalida Borlänge Akhri...
:::DUBAI - BOOSAASO:::
dhagaxGanacsato Qoraal ka soo saaray Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri...
:::SHIDAALKA PUNTLAND:::
Puntland OIL
Puntland iyo Batroolka: Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo... Akhri...
:::LAASCAANOOD:::
laascaanood
Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee Laascaanood....
Akhri...
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
awareMaxkamadda Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?... Akhri
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
cadde muuseCadde Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho, Hadii la dooran waayo-se maxuu samayn?... Akhri...
:::QORMADII WARDHEERE:::
Xog muhiim u ah Soomaalida ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka ee dalbanaya.. Akhri
:::RAADKA GUMEYSIGA:::
kufsi
Gabdhaha Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen.
:::MAQAALKII HEEBAAN:::
qalinQalin-ku-dirirka Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin damac waalan oo... Akhri
:::DOODII ALJAZEERA:::
dood
Doodii Dhexmartay:- Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya Akhri
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL::
Xaal iyo Raali galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland - Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri...
::GABAYGII INJ. NABADDOON::
qoraal NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri...
::GABAYGII XASAN GARAAD::
garaadGabay Cusub: Guuley Allahayow: Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye Akhri
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI:::
cshukriJawaab celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya... Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri..
:::CALI MAHDI:::
mahdiCali Mahdi ma Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!.. Akhri
:::MAQAALKII C. GUULEED:::
guuleedSomalinimadu maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa sannadkii 1990 Akhri
:::INNAGA iyo XABASHI:::
tigreeInnaga iyo Xabashi - Qaybta 3aad:  Imaam Axmed Guray (1506– 1542)... Qore: Faisal
:::ABSHIR BACADLE:::
AbshirAbshir Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey rabaan.. Akhri
:::MAQAALKII XASAN MIRE:::
hasanKacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: - Akhri...
:::BATROOLKA (OIL):::
Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad
 

Gumaadka Saxafiyiinta, Gabrana Og Geedina Jecel.

WQ. Maxamed Barre Haaji Cumar "Fiyoore"

fiyoore@hotmail.com


C/laahi Yusuf ayaa in badan lagahayaa in qorshihiisa labaad kadib Xasuuqiisa Muqdisho ay udagsan tahay in uu Afka u dhigaa Saxaaafada Muqdisho oo iyadu ku barbaartay Xornimo waxaana la xusuusan karaa in Kulankii C/laahi  Yey Magaalada London kula yeshay Horaantii Sanadkan Xigtadiisu kaga dalbadeen in uu wax ka qabtaa Saxaafada Afka dheer Taladaasoo uu  Odagu aad ugu Jidbooday.

Saxaafada Muqdisho oo iyadu waqti  xaadirkan Calowsan qaar badan oo kamidana ay u haanyoodaan Gubeysiga halka qaar kalana ay si cad u tabiyaan Wararka dhabta ah ee dhaca ayaad moodaa in Shacabka Muqdisho ee uu Xasuuqa ku socdo ay dugsadaan Saxaafada tabisa Cabashadooda iyadoo ay taa dhibeyso Gumeysiga Madow ee uu Gabre Hormuudka ka yahay Geedina Galbiyaha ka yahay.

Safaarada Gumeysiga Madow ee Muqdisho ku leedahay ayaa 7 bishan Agoosto waxey u hanjabtay Idaacada Shabeele iyadoo waliba hadal saangadasha ah ku tiri "Maad noqotaan sida Idaacada Hornafrik" tasoo daliil u ah in ay soo maaganayeen Masiibadan ay ku haligeen Mahad Axmed Cilmi iyo Cali Iiman Sharmarke Alle ha uraxmadee iyagoo markaa uga gol leh sida Marxuum Cali Iimaan Sharmarke cadeeyey in ay Amusiyaan Codka kuwa la dilayo, la Qixinayo, dhibka joogtadana lagu hayo, lakiin nasiib daro isagana kama aysan reebin in ay aamusiyaan madama uu u muuqday shaqsi aad ufahansan in Tigreega iyo Dabadhilifkooda Dilka Mahad ay ka danbeeyaan sida qofkastaa ka dha`dhansan karo hadalkiisii uu siiyey Sacado kahor inta uusan dhiman Idaacada BBC.

Sirdoonka Itoobiya oo ay aad u dhibtay Run sheega Mahad oo aan ku Xusuusto anigoo moog Dhowr Bilood Aragiisa Malma ka hor   Dilkiisa in aan dhageystay isagoo Wareysanaya Hooyo Soomaaliyeed oo Magaceedu ahaa Mako oo leh Sagaal Caruura kuna rafaadsan Jidka dheer ee isku xira Muqdisho iyo Afgooyo, waxaana Su`aalihiisa ka dha`dhansanayey in uu dareen guud katusinayey  Shacabka Somaliyeed ee aan Dalka joogin dhibka heysta Hooyadan Soomaaliyeed, dabcan arinkaa aad ayey udhibtay Xukuumada Daba dhilifka iyo Taliska Itoobiyaanka ee Dalka heysta.

Malmahan oo aad loo dareemay in Ciidamada Gumeysiga ay gabeen laafyadii  laguna Riiqay Xarumaha ay ka dagan yihiin Caasimada Xamar ilaa Jigjiga aadna ay usoo xoogeysteen Xaq udirirka Ciidamadooda kuwaa oo iyagu Maa`mula Habeenkii Muqdisho halkey doonana ku Oohiya Cdowga iyo Raaciyadiisa ayaa  Sirdoonka Gumeysiga arinkan uga gol leh in ay isaga hor kenaan Shacabka iyo Ciidamada dar Alle iyo Dal xoreynta udarban tasoo laga dheehankaro hadalka Geedi shalay bixiyey isagoo ilowsan in dhagartiisa la fahansan yahay isagoo yiri "waxaa ka danbeeya kuwii dadka Dili jiray hadana Shacabka waa fahmeen waana in ay la shaqeeyaan Ciidanka Aamaanka".

Mahad Axamed Cilmi wuxuu ahaa Shaqsi marka laga doodayo Arimaha Siyaasada ee ay Wariya`yasha Idaacada Honrafrik Subixii Barnaamij baxa soo wada fariistaan mid aad u difaaca Wanaagii ay sameeyeen Midowga Maxaakiimta Xiligii ay ka ariminayeen badi Guud ahaan Koonfurta Somaliya isagoo aad ugu dheeraan jiray is badalka lama ilaawanka ah ay abuureen, waxaa hubaala in Arimaha uu Eersaday ay tahay Walaalkeen Mahad.

Bilihii ugu horeeyey ee sanadkan 2007 oo aan ahaa mid ku Dhuumaaleysta Magaalada Muqdisho ayaa Dhacdadan Naxdinta leh  i xasuusisay fariimihii aadka udarnaa ee iiga imaan jiray Nabadsugida Daba dhilifka ee uu Madaxda ka yahay Darwiish iyo kuwa Gumeysiga iyagoo igu raad joogay balse    uusan alle ku guuleyn in ay iqabtaan ilaa Maantana aan ka daalin in ay soo diraan Handa`daadyo kulul si ay u Aamusiyaan Qalinkeyga  iyadoo qaar badan oo Saxafiyiina ay Cagahooda kaga baxeen Xamar oo ah halkii ay in badan ka shaqeynayeen Shacabkana uga adeegayeen kadib halis lasoo gudboonaatay Naftooda.

Daah nagama saarno qaar badan oo Saxafiyiinta ka mida in ay Wadaniyiin yihiin Dalkooda iyo Diintoodana aysan Dhex dhexaad ka aheyn sida ay na bareen 16 sano ee lasoo dhafay Hey`adaha Galbeedka tasoo jahwareerisay Wariya`yaal badan Fikirkaana uu noqday mid qeyb ahaan Guuleystay iyadoo Saxafiyiintaa Ilowsan in Idaacada BBC ee uu Ingiriisku leeyahay  xitaa aysan dhex dhexaad ka aheyn arimaha Dalkeeda iyo Diinta Boqorada heysto, waxaase Hubaala inta fahantay dhagartaa wali la faafinayo in Qalinkooda iyo Codkoodaba sii shaqeyn doono inta Naftu ku jirto Dalkuna Xornoqonayo  

Bahda Saxaafada waxeysan iloobeyn Fir fircoonidii uu lasoo shaacbaxay Wariye Marxuum Mahad Cilmi isagoo ahaa shaqsi aad isaga xilsaara kahadlka Arimaha quseeya Bulshada  tasoo ay tabidoonaan in badan oo kamida Dhageystayaashii barnaamij subaxeedkiisii   uu u Godgalay, anigoo ku bartay Sanadahan aqaanay Mahad Shaqsi Uruursan halka Cali Iimaan ahaa Muwaadin aan ku garanayey  in uu markasta wadahadal wax ku xaliyo tasoo aan ku xusuusan karo intii aan Xamar ka shaqeynayey oo aan Macriifa ulahaa Fadhiya badan oo Saxafadeedna wada fariisanay Bahwadaagna ku aheyn Badweynta Saxaafada iyadoo Aaska Marxuum Cali Iiman Sharmarke uu iska soo xaadiriyey Gabre si uu u Jahwareeriyo Ra`yul Caalamka iyo Umada Soomaaliyeed waxaase Saxafiyinta la gudboon in ay Taxadaraan ogaadana  in Gumaadka Saxaafada Gabrana og yahay Geedina Jecel yahay


WQ. Maxamed Barre Haaji Cumar "Fiyoore"
fiyoore@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 13, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com