SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dibigii Caddaa Weli  Ma Dhiman!!!

Mohamed Ahmed Wallays

Markii nasiib darrada weyni ku dhacday dhulka soomaaliya gaar ahaan markii ay ciidamada Xabashidu “njijaaseeyeen” xeebaha Banaadir iyo Jubbada Hoose, dadku waxay (fag-tii hore) ku kala duwanaayeen sida loo arkay waxa dhacay iyo sida habboon ee loola  macaamili karo, laakiin 8 bilood ka dib, qof kasta wuxuu yaqiinsaday inay soo degtay masiibo weyn iyo  shar barax  la’ oo qof  ka aamin ah uusan jirin!!.  

Dilkii akhlaaq xumada iyo arxan-darrada lahaa ee loo geystey marxuum Maxamed Xasan (Dhiil), xaafadda Sanca ee magaalada Muqdisho, waxuu far waaweyn wax ugu qorey kuwii aysan weli u kala caddayn Xabashidu cadaw iyo saaaxiib midka ay yihiin!. Waxay dad badani arkayeen markii ay isaga iyo mootadiisii ay baabuur weyn dul-marsiiyeen dhulkana ku malaaseen ee uu sidi xabbad qare ah dhiiggiisii daahirka ahaa u buuxiyey goobtii ay ku legdeen,  ka dibna isaga dhaqaaqeen iyagoon wax xil ah iska saarin. Haddaba waddanka ay taasi ka dhacayso ma waxaa ka talisa dowlad Soomaaliyeed mase waa waddan gumaysi ku jira? Ergada shirka (sirta) dib-uheshiintu ma awoodaan inay arrinkaas iyo kuwa la midka ah uga doodaan shirkooda??. 

Maxaa Nalaku Maagay?

Dhibaatada Geeska Afrika waxay soo jirtey waaya badan, waxayna soo martay marxalado badan, iyadoo marna kici jirey marna qaboobi jirtey. Colaad kasta oo labada ummadood (Somalida iyo Xabashida) dhex martay reer galbeedkii hore ee macantableyda ahaa (Sida Boortaqiiska), shuuciyiintii diin-laaweyaasha ahaa(Sida Ruush-ka), iyo kuwa maanta dimuqraaddiyadda sheegta (Mareykan iyo xulafadiisa) mar kasta waxay xigeen dhinaca Itoobiya, waxaana ka go’nayd inay hubiyaan adkaanshaheeda.

Sida la ogyahay Itoobiya iyo soomaaliya isku mar ayaa bur-bur ku yimid. Itoobiya waa loo soo gurmaday lana badbaadshey, Soomaaliyana waxaa la maal-gelieyey burburkeeda! Haddaba dowladdii Maxamed Siyaad ma asal raac ayay ahayd? Sidoo kale waxaa la burburiyey Dowladdii Carta oo, si ay u qanciso reer galbeedka baabi’say maxkamado islaami ah oo jirey waagaas, iyadoo dhoofinta dadka la raadsanayana ay xoogeysatay waagii dowladdass, haddaba maxaa loo burburiyey maadaama ay diyaar u ahayd inay raalli geliso reer galbeedka?  

Maadaama ay caddahay in qorshaha burburinta soomaaliya uu yahay wax horey loo dejiyey, Maxkamadaha lugu marmarsoonayayna ay yihiin wax ka dhashay burburintii dowladda iyo firaaqadii ka soo baxday, maxaa loo qaadan karaa inay nugu haystaan reer galbeedku iyo reer Bariguba?

Anigu waxaan qirayaa inaanan jawaab aan hubo u haynin, haddii aysan ahayn inay raadinayaan si ay meesha uga saaraan sheegashdeenna  ah inaan nahay muslimiin 100%.

Maxaa lugu fasiri karaa in waddankeenna ay dhibaato ka abuuraan (oo qabqablayaashii maal geliyaan), qaxootigeennana daabulaan? Maxay tahay sababta ay Itoobiya gacanta noo geliyeen? Maxaa loo fahmi karaa hadalkii Jandai Frezier ee ahaa “Suurta gal maaha iyadoo 70 Milyan ay bad la’yihiin, in  10 Milyan ay haysato xeebta dhererkaas leh!!” miyuusan meesha kasoo “shiiraynin”  shirqool  weyn oo soo xaluulanaya.. dhibaatadiisuna ay billow tahay?

Kuwa madaxa ciidda gashada (si ay xaqiiqada uga dhuuntaan), waxay jecel yihiin in dhacdooyinka laga soo billaabo Idaale iyo Daynuunaay (oo wax kasta dusha looga tuuro Al-shabaab!), waxay jeclaan lahaayeen in xasuusta laga masaxo taxanaha taariikhda gobolka iyo sababaha runta ah ee degganaanshaha u diiday. Dhacadaii 11 sept dhowr maalmood ka dib liis “madow” oo la soo saaray, soomaaliya way ku jirtay iyadoo markaas aysan ka jirin wax halis ku ah reer galbeed iyo cid kale toona, Haddaba sow meesha kama muuqato in mar kastaba naloo dan lahaa?

Waayuhu casharro badan waa noo dhigeen haddii aan wax ku qaadanayno. Waxaan soo barannay inaan duruufuhu xaalad kaliya ku nagaan oo ay is-beddelaan. Ilaahay waxba lama aha inuu (goor dhaw) na tuso xabashi oo hilbahooda la weray, meel kasta oo ay Soomaliya ka qabsadeenna laga dahiray. Guusha iyo guul darrada Ilaahay baa go’aankeeda leh, waxaase naloo kaga baahan yahay inaan waajibkeenna gudanno si aan u filanno guusha Alle.Waxaa laysaga baahanyahay samir. Dagaalku cid uusan xanuunjinayn ma jirto. 

Muuqaalka runta ah  ah ee Muqdisho!!

Muuqaalka runt ah ee Muqdisho waxaa tusaale u ah:  25 July 2007, Ciidamo Itoobiyaan ah miino kula kacday jidka warshadaha ilaa uu hilibkoodii kor fuulay guryaha saqafyadooda!! Isla habeenkaas agagaarka Hotel Ramadan meel aan xaafaddayda u dheerayn ayaa Ciidamada dowladda FKMG ay wadar-abaadiyeen dumar qaarkood waayeel yahay qaarna umulo qaarna carruur yar yar… maalintii xigteyda oo ay mudaaharaad usoo baxday xaafaddii falkaasi ka dhacay, iyo ciidamada dowlada (isla kuwii falka geeystay) oo xabbado ku kala eryey.. sidoo kale nin aan deris nahay oo xiran muddo ka badan bil.. oo lasheegay inaan ilaa iyo hadda la weydiinin wax ka badan magaciisa!!!! Arday iyo macalimiintoodii oo laga kaxaystay dugsi ay wax ku baranayeen, dad bukaan ah iyo dadkii la joogay oo lagala baxay Isbitaal…iyo reer gurigoodii dab la qabadsiiyey markii wiilashoodii lala baxay ka dib. In marka la arko muuqaalka ciidamada dowladda iyo Itoobiyaankooda laga kala cararo si aysan ugu ciil bixin marka ay mujaahidiintu xanuunjiyaan!!..Habeenkii Xabashida, dowladdeeda, iyo shacabkaba  waxaa usoo hoyda argaggax, cabsi iyo welwel. Dowladda iyo Itoobiyaanku waxay ka baqaayaan in lasoo weeraro (waxaa casho joogto ah looga dhigay qarax iyo dhimbilo), shacabkuna waxay ka bayaan in laga aargoosato. waa meel la wada baqaayo, Shacabku waxay ka baqayaan xabashida, xabashidu waxay ka baqaysaa mujaahidiinta, mujaahidiintuna waxay ka baqayaaan Allah!!. 

Muuqaalka beenta ah ee Muqdisho!!

Shirka (sirta) dib-uheshiisiinta qaranka oo ay fadhiyaan ku dhawaad kun ergo ah oo ka kala socota qabiillada soomaaliya! Hawl kasta oo socota ujeeddadeeda wax uun baa laga fahmaa marka laga reebo shirkaan. Waxaa isugu yimid qeybaha bulshada soomaaaliyeed ay ka koobantahay qaarkood sida :Aqoon-yahan, culimo, kaluundi, muqayil, qaac-raac, geeda-fuul, foor-foorshe, anaanuf, ardaal, tubaaka-cun, fuumatoore, nay-nayle, buuta-foori, daanaq, il-kuleeble….looma kala harin. Waana laysku dhex-jiraa!! Waa dhab inay qabiillada Soomaaliyeed oo dhan ka kooban  yihiin!.. laakiin yay la dagaashan yihiin kuwaasi oo ay la heshiinayaan?. Wax kasta waxaa ugu  muhiimsan lacagta ay hay’adda UNDP ugu tala gashey socodsiinta shirka.. Natiijada kaliya ee ka soo bixi karta shirkaas waxaa waaye “Itoobiya waa ku saxnayd inay soomaaliya qabsato, waxayna sii joogi kartaa inta ay doonto!!” cidii natiija kale ka sugta waxay biya moodday dhaan-daba gaalle, wayna ku hungoobi doontaa. 

Waxaa yaab leh sida xirfadda leh ee loo soo xulay dadka shirka hogaaminaaya. Mudane Cali Mahdi waxaa muuqata inuu kasbaday xirfad cusub oo xagga jilitaanka ah. Isagoo og in muhimmadda shirku ay tahay dhaqaalaha UNDP, haddana wuxuu awoodaa inuu yiraahdo waxaan wadnaa dib-heshiisiin!. Waa kee qofka aaminsan in dhibaatada soomaliya lagu xallinayaao reer hebel ayaa loo “hoyday” iyo beel heblaayo ayaa cimaamad la saaray??! Mudane Mahdi wuxuu ogyahay inay dad badan oo xigtadiisa ah ay xabsiyada ka buuxaan iyadoo badankooda wax lugu haysto aan la ogayan. Wuxuu ogyahay in daka guryahooda lagala baxo meel lala aadayna uusan weydiin Karin. Wuxuu ogyahay in dalka cidda ka talisa aysan ahayn dowladda federaalka soomaaliya, balse ay tahay dowladda federaalka Itoobiya. Wuxuu ogyahay in arrintu ay aad uga qotta dheer tahay in xoogaa kitaabo ah  la dhex dhigo dad aan ixtiraam u haynin oo ay kala boobaan, qaarkoodna horey suuqa laga geeyo.. Annaguna waxaan ognahay inuu Itoobiyaanka uga hortegay Afgooye kuna yiri “Soomaalida hubka xoog uga dhiga!!”.  Xasuusin: Mudane Mahdi (wax kasta haddii la sameeyey) waxaa laga qancin waayay mar ay ku fudaadeen qaar ka mid ah ciidamadii maxaakimta oo ay ka qaadeen hub lagu waardiyaynayay, Ilaa ay madaxdii maxaakimtu ay idaacadaha si cad uga cudur-daarteen, Muxuu rabaa in lagu qanciyo kuwa iyagoo arkaaya xaasaskoodii ay gaalo hortooda ku fuushey? Kuwa wiilashoodii lala baxay habeen madow oo aan raadkooda iyo raqdooda la hayn? Kuwa maalin kasta ay xabashidu iyo mooryaantu ku shiish bartaan? Kuwa inta masaajidda laga kaxaystay lagu soo gaday kummanaan dollar.? Ma awoodaa inuu hawlahaas oo hordhigo shirkiisa?? 

Yaa fiican Ciidamada Dowladda iyo Itoobiyaankeeda??!

Yaa roon dhurwaa iyo waraabe??. Waxaan maqli jirey “markii Furuq la arko waraabow fara ka leef-leef ayuu noqdaa”, markii Xabashi la arko mooryaan waxuu noqotay i qarso, marki laga reebo kuwa soomali la moodi jirey laakiin ay caddaatay inay xabshi ahaayeen. Mooryaanu inta badan dadka wey xirtaan si ay u gataan, laakiin xabashidu qofka ay qabsadaan xitaa haddii aysan goobta ku dilin ma jirto cid kala hadli karta kuwa ugu sarreeya ee isu haysta inay keensadeenba ha noqotee!! Waxaa wax lala yaabo ah in inta badan dadka ay dileen ama ay xireen ay yihiin kuwii iyaga taageeri jirey.. waxaan garan waayay inay tahay caddaaladdii Allee oo soo deg-degtay iyo inay  si kale wax u jiraan!! 

Durdurada Maxamed Dheere & wadka loo siman yahay!

Waxaan inta badan maqalnaa Maxamed Dheere oo yiraa wax kasta cagtaan marihaa.. cidii xabashi isku taagta carradaan ku noolaa mayso!, iyo Qeyb-diid oo leh kolley dadka Burcad uma marin doonno! Laaakiin waxay illoobeen in wadka loo simanyahay. Waxay moodeen kol haddii ay Xabashi Xamar timid in adduunkii halkaas ku dhamaaday, laakiin durdurada waa looga horreeyey..waana looga dambayn doonaa. M. dheere beri ayuu Jawhar xukumi jirey, meel kasta wuxuu moodaa Jowhar. Muqdisho Jowhar maaha, Al-shabaabna Mooryaantii uu marada u taagi jiretey maaha. Arrin kasta waxay leedahay duruufteeda iyo xalkeeda.  Koleey wuxuu u shaqeynaayo waa Xabashi, waxa uu tacbahaayana waa godob,  suuska uu ku ahmaahdo ayaana loogu gudi doonaa.

Ma shan- baalaa shuqulkiisa!!          Shimbirow shuushi yaqaane!! 

Dadkuna Waa Badeeco!!

Ka ganacsiga dadku maaha wax ku cusub Soomaliya gaar ahaan Muqdisho, laakiin Maxkamadihii Islaamiga ka hor waxaa laga ganacsan jirey dadka aysan qabiilladoodu hubysnayn. Laakiin markii waddanka loo qabtey kuwii dadka ku gadi jirey Sii-sii, Sey-biano iyo Bermuda, waxaa muuqata inay ganacsigoodii sii ballaariyeen, oo markaan ay cid kasta gadmi karto. Sida ay badeecadu u kala qiimi sarreeyso ayaa dadkuna u kala qiima sarreeyaa. Sida badeecada sicirkeedu ugu xiran yahay dalkii ay ka timid, dadkuna wuxuu qiimahoodu ku xiranyahay qabiilkooda, astaamahooda diimeed, bal-wad la’aantiisa iyo xoolaha ay haystaan. 

Kufsiga Qaranka Iyo Kufsiga Muwaadiniinta!!!

Waxaan marar badan maqalnaa ciidamada dowlada oo kufsaday.. qof dumar… islaan waayeel ah.. mid umul ah.. gabar yar… waxaa muuqata in markii ay xarig la kala gaari waayeen ay goosteen inay “caarkooda” uga caana maalaan!.

Wargays la oran jirey SHUMAC oo kasoo bixi jirey waqooyiga Muqdisho sanadkii 1992-dii wuxuu qoray in taccaddiyo kufsi ah oo ka dhacay xaafada Shangaani ay qaar ka mid ah masuuliyiinti xilligan ee gobolka Banaadir si shakhsi ah ugu lug lahaayeen … .hadii uu qoraalkaasi run ahaa ….. ma moodaa inay dhacdooyinku is-fasirayaan?? Kol haddi ay nimankaasi kufsadeen Qarankii Soomaaliyeed, maxay la tahay inay muwaadiniinta  kufsadaan?? 

Xiddig kale ayaa dhacay!!

Markii ay barwaaqada tahay ama libin lugu jiifo raggu waa wada rag.. garka iyo “qurdaha” waa laga simanyahay.. laakiin waxaa lays bartaa markay dhanaanaato.. Xaaji Cabdi imaan Cumar iyo C/llaahi Sh. Xasan, lagama filayn inay meeshaas ku leexdaan, laakiin rag meeshii loo malayhaayay ka hoos maray waa badan yihiin.. haddii uu dariiqu dheeraado waa iska caadi in qofba meel ku xiiqo …. dhib ma laha waa muhiim in “ragga” iyo “rahu” ay kala cad yihiin! meeshaan dhex-dhexaad ma jiro qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu ka soo jeesto meeshii uu saxda u arko!! hangaraac-na lug kaliya uma dhutiyo! 

Mooshinka Baarlamaanka !!

Qofkii mar uun tega xarunta barlamaanka ee Baydhabo.. waxaa u caddaan lahayd waxa lugu sheegay barlamaanku waxa ay yihiin. Wuxuu arki lahaa muqayiliin  marna marqaansan, marna qaadiraysan.. marna hurdaysan. Waxaa isweydiin leh ma run baa inay dan ka leeyihiin in xukuumaddu wax qabato iyo inaysan qaban???? Maxay tahay wax qabadka ay xukuumadda ka sugayaan kol haddii waddanka in la gumaysto ay sharciyeeyeen? Haddii ay dhab tahay in uu jiro mooshin wax lugu ridayo waxaa hubaal ah inuu jiro qof ay Itoobiya nacday!! ee tolow waa kee qofkaas?? Safarka deg-degga ee Prof. geeddi ee Adis-ababa waxaa loo fahmi karaa inuu isagu isu qaatey cidda loo dan leeyahay.. uuna goostey inuu isa soo “dahiro!”, waxaana muuqata inuu ku guulaystay (ugu yaraan waqtigaan!). 

Dhaqaalaha Dekedda Iyo Garoonka Muqdisho.

Waxaan arkay warbixin ay soo saareen guddi lugu sheegay inay ka tala bixiyaan ama kormeraan lacagaha ka yimaada dekedda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaan hubaa inay astureen ceebo badan laakiin.. arrin waxaa jirta ka baxsatay.. dekedda iyo garoonkaba lacagahooda kuma filna..kharashaadka ay u baahanyihiin , xitaa ciidamada ilaaliya wax mushaar ah ma qaataan!!! Waqtigii Maxaakimta garoonka iyo dekedda waxaa mushaar ka qaadan jirey dad ku dhow labaatan kun oo qof (haba u badnaadeen ciidamadii maxaakimta..), haddaba maxaa is-beddelay iyadoo la ogyahay in cashuurihii la laba laabay ???? jawaabtu waa koobantahay.. waddanku gumaysi ayuu galay. Tusaale ahaan dadka Ciraaq waxay ka mid ahaayeen dadka ugu dhaqaale iyo nolol fiican caalamka, maanta maxaa xaalkood yahay?? 

Baasaboorka cusub & mixnad kale!

Waxaa muuqata in dowladda federaalku aysan ka tegayn dariiq kasta oo  ay dadka ku cariirin karto, waxaa war ka taaganyahay baasaboorka cusub ee soo saareen.  Bishii June billowgeedii Col. Gaafow oo soomaalidu aad u taqaanno ayaa yiri bishaan wixii ka dambeeya luguma safrin doono baasaboorkii hore…Waxaan is weydiiyey Col. Gaafow waa ogyahay inaan muddadaas waxba ku suurta gelayn.. ma is-yeel-yeelayaa mase wax loo soo qoray ayuu akhriyey? Baasaboor-ka cusub inuu hir galo wixii fududayn lahaa ma samaysay dowladdu, immisa meelood ayaa laga heli karaa Baasaboorka Cusub? Aaway baasaboorka dukumintigii ka horreyn jirey oo laga tix raaci jirey qofka baasaboorka loo samaynaayo.. waxaan ognahay inaysan jirin dukuminti aqoonsi iyo sugnaan midna .. sida aan ognahay waxaad u baahantahay inaad lacag bixiso oo aad soo qaadato baasaboorka cusub. Haddaba muxuu kaga duwan yahay midka yaalla suuqa C/lla shideeye , inuu ka qaalisanyahay maahee?

Bishi July sidoo kale waxaa ka hadlay Prof. Geedi isagoo u qabtey muddo cusub oo ah laba bilood. Haddaba waxaan hubaa inaan muddadaas  waxba suurta gelayn lakiin waxaa laga yaabaa inay tahay tab kale oo lagu ciqaabayo  muwaadiniinta.. si looga dhigto sabab kale oo qofkii la doono lugu xirto si looga xoola qaato!! 

Ganacsatada Bakaaraha & taladii sheekh  Fu’aad

Waxaan xasuustaa in maalin uu Sh. Fu’aad Mohamed Khalaf (Allaha dhowree) uu ka istaagay masaajid ku yaalla Suuqa Bakaaraha intii uu socday dagaalkii weynaa ee Muqdisho ku dhex maray kooxaha iska caabbinta iyo Itoobiyaanka, wuxuu ku yiri waar niman yohow naftiinna iyo maalkiinna hadda isku difaaca, wallaahi haddii ay wiilasha yar-yar ee hor taagan soo jiraan, in aydaan si xor ah u ganacsan doonin… waaad ka shallaayi doontaan hadii aad moodeen in Xabashi ay dad gaar ah raadsanayso!! Maanta hadalkiisii ma soo baxay mase maya? Jawaabta waxaan u daynayaa ganacsatada bakaaraha (Haddii ayba wax akhriyaan!!).

Al-shabaab  & walaalohood!!

Afkii lugu yiri is qaban waa.. ilaa Oday Bush .. Condaliza… idaacad kasta oo aad dhegeysato xitaa haddii aadan fahmayn…waxaad ka maqlaysaa “Al-shabaab”. Maxay yihiin A-lshabaab iyo walaalahooda ay isku dariiqa yihiin? Qola kasta waxa ay jeceshahay ayay ku sheegtaa. Reer galbeedku waxay ku sheegaan argagaxiso, Prof. Geeddi wuxuu ka daba yiraa waxa ay dhahaan .. Maxamed dheere wuxuu ku sheegaa qabiil!! Al-Islaax (garabka fasakhmay) waxay ku sheegaan niman gacan fudud oo faham-koodu hooseeyo… Culimada dowladdu waxay  ku sheegaan niman dowlad diid ah oo mudan in la ugaarsado!! Britsh Broadcasting Corporatioj waxay ku sheegtaa niman mayal adag… idaacadaha Muqdisho waxay ku sheegaan.. dabley aan haybtooda la garanayn!!! Bashiir Raage wuxuu jecel yahay inuu ku sheego Gafuurra-duub!!.. Bulshada Rayidka ahi magacooda waa iska ilaaliyaan inay si furan uga hadlaan, laakiin warbixinnada hoose ee  ayay ku qoraan. Iyagoo sheega inay halis ku yihiin mashruuca reer galbeedka iyo xabashida ee waddanka!!

Maadaama siyaabo kala duwan looga hadlay..  anna ii oggolaada inaan ugu yeero "dhacantii ummadda", (ooddii) umadda.. difaacii umadda.. xayn-daab ay dhurwaayadu ka caageen  ilaa dugaagga caalamka oo dhan uu isugu yeertay…..kuwa taariikhda cusub ee Geeska Afrika ku qoray dhiiggooda.. kuwa aan geerida ka haybaysan…waxaan u haystaa inay yihiin mujaahiddiin.. inta aan ka aqaanno midkoodna kuma ogi inuu xoola jecel-yahay, ama inuu qabiiliiste yahay. Waxay ila tahay in xitaa qofkii aan iyaga jeclayn uu jeclaado sida ay xabashida u halakeeyaan!.Sida ay dhagar qabayaashu.. uga cabsanayaan, iyo sida aysan dheg jalaq ugu siinayn caga juglaynta . Waxay ila tahay inay ixtiraam mudan yihiin!

Run ahaantii ma jirto aqoon hore iyo xiriir toos ah oo igala dhexeeya laakiin waxaan ahay shaahid  dhacdooyinkii Muqdisho dhamaantood xaadirey  iyo goob-jooge xaq u leh inuu makhaati furo..Ma difaacaayo khaladaadkooda. Ma diidani inay muqanayaan daldaloollo.. laakiin qof kasta waxa uu yahay haloo qiro!! Haddii ay khalad leeyihiin dadka kale ayaa ka khalad badan. Waxay ila tahay qofkii doonaya inuu u caqli celiyo inuu marka hore garabkooda soo istaago.. qofkii sidaas yeela oo kaliya ayaa xaq u leh inuu khaladaadkooda tiriyo, qofkii aan sidaas yeeli karin ha iska aamuso dhinacii guulaysta ayaa u talin doonee! 

Maxay uga carareen Goobaha dagaalka?

Qofkii wax ka yaqaanna xeeladaha dagaallada wuxuu ogyahay inaysan markii horeba sax ahayn qaabka golihii Maxaakimtu u wajaheen dagaalka ay la galeen Itoobiya iyo reer galbeedka, Su’aasha saxda ay waxay tahay maxay markii horeba u doorteen iska hor-imaadka furan.. oo ay u dooran waayeen dagaalka “ka dhuumo-oo-gaad!”.. kaasoo ah kan kaliya ee lugu wajahi karo aaladaha halista ah ee ay haystaan Itoobiyaanka iyo kuwa tageera?? Su’aashaas anigu jawaab uma hayo… laakiin waxaan hubaa in dagaalka ay hadda kula jiraan Itoobiyaan iyo taageerayaashooda uu yahay kan kan kaliya ee wax looga qaadi karo… Haddaba qofkii aaminsan inay ka carareen goobaha dagaalka ..waxaan leeyahay ha deg-degin.. dagaalku hadda ayuu billow yahay .. dhacdooyinka hadda socda iyo kuwa la sugayana waa markhaati aan laga murmi karin!!  

Arrin aan ka wel-welsanahay!!

Waxaan kalsooni badan ku qabaa inaan Itoobiya sii haysan karin soomaaliya, waxaana haddaba muuqanyasa inay billaabeen inay xiiqaan, laakin midda aan ka wel-welsanahay waxay tahay kooxaha kala duwan ee la dagaallamaya Itoobiyaanka isku ujeeddo ma yihiin? Khaladaadkii hore ma la garowsaday, mase lagu waana qaatey?  Waxaan hubaa inay ka simanyihiin in Soomaliya laga xureeyo Gumaysiga qabsaday dalkana lugu xakumo shareecada Islaamka.. laakiin qaabkee ayaa loo wajahayaa? khasab maaha in 100% isku si wax loo fahmo laakiin waa in laga midaysan yahay goolka muhiimka ah ee iyo mabaadi'da  asaasiga ah ee aan gor-gortanka geli karin. 

Wax -yeellada Shacabka.

Arrinta kale ee aan ka welwelsanahay waxay tahay wax yeellada howl-gallada qaarkood ka soo gaareysa shacabka, iyadoo markii ay cadawga wax gaaraan uu ku ciil-baxo shacabka, sidoo kale waxaa marrar badan dhacda in nabar cadawgii loo waday uu si kma’ ah  dhibaato ugu gaysto dad shacab ah oo meesha ka dhawaa. Waxaan rejeynayaa in mustaqbalka ay arrintaas wax is ka beddelaan oo  hawl-gallada loo qorsheeyo sida cadawgana ugu dhibaatada badan, shacabkana ugu dhibaatada yar. 

Garabsiga Eretrea.

Eretrea iyo Itoobiya waa laba waddan oo ay Muslimiintu ku badan yihiin laakiin ay kirishtaanku (Orthodox)  xukun adag ku haystaan, hase yeeshee waxa kala duwan danaha ay Soomaaliya ka leeyihiin. Itoobiya waxay doonaysaa inaan soomaaliya cagaheeda isku taagin ama ay ka dhalto dowlad ay iyadu xukunto oo aan wax tar ahayn. Eretrea waxay doonaysaa in ay Somaliya  ka dhalato dowlad xoog leh oo Itoobiya khatar ku ah.  Inkastoo ay iska yaryiin waxa ay qaban karto haddana waxba kuma jabna in xilligaan la kaashado (ugu yaraa inta ay u hoggaansamayso cadaadiska reer galbeedka.) kol haddii ay tahay dowladda kaliya ee si cad u sheegtay inay ka soo horjeeddo qabsiga Itoobiya ee waddanka. 

Sidee waddanka lugu xorayn karaa?

Waxaan arkaa dad badan oo aqoon yahaynno ah oo warbaahinta (siiba internet-ka) wax ku qora . Waxaan aad ula yaaba marka ay qaarkood yiraahdaan .. rabshada hala joojiyo oo Itoobiyaanka fursad hala siiyo.si loo arko waxa ay sameeyaan. dariiq nabad ah halugula dagaallamo!! Dariiqii Mahatma Gaandi iyo Nilson Mandella!! Itoobiyaanka ha lala shaqeeyo si ay nooga tagaan!!! Caalamka ay sheegayaan sow maaha midka annagoo war-moog ah nugu darsaday liiska waddamada ugu khatarsan aduunka??  Caalamku ma aha kii falsafadda Gaandi ay ka socon jirtey.. meel kasta waxay leedahay duruufteeda waxayna u baahantahay xalkeeda.. Annagu halkaan waxaan si ficil ah u aragnay in Itoobiyaan qof ixtiraama uusan wax aan  akhlaaq-xumo ahayn kala kulmayn!!

Beled-weyn iyo dibiga guduudan!!

Waxaa soo muuqanaaya ifafaale ah in Beleweyn ay ku socoto jidkii Muqdisho, Beledweyn waa magaaladii ugu horreysay oo Itoobiyaanku gulufkii ugu dambeeyey kusoo galeen, maamul loo sameeyo iska daaye waxaa la billaabay in layska hor-keeno jawaasiistii itoobiyaanka. Waxay xabashidu Beledweyne ka dhigteen xarun ciidan oo ay ka ilaaliyaan ciidankooda jooga Koonfurta soomaaliya kana weeraraan dadka soomaali Galbeed ee ka soo horjeeda gumaysiga.

Haddaba sheekadu sow kuma socoto tii dibiga cad, dibiga guduudan iyo dibiga madow? Waxaa hubaal ah in Itoobiya aysan ku ekaan doonin Xamar iyo Beledweyn. Haddii magaalooyinka qaar iska dhaadhiciyeen inay ka aammin yihiin dhibaatada Muqdisho oo kale, ha ogaadeen in magaala kasta ay markeeda la bood-boodi doonto.. iyadoo inaysan jirin magaalo kaligeed is difaaci karta  looguna naxariisan doonin aamusnaanta ay manta aamusan tahay.

Nasiib wanaag waxaa muuqata inaan dibigii caddaa(Muqdisho) uusan weli dhimman, laakiin isaga iyo dugaaggii cuni lahaaba ay  dhaawac yihiin, waxaa weli la haystaa fursad dahabi ah oo si wada jir ah looga hortagi karo, waxaana laga yaabaa haddii ay daycanto farsaddaasi inaan dib dambe loo helin. Waxaan rejeynayaa inaanan la shallaayin waqti uusan shallaay wax tari doonin sida ku dhacday ganacsatada Bakaaraha oo kale oo ku riyoonayey in xoogaa laaluush ah oo ay siicaan jawaasiista ay iyaga iyo xoolahooda badbaadin doonto!! 

Wixii aan saxo waa I waa fajiyey Allaah, wixii aan khaldana waa naftayda daciifka ah iyo sheydaan.

Mohamed Ahmed Wallays

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 12, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com