SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden... Akhri...

bananbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

sandiego
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA.. Akhri

swiss
Banaanbixii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland Akhri
finland
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland.... Akhri

minneapolis
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota.. Akhri

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK... Akhri...

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...

sweden
Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay...
Akhri..
::FAALLADA TODDOBAADKA::
ItoobiyaFaallo: Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa sidii in Tigree marti looyahay... Akhri
::HADALKII MINGISTE 1978::
Mingiste"dagaalka ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa gudaha Soomaaliya” Mingiste 1978... Guji...
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL:::
GurbiyeCali Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar sabankoodi joogtaye,.. Akhri...
::MAQAALKII XASAN CARAB::
carabMa Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga: Guri uu Deganaan Jiray Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri
:::TACSI:::
Waxaa tacsi loo dirayaa, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso. Tacsi
::TACSI:
Tacsi: Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye oo 20kii May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka Sweden... Akhri
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:
dhegaweyneJawaab Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr. C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri..
:::QORMADII: SACIID FURAA:::
saeedArdaydii Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA::
dholawaaCiise Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji
:::MAGAALADA BORLANGE:::
shiilBorlänge & Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda Soomaalida Borlänge Akhri...
:::DUBAI - BOOSAASO:::
dhagaxGanacsato Qoraal ka soo saaray Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri...
:::SHIDAALKA PUNTLAND:::
Puntland OIL
Puntland iyo Batroolka: Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo... Akhri...
:::LAASCAANOOD:::
laascaanood
Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee Laascaanood....
Akhri...
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
awareMaxkamadda Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?... Akhri
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
cadde muuseCadde Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho, Hadii la dooran waayo-se maxuu samayn?... Akhri...
:::QORMADII WARDHEERE:::
Xog muhiim u ah Soomaalida ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka ee dalbanaya.. Akhri
:::RAADKA GUMEYSIGA:::
kufsi
Gabdhaha Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen.
:::MAQAALKII HEEBAAN:::
qalinQalin-ku-dirirka Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin damac waalan oo... Akhri
:::DOODII ALJAZEERA:::
dood
Doodii Dhexmartay:- Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya Akhri
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL::
Xaal iyo Raali galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland - Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri...
::GABAYGII INJ. NABADDOON::
qoraal NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri...
::GABAYGII XASAN GARAAD::
garaadGabay Cusub: Guuley Allahayow: Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye Akhri
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI:::
cshukriJawaab celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya... Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri..
:::CALI MAHDI:::
mahdiCali Mahdi ma Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!.. Akhri
:::MAQAALKII C. GUULEED:::
guuleedSomalinimadu maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa sannadkii 1990 Akhri
:::INNAGA iyo XABASHI:::
tigreeInnaga iyo Xabashi - Qaybta 3aad:  Imaam Axmed Guray (1506– 1542)... Qore: Faisal
:::ABSHIR BACADLE:::
AbshirAbshir Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey rabaan.. Akhri
:::MAQAALKII XASAN MIRE:::
hasanKacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: - Akhri...
:::BATROOLKA (OIL):::
Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad
 

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo soo gaaray magaalada Garoowe.

Talaada, Aug 14, 2007: Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Gen.Cade Muuse) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray Magaalada Garoowe ee caasumada Puntland.

Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee CONOCO qaar ka mid ah golaha wasiirada ,golaha wakiilada iyo dadweynaha Magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland iyo wafdiga uu hogaaminayo maalmihii ugu danbeeyey waxa ay joogeen Magaalada Muqdisho ,ayagoo halkaasi kulan kula yeeshay madaxda dowlada Soomaaliya oo ugu horeeya Madaxweynaha dowlada Faderaalka C/laahi Yuusuf Axmed iyo raysal wasaare Cali Maxamed Geedi.

Madaxweynaha Puntland ayaa wuxuu shalay Magaalada Muqdisho kula saxiixday heshiis ka kooban dhowr qodob ,isagoo heshiiskaasina lugu tilmaamay kii ugu horeeyey oo noociisa ah oo ay galaan dowlada Faderaalka ee Soomaaliya iyo Maamulka gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Wasiirka Warfaafinta oo ka waramay waxyaabihii ay kala soo kulmeen magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay tageen Magaaladaasi Muqdisho ayadoo ciidamada dowlada Soomaaliya ay ka wadaan howlgallo kala duwan ,isagoo ku amaaney dowlada Soomaaliya dadaalada ay wado ee ay ku dooneyso in ay ku nabadeyso guud ahaan Soomaaliya.

C/rixmaan Maxamed Bankax ayaa sheegay in maamulka Puntland uu fulin doono dhamaan qodobadii heshiiskaa ee ay kala saxiixdeen dowlada Faderaalka ee Soomaaliya iyo maamulkooda,isla markaana wuxuu sheegay in qaarka mid ah qodobadaasi la fulin doono maalmaha soo socda.

Madaxweynaha Puntland iyo Wafdigiisa ayaa lafilayaa in ay kulan laqaataan Xubnihii golaha wasiirada ee Puntland eejoogey si loo kala warqaabto ,ayna uga warbixin lahaayeen wasiirada Puntland waxyaabihii ay ku soo arkeen magaalada Muqdisho.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo ka soo degay Boosaaso.

Madaxweyne ku xigeenka Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Xasan Daahir Max’uud (Af-Qurac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Xasan Daahir Max’uud Af-qurac Madaxweyne kuxigeenka DGPl waxaa uu hogaaminyey wafti kasocday DGPL oo ka qaybgalay xus loo sameenayey magaalada Herar oo ee dalka Itoobiya oo 1000 sano jirsatay xuskaasi oo DGPL lagu casumay isla markaana ay halkaasi oo ay isugu yimaadeen masuuliyiinta dowlado badan oo caalamka ka mid ah.

Madaxweyne kuxigeenka oo markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso wuxuu warbaahinta uga warbixiyey safarkiisa, waxana uu sheegay in uu markii uu dhameystey safarkiisii magaalada Harar uu uga sii gudbey itoobiya dalka Kenya halkaasi oo uu kulan ku aadan danaha Puntland uu kula qaatay hay’ada caalamiga
Markii uu ka yimid dalka kenya waxaa uu Madxweyne ku xigeenku dib ugu soo laabtay dalka Itoobiya halkaasi oo uu kula yeeshay kulan masuuliyiinta.

Markii uu madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir Max’ed Af-qurac uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaaladan Boosaaso waxaa halkaasi kusoo dhoweeyey masuuliyiin badan oo ay ka mid ahaayeen wasiirka wasaarada Dawladaha Hoose & Horumarinta Gobolada Cali Cabdi Awaare, Gudoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geelle Yuusuf (Faroole), Duqa magaalada Boosaaso Yuusuf Muumin Bidde iyo masuuliyiin kale oo fara badan.

Imaanshaha madaxweyne ku xigeenka Puntland waxaa uu ku soo aadaya saacado ka dib xili uu magaalada Garowe ay soo gaareen wafti uu hogaaminayo madaxweynaha DGPL Max’uud Muuse Xirsi (Gen.Cade)oo socdaal k.aga soo laabtay magaalada Muqdisho.

bashiir cumar cali/bosaaso
bashiir137@hotmail.com

PDRC oo qabatay Aqoon siweydaarsi looga hadlayo nabadda Iyo Dhawrista dadka ku soo barakacay Gudaha dalka Soomaaliya.

Xarunta Horumarinta Cilmibaarista Puntland ee marka Magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano PDRC ayaa waxa ay maanta Magaalada Gaalkacyo ku qabatay Aqoonsiweydaarsi looga hadlayay Nabada iyo dhowrista dadka dalka gudihiisa ku soo barakacaay.

Aqoon siweydaarsigan waxaa furay Gudoomiyaha gobalka Mudug C/rishiid Cali Xaashi (Dhuubane) wuxuuna sheegay in looga baahan yahay qof walboo ka mid ah dadkii fadhiyay halkaasi in aysan siwanaagsan ula dhaqmaan dadka walaalahooda ee ka soo barakacay koonfurta Soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale wuxuu ka codsaday dadkii shirkaan fadhiyay in looga baahan yahay in ay taageeraan nabadgalyada ,si markaasi kor loogu qaado in ay nabad ku noolaadaan dadkaaasi soo baracakay.

Xarunta Horumarinta Cilmibaarista Puntland ayaa waxa ay soo bandhigtay Daraasaad ku saabsan xeryaha kuyaala Magaalada Gaalkacyo ee ay ku nool yihiin dadka soo barakacay iyo sida ay uhestaan waxyaabaha laga maarmaan kaa.

"Xaafiiska Hoyga Nabada Mudug ee PDRC-da ee Gaalkacyo -Hoyga Nabadda Mudug -wuxuu aqoonsaday 16 xero oo ay nool yihiin dad gudaha ku baracakay oo kuyaala daafaha Magaalada Gaalkacyo ,dadkaasoo tiradoodu ay dhan tahay 1,2675 oo qof kuwaasoo 67%ay yihiin Haween" ayaa waxa ay ka mid ahaa daraasaadka ay sameysay Xarunta Horumarinta Cilmibaarista Puntland.

Daraasadaan waxaa lugu sheegay in ay dadkaasi soo baracakay aysan helin inta badan waxyaabaha qofku ubaahan yahay ,oo ay ka mid yihiin Biyo la'aan heysta ,Waxbarasho la'aan,Hoy la'aan iyo waxyaabo fara badan oo kale.

Daraasadu waxa ay sheegtay in Xadgubyo loo geystay dadkaasi waxa ayna tilmaantay in ay ka mid yihiin Adin oo wax laga gaarsiiyey,Dil mararka qaarkood loo geysto,Kufsi lugula kaco haweenka iyo falal kale oo fara badan.

Dadkii ka qeybqaadanayay Aqoon siweydaarsi ayaa koox-koox uga doodey waxyaabaha aqoon si weydaarsigan looga doodayo.

Qodobada looga doodayo inta uu socdo isminaarkan ,waxaana ka mid ah sida ay qorsheysay Xarunta Horumarinta Cilmibaarista Puntland PDRC.

1.Xuquuq Insaankan Asaasiga ah.
2.Kor uqaadida Kalsoonida iyo xaq dhowrka Bulsho ee ka dhexeeya Martida iyo martigaliyaha.
3.Kor uqaadida Habka dhowrista taageerida Xuquuq Insaanka Martida.
4.Dhiiri galinta doorka Dhalinyarada ,Haween ,Odayaasha dhaqanka iyo Culumada ayja qaadayaan dhowrista Martida si ay wax uga taraan taabagalinta Nabadda.
5.Kor u qaadida iska warqabida iyo wada noolaanshaha bulshooyinka gobalka Mudug iyadoo la qiimaynayo Xaq qof walba uleeyahay inuu ku noolaado Nabada.

Dhamaan qodobadaasi ayaa waxaa looga doodinaa inta uu socda aqoon si weydaarsigan ,isagoo socon doona labo Maalmood soo xirmaraya maalinta bari ah.

PDRC waxa ay tahay Hay'ada ka shaqeysa Horumarinta iyo Cilmibaarista Puntland waxa ayna bilihii ugu danbeeyey ka wadey gobalka Mudug ,aqoon siweydaarsiyo kusaabsan nabadgalyada sii kor loogu qaadilahaa.
 
bashiir cumar cali/gaalkacayo
bashiir137@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 15, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com