SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden... Akhri...

bananbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

sandiego
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA.. Akhri

swiss
Banaanbixii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland Akhri
finland
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland.... Akhri

minneapolis
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota.. Akhri

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK... Akhri...

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...

sweden
Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay...
Akhri..
::FAALLADA TODDOBAADKA::
ItoobiyaFaallo: Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa sidii in Tigree marti looyahay... Akhri
::HADALKII MINGISTE 1978::
Mingiste"dagaalka ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa gudaha Soomaaliya” Mingiste 1978... Guji...
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL:::
GurbiyeCali Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar sabankoodi joogtaye,.. Akhri...
::MAQAALKII XASAN CARAB::
carabMa Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga: Guri uu Deganaan Jiray Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri
:::TACSI:::
Waxaa tacsi loo dirayaa, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso. Tacsi
::TACSI:
Tacsi: Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye oo 20kii May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka Sweden... Akhri
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:
dhegaweyneJawaab Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr. C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri..
:::QORMADII: SACIID FURAA:::
saeedArdaydii Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA::
dholawaaCiise Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji
:::MAGAALADA BORLANGE:::
shiilBorlänge & Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda Soomaalida Borlänge Akhri...
:::DUBAI - BOOSAASO:::
dhagaxGanacsato Qoraal ka soo saaray Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri...
:::SHIDAALKA PUNTLAND:::
Puntland OIL
Puntland iyo Batroolka: Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo... Akhri...
:::LAASCAANOOD:::
laascaanood
Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee Laascaanood....
Akhri...
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
awareMaxkamadda Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?... Akhri
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
cadde muuseCadde Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho, Hadii la dooran waayo-se maxuu samayn?... Akhri...
:::QORMADII WARDHEERE:::
Xog muhiim u ah Soomaalida ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka ee dalbanaya.. Akhri
:::RAADKA GUMEYSIGA:::
kufsi
Gabdhaha Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen.
:::MAQAALKII HEEBAAN:::
qalinQalin-ku-dirirka Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin damac waalan oo... Akhri
:::DOODII ALJAZEERA:::
dood
Doodii Dhexmartay:- Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya Akhri
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL::
Xaal iyo Raali galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland - Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri...
::GABAYGII INJ. NABADDOON::
qoraal NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri...
::GABAYGII XASAN GARAAD::
garaadGabay Cusub: Guuley Allahayow: Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye Akhri
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI:::
cshukriJawaab celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya... Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri..
:::CALI MAHDI:::
mahdiCali Mahdi ma Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!.. Akhri
:::MAQAALKII C. GUULEED:::
guuleedSomalinimadu maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa sannadkii 1990 Akhri
:::INNAGA iyo XABASHI:::
tigreeInnaga iyo Xabashi - Qaybta 3aad:  Imaam Axmed Guray (1506– 1542)... Qore: Faisal
:::ABSHIR BACADLE:::
AbshirAbshir Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey rabaan.. Akhri
:::MAQAALKII XASAN MIRE:::
hasanKacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: - Akhri...
:::BATROOLKA (OIL):::
Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad
 

Shaki kii ixtilaalka ka qabayaw shaahid baa tahay 

Cabdi Jaamac 
Somalia, 
new-s.y.l.@hotmail.com  

Moqdisho Talyaani 1884-1940, Ingiriis 1941-1950, Talyaani 1950-1960, Dawladdii rayadka 1960-1969, Dawladdii Milateriga 1969-1991, Dagaal oogayaashii USC 1991-2006, Maamulkii Maxkamadaha June 2006-Decembar 2006, Gumaystaha Tigreega 2007.

Waxaa fajiciso iyo layaab ku noqday ummadda Soomaaliyeed in shirkii Tigreegu soo abaabulay uu judhii horaba faraha la galay diinta islaamka ee muqadaska ah iyadoo Cali Mahdi shirka ka dhex yiri “ Maanta waxaad ka doodaysaan xagjirnimada diimeed ee Soomaalida” hadii shirku yahay shir qabaa’ilka lagu heshiisiinaya soo ma haboonaan lahayn in laga wada hadlo malyuunkii qof ee Soomaaliyeed ee lagu laayay xasuuqyadii baahsanaa ee ay sameeyeen hogaamiya kooxeedyada shirka fadhiya iyo kuwa banaanka taagtaagan ee leh ammaan baanu sugaynaa? Maxaase shirku sheega loogaga hadli waayay Wayaanaha shacbiga har iyo habayn ku xasuuqaya dhulkooda hooyo? Maxaase loogaga hadli waayay taangiyada Xabashida ee dhex yaala mac-hadka SIMAD, Jaamacadda Moqdisho, Isbitaalada Xayaat, Shifo, masaajida iyo madaarista qur’aanka iyadoo si arxan daro ah loo laynayo dhaqaatiirtii dadka dawayn lahayd, macalimiintii wax bari lahaa, culimadii samaha fari lahaa xumaantana ka reebi lahaa iyo ubadkii dalkaan mustaqbalka hanan lahaa!! 

Sidoo kale haday yiraahdeen waa shir qabaa,il maxaa loogu heshiisiin waayay qabaa’ilka deegaanada xurguftu ka taagantahay ee kala qaybsan sida Galkacyo, Kismaayo,

Ceel-waaq, Galgaduud, Hiiraan, Shabeelooyinka, Sool iyo Sanaag iyo kuwo kale oo badan? Mase lahayaa ilaa hada labo beelood oo shirka lagu dhexdhexaadiyay marka laga reebo kutubtii afka ahaa ee aan qalbiga jirin ee ay odyaashu isu xawileen? 

Waydiimaha aynu kor ku soo sheegnay ma ahan kuwo jawaab u baahan sababtoo ah shirba meesha kama jiro ee waa shirqool lagu qarinayo dhibaatada baaxada wayn ee meesha ka socota, kolkii horaba shirka Addis-Ababa ayaa laga soo yeershay, dabadeedna qandaraaskiisi waxaa qaatay shaqsiyaad gaar ah, cid kale oo meesha wax ka sheegi kartana malahan, waxaa la arki jiray shir shirgudoonka laga dhex doorto balse waa shirkii u horeeyay ee shirgudoonkiisa ciddii shiraysay cidaan ahayni dibada ka soo magacawdo!! Arintaas foosha xun markay dhacday ayaan gabaygan gaaban ee soo socda curiyay: 

  1. Calaw shucaacaad badaha ku miistaa shiday dunidiiye
  2. Shacbigaad laysay kun iyo shii dhaafye,
  3. Shan xabo in lagugu dhiftaa bay ahayd amse sheelad dabadheere,
  4. Shirgudoon inaad noqotaana waa shaaciro iyo maadayse,
  5. Shawahaad baad akhrinaysaa iyo shar iyo duufaane,
  6. Shir baad sheegaysaa iyo sheeko aan jirine,
  7. Shayna inaanu ka soo yeerahayn yaan sheegayaa abide,
  8. Shan boqoloo xigmadlaaway yaa shawrkan loo furaye,
  9. Shuraakadii isbaarooyinkana gaalku shaqo siiye,
  10. Shaxdii tigreegu soo dhisaa loo sharaxayaaye,
  11. Marwooyinka lagu shabaaxtamahayee shaaga lagu laayey,
  12. Gamabda iyo shareerka in laga furtaana waaba shuqulkiine,
  13. Shaki kii ixtilaalka ka qabayaw shaahid baa tahaye,
  14. Shaqinimona waa waxaad iskuulada shalay u gayseene, 
  15. Shilimaad baad doonaysaan iyo shihaabkii naareede,
  16. Shalawgaba waxa soomaali kuriday shiqi amar doona,
  17. Shaaruba waynaha kufraa sheegtay qarankaane,
  18. Isticmaar kii ugu liitaa shamilay dhulkaan sharf kunoolayne,
  19. Saxiix bay ugu shabsiiyeen shaabadna u mariye,
  20. Shahaada diidaw diin la,aani waa waxaad tigree ugu shiribtaaye,
  21. Afartaas shakeeyaye sidii shiishka ma u tuuray,
  22. Shabaab dagaalamhayiyo geesi sharaftiis dheh.
  23. Afar kalana shicir ruma iyo shaahid maragagiis dheh,
  24. Shirqoolkii gumaystaha wiilyohow adaa sheer dhan ka idlaystay,
  25. Shareecda alliyo adaa diinta sheed maraye,
  26. Xornimodoon shaac baxaad shiiqi leedahaye,
  27. Shaaz rageedii baa tihiye shaaroon ehelkiise,
  28. Shamsadoo dharaar joogta yaad sheel is leedahaye,
  29. Shankaroorto waqay kula helaan wiilashii sheeganaan jiraye,
  30. Shuhado nool baa jirtoo aan shakiyahayne,
  31. Shakaxshakax inaad xamar ku socotaa waa shalay iyo habaynkeede,
  32. Shankatooriyaal hurdad shuufay baa jire,
  33. Madfac shakalnayaa iyo miino shalwinaaba,
  34. Gobonimo waxay dulshareerantahay shiishka qorigeena,
  35. Shakadaha xagsada guushii waa shanqaraysaaye,
  36. Shabeelle iyo Banaadir waa shirada maantaaye,
  37. Shiilaabo iyo Godayna waa shardi iyo dhaare,
  38. Shashabane iyo Maqallena waa shahri dabadeede,
  39. Taariikh aan la shaxaadi karinbaa jirtoo aan shib oranayne,
  40. Oo aan shiin iyo nuunka shaqalna dhaafayne,
  41. Nin waliba wuxuu shaqaystaa loogu shaqafsiine, 
  42. Xagjirnimo diimeed waxay u dhigantaa Mad mullah 
     

Gumaystihii reer galbeedka ee qabsaday caalamka intiisa badan gaar ahaana dunida muslimka ayaa eraygaan “xagjir diimeed” curiyay isagoo u arkayay inuu ku ceebayn karo halgamadii looga soo horjeeday danihiisa guracan, balse run ahaantii kalmadu waa kalmad sharaf wayn u ah cidii loogu yeero sababtoo ah diinteena ayaa ina faraysa inaan qur’aanka iyo sunada gaws danbeedka ku qabsano oo aynu ku mintidno kuna dhegenaano. Alle ayaa Nabiga (scw) iyo muslimiinta ku sifeeyay inay yihiin kuwo ku adadag gaalada una naxariis badan muslimiinta dhexdooda, hadaba yaa ka sharaf badan qof lagu sifeeyay wixii Alle ku sifeeyay Nabigeeni scw iyo Asaxaabadii barakaysnayd. 

Gumaystihii Ingiriisku wuxuu Sayid Maxamed u bixiyay (Mad mullah), oo macnaheedu yahay wadaadkii waalnaa. Yuhuuda iyo reer galbeedkuna waxay ururada gobonimo doonka ah ee Xisbulaah iyo Xamaas u bixiyeen argagixiso, waxaa iyana xusid mudan in Yuhuuda iyo reer glabeedku ay ururkii PLO ee Yaasir Carafaat hogaamiyaha ka ahaa u aqoonsanaayeen urur argagixiso wixii ka horeeyay heshiiskii Oslo, waliba ururkaasi wuxuu ahaa urur diinta ka aradan oo aan ahayn urur diimeed . 

Hadaba Sayid Maxamed iyo Daraawiishtii ma waalnaayeen Ingriiskuse ma fiyoobaa?

Xisbulaah, Xamaas iyo PLO ma ku khaldanaayeen inay Yuhuuda ka hortagaan oo ay ciidooda ka xoreeyaan. Hadii jawaabtu sid saxda ah loo dhigo Sayidka iyo daraawiishtu waxay ahaayeen iftiin gobonimo doona oo kasoo dhex baxay qaarad madaw oo gumaysi ku habsaday, Ingriisna wuxuu ahaa gumste xun iyo shar dhib badan oo dunida ku reebay dhamaan dhibaatad maanta caalamka ka jirta. Waxaan sidoo kale muran ka taagnayn in Xisbulaah iyo Xamaas ay qaybta ugu wayn ka qaateen difaacitaanka dhulalka Lubnan iyo Falastiin iyadoo ururka Xisbulah ka xoreeyay Israa,iil koonfurta Lubnan, Xamaasna waxayba ku guulaystay inay noqoto dawlad shacbigeedu ku soo doortay si xor ah.

Gumaysiga waxaa looga adkaan karaa adkaysi iyo karti dheeraad ah 

  1. Warankayga waxaan u sitaa waa wayaanahe,
  2. Warqaadiyo weheshadana waan ku wagacsiine,
  3. Wixii wadadiisamarana waan ka wabaxsiine,
  4. Waayeelkii iblays wadana waan ku warabsiine,
  5. Wabiyada jeeray waydaartaana waan ku wadayaaye,
  6. Waan wayraxoo warasadiisana waa liqahayaaye,
  7. Waxshiga wadankeena waan ka wadayaaye,
  8. walaabigana waan wanjalayaa wiilasha tikreeye, 

Sida ay ina tusinayso taariikhda u maalmo tirinaysa haysashada gumaystaha ciida Soomaaliyeed maanta waa maalintii 229 aad ee gumaysigu gacanta ku hayo magaalada Muqdisho iyo inta badan gobolda koonfureed ee dhulkeena hooyo. 

Gumayste Xamar yimaada Tigreegu uguma horayn, gumaysidiid xamar ka hawlgalana Muqaawamadu uguma horayn, Bonagarees cadawga u soo jaajuusana kooxda Empaghati uguma horayn Xamar, maalmaha iyo habaynadu waa is gurayaan, waayuhu waa harka labadiisa galin, xaqa iyo baadilkuna waa loolamayaan, habka caynkaan ah ayaa dunidu u soo dhisnayd ilaa bilawgii nolasha Aadanaha, maanta dulmigu ma bilaaban Nabigii alle soo diray iyo intii rumaysay ayaa guryohoodi gardaro looga bixiyay iyadoo lagu colaadinayo diinta Islaamka kolkaas ayaa alle amray inaysan gacmaha laaban ee ay isdifaacaan, xikmada ka danbaysaana waxay ahayd in la imtixaano oo la ogaado kuwa jihaadaya ee u samraya jihaadka iyo in si guud ummadaas loo imtixaano. 

  • Nabi Muxamed baa loo jeclaa, jaah mar la arkaaye (csw)
  • Isagana waxaa lagu jirabay, inuu jihaadaaye
  • Idinkuna xornimo saa jirtaad, jiif ka damacdeene 

Erayadaan ka midka ah gabay uu C/laahi Dhoodaan tiriyay Qarnigii tagay waxay ku qotamaan xikmad wayn iyo falsafad qoto dheer oo kasoo burqatay cilmi diini ah iyo Siiro nabwi ah oo taxan ilaa qiyaami saaca. Run ahaantii xaalada maanta Soomaali ku jirto waa xaalada ugu xun ee aadanaha soo marta, waa xaalad gumaysi haysto wadankeena, isagoo waliba laynaya haweenka, caruurta, culimada, waayeelka, daqaatiirta iyo inta birmagaydada ah oo dhan, taasoo ah istraatiijiyada gumaystuhu u yaqaan “Total war” oo macneedu yahay in shacabka la xasuuqo sida milateriga loolaynayo oo kale si ummaddaasi aysan u halgamin ee ay isu dhiibto. 

Sagaal qarni ayaa laga joogaa markii Salaaxudiin Ayuubi oo ahaa wiil dhalinyaro ah uu go,aansaday inuu Baytul Maqdis ka xoreeyo cadawgii Nasaarada iyo Yuhuuda ee qabsaday dhulkaas kana sameeyay wax la mid ah waxa maanta Wayaanuhu ka samaynayaan ciida Soomaliyeed, riyadaas Salaaxudiin Alle waa ku guuleeyay halgan adag ka dibna Alle subxaanahu watacaalaa wuxuu gaarsiiyay ujeedkiisi iyo hammigiisi waynaa kartidiisi iyo geesinimadiisi ayuun Alle muslimiinta sabab uga dhigay inay dhulkoodi dib u xoraystaan. 

Sidaas oo kale ayaa waxaa maanta loo baahanyahay rag iyo gabdho alle agtiisa sharaf ka hela dunidana taariikh uga taga oo gumaystaha casharada loo dhigayo qayb ka qaata, walaalyaal maanta macno inoo samayn mayso badeeco aan ka beecmushtarnaa, Jaamacado iyo iskuulana waaba meesha cadawgu bartilmaameedsanayo, masaajidana shiishka cadawga ayaa dulsaaran, sidaas awgeed ninkii aan maanta ka fekerin sidii cadawga wadanka looga saari lahaa waa nimaan mufakar ahayn, walaalayaal waxaa wax laga noxo ah Xamar oo labo malyan oo gumaysidiid ah ku nooshahay in shan kun oo Wayaane ah iyo shan dabadhilif ay soo hawsataan oo xasuuq baaxadaas le’eg ka gaystaan, walaalayaal maanta waxaynu guul ku gaari karnaa inagoo cadawga u midawna, hadii aynu midnimo samayno hal maalin baynu cadawga Xamar uga xorayn karnaa. 

Si kastaba ha ahaatee waxaa maanta guul wayn oo lamid ah tii gobonimodoonkii daraawiishta, SYL iyo SNL soo hooyay xoogaga mujaahidiinta xaq u dirirka ah ee Somaaliyeed ee ay horseedka ka yihiin Maxaakiimta Islaamiga ah, ururka dagaalyahanka ONLF iyo Golaha baarlmaanka xorta ah, waliba waxaan si gaar ah loo sii hilmaami karin garabka milatriga ee GMI ee Shabaab oo ah geesiyada naftooda u hibeeyay alle dartii si ay cadawga ciideena uga saaraan soona bandhigay xeelad dagaal oo qoto dheer iyo geesinimo taariikhdu xusi doonto. Waxaa kale oo laga yaabaa in maalin maalmaha ka mid ah aad artaan magaalda Moqdisho oo loo bixiyay magac ka mid ah magacyada hogaamiyaasheena halganka gumaysidiidka ah, sida ay reer Viatnam caasimadoodi Saigon ugu badaleen magaca hogaamiyahoodi ay jeclaayeen Ho Chi Minh.

  • Baalxaafka waxaa loo sitaa beer wax how dile e
  • Ninkii loo burhaan qabay hadduu beyda kari waayo
  • Birtiisu ha jabtee inaan la rabin ba'aha yow sheega
  • Bogga laga mudyoow fulaygu wuu baydadahayaaye
  • Goortuu bidhaan cadow arkuu balow yidhaahdaaye
  • Inaan mowdka laga baajinayn ba'aha yow sheega
  • Geesiga halkii lagu baxay baa bili ka raacdaaye
  • Bilaawaha kolkii uu la baxo looga kala baydhye
  • Isaguna buruu leeyahaye ba'aha yow sheega

Cabdi Jaamac 

Somalia, 

new-s.y.l.@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixa

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 15, 2007

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com