SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden... Akhri...

bananbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

sandiego
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA.. Akhri

swiss
Banaanbixii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland Akhri
finland
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland.... Akhri

minneapolis
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota.. Akhri

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK... Akhri...

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...

sweden
Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay...
Akhri..
::FAALLADA TODDOBAADKA::
ItoobiyaFaallo: Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa sidii in Tigree marti looyahay... Akhri
::HADALKII MINGISTE 1978::
Mingiste"dagaalka ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa gudaha Soomaaliya” Mingiste 1978... Guji...
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL:::
GurbiyeCali Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar sabankoodi joogtaye,.. Akhri...
::MAQAALKII XASAN CARAB::
carabMa Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga: Guri uu Deganaan Jiray Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri
:::TACSI:::
Waxaa tacsi loo dirayaa, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso. Tacsi
::TACSI:
Tacsi: Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye oo 20kii May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka Sweden... Akhri
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:
dhegaweyneJawaab Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr. C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri..
:::QORMADII: SACIID FURAA:::
saeedArdaydii Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA::
dholawaaCiise Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji
:::MAGAALADA BORLANGE:::
shiilBorlänge & Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda Soomaalida Borlänge Akhri...
:::DUBAI - BOOSAASO:::
dhagaxGanacsato Qoraal ka soo saaray Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri...
:::SHIDAALKA PUNTLAND:::
Puntland OIL
Puntland iyo Batroolka: Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo... Akhri...
:::LAASCAANOOD:::
laascaanood
Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee Laascaanood....
Akhri...
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
awareMaxkamadda Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?... Akhri
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
cadde muuseCadde Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho, Hadii la dooran waayo-se maxuu samayn?... Akhri...
:::QORMADII WARDHEERE:::
Xog muhiim u ah Soomaalida ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka ee dalbanaya.. Akhri
:::RAADKA GUMEYSIGA:::
kufsi
Gabdhaha Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen.
:::MAQAALKII HEEBAAN:::
qalinQalin-ku-dirirka Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin damac waalan oo... Akhri
:::DOODII ALJAZEERA:::
dood
Doodii Dhexmartay:- Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya Akhri
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL::
Xaal iyo Raali galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland - Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri...
::GABAYGII INJ. NABADDOON::
qoraal NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri...
::GABAYGII XASAN GARAAD::
garaadGabay Cusub: Guuley Allahayow: Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye Akhri
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI:::
cshukriJawaab celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya... Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri..
:::CALI MAHDI:::
mahdiCali Mahdi ma Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!.. Akhri
:::MAQAALKII C. GUULEED:::
guuleedSomalinimadu maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa sannadkii 1990 Akhri
:::INNAGA iyo XABASHI:::
tigreeInnaga iyo Xabashi - Qaybta 3aad:  Imaam Axmed Guray (1506– 1542)... Qore: Faisal
:::ABSHIR BACADLE:::
AbshirAbshir Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey rabaan.. Akhri
:::MAQAALKII XASAN MIRE:::
hasanKacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: - Akhri...
:::BATROOLKA (OIL):::
Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad
 
  • Wasiirka Dawladaha Hoose oo magacaabey Gudoomiyaha Deg. Rako.
  • Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Diyaarad ku dhacday garoonka Diyaaradaha ee Barbar iyo Shaqaalihii la socday .
  • Shirka dib u heshiisiinta oo mar kale dib loo dhigay ilaa iyo laba maalmood.

Wasiirka Dawladaha Hoose oo magacaabey Gudoomiyaha Deg. Rako.

Wasiirka Dawlada Hoose & Horumarinta Gobolkada ee Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cali Cabdi Awaare ayaa maanta wareegto uu soo saarey wuxuu ku magacaabey Gudoomiyaha degmada Rako ee Gobolka Karkaar.
 
Wareegtada wasiirka oo lambarkeedu ahaa XW/WDHHR/219/2007 ayuu wuxuu u cuskaday magacaabistiisa ka dib markii uu xeereiyey talo soo jeedinta Odayaasha iyo siyaasiyiinta beesha degmada Rako, isla markaana uu eegay baahida loo qabo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhiso golaha deegaanka Degmada Rako.
 
Wasiirku wuxuu u magacaabey Gudoomiyaha ee KMG ah ee degmada Rako C/laahi Axmed Guure iyadoo loo eegayo kartida iyo aqoontiisa.
Wasiirka dawladaha Hoose wuxuu gudoomiyaha cusub farey in uu ku dadaalo sidii loo hirgalin lahaa dhimasha golaha deegaanka degmada Rako ee Gobolka Karkaar.
 
Wareegtadan ayaa waxaa ku saxiixan wasiirka dawladaha hoose & horumarinta Gobolada Cali Cabdi Awaare, waxaana nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyey somalitalk.com
 
bashiir cumar cali/puntland
bashiir137@hotmail.com

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Diyaarad ku dhacday garoonka Diyaaradaha ee Barbar iyo Shaqaalihii la socday .

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya diyarad ay lahayd Shirkad lagu magacaabo Safari Express oo xarunteedu tahay Nairobi, diyaaraddaan ayaa la sheegay inay ku dhacday garoonka Diyaaradahaa ee Barbara, kaddib markii ay ku dagi waday garoonka boosaaso oo ay ku socotay.

Diyaaradda oo wadday dawooyin ayaa waxaa la sheegay inay ku jeeday Magaalada Boosaaso, balse uu sheegay duuliyihii markii uu ka badbaaday burburka diyaaraddaas dhacday in cilad soo wajahday diyaaradda ay u saami wayday inuu ku dago garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso oo jawigiisu aad u cakirnaa. 

Wadaha diyaaradda oo dhalashadiisu ahayd Ruush; ayaa sheegay in diyaaradda uu damacsanaa inuu dajiyo, balse cilad soo wajahday darteed ay diyaaraddu laabta dhulka ugu dhufatay, waxaana uu sheegay inay halis gashay natooda, balse ay haatan ka badbaadeen. 

Diyaaradda ayaa waxaa la sheegay inay ka baxday wadada, kaddib markii ay qadar ku cararaysay laabta, waxaana diyaaradda oo ay la socdeen 6-qof oo 5-ka mid ah ay ahaayeen Ruushan diyaaradda howlaheeda waday iyo ruux kale oo u dhashay Kenya oo ka socday Hay’adda MSF oo dawadaan lahayd. 

Madaxa Garoonka Diyaaradaha ee Barbar C/llaahi Qaasim, ayaa sheegay inay gurmad u fidiyeen diyaaradda markii ay dhacday kaddib, wuxuuna sheegay in shaqaalihii qofka kale ee la socdya oo ka socday MSF ay ku sugan yihiin xilligaan Hargeysa, ayna iyagu gacanta ku hayaan, isagoo sheegay in diyaaradda uu dhaawac culus gaaray, ayna u baahan tahay in la dayactiro. 

Diyaaradda ayaa la xaqiijiyay inay dhanka waqooyi kaga baxday waddada, iyadoo haatan fadhida dhul bannaan oo carro ah; iyadoo sidoo kalena ay ku raran yihiin dawooyinkii ay u waday Degmada Boosaaso ee Maamul Goboleedka Puntland, balse aan la garnanay xilliga laga dajin doono diyaaradda dawadaas loona duulin doono dhanka Boosaaso.

bashiir cumar cali/Bosaaso
bashiir137@hotmail.com

Shirka dib u heshiisiinta oo mar kale dib loo dhigay ilaa iyo laba maalmood.

Shirkii dib u heshiisiinta Beelaha Soomaalida ee hakadka ku jirey mudada 4-ta cisho ah ayaa maanta mar kale lagu dhawaaqey in dib loo dhigey ilaa iyo laba maalmood oo kale.
 
Ergooyinka shirka oo ay balantu aheyd inay iska soo xaadiriyaan xarunta Gaadiidka ee shirka uu ka socdo ayaa maanta markii ay yimaadeen madasha, isla markaana ay sugayeen in shirka la bilaabo waxaa shirgudoonku uu shaaca ka qaadey in shirka dib u furmidiisa mar kale dib loo dhigey, taasi oo ay ku sheegeen inay tahay codsi ka yimid mid ka mid ah beelaha shirka ka qayb galaysa.
 
Afhayeenka shirka C/raxmaan Shifti oo saxaafada la hadley ayaa daboolka ka qaadey in shirka dib loo dhigey ilaa iyo laba maalmood oo kale in uu furmo, waxaana uu tibaaxay in beesha Hawiye ay dalbatey in la siiyo mudo gaaban oo ay ku soo dhameystaan kulamo iyaga u socda.
 
Ergooyinka ka qayb galaya ayaa iska soo dareeray markii dambe ka dib markii loo sheegay in shirka mudo 48 saac hakad kale la galiyey, waxaana lagu wadaa in la isku soo laabto ilaa iyo maalinta Sabtida hadii EEBE idmo.
 
bashiir cumar cali
bashiir137@hotmail.com
 

Talityaha guutada 115-aad oo ka badbaaday qarax miino.

Taliyaha Guutada 115-aad ee ciidamada dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Nuur Cali Xiiray ayaa maanta ka badbaaday qarax miino oo lala beegsaday gaari uu saarnaa taliyaha.

Taliyaha ayaa sheegay in labo ka tirsan ilaaladiisa ay ku dhaawacmeen qaraxaasi isagoo intaa raaciyay in gebi ahaanba muraayadihii gaarigii uu saarnaa uu burburay, walow dhaawaca soo gaaray labadaasi askari ay aad u fudud yihiin.

Xiligii uu qaraxa dhacayey ayaa gaariga waxaa uu marayey agagaarka Warshada Caanaha, waxaana la sheegay in qaraxaasi uu ahaa midka gacanta laga maamulo.

Taliyaha ayaa sheegay in qaraxan uusan garaneyn in isaga loola dan lahaa iyo in ay aheyd mid la doonayey in lagu qarxiyo gaari walba oo ay saaran yihiin shicib, wuxuuna sheegay in wax dhibaato ah u arkeyn qaraxaasi.

Dhanka kale waxaa maanta qeybo ka tirsan Koonfurta magaalada Muqdisho ka dhacay qaraxyo bam gacmeed oo si fuleynimo ah loogu tuurayey goobaha ay ku sugan yihiiin rayidka, kuwaasi oo aan geysan wax khasaare naf ah marka laga reebo dhaawacyo fudud.
bashiir cumar cali
bashiir137@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 15, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com