SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden... Akhri...

bananbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

sandiego
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA.. Akhri

swiss
Banaanbixii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland Akhri
finland
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland.... Akhri

minneapolis
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota.. Akhri

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK... Akhri...

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...

sweden
Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay...
Akhri..
::FAALLADA TODDOBAADKA::
ItoobiyaFaallo: Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa sidii in Tigree marti looyahay... Akhri
::HADALKII MINGISTE 1978::
Mingiste"dagaalka ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa gudaha Soomaaliya” Mingiste 1978... Guji...
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL:::
GurbiyeCali Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar sabankoodi joogtaye,.. Akhri...
::MAQAALKII XASAN CARAB::
carabMa Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga: Guri uu Deganaan Jiray Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri
:::TACSI:::
Waxaa tacsi loo dirayaa, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso. Tacsi
::TACSI:
Tacsi: Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye oo 20kii May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka Sweden... Akhri
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:
dhegaweyneJawaab Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr. C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri..
:::QORMADII: SACIID FURAA:::
saeedArdaydii Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA::
dholawaaCiise Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji
:::MAGAALADA BORLANGE:::
shiilBorlänge & Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda Soomaalida Borlänge Akhri...
:::DUBAI - BOOSAASO:::
dhagaxGanacsato Qoraal ka soo saaray Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri...
:::SHIDAALKA PUNTLAND:::
Puntland OIL
Puntland iyo Batroolka: Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo... Akhri...
:::LAASCAANOOD:::
laascaanood
Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee Laascaanood....
Akhri...
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
awareMaxkamadda Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?... Akhri
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
cadde muuseCadde Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho, Hadii la dooran waayo-se maxuu samayn?... Akhri...
:::QORMADII WARDHEERE:::
Xog muhiim u ah Soomaalida ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka ee dalbanaya.. Akhri
:::RAADKA GUMEYSIGA:::
kufsi
Gabdhaha Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen.
:::MAQAALKII HEEBAAN:::
qalinQalin-ku-dirirka Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin damac waalan oo... Akhri
:::DOODII ALJAZEERA:::
dood
Doodii Dhexmartay:- Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya Akhri
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL::
Xaal iyo Raali galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland - Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri...
::GABAYGII INJ. NABADDOON::
qoraal NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri...
::GABAYGII XASAN GARAAD::
garaadGabay Cusub: Guuley Allahayow: Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye Akhri
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI:::
cshukriJawaab celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya... Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri..
:::CALI MAHDI:::
mahdiCali Mahdi ma Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!.. Akhri
:::MAQAALKII C. GUULEED:::
guuleedSomalinimadu maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa sannadkii 1990 Akhri
:::INNAGA iyo XABASHI:::
tigreeInnaga iyo Xabashi - Qaybta 3aad:  Imaam Axmed Guray (1506– 1542)... Qore: Faisal
:::ABSHIR BACADLE:::
AbshirAbshir Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey rabaan.. Akhri
:::MAQAALKII XASAN MIRE:::
hasanKacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: - Akhri...
:::BATROOLKA (OIL):::
Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad
 

ISU SHEEG INAADAN ITOBIYAN AHAYN. 

 Cabdiraxman Sh. Ismaciil (Abuuturaab).
Abuturab100@gmail.com

Waxan Itobiyanka kaga adkaan karna in aan midowno, dagaalada socda iyo kuwa la qorsheynayo, si Itobiyanka dalka looga saaro dhammaantood miro dhal ma ahan.Hoobiye toban askari oo Itobiyan ah ka nixiya, toban qof oo Somaliyana sababa in ay dhintaan guul ma ahan, kan hoobiyahaas tuurayna wuxuu lug'gooyay shacabka Somaliyed, sababtoo ah muqawamo ma ahan in aad madfac tuurto, madfacaagii uu dilo toban qof oo Somaliya, iyo askari Itobiyana, kadibna Itobiyanku aagii ololiyaan, oo boqol qof dilaan boqol gurina dumiyaan, hadalkuu yiri mas'uul reer Hiraan ah waqti dhaw, Qofkii askarta Itobiyanka qarxiya annaguu naqarxiyay, macnaheedu ma ahan in uu difaacayo ciidamada Itoboyanka, xaqiiqadaase saas ah oo haddii Itobiyanka wax loo gaysto waxay ku caranayaan shacabka meesha dagan, mafakarayaalka wax tuurayana waxay ula jeedaan shacabka ha lalaayo si ay u kacaan oo ay u diriraan, waase fikir khaldan, waxana cad in aysan shacabka u naxayn oo ay rabaan in ay ku daneystaan oo kaliya, 

Waxan ku talinayaa in shacabka Somaliyed taageero buuxda siiyaan ciidamada dawladda ku meelgaarka iyo ciidamada AMISOM, lashaqeyno soo dhaweyno,dhaqaaleyno,  dhiirri galinno, oo aan dawladda tageerno, ciidamada Itobiyankana la cuna qabateeyo, laga fiigo, aan lasoo dhaweyn, Qofkii askari Itobiyan ah soo aado,  askariga Somaliga magan galo,  waxay dawladdu noqonaysaa dawlad dal iyo dad leh markaas waxay dawladdu oranaysaa Itobiyanka waad ku mahadsantihiin sidaad noo caawiseen baahidiina hadda way dhammaatay, shacabkuna wuu idinka didsan yahay si ay u ogaadaan in aad caawinayseen ee aydan u imaan in aad dalkooda qabsataan hadda iskabaxa, saaxiibtinimo wanaagsan iyo darisnimo wanagsan.  

Waxan ku riyooday anoo jooga meel kale, sida muqdisho  waxan joognay masajid waqtigii laxiri lahaa masajidka baan waxan arkay niman isu qorsheynaya inay seexdaa masjidka, sida caadiga ahna masjidka lama seexdo, waan dul imid si aan ula dardaarmo, nin ka mida nimankii baa wuxuu igu yiri anigu dadka masajidka kama furayo, markaan dadka masajidka ka furo way iga cararayaan sababtoo ah waxan u ekahay Itobiyan waxay ii malaynayaan Itobiyan markaasay iga cararayaan, annagoo la talineyna oo leh dadka ka daba qayli oo waxad tiraahdaa Itobiyan ma ahi,  baa waxa masjidkii soo galay askari Somaliyed oo labisan (milatary) oo rabay in uu masjidka ku tukado, wuxuu qaatay sijaayad si uu ugu tukado, intuusan salaadii wili galin baa ninkii Itobiyanka u ekaa wuxu u dhaqaaqay dhankii askariga si uu ula hadlo, markaasaan ku qaylinay oo niri war isu sheeg askariga in aadan Itobiyan ahayn si aanu kaaga cararin,

Waxa riyada ku cad in askariga iyo shacabku iskusi u neceb yihin, ugana cararayaan Itobiyanka, waxase isu keenay duruuf, (Annagoo heshiin waynay),haddii taas dhamaato anagoo midaysan Itobiyanku nama haysan karo. 

Haddaan askariga Somaliga iyo kan Itobiyanka isku si ula dhaqanno,oo aan dhahno waa gaalo iyo gaalo raac, oo aygoo tukanaya la qarxiyo waa wax diinta iyo caqligaba ku xun, waana sidaan ku dulloobeyno oo aan cadaw ugu gacan galayno,Askarta dawladdu waa wiilasheennii, waa walaaleheen, way noo naxayaan, way najecel yihiin, waa inaan jeclaanno, waa inaan soo dhaweyno, waa inaan niyad  sami u muujinno. 

Waxan ka naxay hadalkii Sh. Yusuf Indhacadde waqtiguu bilabayay dagaalkii Baydhabo, mar BBC waydiisay wuxu yiri; waxan la dirireynaa Tigree, waxay taasu caddeyneysaa inuusan Sheekhu kala jeclayn in uu askari Itoboyana dilo iyo inuu askari Somaliya dilo, Taasna waa faham qaldan,(Waxan la yaabay caddaaladana ka fog in nimanka Addis ababa ku xiran ku gaaloobaan nimanka Casmarana ay saxan yihiin) ciidamada Somalidu goormey noqdeen Tigree?, hadduu isu arko mujahid dadka iyo dalka badbaadinaya, waxa u horeya oo mudan in dadka laga badbaadsho waa naar iyo dhimasho, waxay ahayd in uu abhiyo ciidanka dawladda, siduu sameeyay Sayyidkeennii Xusseen bin Cali bin Abi-dalib (Allaha ka raalli noqdee), markay soo weerareen daalimiintu lama usan diririn ilaa uu abhiyay, Somalidii hore oo reer badiyaha ahayd haddii qof soo weeraro way abhin jireen intaysan la diririn, si haddey dilaan aan dambi aakhiro loogu qabsan, sidaasuna waa fahamka saxda ah ee diinteenna sharafta badan,waxa xusid mudan hadalkii Ra'iisul wasaare Cali maxamed Geeddi markuu qabsaday Mogadishu, BBC waydiisay ma faraxsan tahay maadaba aad guuleysateen? wuxu ku jawaabay maxaan ku farxaa dadkaygiibaa is laynayee. 

Waxan codsanayaa taladiinna iyo taageeradiinna. 

Cabdiraxman Sh. Ismaciil (Abuuturaab).

Abuturab100@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 16, 2007

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com