SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - muqdisho

Xarunta SSWC oo lagu qabtay Siminaar ku saabsdan doorka Haweenka ee Nabadda..

Xarunta SSWC oo inta badan isku haysa arrimaha Haweenka iyo Carruurta ayaa maalintii shalay ahayad waxaa lagu soo gebagabeeyey siminaar socday mudo saddex maalmood ah oo ay ka qaybgaleen qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Siminaarkaan ayaa waxa uu ku saabsan doorka ay Haweenku ku leeyihiin arrimaha Nabadda iyo dib u heshiisiinta, waxaan cashiro ka bixinayey Sheekh Ibraahim Max’ed Cumar, Qadiijo Axmed Abuukar iyo Yuusuf Barqad Ducaale, waxaana xiriiriye ka ahaa Barqad Cawaale Aadan.

Siminaarkaas intii uu socday ayaa waxaa si aad ah loo lafa guray sida nabad loogu soo dabaali karo Bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan qaybta ay ku leeyihiin Haweenka, waxaana la isku raacay in loo baahan yahay in Bulshada lagu wacyigeliyo nabadda iyo dib u heshiisinta, sidoo kale ka qaybgalayaashu waxay soo jeediyeen in nabadda ay ku imaan karto iyadoo dadka laga dhigo hubka Isla markaana loo noqdo Kitaabka Alle, waxay kaloo soo jeediyeen in loo baahan yahay hogaan cadaalad ku dhisan.

Mar lag hadlayey dhinaca haweenka, waxay soo jeediyeen ka qaybgalayaashu in Haweenka la siiyo kaalin mug leh, dhinaca Siyaasadda, maadaama ay yihiin xoogag jira kana mid ah Bulshada.

Siminaarkaasi waxaa gebagabadii ka hadlay Hinda Axmed Faarax oo ah kusimaha Hay’adda SSWC, waxayna sheegtay in Siminaarada noocan oo kale ah ee lagu xoojinayo nabdda y Hay’addu dhowr jeer qabatay kuwaas oo ay sheegtay in ay ka soo baxeen natiijo wax ku ool ah. Hinda waxay sheegtayin siminaarada noocaan oo kale ah ay Hay’addu joogteyn doonto si nabad dalka loogu soo dabaalo.

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 17, 2007 

Tacshiirado iyo qaraxyo loogaystey saldhigyo dawladu leedahay.
.Odayaal iyo nabadoono ku baxay dagaalada Buur Gaabo...
.Baarlamaanka DF oo loo qeybiyay Sharciga Saxaafada..
.M/Cadde oo kulamo la qaadanaya Saraakiisha ciidamada
.Qalab loo keenay Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo...
leedahay.

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com