SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - muqdisho

Dowlad maahan (Maanso)

Waxaa tiriyey X.A.Kullane:

Halkan ka dhegeyso Gabayga.... [MP3)

Ama akhri:

  1. Waxakani dowlad maahan
  2. Dan iyo xal toona maahan
  3. Dadnimo iyo sharaf maahan
  4. Danguud iyo wanaag maahan
  5. Dalka horumarkiis maahan 
     
  6. Daryeel iyo kalkaal maahan
  7. Daacadnimo iyo karti maahan 
  8. Dugsi lagu hirto maahan
  9. Damiir wax haga maahan
  10. Dal wax dhisaya maahan  
     
  11. Daljiriyo wadani maahan
  12. Hogaan dayasho maahan
  13. Deeq iyo kuwo hoo leh maahan
  14. Darbi dhaxan celiya maahan
  15. Daldalool kuwa awda maahan  
     
  16. Dariiq kuwa dhisa maahan
  17. Kuwa daweeya dhibane maahan
  18. Dugsi iyo tacliin udba maahan
  19. Dowli kuwa kuu xira maahan
  20. Darin kuwa kuu dhigi maahan  
     
  21. Dacwo kuwa loogu tago maahan
  22. Daris kuwa dhowra maahan
  23. Arday kuwa daaya maahan
  24. Maato kuwa daneeya maahan
  25. Dugsigiyo Masjid dhowra maahan  
     
  26. Culimo kuwa doona maahan
  27. Diin kuwa xurmeeya maahan
  28. Diir naxiyo gacal maahan
  29. Hanaan dowladnimo maahan 
  30. Kuwo daadihiya bulsho maahan
  31.  
     
  32. Dareen iyo shiddo weeye
  33. Dadqal taladiis weeye
  34. Dadka baabi’in weeye
  35. Qaar dil qaarna didi weeye
  36. Qaxooti ha daaduumeen weeye  
     
  37. Dalka ha baneeyeen weeye
  38. Dalanbaabi iyo rafaad weeye
  39. Dugaaggu ha cuno weeye
  40. Ama Duumo u dhimo weeye
  41. Ama darxumiyo ciil weeye 
     
  42. Xadadka ku dabar go’a weeye
  43. Doomo jaban isku gura weeye
  44. Dabaasha oo hafada weeye
  45. Dabayaaqaduna silic weeye
  46. Aduunyada dawarsada weeye 
     
  47. Waxakani dowlad maahan  
     
  48. Ganacsiga dumi weeye
  49. Xamar yaan la degin weeye
  50. Dukaamada xirxir weeye
  51. Ama iska daldalo weeye
  52. Sicirku daruuraha weeye  
     
  53. Doonni yey iman weeye
  54. Dekedda ku dhac weeye
  55. Diyaaraduhu faaruq weeye
  56. Garoonka ha soo degin weeye
  57. Haddii kale doollar bixi weeye 
     
  58. Guryahana dalaq dheh weeye
  59. Daaqadaha ka jebi weeye
  60. Dad hurda u dhac weeye
  61. Habeenkii ku deg weeye
  62. Doolarkana baaro weeye 
     
  63. Dumarkana xumee weeye
  64. Dahabkana ka gooso weeye
  65. Ku durduri aqalada weeye
  66. Caruurtana dardar weeye
  67. Hurdada ha dideen weeye 
     
  68. Waxakani dowlad maahan  
     
  69. Dakaniyo dhiillo weeye
  70. Diridiro bulsho weeye
  71. Danaaniyo Qabiil weeye
  72. Qaar daraja saar weeye
  73. Qaarna deldela weeye 
     
  74. Mindidu daabka weeye
  75. Halays dooxo weeye
  76. Diradiraale jooga weeye
  77. Ka dar oo dibidhal weeye
  78. Diktatoori taladii weeye 
     
  79. Saxaafadda dami weeye
  80. Ama dabadhilif sidii weeye
  81. Dacaayad ii fidi weeye
  82. Danbigeyga qari weeye
  83. Dilka ha soo qaadin weeye 
     
  84. Diinta ha fidin weeye
  85. Runta ha daabicin weeye
  86. Dadweynaha caburi weeye
  87. Ra’yi ha sii deyn weeye
  88. Doodna haw furin weeye 
     
  89. Wariyaha dirqi weeye
  90. Warka ha daboolo weeye
  91. Sidaan rabo u daa weeye
  92. Ama dalka ka tag weeye
  93. Haddii kale dila weeye 
     
  94. Astaan ceeb durugtay weeye
  95. Dowlad dhicisay weeye
  96. Duul halaabay weeye
  97. Daneystayaal guracan weeye
  98. Dabadhilif aan xishoon weeye 
     
  99. Dawankii geerida weeye
  100. Dilaayaal heshiiyey weeye
  101. Dirxi nagu tarmay weeye
  102. Horseedayaal dagaal weeye
  103. Dabarogan aan degeyn weeye 
     
  104. Dalka cadaw u looge weeye
  105. Dilaayaal heshiiyey weeye
  106. Daguugan iyo halaag weeye
  107. Dabarjar qaran weeye
  108. Dulli taariikhda galay weeye

15/8/2007 X A kullane: xkullane@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 17, 2007 

Tacshiirado iyo qaraxyo loogaystey saldhigyo dawladu leedahay.
.Odayaal iyo nabadoono ku baxay dagaalada Buur Gaabo...
.Baarlamaanka DF oo loo qeybiyay Sharciga Saxaafada..
.M/Cadde oo kulamo la qaadanaya Saraakiisha ciidamada
.Qalab loo keenay Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo...
leedahay.

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com