SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print
camuudDUFCADII LIXAAD OO KA QALINJABISAY JAAMACADA CAMUUD
Boorama - 104 arday ayaa.
Akhri


Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden... Akhri...


bananbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

sandiego
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA.. Akhri

swiss
Banaanbixii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland Akhri
finland
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland.... Akhri

minneapolis
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota.. Akhri

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK... Akhri...

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...

sweden
Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay...
Akhri..
::FAALLADA TODDOBAADKA::
ItoobiyaFaallo: Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa sidii in Tigree marti looyahay... Akhri
::HADALKII MINGISTE 1978::
Mingiste"dagaalka ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa gudaha Soomaaliya” Mingiste 1978... Guji...
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL:::
GurbiyeCali Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar sabankoodi joogtaye,.. Akhri...
::MAQAALKII XASAN CARAB::
carabMa Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga: Guri uu Deganaan Jiray Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri
:::TACSI:::
Waxaa tacsi loo dirayaa, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso. Tacsi
::TACSI:
Tacsi: Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye oo 20kii May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka Sweden... Akhri
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:
dhegaweyneJawaab Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr. C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri..
:::QORMADII: SACIID FURAA:::
saeedArdaydii Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA::
dholawaaCiise Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji
:::MAGAALADA BORLANGE:::
shiilBorlänge & Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda Soomaalida Borlänge Akhri...
:::DUBAI - BOOSAASO:::
dhagaxGanacsato Qoraal ka soo saaray Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri...
:::SHIDAALKA PUNTLAND:::
Puntland OIL
Puntland iyo Batroolka: Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo... Akhri...
:::LAASCAANOOD:::
laascaanood
Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee Laascaanood....
Akhri...
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
awareMaxkamadda Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?... Akhri
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
cadde muuseCadde Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho, Hadii la dooran waayo-se maxuu samayn?... Akhri...
:::QORMADII WARDHEERE:::
Xog muhiim u ah Soomaalida ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka ee dalbanaya.. Akhri
:::RAADKA GUMEYSIGA:::
kufsi
Gabdhaha Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen.
:::MAQAALKII HEEBAAN:::
qalinQalin-ku-dirirka Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin damac waalan oo... Akhri
:::DOODII ALJAZEERA:::
dood
Doodii Dhexmartay:- Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya Akhri
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL::
Xaal iyo Raali galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland - Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri...
::GABAYGII INJ. NABADDOON::
qoraal NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri...
::GABAYGII XASAN GARAAD::
garaadGabay Cusub: Guuley Allahayow: Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye Akhri
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI:::
cshukriJawaab celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya... Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri..
:::CALI MAHDI:::
mahdiCali Mahdi ma Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!.. Akhri
:::MAQAALKII C. GUULEED:::
guuleedSomalinimadu maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa sannadkii 1990 Akhri
:::INNAGA iyo XABASHI:::
tigreeInnaga iyo Xabashi - Qaybta 3aad:  Imaam Axmed Guray (1506– 1542)... Qore: Faisal
:::ABSHIR BACADLE:::
AbshirAbshir Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey rabaan.. Akhri
:::MAQAALKII XASAN MIRE:::
hasanKacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: - Akhri...
:::BATROOLKA (OIL):::
Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad
 

Aug 17, 2007

  • Tacshiirado iyo qaraxyo loogaystey saldhigyo DFKMG leedahay.
  • Odayaal iyo nabadoono ku baxay dagaalada Buur Gaabo.
  • Baarlamaanka Soomaaliya oo loo qeybiyay Sharci ku saabsan Saxaafada.
  • Madaxweyne Cadde oo kulamo la qaadanaya golayaasha Puntland iyo Saraakiisha ciidamada
  • Qalab Casri ah oo loo keenay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo.

Waxaa isku soo dubaridey
bashiir cumar cali | Gaalkacyo
bashiir137@hotmail.com


Tacshiirado iyo qaraxyo loogaystey saldhigyo dawladu leedahay.

Tacshiirado kala duwan oo xoogan ayaa waxay ka qarxeen xeradii hore ee Guulwadayaasha iyo agagaaraha Shiirole ee wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.
 
Iska horimaad hubaysan oo la isku adeegsadey hubka darandooriga u dhaca iyo qoryaha garbaha laga rido ee baasasuukayaasha ayaa ka dhacay deegaanadaasi, iyadoo la xaqiijiyey in kooxo hubaysan ay weerar ku qaadeen fariisin ay xerada Guulwadayaasha ku leeyihiin ciidamada DFKMG ah gaar ahaan kuwa Booliiska, iyadoo tacshiirad xoogan ay dhexmartey kooxdii weerarka soo qaadey iyo ciidamadii fariisinkaasi ku sugeneyd.
 
Iska horimaadkan ayaan la ogeyn khasaaraha uu keenay, gaar ahaan dhinacyadii dagaalamay iyo waliba dadka rayidka ah ee deegaankaasi ku dhaqan.
 
Dhinaca kale bam nooca gacanta lagu tuuro ayaa waxaa uu ka dhacay agagaaraha Saldhiga Galbeed ee magaalada Muqdisho, iyadoo aynan helin khasaaraha uu dhaliyey qaraxaasi.

Odayaal iyo nabadoono ku baxay dagaalada Buur Gaabo.

Odayaal iyo waxgarad ka kala socda qeybaha ku dhaqan deegaanka Buur Gaabo ee gobolka J/Dhexe halkaasoo ay ku dagaalamaeen labo maliishiyo beeleed ayaa ka ambabaxay magaalada Kismaayo iyagoo ku sii jeeda joojinta dagaalo halkaasi ka socda.

Odayaasha beesha Gaal Jecel oo uu horkacayo nabadoon Maxamed Kuulow ayaa sheegay in aysan xiligan jirin wax ay u sii fadhiyaan isla markaana ay ku baxayaan daminta colaaada isagoo ka codsaday odayaasha kale ee beesha halkaasi kula dagaalameysa in ay ka soo baxaan degmada Badhaadhe si ay ugu qeyb qaataan xalinta khilaafaadkaas.

Deegaanka Buur Gaabo ayaa mudooyinkii la soo dhaafay ay ka socdeen dagaalo sababay in la iskula baxo dhinaca howdka ee loo yaqaan Hoolaa Wajeel halkaasoo uu ka dhacay dagaal faraha looga gubtay dhaliyayna dhimashada dhowr iyo toban maliishiyadii dagaalameysay ah iyo tiro dhaawac ah,dagaalkaasi ayaa ka dhashay qaadashada lacago canshuur ah oo ay bixinayeen gaadiidka dhuxusha u soo daabula labo doonyood oo ku xeran Marsado macmal ah oo ku yaal nawaaxigaasi.

Baarlamaanka Soomaaliya oo loo qeybiyay Sharci ku saabsan Saxaafada.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay kulan ku yeesheen Magaalada Baydhabo.
Fadhigaan waxaa shir gudoominayay Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Prof: Max'ed Cumar Dalxa,ayadoo ay soo xaadireen xildhibaano fara badan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay ka doodayaan la xisaabtamka Xukuumada Cali Maxamed Geedi ,ayadoo ay harsan tahay in Su'aalo la weydiiyay wasiiro tiradooda lugu sheegay 11 Wasaaradood oo ka mid Xukuumada Cali Maxamed Geedi.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale loo qeybiyay Sharci ku saabsan Saxaafada Madaxa banaan ayadoo lasheegayo in maalmaha soo socda dood la gelin doono sharcigaan ,isla markaana la ansixin doono ama ladiidayo.

Sharcigan cusub ayaa waxaa soo hordhigay golaha baarlamaanka Xukuumada Soomaaliya ,ayadoo ay soo diyaarisay Wasaarada warfaafinta ee dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ,wuxuuna naqonayaa kii ugu horeeyey oo noociisa ah lana horkeeno baarlamaanka Soomaaliya tan iyo markii dowlada Soomaaliya la dhisay 2004-tii.

Madaxweyne Cadde oo kulamo la qaadanaya golayaasha Puntland iyo Saraakiisha ciidamada

Sadex golle ee dowlad gobaleedka Puntland ayaa waxa ay kulan ku yeelanayaan magaalada Garoowe ee caasumada Puntland maalin ka dib markii madaxda Mandaqadu gobolka dib ugu soo laabateen.

kulankaan ayaa wuxuu dhexmarayaa golayaasha Xukuumada, Garsoorka iyo Guddiga joogtada ah ee golaha Wakiilada maamul goboleedka Puntland.

Sidoo kale, shirkan ayaa waxaa lagu wadaa in ay goob joog ka noqdaan saraakiisha sar sare ee ciidamada Daraawiishta iyo Booliska Puntland, oo hadda madaxweynuhu kulan albaabadu u xiran yihiin kula leeyahay xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Kulamadan isdaba jooga ah ee madaxda golayaasha iyo Saraakiishaba uu madaxweynuhu la yeelanayo ayaa dhamaan lagu wadaa in diirada lagu saari doono heshiisyada Puntland iyo DFKMG ah ee Soomaaliya dhawaan ay ku kala saxiixdeen caasumada dalka ee Muqdisho, intii uu booqashada ku joogay halkaasi madaxweynuhu.

Arinta kale ee la filayo in ay saldhig u tahay kulamadan ayaa ah wax ka qabashada amaanka gobolka oo bilihii u danbeeyey u muuqday mid faraha ka sii baxaya.

Kulamadan oo dhamaantood albaabadu u xiran yihiin saxaafadana laga horsaatagay ayaa shacabka Puntland sii weyn uga dhur sugayaan.

Saacadaha danbe ee maanta ayaa la filayaa in madaxada Puntland iyo saraakiisha ciidamadu qabtaan shir jaraa'id oo faahfaahiyaan qodobada ay ka wada hadleen iyo qorshahooda ku aadan wax ka qabashada amaanka oo baahida ugu darani ka taagan tahay.

Qalab Casri ah oo loo keenay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo.


Xaflad ay ka soo qeybgaleen Madax kala duwan ayaa waxa ay ka dhacday Xarunta Maamulka gobalka Mudug ,waxaana xafladaasi soo agaasimey Gudoomiyaha gudiga Horumarinta gobalka Prof: Maxamed Jaamac Salaad.

Xafladaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madax kala duwan oo ugu horeeyo gudoomiyaha gobalka Mudug C/rishiid Cali Xaashi Dhuubane iyo Masuuliyiinta ka socota hay'ada Duulimaadka Shacabka ee gobalka Mudug.

Gudoomiyaha gobalka Mudug C/rishiid Cali Xaashi ayaa furay shirkaasi wuxuuna warbixin gaaban ka bixiyay qalabkan Casrigaa ee uu keenay Prof: Maxamed Jaamac Salaad isagoo Mahadcelin balaaran usoo jeediyay Jaaliyadaha dibada ee gobalka Mudug iyo Prof-ka oo qeybta ugu weyn ka qaadatay keenida qalabkaan.

Prof: Maxamed Jaamac Salaad oo keenay qalabkaan Casrigaa ayaa wuxuu ka hadlay halkaasi isagoo ka warbixiyay baahida loo qabay qalabkaan,Maxamed Jaamac Salaad ayaa sheegay in uu hawshan lakaashaday Jaaliyadaha gobalka Mudug ee wadamada dibada.

Gudoomiyaha gudiga Horumarinta Prof: Maxamed Jaamac Salaad ayaa sheegay in qalabkaan uu ku jiro raadaar loogu talagalay in lugu agaado Diyaadaraha soo gala hawada dowlad gobaleedka Puntland.

Raadaarkan ayuu sheegay in uu soo qabanayo diyaarada soo gasha hawada Puntland ,isla markaana uu soo saarayo goobta diyaaradan usocoto ,dalka laga leeyahay iyo macluumaad kale oo fara badan.

Qalabkaan ayaa waxaa sidoo kale ku jiray dharka diyaaradaha lugu hago ,koofiyadaha dabeysha celiya isla markaana ay qaataan shaqaalaha haga diyaaradaha ka soo daga Garoonka Magaalada Gaalkacyo.

Qalabkaan ayaa waxaa uu gudoomiyaha gudiga Horumarinta Prof: Maxamed Jaamac Salaad gudoonsiiyay Masuuliyiinta garoonka diyaaradaha gacanta ku haya gaar ahaan Isku duwaha duulimaadka garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo.

Waxaa sidoo kale uu soo jeediyay Gudoomiyaha gudiga Horumarinta Prof: Maxamed Jaamac Salaad in garoonka lugu daro dhul kale isla markaana la dhiso Runwey cusub iyo garoonka oo baacadiisa kor loo qaado.

Waa markii ugu horeysay oo qalab leh tayadaan la keeno garoonka Magaalada Gaalkacyo oo ay ka soo dagaan diyaarado kala duwan ,kaasoo halbowle u ah isocodka gobalada dhexe Soomaaliya.
 
bashiir cumar cali
bashiir137@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com Aug 17, 2007 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com