SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print
camuudDUFCADII LIXAAD OO KA QALINJABISAY JAAMACADA CAMUUD
Boorama - 104 arday ayaa.
Akhri


Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden... Akhri...


bananbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

sandiego
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA.. Akhri

swiss
Banaanbixii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland Akhri
finland
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland.... Akhri

minneapolis
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota.. Akhri

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK... Akhri...

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...

sweden
Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay...
Akhri..
::FAALLADA TODDOBAADKA::
ItoobiyaFaallo: Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa sidii in Tigree marti looyahay... Akhri
::HADALKII MINGISTE 1978::
Mingiste"dagaalka ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa gudaha Soomaaliya” Mingiste 1978... Guji...
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL:::
GurbiyeCali Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar sabankoodi joogtaye,.. Akhri...
::MAQAALKII XASAN CARAB::
carabMa Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga: Guri uu Deganaan Jiray Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri
:::TACSI:::
Waxaa tacsi loo dirayaa, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso. Tacsi
::TACSI:
Tacsi: Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye oo 20kii May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka Sweden... Akhri
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:
dhegaweyneJawaab Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr. C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri..
:::QORMADII: SACIID FURAA:::
saeedArdaydii Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA::
dholawaaCiise Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji
:::MAGAALADA BORLANGE:::
shiilBorlänge & Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda Soomaalida Borlänge Akhri...
:::DUBAI - BOOSAASO:::
dhagaxGanacsato Qoraal ka soo saaray Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri...
:::SHIDAALKA PUNTLAND:::
Puntland OIL
Puntland iyo Batroolka: Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo... Akhri...
:::LAASCAANOOD:::
laascaanood
Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee Laascaanood....
Akhri...
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
awareMaxkamadda Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?... Akhri
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
cadde muuseCadde Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho, Hadii la dooran waayo-se maxuu samayn?... Akhri...
:::QORMADII WARDHEERE:::
Xog muhiim u ah Soomaalida ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka ee dalbanaya.. Akhri
:::RAADKA GUMEYSIGA:::
kufsi
Gabdhaha Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen.
:::MAQAALKII HEEBAAN:::
qalinQalin-ku-dirirka Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin damac waalan oo... Akhri
:::DOODII ALJAZEERA:::
dood
Doodii Dhexmartay:- Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya Akhri
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL::
Xaal iyo Raali galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland - Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri...
::GABAYGII INJ. NABADDOON::
qoraal NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri...
::GABAYGII XASAN GARAAD::
garaadGabay Cusub: Guuley Allahayow: Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye Akhri
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI:::
cshukriJawaab celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya... Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri..
:::CALI MAHDI:::
mahdiCali Mahdi ma Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!.. Akhri
:::MAQAALKII C. GUULEED:::
guuleedSomalinimadu maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa sannadkii 1990 Akhri
:::INNAGA iyo XABASHI:::
tigreeInnaga iyo Xabashi - Qaybta 3aad:  Imaam Axmed Guray (1506– 1542)... Qore: Faisal
:::ABSHIR BACADLE:::
AbshirAbshir Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey rabaan.. Akhri
:::MAQAALKII XASAN MIRE:::
hasanKacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: - Akhri...
:::BATROOLKA (OIL):::
Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad
 

MADAXWEYNE C/LAAHI IYO BOOQASHADIISII PUNTLAND  "LAMOOD  NOQONSE   WEYDAY"


Madaxweyne C/laahi Yuusuf wuxuu dhowaan booqasho degdeg ah ku tegey  Garoowe  oo mar  ahaan jirtay  Caasumaddii   Maamul  Goboleedkii  hore loogu  yeeri  jiray  (Puntland State  of  Somalia) haddase ay u dhammaatay nadaam ahaan, isagoo ka jawaabayey qaylo-dhaan muddo dheer uga imanaysay Isimada, waxgaradka, ganacsatada, culimaa'udiinka, aqoonyahannada iyo  dhammaan  bulshoweynta  geyigaas  miyi iyo magaaloba iyagoo si midaysan uga cabanayey dhibaatooyin  ay  ka  midaysan yihiin oo wada taabtay oo ay ka mid  yihiin  maamul  la'aan,  nabad  iyo nolol la'aan, deegaankii oo la raray, shilinkii oo aan waxba u goyn iyo rajo la'aan aan cidiba ka sheekayn karin.

Hase yeeshee,  garawsiinyihii,  gurmad heer qaran ah iyo waxqabadkii laga filayey Madaxweynaha wuxuu noqday oo kale, reer abaari rafaadisay oo isagoo aad u ildaran arkay oo maqlay daruur duljoogta oo ay ka burqanayaan onkod iyo hillaac balse aanu Alle idmin in wax biyo ah ka soo dhacaan, deedna ku cataabay "LAMOOD NOQONSE WEYDAY".

Ummaddii ku faraxsanayd booqashada Madaxweynahoodii hore, imminkana ah Madaxweynaha Soomaaliya, yaab iyo amakaag ayey ku noqotay natiijo la'aannta ay ku dhammaatay booqashada Madaxweynaha, waxayna arrintaasi u siyaadisay dadweynaha welwelkii, walaacii iyo caradii ay horey u qabeen.

Waxaa shacabka Gobolladaas intooda badani aaminsan yihiin in Madaxweyne C/laahi mas'uul iyo horseed ka ahaa dhibaatooyinka maanta ee Pl markuu talo ku gaaray in uu ka dalloco Pl, uuna isla markaas qorsheeyey in uu (masalugalay) madaxa ka saaro Puntland, iminkana aad buu u sii ayiday fadeexadaas ah oday ka sheekey.

Bulshada Puntland iska ma tuuriwaayin MASALUGALAY daciif ah oo dhiiggii ka dhammaysatay dadka, balse  waxaa cid waliba uga faa'iidaysataa uguna gabbataa khiyaameynta shacabka nabad jeceylka Isimada iyo waxgaradka oo aad u xeeriya xasiloonida kana fogaada wax u eg wixii hore uga dhacay Muqdisho oo laga soo naaxay, waxaase hore loo yiri, nabad la  tuugay nabad ma ahaa.

Ugu yaraan waxyaabaha looga fadhiyey in uu ku tallaabsado Madaxweynaha waxay ahayd in Dawladda Federaalka ahi si ku meelgaar ah ugu magacadow Pl Wakiil Sare si horta bal loo dejiyo xaaladda adag iyo fowdada ka aloosan inta ay goori goor tahay, cagtana loo dhigo xasilooni la'aanta iyo shuftada ka hana qaadday halkaas inta guurtida iyo bulshoweynta Gobolladu mar kale isaga imanayaan kulan guud oo la mid ah midkii 1998dii ugana tashanayaan aayahooda dambe, haddiiba aan xaaladdu ka sii darin lana soo bixin waji kale Eebbe ka magan shar dhammaantiise.

Inkasta oo Madaxweynuhu mar uu ka hadlayey shirweyne aad farta ugu fiiqay qaladaadka jira, su'aalna ka weydiiyey kooxda qafaalka ku haysata Pl wuxuuna yiri sidatan oo aan ka akhristay internetka:

S. intee baa mudadii maamulku jiri lahaa idiinka harsan?

J.  waxaa noo harsan 1 sano.

S.  waatii mudadu 3da sano ahayde ma afti dadweyne ayaad qaaddeen oo hal sano la idiinku daray, mase idinkaa 1 sano ku darsaday?

J.  maya, afti ma qaadin, annaguna kuma darsan, balse 1 sano ayaa noo harsan.

hadal waxaa ugu dambeeyey Madaxweynaha waqtigu 3 sano ayuu ahaa wixii intaa dheeri ka ahna waa wixii anigaba la igula diriray,run buuna ka sheegay Mudane C/laahi arintaas kolkaas.

Haddana nasiibdarro, ugu dambaystii qodobbadii laga soo saaray socdaalkii Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa in uu jiro 1 sano oo dheeri ah oo aan xataa lagu sababayn jinni ku saar, balse iska ah dulmi, xukun jeceyl iyo kalsooni darro laga bartay kuwa ku naaxa xaaraanta, kana indho la'  xaqa iyo xalaasha, ilaa iyo haddana lama garanayo waxa ku kallifay Mudane C/laahi in uu si cad u dabaasho qalad iyo in uu raxan yey ah uga eexdo bulshaweyntii u horseedday in uu noqdo siyaasi la qaddariyo iyo Maxweynaha Soomaaliya ee maanta.

Qodobka kale ee lagu wada fahmi karo in Madaxweynuhu uu si weyn u ogsoonyahay musuq-maasuqa,  naasnuujinta iyo xad-gudubka ka jira Pl  waxa uu yahay sida  uu  u  ceymiyey  ulana  wareegay  ciidammada  daraawiishta,  badda  iyo  sirdoonka  waana  caymo  intaasiba,  hase  yeeshee  muxuu  ku  halleeyey  ciidanka  Booliiska?  Muxuu  ku  halleeyey  amniga  Pl  haddii  aanu  jirin  booliis  daryeel  haysta?  Mase  waaba  ka  maarmay  Pl?  Mase  ka  mid  ma  aha maamullada hoos yimaada dawladda federaalka ah?

Markaan dib u jalleecno mudadii uu mudane C/laahi Yuusuf ka ahaa Madaxweynaha Puntland weligiis wax dhaliil ahi ugama iman, lagumana xaman lunsasho hanti ummadeed, meelka-dhac la xiriira midnimada, wadajirka, iyo nabaadguurinta dhulka, wuxuuna ahaa mas'uul iyo oday Soomaaliyeed oo jecel in ay Soomaaliya dib u heshiiso, iskana saxdo qaladaadkeedii ku dhacay qaddarka Alle, wuxuuna marar badan ku soo dhoweeyey Garoowe iyo Boosaaso kuna casuumay siyaasiyiin hore, qabqableyaal iyo waxgarad ka kala yimid Koonfur Soomaaliya, aad ayuuna u caaqibeyn jirey.

Weligeed ma dhicin cid mushaar la'aan ka cabatay, Bangiyada Garoowe iyo Boosaasona waxay ahaayeen Bangiyo lacagtu iska dhoobantahay, kagana bixi jirtay kuna soo geli jirtay xisaab iyo nidaam maamul, waxaana laga dawoobay waagaa faraqa-ku-shubashadii SSDF iyo sida hoogga hadda taagan oo kale.

Waxa keli ah ee badiba lagu dhaliili jiray C/laahi wuxuu ahaa horuumarin la'aan iyo mashaariic uu ka horyimid fulintooda, balse waxaa lagu xasuustaa dhismaha Qasriga Madaxtooyada Boosaaso, kaasoo hadda hoy u ah jiir iyo baranbaro, dadkuna indhaha ka laabteen hawadii ay ka lahaayeen markii uu noqday bahalgaleenka lagaga soo duulo dad qabiil ahaan loo dhacayo ama loo dilayo.

Waqtigaas, anigu waxaan ka mid ahaa dadkii C/laahi ku eedeyn jiray horumarin la'aanta ee aan u arkayn xasiloonida iyo midnimada horumar la taaban karo. Nabee, waraa ii dhinnaa!

Si kastaba ha ahaatee, C/aahi waxaa aad loo tebey, odaynimadiisiina la ogaaday markii nooleyaal kale ka dhexmuuqdeen xafiiskii uu ka hagi jiray Pl kolkii laga reebo ku xigeenkiisii oo ahaa mas'uul iimaan leh, xilkiisana garanayey, waqti yarna kaga dambeeyey xafiiska.

TALO SOO JEEDIN

Waxaan si xushmad iyo qaddarin leh uga codsanayaa Mudane Madaxweyne C/laahi iyo Xukuumadda Dawladda Federaalka Soomaaliya in ay tixgelin weyn siiyaan wax ka qabashada dhibaatooyinka la soo gudboonaaday Puntland, iyagoo haddii ay la ahaato tixraacaya talooyinkeyga soo socda ama xataa wax uun ka qaataan:

1. si shacabka Pl uga soo kabto kalsooni xumada, qalbijabka deriska la noqday kuna baahay, wadajirkiina loo dabaqabto.

2. si aanay dawladda Federaalka oo aad ugu sii jeedda xalinta dhibaatooyinka badan ee ka jira Koonfur Soomaaliya uga murugoon cabashada uga imanaysa Pl.

3. si ummadda oo aan muddo 17 sano ah arkin dawlad wax ku ool ah loo baro in dawladda Federaalku ay tahay dawlad dadka u dhalatay una adeegaysa, cabashadooda tixgelineysa, waxna u qaban karta.

4. si looga hortago kooxaha sibirta jaraya ama curyaaminaya dawladda, midnimada ummadda, baabi'inaya nolosha dadka, ahna danaystayaal dulmi ku heshiiyey, ayna ku adeegtaan cadoowyo diiddan jiritaanka Soomaaliya.

5. si aanay isu-dhimin taageerada weyn ee uu shacabweynaha geyiga Pl u hayo dawladda federaalka, loogana baxo wareerka iyo waallida waayadan taagan.

6. si looga fogaado saansaan ama ifafaale dagaal sokeeye oo ka qarxa Pl, imminkana cabsi weyn laga qabo.

7. si loo turxaan bixiyo Pl dibna loogu sameeyo maamul aad u caafimaadqaba, lagu kalsoon-yahay waxna kala hagi kara.

- waa in Dawladda Federaalka ahi si kumeelgaar ah ugu magacawdo Pl Wakiil Sare oo laga xulo xubnaha Golaha xukuumadda,Golaha Baarlamaanka ama dadweynaha, wuxuuna guddoomiye u noqonayaa 6 xubnood oo midkasta bulshadu ka soo kala xulanayaan Gobollada kala ah Ceeyn, Sool, Sanaag, Bari, Nugaal iyo Mudug.

- 7daas xubnood waxay si kumeelgaar ah u buuxinayaan kaalintii indhowaaleba bannaanayd markii la gabay ee ahayd Maamul Goboleedka Puntland, waxayna toosin iyo turxaan bixin ku samaynayaan guud ahaan sida dhibaatooyinku uga jiraan halkaas hoos ilaa kor, waxay bulshada ku waci-gelinayaan nidaamka dawlad wanaagga, waxaana qabaa in ay xilkaas hayaan inta wax-garadka Gobolladu isaga imanayaan, dibna uga tashanayaan aayahooda mar kale sidii ay yeeleen 1998ii, iyagoo insha Allaah markaan iska ilaalinaya in ay kirkiraan meel aan xubin ahayn, ama ay ku qaldamaan meel hungo ah.

AFEEF GAAR AH

Waxaan talada ku soo gunaanadayaa:

* haddii ay  dawladdu talo ku gaarto in ay qof mas'uul ah u magacado Pl waa in uu ka yimaadaa Beelihii hore wax uga dhisay maamulkii Pl sida Leelkase, Awrtable, Jambeel, Dhulbahante iyo Warsangeli, laakiin maya Majeerteen, aniga oo aan meel kaga dhici hayn culimada, isimada, waxgaradka, aqoonyahanka, dhallinyarada, carruurta iyo haweenka Beeshaas iyo intooda Ilaah taqaan, iimaanka leh, nadiifka ah, ammaanadana xejin kara ee aan xujoobin, korna u dhaafaya 99.9%.

* Marka xiga, si gaar ah baa loo soo dhoweynayaa hadduu ka yimaado Wakiilka Sare Hiiraan, Bay, Muqdisho iyo gobollo kale, taasoo wax ka tari karta dib u soo nooleynta is-aaminkii iyo walaaltinimadii aan lahaan jirray ee waayadan dhaawac gaaray, daweyn iyo baxnaanona isbitaal ugu jiray.

* Waa in Wakiilku yahay shaqsi leh aqoon diineed, mid maaddi ah, waayo aragnimo iyo awood uu ku maali karo ama ku sarrifan karo maskaxdiisa.

* In uu noqdo shaqsi leh adkeysi iyo dulqaad uu ku kala guro duruufaha adag ee  horimanaya.

* Shaqsi leh karti shaqo iyo dabeecad wanaagsan oo uu ku kasbado mas'uuliyiinta la shaqeeya, ku hawlgeliyo xoogagga bulshada, kulana xisaabtami karo.

* Waa in uu ahaado shaqsi aan weligiis ka daalin in uu la tashado guurtida, culimaa'udiinka iyo aqoonyahannada, haddana waa in uu yahay nin iska jira iskana hubiya fulinta talo loo soo gaaray ee aan isaga maankiisa ka soo maaxan, latashi iyo lafagurid kaddibna waa in uu isagu lahaado go'aanka kama dambaysta ah, isagoo weligiis tixgelin siinaya aseebidda xaqa iyo caddaaladda.

* waa in uu ahaado shaqsi ka hufan godob sokeeye, laguna tuhmin ka qaybqaadasho dhibaatooyinkii ka dhacay Soomaaliya mar hore iyo mar dambe.

* Dawladda Federaalka waa kala tashan karaa wixii uu doono, kamase qaadan karo amar aanu u arkin in uu kheyr u yahay  dalka, dadka iyo waajib gudashadiisa.

Qoraalkeygu wax xiriir ah lama laha belaayo sheegid, cid fogeyn iyo soo dhoweyn cid kale, balse waxaan ula jeedaa gudasho xilka qof kasta oo muwaadin ah ka saaran dalka iyo dadka, dawladda runta ahina waa dadka.

Shaqsi kasta oo xil ummadeed haya ma aha shaqsi dadka wax dheer ee waa adeege ummadeed waxaana sharaf u ah in uu inta uu xilka hayo, ka hor iyo kaddiibba kheyr ka shaqeeyo si uu u ahaado berri qof ku dhex-noolaan kara bulshada isagoo aan cambaaraysnayn ee nadiif ah, taasna wuxuu ku gaari karaa qofku in uu ilaaliyo caddaaladda, kana fogaado ammaanada oo lagula xisaabtami doono adduun iyo aakhiroba. 

W.Q. Muuse Xaaji (Abees)
 Email: abees11@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com Aug 17, 2007 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com