SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print
camuudDUFCADII LIXAAD OO KA QALINJABISAY JAAMACADA CAMUUD
Boorama - 104 arday ayaa.
Akhri


Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden... Akhri...


bananbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

sandiego
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA.. Akhri

swiss
Banaanbixii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland Akhri
finland
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland.... Akhri

minneapolis
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota.. Akhri

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK... Akhri...

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...

sweden
Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay...
Akhri..
::FAALLADA TODDOBAADKA::
ItoobiyaFaallo: Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa sidii in Tigree marti looyahay... Akhri
::HADALKII MINGISTE 1978::
Mingiste"dagaalka ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa gudaha Soomaaliya” Mingiste 1978... Guji...
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL:::
GurbiyeCali Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar sabankoodi joogtaye,.. Akhri...
::MAQAALKII XASAN CARAB::
carabMa Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga: Guri uu Deganaan Jiray Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri
:::TACSI:::
Waxaa tacsi loo dirayaa, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso. Tacsi
::TACSI:
Tacsi: Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye oo 20kii May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka Sweden... Akhri
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:
dhegaweyneJawaab Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr. C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri..
:::QORMADII: SACIID FURAA:::
saeedArdaydii Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA::
dholawaaCiise Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji
:::MAGAALADA BORLANGE:::
shiilBorlänge & Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda Soomaalida Borlänge Akhri...
:::DUBAI - BOOSAASO:::
dhagaxGanacsato Qoraal ka soo saaray Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri...
:::SHIDAALKA PUNTLAND:::
Puntland OIL
Puntland iyo Batroolka: Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo... Akhri...
:::LAASCAANOOD:::
laascaanood
Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee Laascaanood....
Akhri...
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
awareMaxkamadda Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?... Akhri
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
cadde muuseCadde Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho, Hadii la dooran waayo-se maxuu samayn?... Akhri...
:::QORMADII WARDHEERE:::
Xog muhiim u ah Soomaalida ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka ee dalbanaya.. Akhri
:::RAADKA GUMEYSIGA:::
kufsi
Gabdhaha Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen.
:::MAQAALKII HEEBAAN:::
qalinQalin-ku-dirirka Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin damac waalan oo... Akhri
:::DOODII ALJAZEERA:::
dood
Doodii Dhexmartay:- Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya Akhri
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL::
Xaal iyo Raali galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland - Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri...
::GABAYGII INJ. NABADDOON::
qoraal NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri...
::GABAYGII XASAN GARAAD::
garaadGabay Cusub: Guuley Allahayow: Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye Akhri
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI:::
cshukriJawaab celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya... Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri..
:::CALI MAHDI:::
mahdiCali Mahdi ma Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!.. Akhri
:::MAQAALKII C. GUULEED:::
guuleedSomalinimadu maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa sannadkii 1990 Akhri
:::INNAGA iyo XABASHI:::
tigreeInnaga iyo Xabashi - Qaybta 3aad:  Imaam Axmed Guray (1506– 1542)... Qore: Faisal
:::ABSHIR BACADLE:::
AbshirAbshir Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey rabaan.. Akhri
:::MAQAALKII XASAN MIRE:::
hasanKacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: - Akhri...
:::BATROOLKA (OIL):::
Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad
 
  • Xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qayaad oo booqqatey “waxaana la yaabay markaan arkey qaar ka mid ah maxaabiista oo Naafoobey iyo kuwana ay caafimaad darri ay ku hayso”
  • Gudoomiyaha ku xigeenka Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dhalxa   “hadiyadii lagu mataaneeyey Baarlamaanka Soomaaliya iyo Indonisa waa tan, ii ogolaada inaan gobolka aan ku dhashay ee Sh/hoose ku casuumo”
  • Gudoomiyaha Gudiga Warfaafinta, Hanuuninta iyo Hidaha Dhaqanka ee Baarlamaanka FKM Xildhibaan Cawad Axmed Cashara "hadii ay Saxaafad yihiin waa inay ka hadlaan waxa jira, Gefkuna meel buu leeyahay" 

Xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qayaad oo booqqatey “waxaana la yaabay markaan arkey qaar ka mid ah maxaabiista oo Naafoobey iyo kuwana ay caafimaad darri ay ku hayso”

Xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qayaad oo ah Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqul Insaanka Arimaha Haweenka iyo Caruunta ee Baarlamaanka FKMG oo booqatay Xabsiga dhexe ee Gobolka Baay ayaa sheegtey in Xabsiga dhexe ee Gobolka Baay Maxaabiista ku xiran ay ku hayso xaalada Bani’aadaninimo oo aad u daran iyaga iyo kuwa ilaaliya, islamarkaana aysan war ka hayn Maamulka Gobolka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha, waxay kaloo sheegtay in qoraal ay ka soo qaaday ay u gudbisay Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka ahna siihayaha xilka gudoomiyaha Baarlamaanka. 

Xildhibaanada Xaawo C/llaahi Qayaad oo ka hadleysa ayaa waxay tiri “ Waxaan booqdey Xabsiga dhexe ee Gobolka Baay, si aan u soo kormeero, waxa ay ku sugan yihiin maxaabiista ku xirxiran, waxaana indhahayga ku soo arkey dad fara badan oo si sharcidaro ah lagu soo xiray oo aan la xukumin, qaarkoodna Sanad iyo wax ka badan ay ku jiraan xabsiga, halka qaar kale ay iska soo xirateen ciidamada Nabad-sugida, waxaana la yaabay markaan arkey qaar ka mid ah maxaabiista oo Naafoobey iyo kuwana ay caafimaad darri ay ku hayso oo aysan jirin wax la taacaala, islamarkaana aan haysan waxyaabihii daruuriga u ahaa nolosha bani’aadamka, ayna ku ag-rafaadeen kuwii ilaalinayay maxaabiista oo mudo 6-bilood aysan qaadan wax Mushaar ah, markaan wareystey qaar ka mid ah Saraakiisha oo oo ii sheegey arinkaa” ayey tiri Xildhibaanad Xaawo C/llaahi oo hadalka sii wata ayaa intaa waxay sii raacisay  “ kama warhayaan mas’uuliyiinta Gobolka iyo Wasaaradda midna, waxaan Hay’adaha caalamiga, kuwa Xuquuqul Insaanka iyo inta Naxariista ay ku dambeyso ka codsanayaa inay u soo gurmadaan oo ay la soo gaaraan kaalmo wax tar leh, kuwa dembiyada lagu haysto oo aan awoodin inay wax difaaca sameystaana loo sameeyo”.

Xildhibaanad Xaawo waxay kaloo sheegtey “in Magaalada Muqdisho dadka layska soo xirxiro, islamarkaana laga qaado lacago sharcidaro ah oo naftooda ay ku badbaadinayaan, halka kuwo kale oo lagu hilmaamay xabisiga ay jiraan, waxayna mas’uuliyad xumidaas dusha ka saartey Wasaaradda Garsoorka iyo Cadaaladda DFKMG, sababtoo ah Dastuurka wuxuu dhigayaa in mudo 48-Saac wax ka badan aan ruux la xukumin lagu hayn Karin Xabsiga, waana tacadi ka jira Xasiyada Soomaaliya, xubnaha ku xiran xabsiga qaarkood waxaa laga yaabaa inaysan ogeyn Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, sababtoo ah waxay ii soo dhiibteen qoraal ay ku codsanayaan labada mas’uul, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo maamulka Gobolka in arintooda wax laga qabto”.

Qoraalkii aan ka soo qaadey Maxaabiista Xabsiga dhexe ee Gobolka Baay ayaa waxay tiri  Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqul Insaanka Arimaha Haweenka iyo Caruunta ee Baarlamaanka FKMG Xaawo C/llaahi “waxaan u gudbiyey Gudmoomiye ku xigeenka Baarlamaanka ahna sii hayaha xilka gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dhalxa, islamarkaana ka sheegey kulankii xubnaha Golaha Baarlamaanka maalintii khamiista ahayd 16/08/007, waxaana Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda baarlamaanka si degdeg ah ugu yeeray inuu ku yimaado xarunta si wax looga weydiiyo arimahaas, waxaana Dowladda u soo jeedinayaa inay si degdeg ah wax uga qabato dhibaatooyinka haysta Maxaabiista ku xirxiran Xasiyada dalka, gaar ahaan kuwa Gobolka Baay ayey hadalkeeda ku soo uruurisay”. 

Gudoomiyaha ku xigeenka Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dhalxa   “hadiyadii lagu mataaneeyey Baarlamaanka Soomaaliya iyo Indonisa waa tan, ii ogolaada inaan gobolka aan ku dhashay ee Sh/hoose ku casuumo”

 Gudoomiyaha ku xigeenka Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo ka warbixiyey safardii uu ku soo kala bixiyey Caalamka ayaa wuxuu yiri “wuxuu sheegey in maalinta Sabtida la soo bandhigidoono warbixin UNP inta ay bixin jirtey  wixii aad qaadatey xildhibaan kasta, waxay noo hayaan iyo waxay bixiyeen, waxay sheegeen lacago badan markii xeero iyo fanaal ay kala dheceen oo aan anaga qoraal qorney, waxaan ku niri makaan Baarlamaanka aan u tagno wixii uu yiraahdo ayaan ku camal falayenaa, waxaan soo mataaneyney Baarlamaanka INDONISIA iyo Baarlamaanka Soomaaliya, waxayna diyaar u yihiin inay wada shaqeeyaan, tababaro iyo simaaro ay is dhaafsadaan iyo safaro waxaa kale oo inoo suura gashay mar aan tagney Gobolka oo nagu martigeliyey Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka INDONISIA, wuxuu yiri Gobolkaan anigaa ku dhashay marakaar baa la yiraahdaa, sidaas darteed maadaama uu igu casuumay gobolkiisa, isagoo ah Gudoomiye ku xigeenka 1-ee dalka INDONISIA anigana ii ogolaada inaan gobolka aan ku dhashay ee Sh/hoose ku casuumo, wuxuuna ii soo dhiibey laba hadiyadood mid Baarlamaanka ayaa leh, midna Gudoomiyaha Gobolka S/hoose ayaa leh, hadiyadii lagu mataaneeyey Baarlamaanka Soomaaliya iyo Indonisa waa tan.

Natiijada ugu muhiimsanee ka soo baxday shirka waxaan helnay in Baalamaankeenu uu helay xasaanad Caalami ah, kadib markii 158 dowladood oo anagu aan ku jirno ay ka hadleen dal kasta wixii la xiray ama la dilay Baarlamaankooda anaguna waxaan gudiga Xuquuqul insaanka u gudbinay  Ashkato ahaan in la dilay Xildhibaan oo hore Gudoomiye Baarlamaan u ahaa isagoo Masjid ka soo baxay Xildhibaan C/lla Deeroow Isaaq iyo Avv.Axmed Ibraahim oo isagna lagu dhaawacay madaxna ka ahaa gudiga dastuurka arimaha Federaalka, labadooduba way ka soo jawaabeen gudiga waxaa jawaabihii haya gudoomiyaha, dhibaatada loo geystay Xildhibaankeena uusan sharcigeena keliya ku ekeyn uu noqonayo sharci heer Caalami ah, waxaa halkaasi ka soo baxay inaan in laba xubnood oo wadamada Islaamaka naloo ogolaadey, gudi 7-xubnood oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlmaanka uu la tago Qaahira, sidii looga qaybgeli lahaa Baarlamaanka Islaamaka, dowladaha Ingiriiska, Talyaaniga, Sweden iyo Ruushka intaas waxay diyaar u yihiin hadii aan sida la rabo u shaqeyno inay tababar siinayaan , laakiin sida aan ula xiriiri lahayn Xafiiska arimaha dibada iyo Baalamaanka ayey u taalaa, dastuurkood soo dhiibay, dowladaha Venasuela,Noth Amerika oo 12-xildhibaan Soomaali ah ku jirta, waxaana imaandoona laba xubnood oo iyaga ka socda waqtiyo dhow iyo wadamo kale oo badan oo ay ka  kala heleen Casuumaad iyo taakleynayuu xusay, waxaana qoraalo codsi ah u gudbinay 157-dal oo Baarlamaanada caalamka ah qaarkood waa ay ka soo jawaabeen qaarkoodna waxay noo sheegeen inaan markale ku laabano.


Prof. dhalxa oo muujinaya haydiyad.

Wuxuu keloo gudoomiyihu xusay in gobolo badan oo Maraykanka iyo wadamo kale uu tagay ay ka heleen balanqaadyo kala duwan, waxaan idiin soo gudbinayaa wixii lagu dhaliiley iyo wixii nalagu amaaney, in nalagu dacweeyey in Baarlamaanka uusan nidaamka Axdiga waafaqsanayn, uusana ma talin shacabka, in dibuheshiisiinta la marin habaabiyey, waxa hakadka geliyey lacagta Baarlamaanka, dhamaana arimahaas waanu ku gulaysanay oo meel fiican bay marayaan  ee waxa loo soo gudbiyey ay yihiin wax been ahna waan u sheegnay, Baarlamaanka la burburiyo doonimayno.  

Gudoomiyaha Gudiga Warfaafinta, Hanuuninta iyo Hidaha Dhaqanka ee Baarlamaanka FKM Xildhibaan Cawad Axmed Cashara "hadii ay Saxaafad yihiin waa inay ka hadlaan waxa jira, Gefkuna meel buu leeyahay" 

Gudoomiyaha Gudiga Warfaafinta, Hanuuninta iyo Hidaha Dhaqanka ee Baarlamaanka Xildhibaan Cawad Axmed Cashara oo dhowaan soo gaarey Baydhabo ayaan wareysi gaar ah kula yeeshey Hoteel Caalami ee Maagalada Baydhabo waxaa uuna ka hadlay Safaradii uu ku soo kala bixiyey wadamada Caalamka, dilkii Wariye Mahad Axmed Cilmi iyo Cali Iimaan oo ahaa milkiilayaasha Honrafrik iyo Xeerka Saxaafadda ee Wasaaradda Warfaafinta u soo gudbisay Gudoomiyaha Baarlmaanka. 

Xildhibaan Cawad Axmed Cashara isagoo arimahaasi ka hadlaya waxaa uu yiri “ waaan ka qayb galney shir ka dhacay Baali oo looga hadlaayey arimaha Xuquuqul Insaanka iyo nidaamka Argagixisada, waxaana si gaar u kulanay 28 wadan mas’uuliyiinta Baarlamaanadooda, waxaana isku Af-garanay inaan is dhaafsano siyaarooyin, Gudoomiyaha Baarlamaanka Ruushka  waxaan ku heshiinay in xiriirkii labada dal ay wada lahaayeen dib loo soo nooleeyo oo aan kula kulanay halkaas, waxayna aad noogu amaaneen dowrkii aanu ka qaadanay siideyntii Wariyaha Britsh Broadcasting Corporation ee lagu haystey Falastiin, Baarlamaanka Soomaaliya waxaa loo arkey mid cusub oo hogaankii la rabay ku socda, waxaana u abaal sheeganay qaar ka mid ah wadamada Afrika dowrkii aanu ka soo qaadanay xoriyadooda iyo dhismaha dalalkooda, waxaan tagnay Suudaan oo lagu shirayey, waxaana dib ugu soo noqoney Masar oo aan la kulanay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wasiirka tacliinta Masar, waxaana kala hadalnay xaga wax-barashada in ardeyda Soomaaliyeed in loo dhameystiro wax-barashadooda, waxaan la kulanay Caamir Muusaa oo aan u gudbinay baahida Baarlamaanka, waxaan tagney shirarkii Baarlamaanka Carabta iyo kan Afrikaanka oo ka dhacay Dimishaq, waxaana shirkaas laga soo saarey in Soomaaliya laga caawino xag siyaasadeed iyo xag maaliyadeed. Jaamacadda Carabta maalmo dhow waxay shirka dibu-heshiisiinta u soo dirtey $1-milyan, waxaa kale oo jira dowlada kuwiyt oo Gudoomiyaha Baarlamaanka uu tegaayo Bisha soo socota ee Oktobar, waxaa kale oo jira shir Baarlamaanada dalallka Islaamka ay ka qeybgelayaan oo ka dhacaya Magaalada Qaahira, waxaa jira Madaxweyne ku xigeenka Indonisia oo doonaya inuu yimaado shirka ka socda magaalada Muqdisho”. 

Mar uu ka hadlaayey safaradaas kala duwan waxa lagu tilmaamikaro ayaa wuxuu yiri “ waxaa lagu tilmaamikaraa xag siyaaso 100% in dowladaha Carabtu Soomaaliya ay u soo jeesteen, Qolooyinkii hawsha dhabqin jireyna ay runta u sheegtey in arinta Soomaaliya meel la saaro, Carabna kama maarmikaro dhaqan iyo dhaqaale waa isku xiranahay, in Carab iyo Soomaali layska horkeeno maanta Soomaaliya dan ugu ma jirto, hawshaa weyna waxay u taalaa Baarlamaanka Soomaaliya. 

Sidoo kale mar uu ka hadlaayey caburinta Saxaafada lagu hayo ayaa wuxuu yiri “Saxaafada barasho ayey u baahan tahay, lana ogaado waqtiga lagu jiro, beenta ay sheegayaan dowladaha reer galbeedka wax ka jira ma laha oo ah xoriyad baa jirta, ninkii ku xadgudba sharciga waa la qabanayaa, Saxaafada markay hadleyso waa iney ahaataa mid ka hadleysa waxa jira sida wali ma arag nin saxafi ah oo wax baaraya, kamana hadlaan Naagaha la kufsaday, dadka Guryaha xaaraanta ku haysto iyo Biyaha dadka laga gado, hadii ay Saxaafad yihiin waa inay ka hadlaan waxa jira, Gefkuna meel buu leeyahay hadii dembi laga galo waa inay Abuukaate qabsadaan kadibna sidaas ku soo bandhigaan ee maha in layska soo boodo, meeshaan qaanuun jirin waa meesheeda,  ee Saxafiyiina Soomaaliyeed waa inay qaanuunka bartaa, waana inay garataa Qaranimada, nimanka madaxda loo doortey waa inay iyaguna gartaan mas’uuliyada saaran, ninka saxafiga ah xaqiisa waana inuu si sharci ah ku doontaa, ninka saxafiga waa inuu dastruurka Akh-riyaa. 

Mar aan weydiiyey maadaama aad adigu tahay Gudoomiyihii gudiga Warfaafinta ee Baarlamaanka aad matalaayo Saxaafadii dhinaca Golaha shacabka hadii dembi laga galo iyo wixii ay ku tumato la doonayo inaad saxdo waxna ka soo ogaatid ee marka sharci Saxaafadeedka hada Xukuuamadu ay soo gudbisay sida uu isagu ula muuqdo ayaa wuxuu yiri “ anigu waxaan raacayaa dastuurka, walina ma akh-riyin xeerka la soo gudbiyey, Wasiirka waxaan u sheegey inuu ii soo gudbiyo Cajalada laga duubey iyadoo maqal iyo muuqaal ah, kadib markaan arko waxaan u gudbinayaa, kuwa Cadaalada, kuwa xuquuqul Insaanka iyo Geneva, iyagaana tarjumanaya, waxaan leeyahay ka soo talo bixiya, dabadeedna waxaan isugu wacayaa inta danaynaysa Saxaafada intaan Baarlamaanka la geyn. 

Mar uu ka hadlaayey xiritaanka xafiiska Al-jasiira iyo kuwo kale wuxuu yiri “wuxuuna Wasaarada Warfaafinta DFKMG, Xiriiriyaha guud ee Caalamka iyo Nabad-sugida ka codsadey in warbixin ay ka soo siiyaan sharciga loo cuskadey in la xiro qaar ka mid ah Jaraa’idka Caalamka ee ka hawlgalayey Soomaaliya sida Al-jasiira iyo kuwo kale, waxaana ka xunahay nimankii la dilay, dowladuna waxaan ka codsanayaa inay soo qabto ragii dillay nimankaas oo sharcigana la mariyo, sida uu sheegayo Axdiga KMG qodobkiisa 20-aad. 

Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com Aug 18, 2007 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com