SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print
camuudDUFCADII LIXAAD OO KA QALINJABISAY JAAMACADA CAMUUD
Boorama - 104 arday ayaa.
Akhri


Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden... Akhri...


bananbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

sandiego
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA.. Akhri

swiss
Banaanbixii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland Akhri
finland
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland.... Akhri

minneapolis
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota.. Akhri

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK... Akhri...

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...

sweden
Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay...
Akhri..
::FAALLADA TODDOBAADKA::
ItoobiyaFaallo: Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa sidii in Tigree marti looyahay... Akhri
::HADALKII MINGISTE 1978::
Mingiste"dagaalka ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa gudaha Soomaaliya” Mingiste 1978... Guji...
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL:::
GurbiyeCali Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar sabankoodi joogtaye,.. Akhri...
::MAQAALKII XASAN CARAB::
carabMa Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga: Guri uu Deganaan Jiray Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri
:::TACSI:::
Waxaa tacsi loo dirayaa, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso. Tacsi
::TACSI:
Tacsi: Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye oo 20kii May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka Sweden... Akhri
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:
dhegaweyneJawaab Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr. C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri..
:::QORMADII: SACIID FURAA:::
saeedArdaydii Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA::
dholawaaCiise Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji
:::MAGAALADA BORLANGE:::
shiilBorlänge & Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda Soomaalida Borlänge Akhri...
:::DUBAI - BOOSAASO:::
dhagaxGanacsato Qoraal ka soo saaray Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri...
:::SHIDAALKA PUNTLAND:::
Puntland OIL
Puntland iyo Batroolka: Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo... Akhri...
:::LAASCAANOOD:::
laascaanood
Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee Laascaanood....
Akhri...
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
awareMaxkamadda Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?... Akhri
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
cadde muuseCadde Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho, Hadii la dooran waayo-se maxuu samayn?... Akhri...
:::QORMADII WARDHEERE:::
Xog muhiim u ah Soomaalida ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka ee dalbanaya.. Akhri
:::RAADKA GUMEYSIGA:::
kufsi
Gabdhaha Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen.
:::MAQAALKII HEEBAAN:::
qalinQalin-ku-dirirka Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin damac waalan oo... Akhri
:::DOODII ALJAZEERA:::
dood
Doodii Dhexmartay:- Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya Akhri
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL::
Xaal iyo Raali galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland - Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri...
::GABAYGII INJ. NABADDOON::
qoraal NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri...
::GABAYGII XASAN GARAAD::
garaadGabay Cusub: Guuley Allahayow: Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye Akhri
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI:::
cshukriJawaab celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya... Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri..
:::CALI MAHDI:::
mahdiCali Mahdi ma Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!.. Akhri
:::MAQAALKII C. GUULEED:::
guuleedSomalinimadu maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa sannadkii 1990 Akhri
:::INNAGA iyo XABASHI:::
tigreeInnaga iyo Xabashi - Qaybta 3aad:  Imaam Axmed Guray (1506– 1542)... Qore: Faisal
:::ABSHIR BACADLE:::
AbshirAbshir Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey rabaan.. Akhri
:::MAQAALKII XASAN MIRE:::
hasanKacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: - Akhri...
:::BATROOLKA (OIL):::
Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad
 

Soo Dhooftaye Maxaa ka dhaba? (qoomiyadda Soomaalidda ee qurbaha Joogta)

Tan markii ay bur burtey Dowladdii  Dhexe ee Soomaaliye ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed siyaad barre , ayaa waxa uu wadanka Soomaaliya Galay Marxalad Adag taas oo wadanka soomaaliya u kala qaybisey  gobol gobol isla markaasna ay Meelkasta oo soomaaliya ka mid ah ay ka  dhacayeen Dagaalo sokeeye kuwaas oo ay ku hoobteen kumayaal iyo Kumayaal soomaali ah , Dagaaladdaas ayaan ilaa Maanta  Taagin wallow  aysan siddiii ay  sagaashameeyaddii ahayd aysan ahayn oo  Gobollo wadanka ka mid ah ay Nabadd yihiin sida somaliland ,Puntland iyo kuwa kale ,waxaana  walli dhibaato baahsan oo ay ugu weyntahay Nabadd la'aani ka jirtaa Caasimadda Soomaaliya taas oo kaba sii dartey Kolkii ay wadanka soo galleen Ciidamada Ethiopia ,iyadoo ay dadka reer Muqdisho nolol maalmeedkooda ka mid noqotay qaraxyo iyo dhimasho maalin kasta ah ,Hadabba Marxaladaas Adag ayaa waxa ay keentay in dad ku dhow 1million oo soomaali ah ay wadanka dibadda uga qaxaan,

 
kuwaas oo u kala qaxay wadamadda Kenya, Ethiopia ,Eroupe,N.America ,Carabaha ,Australia,iyo meelo kale oo baddan oo ka mid ah aduunka Hadabba dadkii wadamada qurbaha soo galay Gaar ahaan dadkii usoo qaxay N.america iyo Eroupe  ayaa waxa ay ka kulmeen Dhibaato baaxad weyn dhibaatadaas ay ugu horeeyeen dhaqaale xumo oo dadku iyaga oo fara madhan ayey soo galaan wadamada oo haba yaraatee aan wax hanti ah wadan  waadna dareemi kartaa qof isaga oo faro madhan dad aynsan  isku diin iyo isku dhaqan toona ahayn marti galay waxa uu kala kulmi karo , waxaa kale oo ka mid ah Dhibaatooyinka  iyaguna haysta qurbaha joogta soomaalida dhibaato xagga Diinta iyo dhaqanka ah taas oo aad moodo inay tahay dhibaato ugu weyn oo haysta qurba joogta, waayo   aduunka wax ugu muhiimsan ee  bulsho kasta ku xisaabtanto waa da’yar, da’yartii soomaaliyeed ee halkan iyaga oo yar yimi ama ku dhashay waxa ay badankoodiii raaceen dadkii wadanka loogu yimi taas oo aad muddo inay adhaxda ka jabisey bulshadii soomaalida waayo dadka waaweyni waa iska tagayaan da’ayartiina faro laguma hayo oo waxay  qaateen dhaqan iyo diin aysan u dhalan, taas oo keeni karta in  boqol sano kadib laba waayo dad  community soomaali ah oo la yaqaano sababtoo  jiilba jiil ayuu bedalaa  jiilka soomaaliyeed ee soo socdana maaha kuwo  leh dhaqan iyo toon midna waa sida ay u badan yihiin dhalintu , runtii lama odhan karo dhalinyaradu wey wada xumaatey laakiinse cilmi baadhis aan sameeyey waxan ku ogaadey reerkii ay u joogto 10 canug ama ilmood inay 8 sideed ka mid ah ay xumaadeen taaso oo la odhan karo waa aqlabiyad sarre ama dhalinyarada inta xun ayaa baddan .
 
muxuu ka  qaban karaa waalidka jooga qurbuhu akhlaada iyo diinta ilmihiisa?
 
Runtii waa arin isweydiin muddan maadaama dhalinyaraddiii ay sidaas u xumaadeen xagee ayuu jiraa waalidka , hadabba mar aan u kuur galay arintaas waxaan ogaadey in uusan waalidku khalad badan ku lahayn arintaas wallow ay jiraan waalido aaan iyagu hagaagsan iyagu toosin u baahin iska daa ilmo ay rabeeyaane ,soomaalidu waxay ku maahmaahdee biyo kaa badan dad kaa badani labaduba waa ku Hafiyaan si kasta oo waalidku u dadaalo  ma rabeyn karo sababtoo ah ilmaha marka horeba waalidku xor uma ah oo waa lala dhalay ciyaalku marka ay 5sano gaadhaan ayaa   waxaa school lagu barayaaa , sidii  hadii waalidkiisi dillo ama ku qayliyo uu police usoo wici lahaa  isla markaasna waxaa laga dhaadhicinayaa ilmaha yar inuu xor yahay oo aan cidna khasab iyo rabeyn toona ku lahayn taas oo meesha ka saareysey kalsoonidiii waalidku u hayey inoo ilmihiisa rabeeyo oo lafihiisa ayuuba u baqayaa , dhankale   waxaa iyana ka qayb  weyn ka qaata  marin habaabinta da’ayarta bulshadda wadanka leh ee wadanku u badan waxayna tahay qaabka ay uga qeyb qaataan marka ay banaanka ku arkaan ilmaha oo xumaan sameeynaya wey kusoo dhiiri geliyaan lagamase yaabo inay dhahaan jooji taas oo aad moodo inay dhaqankeenii wanagsansanaa kasoo horjeedo, waayo wadankii rabeynta ilmaha waxaaka qayb qaadan jirey  bulsho weynta oo marka ay arkaan ilmaha oo xumaan sameynayaan ka celin jirey isla markaasna u tilmaami jirey waxa wanaagsan ee haboon,
 
Maxaa la  Gudboon waalidinta qurbaha Jooga ?
 
Hadaba soomaalidu waxay ku maahmaahdaa war helaaba talo la helaa,mar hadii aynu aragney ama aynu garwaaqsaney Dhoofitaankii markii wadanka la joogey dadka qaarkii uba waalin jireen dhibka laga dhexlay iyo cidhibtiisii sida ay noqotay maxaa inoo talo ah ileen caano daatey dabadood ayaa la qabtaaye ,runtii waa arin u baahan falanqeyn iyo lafo gur badan sababtoo ah umadd dhan bad baadinteed wax howl yar maaha waana arin u baahan inay wax ka qabadkeeda u istaagaan  Culimadda ,Aqoonyahanada, iyo waxgaradka Umadda , Hadaba aniga  aragtideyda waxay ila tahay in dhibkan looga bixi karo in bal marka ugu horeysa ilaahay iyo kitaabkiisa iyo sunaddiisa loo noqdo ,waayo inkastoo dhibaatooyin ama durufo badani iska jireen hadana ma banaaneyn markii horeba in loosoo haajiro wadamo gaalo, waayo waa Gaalladu Sikasta oo ay weji wanaagsan kuu tusaan haddanna wajiga wanagsan ay ku tusayaan mid kale oo xun ayaa uga dambeeya ,Hadaba waxaan soo jeedinayaaa in bulsho ahaan intii laysu abaabulo isla markaasna laysu wacyi galiyo la qorsheeyo bal sidii umaddan la doonayo in la dabar gooyo loo badbaadin lahaa , sida kaliya  ee looga bad baadayana  waa in aynu  wadankeenii hooyo ku noqono isaga ayey barwaaqo iyo diin iyo dhaqan wanagsaniba yaaline  Abwaan soomaaliyeed oo ka Hadley arintan ayaa waxa  tuducyadii gabaysgiisa ka mid ahaa (qoom gaalo weeyaan waxaas ina qaldaayaaye  qasdigoodu waa diinta oo ay inaga qaadaane Qooraansi loo yeesho baa Qiima loo wacane )    Balse Hadii aad Sii macaansato shilimaadka yar yar ee  ay doonayaan inay kugu dabaan galaddu   waa shaki la’aan inaad ku dhacayso dabinkii laguu qoolay mar hore
 
Waxaan kusoo gababeynayaa Qormadan gaaban in qofkasta oo soomaali ah oo damiir diineed iyo mid wadanimo ku jiro uu arinkan waajib ka saaranyahay inay ka hadlaan isla markaasna wax ka qabtaan , weliba saxaafadda  soomaalida waxaan ka codsanayaa arintaas in ay ka hadasho oo ay barnaamijyo iyo wacyi gelin ka ka sameeyeen , waxaan umadda soomaaliyeed leeyahay Soomaaliyey dabinada shesheeyaha Goormaad dareemeysaa ,isku tasho soomaaliyey cidna kuuma maqna ceelna kuuma qodneee ,bal qof walba oo jooga Quruhu hays weydiiyo ama haku xisaabto soo dhooftaye Maxaa ka dhab ah ama maxaa kuu yool ah mustaqbalkaag iyo ka caruurtaada ?
 
 
Qalinkii :C/lahi Axmed Barkhadle (C/lahi Bookh)
Atlanta, Georgia U.S.A
Bookh02@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com Aug 18, 2007 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com