SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print
camuudDUFCADII LIXAAD OO KA QALINJABISAY JAAMACADA CAMUUD
Boorama - 104 arday ayaa.
Akhri


Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden... Akhri...


bananbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

sandiego
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA.. Akhri

swiss
Banaanbixii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland Akhri
finland
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland.... Akhri

minneapolis
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota.. Akhri

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK... Akhri...

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...

sweden
Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay...
Akhri..
::FAALLADA TODDOBAADKA::
ItoobiyaFaallo: Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa sidii in Tigree marti looyahay... Akhri
::HADALKII MINGISTE 1978::
Mingiste"dagaalka ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa gudaha Soomaaliya” Mingiste 1978... Guji...
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL:::
GurbiyeCali Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar sabankoodi joogtaye,.. Akhri...
::MAQAALKII XASAN CARAB::
carabMa Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga: Guri uu Deganaan Jiray Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri
:::TACSI:::
Waxaa tacsi loo dirayaa, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso. Tacsi
::TACSI:
Tacsi: Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye oo 20kii May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka Sweden... Akhri
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:
dhegaweyneJawaab Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr. C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri..
:::QORMADII: SACIID FURAA:::
saeedArdaydii Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA::
dholawaaCiise Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji
:::MAGAALADA BORLANGE:::
shiilBorlänge & Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda Soomaalida Borlänge Akhri...
:::DUBAI - BOOSAASO:::
dhagaxGanacsato Qoraal ka soo saaray Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri...
:::SHIDAALKA PUNTLAND:::
Puntland OIL
Puntland iyo Batroolka: Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo... Akhri...
:::LAASCAANOOD:::
laascaanood
Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee Laascaanood....
Akhri...
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
awareMaxkamadda Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?... Akhri
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
cadde muuseCadde Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho, Hadii la dooran waayo-se maxuu samayn?... Akhri...
:::QORMADII WARDHEERE:::
Xog muhiim u ah Soomaalida ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka ee dalbanaya.. Akhri
:::RAADKA GUMEYSIGA:::
kufsi
Gabdhaha Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen.
:::MAQAALKII HEEBAAN:::
qalinQalin-ku-dirirka Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin damac waalan oo... Akhri
:::DOODII ALJAZEERA:::
dood
Doodii Dhexmartay:- Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya Akhri
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL::
Xaal iyo Raali galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland - Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri...
::GABAYGII INJ. NABADDOON::
qoraal NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri...
::GABAYGII XASAN GARAAD::
garaadGabay Cusub: Guuley Allahayow: Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye Akhri
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI:::
cshukriJawaab celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya... Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri..
:::CALI MAHDI:::
mahdiCali Mahdi ma Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!.. Akhri
:::MAQAALKII C. GUULEED:::
guuleedSomalinimadu maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa sannadkii 1990 Akhri
:::INNAGA iyo XABASHI:::
tigreeInnaga iyo Xabashi - Qaybta 3aad:  Imaam Axmed Guray (1506– 1542)... Qore: Faisal
:::ABSHIR BACADLE:::
AbshirAbshir Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey rabaan.. Akhri
:::MAQAALKII XASAN MIRE:::
hasanKacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: - Akhri...
:::BATROOLKA (OIL):::
Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad
 

Ra'iisul Wasaare Geeddi: "Waxaan ku kalsoonahay in baarlamaanku uu ansixin doono sharciga qodidda Shidaalka somaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo ku sugan Nairobi ayaa sheegay inuu aad ugu rajoweyn yahay in xildhibaannada baarlamaanka ay ansixin doonaan qodobka shidaalka laga soo saarayo dalka, isagoo sheegay in howlaha soo saarista shidaalka ay u xayiran yihiin Baarlamaanka.  

"Waxaan qabaa in xildhibaannada baarlamaanka ay ansixin doonaan qodobka, waayo waxaa ku jira danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, mana filayo inay diidi doonaan in khayraadka dalka la soo saaro" ayuu u sheegay Prof. Geeddi qaar ka mid ah wakaaladaha wararka dunida. 

Ra’iisul wasaare Geeddi ayaa sheegay in qodobka baaridda shidaalka uu yahay mid si weyn ay uga fikirtay Dowladdiisa ayna tahay waxa ugu weyn ee ay qabtay dowladiisa inta ay jirtay maka laga reebo waa sida uu yiriye, dhanka sugidda ammaanka oo uu sheegay inay ahayd qodobkii ay diradda saareen. 

Prof. Geeddi, wuxuu sheegay in shirkadaha Shidaalka qodaya ee laga leeyahay dalalka Indonesia iyo Kuwait ay billaabi doonaan howlahooda marka uu baarlamaanku ansixiyo sharciga soo saarista Shidaalka, wuxuuna sheegay inay xilligaan diyaar u yihiin inay gaaraan gudaha dalka. 

Shirkadahaan ayaa waxaa la sheegay inuu wato Prof. Geeddi; halka Madaxweyne Yuusuf uu wato shirkad laga leeyahay dalka China oo uu heshiis la galay, waxaana wararka hoose ee soo baxaya ay sheegayaan in khilaaf arrintaan ku saabsan uu u dhexeeyo Prof. Geeddi iyo Madaxweyne Yuusuf.

dhinaca kale maamul goboleedka puntland ayaa qarka usaaran inuu kadhaco waayo hadii ay baarlamaanka somaliya ansixiyaan in shidaal laga qodo dalka uu daaqada kabixidoono hiishiisyadii shidaal qodis ee puntland gashay wixii kadan beyey 1991.

Madaxweynaha Kenya oo ugu baaqay dalalka Africa in ay soo dedejiyaan ciidamo keenista Soomaaliya iyo Madaxweyne Yuusuf oo la Kulmay Kibaki.

Madaxweynaha dalka Kenya Mr. Mwai Kibaki oo jimcihii ka hadlayey furitaanka shir magaalada Nairobi ugu furmayey Wasiiradda Gaashaandhiga dalalka ku bahoobay ururka IGAD ayaa ka codsaday dalalka aan weli soo dhameystirin ciidamadii lagu taageerayey dalka Soomaaliya in ay soo dedejiyaan.

Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki ayaa sheegay in xiligan la joogo waqtigii loo baahnaa ciidamo nabad ilaalin oo la geeyo dalka Soomaaliya maadaama ay ka jiraan dhibaatooyin amaan daro ah, wuxuuna ka codsaday dalalka horay u balan qaaday ciidamada in ay ka dhabeeyaan balanqaadkooda soona dedejiyaan.

Mwai Kibaki ayaa u sheegay wasiiradda gaashaandhiga dalalka IGAD in looga fadhiyo xasilinta dalka Soomaaliya, wuxuuna intaa raaciyay Mwai Kibaki in xiligan dalalka Africa ay awood u leeyihiin in ay xaliyaan dal ay ka jiraan dhibaatooyin dagaal, wuxuuna sheegay in xiligan loo baahan yahay in loo gurmado Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Kenya oo dadaal dheer u galay sidii Soomaaliya cagaheeda isu taagi laheyd ayaa waxaa jira dalal Africaan ah oo ka caga jiidaya ciidamo keenista Soomaaliya iyadoo ay jiraan dalal dhowr ah oo horay u balan qaaday iney keenayaan ciidamo gaaraya 8,000 askar nabad ilaaliyaal ah.

Dhinaca kale waxaa aqalka Madaxtooyada Kenya ee magaalada Nairobi kulan ku yeeshay Maanta Madaxweyneyaasha Kenya iyo Soomaaliya iyadoo ay waxyaabihii ay isla soo qaadeen ugu weyneyd arrimaha shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee ka socda Muqdisho.

Madaxweyne yuusuf ayaa 17/8/2007 warbixin ka siiyay Madaxweynaha Kenya arrimihii ugu danbeeyay ee shirka iyo guulaha lagu talaabsaday, wuxuuna ugu mahad celiyay madaxweyne Yuusud dadaalka Kenya ay u soo gashay xalinta mushaakilka ka taagan Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya ayaa ugu baaqay kooxaha Soomaalida in ay miiska wada hadalka ku soo biiraan isla markaana soo afjaraan khilaafka xoogan ee ka taagan Soomaaliya.

Mwai Kibaki ayaa sheegay in dowladda kenya mar walba diyaar u tahay gacansiinta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed wuxuuna intaa raaciyay in dowladdiisa ay sii wadi doonto dadaalada lagu doonayo nabad ku soo dabaalida dalka Soomaaliya.

Wasiirku xigeenka Arimaha Amniga Puntland oo jimcihii  ka hadlay amaanka Magaalooyinka dowlad gobaleedka Puntland.

Wasiirku xigeenka arimaha Amniga Puntland Faarax Cabdi Doorshe ayaa wuxuu malinamadii jimcaha 17/8/2007hadlay xaalada amaanka ee Magaalooyinka waa weyn ee Puntland ,isagoo sheegay in amaanka Puntand yahay mid sugan.

Faarax Cabdi Doorshe ayaa sheegay in amaanka Puntland yahay mid wanaagsan ,isla markaana kor loo qaaday tayada ciidanka Booliska Puntland asagoo sheegay wasiirku xigeenku in Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso ay howlgalo ka sameeyeen ciidamo ka tirsan Bileyska Puntland.

Wasiirku xigeenka Arimaha Amniga Faarax Cabdi Doorshe ayaa in dhawaan Puntland ay noqon doonto meel nabdoon ,isla markaana looga baahan yahay qof walboo ka mid ah Umada Soomaaliyeed uu nabada ka shaqeeyo.

Deegaano kuyaala cirifka gobalka Sanaag ee Puntland ayuu sheegay wasiirku xigeenku in ay isku horimaad dhexmaray labo maleeshiyo beeleedyo isagoo sheegay in haatan arintaasi xal laga gaaray oo lakala qaaday labada ciidan.

Md.Faarax Cabdi Doorshe ayaa wax laga weydiiyay Maamulka la sheegayo in laga dhisay deegaano Badhan ee la magac baxay Maakhir State isagoo Faarax sheegay in warkaasi yahay mid Saxaafadu baahisay.

"Labo nin ayaa guri isku xirtay sheeganteyna Magacaas ee majiraan wax Maamul ah oo halkaasi ka jira ,Dowlad Puntland ayaa ka talisa deegaanadaasi waana wax laga xumaado warkaan" Ayuu yiri Wasiirku xigeenka arimaha amniga Puntland Faarax Cabdi Doorshe.

Dadweynaha Mandiqada gobalka ayaa waxa ay siweyn indhaha ugu cahayeen xaaladaha amaanka wax looga qabanayo iyo ayagoo dhaliilo Xukuumada ujeedinaya kuwaasoo ay ka mid yihiin falalka Xuquuqda ka dhan ee ay ka mid yihiin kufsiga oo ka dhacay todobaadyadii ugu danbeeyey Magaalada Gaalkacyo.

bashiir cumar cali
bashiir137@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com Aug 18, 2007 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com