SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print
camuudDUFCADII LIXAAD OO KA QALINJABISAY JAAMACADA CAMUUD
Boorama - 104 arday ayaa.
Akhri


Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden... Akhri...


bananbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

sandiego
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA.. Akhri

swiss
Banaanbixii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland Akhri
finland
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland.... Akhri

minneapolis
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota.. Akhri

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK... Akhri...

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...

sweden
Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay...
Akhri..
::FAALLADA TODDOBAADKA::
ItoobiyaFaallo: Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa sidii in Tigree marti looyahay... Akhri
::HADALKII MINGISTE 1978::
Mingiste"dagaalka ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa gudaha Soomaaliya” Mingiste 1978... Guji...
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL:::
GurbiyeCali Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar sabankoodi joogtaye,.. Akhri...
::MAQAALKII XASAN CARAB::
carabMa Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga: Guri uu Deganaan Jiray Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri
:::TACSI:::
Waxaa tacsi loo dirayaa, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso. Tacsi
::TACSI:
Tacsi: Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye oo 20kii May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka Sweden... Akhri
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:
dhegaweyneJawaab Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr. C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri..
:::QORMADII: SACIID FURAA:::
saeedArdaydii Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA::
dholawaaCiise Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji
:::MAGAALADA BORLANGE:::
shiilBorlänge & Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda Soomaalida Borlänge Akhri...
:::DUBAI - BOOSAASO:::
dhagaxGanacsato Qoraal ka soo saaray Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri...
:::SHIDAALKA PUNTLAND:::
Puntland OIL
Puntland iyo Batroolka: Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo... Akhri...
:::LAASCAANOOD:::
laascaanood
Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee Laascaanood....
Akhri...
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
awareMaxkamadda Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?... Akhri
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
cadde muuseCadde Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho, Hadii la dooran waayo-se maxuu samayn?... Akhri...
:::QORMADII WARDHEERE:::
Xog muhiim u ah Soomaalida ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka ee dalbanaya.. Akhri
:::RAADKA GUMEYSIGA:::
kufsi
Gabdhaha Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen.
:::MAQAALKII HEEBAAN:::
qalinQalin-ku-dirirka Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin damac waalan oo... Akhri
:::DOODII ALJAZEERA:::
dood
Doodii Dhexmartay:- Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya Akhri
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL::
Xaal iyo Raali galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland - Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri...
::GABAYGII INJ. NABADDOON::
qoraal NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri...
::GABAYGII XASAN GARAAD::
garaadGabay Cusub: Guuley Allahayow: Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye Akhri
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI:::
cshukriJawaab celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya... Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri..
:::CALI MAHDI:::
mahdiCali Mahdi ma Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!.. Akhri
:::MAQAALKII C. GUULEED:::
guuleedSomalinimadu maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa sannadkii 1990 Akhri
:::INNAGA iyo XABASHI:::
tigreeInnaga iyo Xabashi - Qaybta 3aad:  Imaam Axmed Guray (1506– 1542)... Qore: Faisal
:::ABSHIR BACADLE:::
AbshirAbshir Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey rabaan.. Akhri
:::MAQAALKII XASAN MIRE:::
hasanKacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: - Akhri...
:::BATROOLKA (OIL):::
Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad
 

Faahfaahinta weerarada caawa iyo Muqdisho.

Kooxaha la magax baxay wax iska caabinta Somalia ayaa caawa weerar culus ku qaaday saldhiga Galbeed ee degmada Wadajir, halkaasoo ciidamada booliska DF ay joogeen.

Kooxahaan ayaa weerarkaan gaadmada ah caawa qaaday labadii fiidnimo xiliga Muqdisho iyadoo ciidamada booliska Dowlada KMG ah ee Somalia ay fureen rasaas aan loo meel dayin.

Iska horimaadkaan ayaa waxa uu ahaa mid xoogan, iyadoo la maqlay qaraxyo dhowr ah oo loo maleynayo in ay yihiin baasuukayaal, laakiin guddoomiyaha degmada Wadajir waxa uu sheegay in ciidamada booliska ay iska caabiyeen isla markaana aanu jirin wax qasaaro ah oo ka soo gaaray ciidamada dowladda weerarkaasi.

Ilaa hada lama oga qasaaraha labada dhinac soo kala gaaray, iyadoo ciidamada booliskana ay bilaabeen inay baaritaano ka sameeyaan xaafadaha u dhow dhow saldhig galbeed.

Si kastaba, weerarada lala beegsanayo xiliga habeenkii ciidamada DF iyo kuwa Itoobiyaanka ayaa caado ka noqday caasimada Somalia ee Muqdisho.

Weeraradii Habeenkii Jimcadu soo geleysey iyo Muqdisho.

Xaruntii hore ee Guulwadayaasha ayaa xalay kooxo hubeysan waxa ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan Dowlada KMG ah ee Somalia oo halkaasi fariisin adag ku lahaa.

Labo qof oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay inay weerarkaasi ku geeriyoodeen, halka warar kalana ay sheegayaan in ciidamada qaarkood dhaawacyo cul culus ay kasoo gaareen weerarkaasi gaadmada ahaa ee xalay lagu soo qaaday.

Kooxaha hubeysan ayaa la cadeeyay inay baasuukayaal iyo bambooyin ku garaaceen xaruntaasi, iyadoo ciidamada Dowlada KMG ah ee halkaasi joogay la sheegay inay kala firxadeen.

Ciidamada ayaa xalay galay xarunta Gaashaandhiga oo ay degan yihiin ciidamada Ethiopian-ka, kadib markii kooxda weerarka soo qaaday ay xoog ku maquuniyeen.

Iska horimaadkii xalay dhacay oo ahaa mid culus ayaa markii uu muddo socday waxaa ku soo biirey ciidamo Ethiopian ah oo fariisin ku leh dhismaha wasaaraddii Gaashaandhiga, kuwaasi oo meelaha qaar gudaha u soo galay xaafadaha dadka rayidka ah ay dagan yihiin.

Ciidamada Ethiopian-ka ayaa la xaqiijiyay inay dad iskugu jira Odoyaal iyo Dhalinyaro ka wateen xaafadaha u dhow dhowaa goobta uu falka ka dhacay, iyadoo aan ilaa iminka la sheegin halka la geeyay dadkaasi ay qabteen ciidamada Itoobiyaanka.

Si kastaba ha ahaatee, weerarada lala beegsanayo ciidamada Dowlada KMG ah ee Somalia ayaa maalmihii ugu dambeeyay Muqdisho silsilad ka noqday, iyadoo weeraradii ugu dambeeyay ay ku dhinteeyn ugu yaraan 10 Askari sida la qiyaasay.

Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya oo kulan yeeshay.

Madaxweynaha Dowlada KMG ah ee Somalia Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta kulan aan caadi aheyn la yeeshay dhigiisa dalka Kenya Mwai Kibaki.

Labada mas’uul ayaa manta ku kulmay caasimada dalka Kenya ee Nairobi iyagoo ka wada hadlay xaalada kacsan ee ka taagan caasimada Somalia ee Muqdisho, iyo sidii Kenya ay qeyb ugu qaadan laheyd dhameynta xiisadaha ka aloosan guud ahaan Somalia.

Mwai Kibaki ayaa lagu soo waramayaa inuu balan qaaday in markasta dowladiisa ay taageero la garab taagan yahay xukuumada Cabdulaahi Yuusuf.

Madaxweynaha Dowlada KMG ah ee Somalia Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa dhigiisa Kenya ugu warbixiyay qaabka uu u socdo shirka dib u heshiisinta beelaha Somalia, isagoo sheegay in dhibaato badan kadib dowladiisa ay ku guuleysatay in shirka uu qeybtiisa labaad usoo gudbo.

Cabdilaahi Yuusuf ayaa sheegay in wejiga koowaad ee shirkaasi oo lagu guulestay, diirada lagu saaray xalinta khilaafaadka beelaha, nabada iyo hubka dhigista.

Madaxweynaha Somalia waxa uu intaa ku daray in wejiga labaad ee shirka, oo mar hore bilowday, looga hadli doono dib u dhiska qaranka iyo arrimaha siyaasada, waxaana ka mida buu yiri dowlad-wanaag, qeybsiga qeyraadka dalka iyo awood wadaagida, sida uu qabo axdiga KMG.

Waxa uu sheegay in wejiga labaad ee shirka looga hadli doono sidoo kale dhibaatada burcad badeeda, daryeelak qaxootiga iyo dadka ku barakacay gudaha dalka.

Isku soo duuboo, kulanla labadaan mas’uul ayaa kusoo aadayaa xili xaalada Muqdisho ay aad u kacsan tahay isla markaana ay maalin iyo habeen ay ka dhacaan qaraxyo dowlada lagaga soo horjeedo.

Abdifitahaam Ahmed

abdifitahaam@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com Aug 18, 2007 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com