SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print
camuudDUFCADII LIXAAD OO KA QALINJABISAY JAAMACADA CAMUUD
Boorama - 104 arday ayaa.
Akhri


Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden... Akhri...


bananbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

sandiego
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA.. Akhri

swiss
Banaanbixii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland Akhri
finland
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland.... Akhri

minneapolis
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota.. Akhri

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK... Akhri...

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...

sweden
Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay...
Akhri..
::FAALLADA TODDOBAADKA::
ItoobiyaFaallo: Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa sidii in Tigree marti looyahay... Akhri
::HADALKII MINGISTE 1978::
Mingiste"dagaalka ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa gudaha Soomaaliya” Mingiste 1978... Guji...
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL:::
GurbiyeCali Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar sabankoodi joogtaye,.. Akhri...
::MAQAALKII XASAN CARAB::
carabMa Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga: Guri uu Deganaan Jiray Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri
:::TACSI:::
Waxaa tacsi loo dirayaa, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso. Tacsi
::TACSI:
Tacsi: Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye oo 20kii May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka Sweden... Akhri
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:
dhegaweyneJawaab Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr. C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri..
:::QORMADII: SACIID FURAA:::
saeedArdaydii Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA::
dholawaaCiise Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji
:::MAGAALADA BORLANGE:::
shiilBorlänge & Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda Soomaalida Borlänge Akhri...
:::DUBAI - BOOSAASO:::
dhagaxGanacsato Qoraal ka soo saaray Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri...
:::SHIDAALKA PUNTLAND:::
Puntland OIL
Puntland iyo Batroolka: Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo... Akhri...
:::LAASCAANOOD:::
laascaanood
Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee Laascaanood....
Akhri...
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
awareMaxkamadda Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?... Akhri
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
cadde muuseCadde Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho, Hadii la dooran waayo-se maxuu samayn?... Akhri...
:::QORMADII WARDHEERE:::
Xog muhiim u ah Soomaalida ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka ee dalbanaya.. Akhri
:::RAADKA GUMEYSIGA:::
kufsi
Gabdhaha Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen.
:::MAQAALKII HEEBAAN:::
qalinQalin-ku-dirirka Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin damac waalan oo... Akhri
:::DOODII ALJAZEERA:::
dood
Doodii Dhexmartay:- Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya Akhri
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL::
Xaal iyo Raali galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland - Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri...
::GABAYGII INJ. NABADDOON::
qoraal NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri...
::GABAYGII XASAN GARAAD::
garaadGabay Cusub: Guuley Allahayow: Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye Akhri
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI:::
cshukriJawaab celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya... Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri..
:::CALI MAHDI:::
mahdiCali Mahdi ma Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!.. Akhri
:::MAQAALKII C. GUULEED:::
guuleedSomalinimadu maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa sannadkii 1990 Akhri
:::INNAGA iyo XABASHI:::
tigreeInnaga iyo Xabashi - Qaybta 3aad:  Imaam Axmed Guray (1506– 1542)... Qore: Faisal
:::ABSHIR BACADLE:::
AbshirAbshir Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey rabaan.. Akhri
:::MAQAALKII XASAN MIRE:::
hasanKacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: - Akhri...
:::BATROOLKA (OIL):::
Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad
 

Wararkii: Aug 19, 2007

  • Cali Cabdow “Janddy Frazier waa Haweenay Jahwareersan oo ku fashilantay Siyaasadda Muqdisho

  • C/llaahi Yuusuf  “150 Milyan oo Doolar ayay Dowladda Mareykanka soomaaliya…

  • Qaraxyo iyo Israsaaseyn ka dhacday Muqdisho

  • Dagaal u dhexeeya Beelaha Murusade iyo Xawaalde oo ka dhacay

  • Magaalada Asmara oo uu ka socdo qabanqaabada shirka ay..

  • Shirkii dib u heshiisiinta oo mar kale dib u furmay

  • Xulka Qaranka Soomaa-liya  oo looga badiyey labo gool


Cali Cabdow “Janddy Frazier waa Haweenay Jahwareersan oo ku fashilantay Siyaasadda Muqdisho

Wasiirka War-faafinta Dowladda Ereteriya Cali Cabdow aya si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Afrika ee Mareykanka Janddy Frazier oo ahaa in Dowladda Ereteriya ay ku sifowday in ay taageerto waxa ay ugu yeertay kooxo argagixiso ah, waxa uuna Wasiirku sheegay in Haweyneydaasi tahay mid jahwareersan oo ku fashilan tahay arrimaha Soomaaliya. “Dhibaatada ka taagan Soomaaliya waxaa mas’uul ka ah Dowladda Mareykanka” ayuu yiri Wasiirka oo intaa raaciyey “Waan ka xumahay in aan u jawaabo Haweeneydaasi, haddana waxaan leeyahay, waxaad ku fashilantay arrimihii ka taagnaa Soomaaliya”.

Cali Cabdow waxa uu sheegay in Dowladda Ereteriya ay taageereyso sidii meel la isugu keeni lahaa kooxaha isku haya Soomaaliya, isagoo tilmaamay in dhawaan Magaalada Asmara lagu qaban doono shir ay ka soo qaybgalayaan dhamaan kooxaha Soomaaliyeed, waxaa kale oo uu sheegay in dhibaatada ka taagan Soomaaliya ay horseed u tahay caddowga Ummadda Soomaaliyeed ee Itoobiya oo aan dooneyn qaran Soomaaliyeed. Cali Cadow waxa uu ahseegay in Dowladda Ereteriya aysan aqoonsaneyn wax Dowlad ah oo ka jira Soomaaliya.  Waxaa maalmahan sii xumaanayey xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Ereteriya, iyadoo dowladda Mareykanka ay dhowr jeer ku eedeeysay Ereteriya in ay qalalaaso ka wado gudaha Soomaaliya, sidoo  kale Qaramada Midoobey warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay Dowladda Ereteriya in ay hub siiso kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federalka.

C/llaahi Yuusuf  “150 Milyan oo Doolar ayay Dowladda Mareykanka soomaaliya…

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho tan iyo markii uu Magalada Nayroobi gaaray halkaas oo uu kulamo kula soo yeeshay madaxweynaha wadnka Kenya iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Mareykanka, waxa uuna Madaxweynaha markii uu qabtay shir jaraa’id oo uu ku faahfaahinayey safarkaasi, waxa uu sheegay in Dowladda Mareykanka ay kordhisay dhaqaalihii ay keeneysay Soomaliya, isagoo sheegay in sanadkaan Soomaaliya la siin doono 150 Milyan oo Doolar oo uu sheegay in wax looga qaban doono Hawlaha Dowladda.

Mar wax laga weydiiyey, qalalaasaha iyo rabshadaha ka taagan Muqdisho, waxa uu Madaxweynuhu sheegay in Dowladdu ay sii wadi doonto hawlaha nabadda lagu sugayo ee Muqdisho ka socda.

Ugu dambeyntii Madaxweynuhu waxa uu tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Agaasimihii Idaacadda Horn AFrik Cali Iimaan Sharmaake iyo Madaxiii Idaacadda Capital Voice Mahad Axmed Cilmi, isagoo oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Waxaan islahaa waa la xiri Idaacadda, balse waxaad muujiseen Karti, halkaasna ka sii wada hawshiina shacabka u sheega wixii wanaagsan”. 

Qaraxyo iyo Israsaaseyn ka dhacday Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho maalmahan dambe marti u noqotay qaraxyada iyo israsaaseynta ay wadaan kooxaha ka soo horjeda Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya.

Qarax si weyn looga maqlay Magaalada Muqdisho ayaa lal beegsaday gaari ay saarnayeen Guddoomiye ku xigeenkii Siyaasadda Gobalka Banadir C/llaahi Firinbi iyo Guddoomiyaha Degmada Hawlwadaag, waxan qaraxasi ku dhaawacmay, Guddoomiyihii degmad Hawlwadaag Yuusuf Geele oo la dhigay Isbitaalka Banaadir, sidoo kale qarax ayaa waxaa isna ka badbaaday guddoomiyaha Wardhiigley Xasan Xashaas, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay gabr Wadada mareysay, sidoo kale qarax ka dhacay agagaarka Shirkadaha Isgaarsiinta ayaa waxaa ku dhaawacmay labo askari, dhowr kale oo dadka rayidka ahna waxyeelo ayaa ka soo gaartay, sidoo kale nin rayid ah ayaa lagu dilay Suuqa Bakaaraha lama garnayo sababaha loo dilay. 

Dagaal u dhexeeya Beelaha Murusade iyo Xawaalde oo ka dhacay

Wararka naga soo gaaraya Gobalada dhexe waxay sheegayaan in dagaal mar kale uu dhex maray maleeshiyooyin ka soo kala jeeda Beelaha Murusade iyo Xawaadle, waxa uuna dagaalka xoogiisu ka dhacay deegaanka Goobo oo u dhexeeya Magaalooyinka Maxaas iyo Ceel-Buur, waxaana dagaalkaan la sheegay in ay ku dhinteen ilaa iyo 10 qofood oo labada dhinac ah, waxaana ku dhaawacmay ilaa iyo 15 qofood.

Dagalkaan ayaa waxa uu ku soo beegmay xli ay socotay waan waan u dhexeysay labada beelood oo ay wadeen Odoyaal.

Dagaalkaan ayaa sabab u ah labada beelood oo isku haysta dhul daaqsin ah.

Dagaalkan oo soo noqnoqday dhowr jeer ayaa ilaa iyo hadda waxaa la sheegay in ay ku dhinteen ilaa iyo 30 qofood.

Dagaalkaan ayaa sidoo kale waxa uu ku soo beegmay xili uu Magaalada Muqdisho ka socdo shir dib u heshiisiin ah oo u dhexeeya Beelaha Soomaaliyeed, iyadoo Ugaasyada labada Beelood e dirirtu u dhexeyso ee ku sugan Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in dhowr jeer ay jireen baaqyo ay ku dalbanayaan in dirirta la joojiyo

Magaalada Asmara oo uu ka socdo qabanqaabada shirka ay..

Waxaa Magaalada Asmara ee dalka Ereteriya ka socda qabanqaabada shir dib u heshiisin ah oo ay isugu imaan doonaan xubno ka socda baarlamaanka xorta ah, mas’uuliyiin ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Siyaasiyiin kale oo ka kala imaan doona dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.

Inkastoo aan la ogeyn qarshka ku baxaya shirkaasi cidda bixineysa ayaa haddana guddoomiyaha maxaakiimta Islaamiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu sheegay  in qarashkaasi ay bixinayaan shacabka Soomaaliyeed ee jecel nabadda.

Maalmahan waxaa wadamo ka tirsan Yurub iyo Carabta Marayey xubno ka tirsan Baarlamaanka Xorta ah iyo Maxaakiimta Islaamiga ah kuwaas oo taageero u raadinayey shirka, sidoo kale waxaa Gobalad Jubooyinka soo gaaray xubno ka tirsan Barlamaanka Xorta ah, kuwaas oo Bulshada ku dhiiragelinayey in ay taageeraan shirka dhawaan ka bilaaban doona dalka Ereteriya.

Warar ayaa waxay sheegayan in shirkaasi uu bilaaban doono 7-da Bishan soo socota ee fooda nagu soo haysa, hase yeeshee xubnaha qabanqaabinay shirkaasi ayaa qaarkood aaminsan yihiin in shirka la qabto marka uu dhamaado Ramadaanku, halka kuwo kalana ay soo jeediyeen in la shirka la furo inta uusan Ramadaanku bilaaban.

Dowladda Ereteriya ayaa Dowlada Mareykanka waxay ku eedeysay in ay gacan siineyso kooxaha ka soo horjeeda Dowladda, isla markaanka ay qayb ka tahay dowladaha qalalaasaha ka wadaan Soomaaliya, hase yeeshee Ereteriya ayaa dhankeeda sheegtayin qaska ay mas’uul ka yihiin Mareykanka iyo Itoobiya.

Shirkii dib u heshiisiinta oo mar kale dib u furmay

Waxaa maalintii shalay ahayd xarunta Gaadiidka Booliiska ee Magaalada Muqdisho mar kale dib uga furmay shirkii dib u heshiisiinta qaranka Soomaaliyeed, waxaana ka hadaly xubno uu ka mid ahaa Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, waxa uuna sheegay in uu dhex dhexaad ka yahay siyaasaddaha is haya ee ka jira Soomaaliya.

“Haddii shir lagugu martiqaado in waajib ah in aad timaadid oo waxa aad qabto halkaasi ka sheegto” ayuu yiri Ugaas khaliif oo sheegay in shirka loo baahan yahay in lag soo qaybgeliy dhamaan Beelaha Soomaalyeed si uu noqdo Miro dhal”.

Shirka waxaa hakad geliyey kadib markii Beelaha qaarkood ay sheegeen in aysan ku qancsaneyn qaabka uu u socdo shirka, sidoo kale warar ayaa waxay sheegayaan in shirka loo hakiyey dhaqaale xumo.

Cali Mahdi Max’ed ayaa malmahan waday kulamo uu la lahaa beelaha Soomaaliyeed kaas oo uu ku qancinayey in ay ka qaybgalaan shirka dib u heshiisiin qaran ee Soomaaliyeed. 

Xaruntii Idaacadda Horn AFrika ee Baladweyne oo la xiray

Iyadoo dhawaan la dilay Agaasimihii Idaacadda Horn Afrika iyo madixii Capital Voice ayaa haddana wararka naga soo gaaray baladweyne waxay sheegayaan in xaruntii ay Idaacadda Horn Afrika albaabada la isugu dhiftay kadib markii uu sidaasi amray maamulka cusub ee gobalka Hiiraan.

Idaacadda oo si toos ah ugu xirneyd xarunta weyn ee Muqdisho ayaa sidoo kale waxaa halkaasi lagu qabtay labo weriye oo ka tirsan Idaacadda Horn Afrik oo lagu kala magacaabo Cilmi Max’ed Waare iyo Sowdo Xuseen, kuwaas oo haatan ku jira Xabsiga Magaalada Baladweyne.

Ilaa iyo hadda lama garanayo sababaha loo xiray weriyayaashaasi, balse warar ayaa waxay sheegayaan in loo xiray kaddib markii ay sii deyn waayeen shir jaraa’id oo uu qabtay mid ka mid ah Mas’uuliyiinta gobalka Hiiraan.

Dowladda Federaalka ayaa xarig ku haysa Idaacadda Madaxa banaan ee ka jira Soomaaliya, waxaana dhawaan albaabada la isugu dhiftay Idaacadda Warsan ee ka jirtay magaalada Baydhabo, sidoo kale waxaa dhawaan la xiriray weriyayal ka tirsan Idaacadda Shabeele. 

Xulka Qaranka Soomaa-liya  oo looga badiyey labo gool

Cayaar ka tirsan tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee da’doodu tahay 17-jirada ayaa shalay waxa uu ka furmay dalka Burundi waxan cayaartii ugu horeysay wada yeshay xulalka Rwanda iyo Soomaaliya.

Cayaartaan oo bilaabatay waqtiga Muqdisho markay ahayd 2:00 Duhurnimo, ayaa waxaa ka soo qaybgalay dadweyne aad u fara badan, waxaan qaybtii hore ee cayaarta xulka qaranka Soomaaliya uu soo bandhigay cayaar ka yaabisay daawadayaashii, balse qaybtii labd markii la isugu laabtay ayaa Tababare Farayare, waxa uu xulka u soo jeediyey in ay halkaasi ka sii wadaan farsamdoodii, hase yeeshee, Cimilada oo aad u kululeyd ayaa xulka qaranka waxaa qaybihii dambe lag dhaliyey labo gool oo deg deg ah, waxayna cayaarta ku soo gebagabowday 2-0, sida uu noo sheegay madaxa Wafdiga Salaad Macallin (Salaad Gaab) oo sheegay in xulka uu soo bandhigay cayaar si aad ah looga maqsuuday.

Maalinta Beri ah ayaa kulankooda labaad waxay la yeelan doonaan Xulka wadanka Burundi waxayna cayaartaasi bilaabmi doontaa 2:00 Duhurnimo.

Amiin Yuusuf Khasaaro

Faafin: SomaliTalk.com Aug 19, 2007  

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com