SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII: Agu 20, 2007

  • Isaaq Maxamed: waxaa la igu amray in xaaskeyga indha- shareerka iska bixiso haddii kale...

  • Sagaal Hoobiye oo xalay lagu dhiftay saldhiyo ay ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ku leeyihiin deegaanka Huriwaa…

  • Degmada Bu’aale oo laga soo sheegay xiisad colaadeed

  • Qaraxyo ka dhacay Magaalada Muqdisho

  • Dabrid ay sameeyeen ciidamada Uganda

  • Xulalka Somalia iyo Burundi oo maanta isku dhegan

  • Iska hor imaad dhex maray ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka


Isaaq Max’ed “waxaa la igu amray in xaaskeyga indha- shareerka iska bixiso haddii kale...”

Wasiir ku xigeenka arrimaha Diinta iyo Aw-qaafta ahna xildhibaan ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa waxa uu cabasho ka muujiyey dhibaatooyin ay u gaysteen ciidamo ilaalo ka ah Madaxtoonyada magaalada Baydhabo kadib markii iyadoo la socota Xaaskiisa iyo canug uu u waday arrimo caafimaad lagu joojiyey jid hor mara Xarunta Madaxtoonyada, waxaan mid ka mid ah ciidamadii halkaasi ku sugnaa uu ku yiri “Anagu ma arki karno haweenay Gashan Indha-shareer ee waa in ay deg deg isag fiiqdaa haddii kale dhibaato ayay la kulmi doontaa ayuu yiri xildhibaana Isaaq oo intaa raaciyey “Wuxuu kale oo uu ku hanjabay haddii aysan si dhaqsi leh isaga siibin indha-shareerka waxay la mid noqon doontaa kuwii aan horey indha-shareerka uga fiiqnay oo aan kor saarnay geedahaasi” isagoo markaasi farta ku fiiqayey indho sharer geed dul saarnaa oo laga qaaday dad, waxa uuna intaa ku sii daray “adiga iyo Xaaskaagaba waxaad tihidiin Al-Qaacida, Al-Qaacidana halkaan loogama baahna”.

Isaaq ayaa sheegay in uu ku wargeliyey in baarlamaanku uusan go’aan ka qaadan Indha-Shareerka waxaad igu maagtaana waa gardaro, ee waa in aad sharciga dhowrtaan.

Isaaq waxa uu sheegay in uu askari tusiyey kaarkiisii aqoonsiga, balse askarigii ayaa yiri ‘Adeer meeshaan dib isaga laabo meeshaan lama ogola maanta”.

Mudane Isaaq waxa uu sheegay in uu amarkii qaatay, waxa uuna sheegay in uu damcay in uu wado kale maro, waxa uuna mar kale askarigii u dhigay halkaasi ciidamo kale oo uu u sheegay in Isaaq iyo Xaaskiisa yihiin Al-Qaacida loona ogolaan in ay wadada maraan.

Isaaq oo ah Xildhibaan, ahna Wasiir ku xigeenka arrimaha Diinta iyo Aw-qaafta ee DFKMG, waxa uu sheegay in uu dib isaga soo laabtay gurigiisii, wuxuuna sheegay mar uu u waramayey saxaafadda in uu aad uga xun yahay waxa lagu hayo maalin walba Bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Isaaq waxa uu sheegay in uu xiriir la sameeyey  madaxda Dowladda oo ay raagelin ka bixiyeen.

Mar wax laga weydiiyey waxa uu ka qabo Indha-shareerka waxa uu ku jawaabay ‘waxaan ka qabaa waxa diintu ka qabto”.

Sagaal Hoobiye oo xalay lagu dhiftay saldhiyo ay ciidamada DFKMG iyo kuwa Itoobiya ku leeyihiin deegaanka Huriwaa…

Xalay ayaa weerar lagu qaaday xarumo ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda FKMG iyo kuwa Itoobiya oo ku yaala deegaanka Huriwaa, waxa uuna weerarkaasi ahaa mid loo isticmaalay hoobiyayaal, waxayna dadka qaar sheegeen in xarumahaasi lagu riday ilaa iyo sagaal hoobiye.

Maalmaahan ayaa weeraro joogto ah waxaa lagu hayey ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka ee ku sugan agagaarka Warshadda Baastada.

Shalay galabnimadii ayaa waxaa deegaankaasi ka dhacay qaraxyo loo isticmaalo banbooyinka laga tuuro gacanta oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, waxaana la sheegay in rasaas ay fureen ciidamada Dowladda ay ku geeriyoodeen labo qof oo rayid ah. 

Qaraxyo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Waxaa Magaalada Muqdisho weli ka socda qaraxyada lala beegsanayo Ciidamada Dowladda, kuwa Itoobiya, mas’uuliyiinta Dowladda.

Maaliniti shahayd ahayd ayaa qarax bambaano waxa uu ka dhacay xarunta laga maamulo gobalka Banaadir, waxaana qaraxasi laga soo tuuray darbi ka mid ah darbiyada ku hareereysan xarunta, waxaana lagu waramay in dhaawac uu ka soo gaaray mid ka mid ah saraakiisha ka hawlgasha xaruntaasi.

Qaraxaasi ayaa ah middii ugu horeeyey ee lagu weeraro xaruntaasi, waxaana la sheegay in xiligaasi ay ku sugnaayeen, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, gaar ahaan maamulka Gobalka Banaadir.

Markiiba waxaa yimid Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo halkaasi ka bilaabay baaritaan, sidoo kale qarax ka dhacay degmada Heliwaa ayaa waxa ku dhaawacmay labo askari oo ka tirsan Dowladda Federaalka, hase yeeshee rasas ay rideen ciidamada Dowladda ayaa waxa ku dhint ay saddex qofood oo dadka qaarkiis ay sheegeen in si ula kac ah loogu furay rasaastaasi, hase yeeshee madaxa xiriirka dadweynaha ee Saxaafadda G/Dhexe C/waaxid Max’ed Xuseen ayaa waxa uu beeniyey in Ciidamada Dowladda ay dileen dad rayid ah.

Degmada Bu’aale oo laga soo sheegay xiisad colaadeed

Wararka ka imaanaya Degmada Bu’aale ee Gobalka J/dhexe waxay sheegayaan in degmadaasi ay ka jirto xiisad colaadeed kaddib markii maleeshiyooyin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo maleeshiyooyin kale ay isku galeen dhufeys, kuwaas oo laga cabsi qabo in ay gacanta iskula tagaan.

Warar ayaa waxay ku sheegayaan in maleeshiyooyinka ka soo horjeeda Dowladda ay yihiin kuwo taageersan maxaakiimtii Islaamiga ah, kadib markii uu dhawaan Magaalada Bu’aale booqday xilidhibaan ka tirsan Baarlamaanka Xorta  oo dadweynaha ku guubaabiyey inay ka hor tagaan wax uu ugu yeeray caddowga ku soo duulay dalka.

Maamulka magaalada Bu’aale ayaa maleeshiyadaasi ugu baaqay in ay magaalada ka baxaan, hase yeeshee waxa ay horjoogayaashooda sheegeen in aysan ka bixi doonin Magaalada ayna yihiin dad u dhashay ayna xaq u leeyihiin in ay ku sugnaaadaan.

C/qaadir Xaaji oo haatan ku sugan degmada Dhoobley, waxa lagu soo waramay in uu halkaasi ka wado abaabul uu dadweynaha ugu sheegayo in ay soo dhaweeyaan shir dhawaan ka dhici doona Magaalada Asmara oo uu sheegay in lagu dhisi doono Dowlad Soomaaliyeed

Dabrid ay sameeyeen ciidamada Uganda

Waxaa magaalada Muqdisho laga maqlay qaraxyo dhegaha dadka ku cusbaa, waxayna dadka qaarkiis markiiba u qaateen in uu dagaal socdo, hase yeeshee mar dambe ayaa la ogaaday in ay dabrid sameynayaan ciidamada Uganda ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Ciidamada oo ridayey hub waaweyn ayaa waxaa la sheegay in ay dabrid ku sameynayeen buuraha ka koreeya Garoonka Diyaaradaha ee magaalada muqdisho.

Saraakiisha Ciidamada ayaa waxay sheegeen in ciidamada ay sameynayeen tababar dhinaca ciidamada ah, hase yeeshee lama garanayo sababah xiligaani ku soo begay in Ciidamada Uganda sameeyaan dabridkaas ama dhoolatuskaasi, iyadoo la og yahay in Muqdisho ka dhacayaan qaraxyo dilal iyo iska hor imaadyo.

Ciidamada Uganda oo ku sugan xeradii hore ee Xalane, Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, Dekedda iyo Xarunta Madaxtoonyada ayaa iyagu indhaha ka fiirsanaya waxa ka dhacay Magaalada Muqdisho, ilaa iyo haatanna wax lug ah kuma yeelan waxa ka dhacay magaalada Muqdisho, inkastoo loo dhigay miino ay kaga geeriyoodeen ilaa iyo dhowr askari, sidoo kale ciidamada Uganda inta badan ma maraan wadooyinka Magaalada Muqdisho tan iyo intii qaraxyada lala beegsaday.

Xulalka Somalia iyo Burundi oo maanta isku dhegan

Lugtii labaad ayaa xulka qaranka ee dad’doodu ka hooseyso 17-jirada ee Soomaliyeed waxay la yeelan doonaan xulka wadanka Burundi oo martigelinaya tartankaasi.

Labada dal ayaa mid waliba waxa uu doonayaa in uu midka kale ka faramarooqsado guusha, waxaana la filayaa in xulka Soomaaliya uu manta soo bandhigo cayaar wanaagsan.

Inkastoo xulka Soomaaliya uu horey ula kulmay guuldaradii ugu horeysay kadib marii labo gool kaga badiyey xulka Rwanda ayaa haddana madaxa Salaad Gaaba waxa uu sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in ay guul ka soo hooyaan cayaartaasi.

Cayaartaan oo dhici doona 8-da duhurnimo ee waqtiga Muqdisho ayaa waxan dadweynaha Soomaaliyeed ku wargelineyna in aan idiin soo gudbino, waxay cayaartasi ku dhamaato, maalinta arbacada ah ayaa la filayaa in xulka Soomaaliya uu cayaarta saddexaad la yeesho xulka Tanzania cayaartaas oo iyana dhici doonao 8- duhurnimo.

Iska hor imaad dhex maray ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka

Wararka naga soo gaaraya gobalka Sh/hoose gaar ahaan Laanta Buuro waxay sheegayaan in maalintii shalay ahyd halkaasi ka dhacay iska hor imaad u dhexeeyey ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, waxaana iska hor imaadkaasi uu kabilowday markii ciidanku u kala baxay hab beeleed, waxana la sheegay in uu hal askari ku geeriyooday iska hor imaadkaasi.

Markiiba waxaa goobta ku baxay saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka oo ku guuleystay in ay kal dhex galaan ciidamada.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamo ka tirsan Dowladda uu iska hor imaad dhex maro, kal hore ayay ahad markii uu halkasi ka dhacay iska hor imaad u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka.

Ciidanka ku sugan Laanta Buuro ayaa la sheegay in ay halkaasi u joogaan sidii ay u qaadan lahaayeen tababar dhinaca ciidamada ah, waana ciidamo laga kala keenay gobaladadalka iyo Magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah ciidamada Dowladda ee ku sugan xeradaasi ayaa waxaa la sheegay in ay ka cabanayaan mushaar la’aan, waxayna saraakiisha ka codsadeen in lo soo dedejiyo mushaarkooda, warar kale ayaa waxay sheegayaan in ciidamada qaar ka mid ah loo rari doono dhinaca xerada Belidoogle, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo kale.

Odoyaasha Beelaha Hawiye oo ugu Baaqay Beelaha isku haya Gobalada dhexe in ay joojiyaan colaadda

Odoyaasha Beelaha Hawiye ayaa shalay kulan isugu yimid waxaana kulankaasi looga hadlay sidii loo qaboojin lahaa dagaalo u dhexeeya Beelaha Murusade iyo Xawaadle oo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobalada dhexe, gaar ahaan xuduuda kala qaybisa gobalada Hiiraan iyo Galguduud, gaar ahaan marka loo kaca dhinaca degmada Ceel Buur.

Odoyaasha waxay ugu baaqeen in wixii khilaaf lagu xaliyo wada hadal iyo isfgard.

Dagaalkaan ayaa waxaa ku geeriyooday inta la og yahay ilaa 35 qofood oo labada dhinac ah, waxaana ku barakacay dad iyo xoolo.

Dagaalkan oo dhowr jeer soo noqnoqday ayaa waxa uu salka ku hayaa arrimo la xiriira dhanka deegaanka oo ay isku haystaan labadaasi beelood, waxayna wararka qaar sheegayan in odoyaal iyo waxgarad ka tagay Hiiraan ay ku wajahan deegaanada ay dirirtu ka jirto si ay u kala dhex galaan labd beelood.

Odoyaasha Beelaha Hawiye ee baaqaan soo saaray ayaa waxaa ka mid ahaa Max’ed Xasan Xaad oo sheegay in Beelaha Hawiye dhibeyso dagaalkaas oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid aan waqtigaan loo baahneyn.

Dagaalkaan waxa uu ku soo beegmay xili shir dib u heshiisiin ah u socdo  Beelaha Soomaaliyeed kaas oo ka socda Muqdisho, iyadoo beeluhu sheegeen in ay is cafiyeen wixii horena la iska hilmaamay.
 
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro.

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 20, 2007 

Dhulka Soomaalida ee Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon

Cali Cabdow: Jandaya Frazier waa Haweenay Jahwareersan oo ku fashilantay Siyaasadda Muqdisho
.C/llaahi Yuusuf: $150 Milyan oo ayay Dowladda Mareykanka
.Qaraxyo iyo Israsaaseyn ka dhacday Muqdisho...
.Dagaal u dhexeeya Beelaha Murusade iyo Xawaalde oo...
.Asmara oo uu ka socdo qabanqaabada shirka ay..
.Shirkii dib u heshiisiinta oo mar kale dib u furmay...
.Xulka Qaranka Soomaa-liya  oo looga badiyey labo gool..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Aug 19

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com