SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

jawaabta shirka Asmara ee c/lahi siyaasi

Yusuf Issa
yusufessa@gmail.com

Marka hore salaan dhamaan somalida ,websidekan soo booqda,intaas kadib c/laahi siyaasi waxaad moodaa inuu si fiican u tafatiray shirka Asmara iyo kan London oo kasoo saaray waxbayahay ,waa ok,waxuu asiibay in waxa loo dig iyo dam leeyahay ay tahay in DKM ah meesha laga saaro, aniga ma dhehayo in Amxaaro meesha laga saaro waayo Amxaaro waa lookala dheereyey,markale ayaad moodaa in Mareykan ay DKM ay kuwii kale uga dheereysay,marka labada qoloba aad baa loo jecelyahay , taasna waxaa tusaale kaaga filan:

1.EThiobia iyo Ereteria waa laba dal oo gaalo ah weliba dhinaca Muslinka waxaa ku fiican Ethiobia oo looma caburiyo muslinka sida Eretreia

2.Ethiobia waa dawlad weyn oo soo jireen ah geeska africa iyo africaba ka ah quwad meesha ay Ereteria tahay dawlad socod barad ah

3.Meles waa nin furfuran oo ah siyaasada aduunka iyo tan geeskaba xariif ku  ah meesha Afwerki yahay nin jaajuur ah oo keligii taliye madax adag lagana yaabo maalin dhow inuu qeyb ka xirxiro barlamanka iyo maxkamadaha.

4.hadaan fiirsho dhanka USA hade C/laahi yusuf malin dhoweyd Nairobi heshiis cusub buu ka keenay taasna waxaad arkeysaa in USA uu uga dheereyey mardhowna group ah jaaliyada dibada iyo raga aqoonyahanka ay mowqifkooda sidii biriqdii bedeli doonan waayo cida ay iska dhisayeen oo bal halmar ha idin arko ay ka ahayd waxuu ahaa USA kaasna dhinac buu uliicay marka waa iney sugaan il kale oo furanta iyo intey DKM ay waqtigeeda dhameysaneyso.

Marka sxb C/laahi siyaasi hadey adiga wax toosin kaatahay maad tiraahdo maanta wadanka DKM iyo taageerayashooda ayaa haysta iyaga hala taageero bal inuu xal ku yimaado intaad leedahay Muqaawamo iyo qarxis ha socdo ileyn ragaan aad soo hageyso ama guubabineyso qarxiska iyo muqaawamada way wadaan, Askarta Ethiobiankana ma filayo in loogu talo galay iney nabad ku noqdaan balse waxaa la eegayaa intey Somali Galaaftan,marka C/laahi siyaasi dhinaca kale sheekada ma urogi weydey Somali aad ubadan ayaa dawlada taagerta sidaan filaayo sheekadu miyeyan kuula muuqan dantaada maqaar eey baa loogu fariistaa? waayo aniga waxaan qabaa xalka keliya ee Somali danteedu ku jirtaa waa in la heshiiyo shirkaa Mogadishu natiijo kasoo baxdo

qarxiska iyo dhibka la joojiyo waayo qarxiskaa iyo muqaawamada raga Asamara keliya baa ku gorgortamaya ee maaha mid dan Somali loogu fulinayo,Somalidu waxey tiraahdaa kaadi badane waa loo gogolbadiyaa meynu 3 bilood ku fiirino in dawlada la taagero, 100% ayaan aminsanahay in Dawlada iyo Ethiobia isku dhacayaan ,dabadeedna waxaa suuro gal ah rag badan oo Asmara jooga iney dhinaca Ethiobia kasoo jeestan Dawlada iyo Ereteria na isracaan,Dawlada KMG hadaba ugu yaraan waxey haysataa aqoonsi caalami ah oo waxeynu oganahay ilaa maanta inuusan USA si fiican u aqoonsaneyn ,Carabi tageerin,Europe tageerin hadana waxa keliya ay ku tukubeyso ay tahay aqoonsiga caalamiga ah oo qolo waliba waxey isleedahay iyadaa kufeysa iska dhaaf ,hadaad usha u bixiso armey kugu kacdaa meeshana ku ceebowdaa,saxiib C/laahi siyaasi shaki kaagama jiro inta ay DKM ay ka taliso muqdisho iyo dhilka kale ee Somalia miyeysan ahayn nasiib in hal maamul uu kataliyo dhul baaxadas le'eg ilaa 1991,ilaah baan kugu dhaarshay sacadan oo kale turunturo ma kabixi kartaa ,hadey kuftaso masoo toosin kartaa? amarka ilaah mooyee! hadaba shaki kaagama jiro inuu dhulkeena yahay meel khidadeysan oo lagu xisaabtamayo ,hadey noqoto ,USA,Europe,China,Arab,Ethiobia badankoodana danta 1aad waa inuu iska kufo oo Somali soo kicin,sababo jira awgood sida Ganacsiga ay utahay dhul ku fiican ama shidaal ku jira oo Dawlado u arkaan inuu khatar ku yahay soo saaridiisa,kuwo aan u arki karin meel toos u hoos imaaneysa hadeysan taasna dhaceyn yaan cidkale cunin waa hilib buurane,kuwo arimo difaac awgeed,marka sxb matahay xili nin aqoonyahan ahi uu lugta u bixin lahaa mise waa xiligii uu dhehi sheydaanba hawatee bal horta kici ,kadib adiga iyo raganimadaa,mise waa hadey liidataa oo rag badan oo xishoonaya ayan waxba soo donaneyn marka waa xiligii iigu fiicnaa si aan wasiir unoqdo ama nin xariif ku ah siyaasada.

sxb rageena aqoonta leh aan udeyno reer Embgathi ha kiciyeen bahasha kadibna ha la isku arko masraxa siyaasada weliba iyadoo boosaska oo dhan ay u xiranyahiin Qabqable,Askari,Kabaqabiil iyo nin liid oo dhan .

Somalia aqoonyahankeeda sxb maaha laba oday oo London dhalinyarada iyo habraha ku shiriya iyagoo weliba isku dhacsan ee kuwaas qolada Embeghati baa dhaanta waayo weynu ogeyn tii Arta intey gaartay iyo waey qabatay,halsano lacagta soo gashay dawladii carta sadexsano barkeed masoo gelin welina wadanka badankiis ayey xukumaan gaal dil gartiisa sii,dhinaca Amxaarada aniga horeyna maqaal ayaan uga soo qoray runta waa ineynu indhaha iska saarnaa Amxaar weligeen kala bixi meyno waayo dhulka ilaa Adisababa agtiisa baan leeyahay,ilaa Nairobi agteeda baan leeyahay maxaa igu kalifey inaan labadan gobol keliya ku jihaado, waxaan rabaa Geeska africa oo dhan  ineynu fikirkeena ku jiheyno sidii aan mustaqbalka u qabsan lahayn sideedana dagaal keliya xal maaha, ee maanta maskaxda hala maalo.

aad baan kuugu mahadcelinayaa sxb C/laahi siyaasi iyo Somalida kale ee maqaalkeyga aqrisataba qofkii igu raaca iyo kii igu khilaafaba

Mahadasanidin

Yusuf Issa
yusufessa@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan  

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 21, 2007 

Dhulka Soomaalida ee Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com