SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Himiladda Garaad Jaamac iyo Naawilaadda Shacabka SSC

ka dib markii  lagu Caanashubay Dooxadda weyn ee Duleedka Magaaladda Laascaanood ku taala lana Yiraahdo GEEDA QARSAY ayaa  shacab weynaha Soomaaliyeed gaar ahaan Daraawiisheed waxa ay Dareemeen Naacaw isku soo dhawaansho ah  iyada oo awal horayna ay jirtay in fikir  la isku maandaafsana balse waxa ay meesha ka baxday Kolkii lagu Caanaha Shubay Garaad Jaamac  Garad  Cali, Garaad Jamaac ayaa waxa ay   dad badani Yiraahdaan waa WAA  CUSUB oo ay heshay  Umadda soomaaliyeed gaar  ahaa Mandaqadda SSC

Garad Jamac Garad Cali ayaa 22/5/06  lagu Caana  Shubay waxaana  ay ahayd Maalin taariikh ah oo ay Umadda Soomaaliyeed isku timi guud ahaanteed ka dib  markii la waayey Nabadii Soomaaliya oo ay Soomaalidu kala  Xidhxidhantay , Gobaladda SSC-na waxa ay noqdeen kuwo ay Soomaalidu ku kulmi doonta sidoo kalena ugu Nabdoon ,

Garad Jamac ayaa  Caana shubkii  ka  dib waxa uu halkaas ka Jeediyey  Qudbad aad u Qaali ahayd oo dad badan dhagahooda soo jeedatay uuna ku kasbaday Taageero Bilyamaad Soomaali ah oo Daafaha  dunida joogay ka dib markii uu ka dhawaajiyey in SHIR AAN SIYAASAD shaqo ku lahayd uu qabanayo oo Madax dhaqameedda  Soomaaliyeed  loo qabanayo balse  DFMK ay  arinkaas dheegatay oo Madaxweynuhu ku dhawaaqay shir dib u heshiisiineed

Garaadka Guud ee Beesha Daraawiisheed ayaa waxa uu safar dhulka ah ku maray intii uu joogay dalka Soomaaliya  Gobaladda SSC waxa uuna la kulmay Dhamaan umadaha ku nool dhulka Baadiyaha ee aan  lahayn Adeegyada Bulshood, ka dibna waxa uu gaarsiiyey Heshiiskii Xamdi Hotel Laascaanood ay ku kala saxeexdeen Cuqaasha  Daraawiisheed,Garaadka ayaa  Bilaabay  hawlo Nabadoonimo muddooyinkii uu joogay Soomaaliya isaga oo ka jibo keenay waxa uuna kala qaaday  Ciidamo Beeloodyo Is horfadhiyey

Garaad Jaamac ayaa mudaddii uu ku sugnaa Soomaaliya waxa uu ku guulaystay in uu Mideeyo Isimadda SSC iyaga oo awal hore ku kala tagsanaa Siyaasadda Maamuladda dhinacyadda ka xiga iyo Ciidamadda isku horfadhiya Adhicadeeye oo Kabaabiga u saran Magaaladda Laascaanood  

Garad Jamaac ayaa Muddo ka dib u ambabaxay wadanka Dibadiisa isaga oo Safaro aad u dhaadheer ku maray Qaaradaha Aduunka, waxa uuna  uga gol lahaa  socdaalkiisan sidii uu Umadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay Dunida ka joogto u Midoobi lahaayeen sidoo  kalena   ay horumarka  dalka   qaybtooda uga  qaadan lahaayeen, sida halgankii Gobanimo doonka Soomaaliya  ay u  keeneen Bad Maaxayaashii Soomaalida ee  la socday Gumaysigii Ingiriiska iyo  Ardaydii waxbarashadda u kicitintay

Socdaalka garadka ayaa waxa uu salka ku hayey Qodobo aad u muhiim ah oo inta badan uu ka jibo keenay waxa aynuna ka xusi kartaa

1.       Qaban qaabadda shir weynaha Madax dhaqameedyada Soomaaliyeed ee lagu balan san yahay in Laascaanood lagu qabto

2.      Shir weynaha oct. ka dhici doona Laascaanood ee ay yeelanayso Beesha  SSC

3.     Isku Xidhka Jaaliyadaha   Soomaalidda  ee Dibadda

 Garad Jaamac ayaa waxa  u shirar  Muhiim ah u qabtay Dhamaanba Jaaliyadaha Soomaalida ee  degaanaa  Dhulalaka uu marayey, Garadka ayaa waxa uu shirar aad u qaali ah la yeeshay Jaaliyadaha SSC ee  degaana  w/Ameerika, Yurub , UAE iyo waliba    Ardayda wax ka barata Hindiya oo uu dhiiri galin u tagay

Garadka ayaa waxa uu wadamadda Yurub iyo Ameerika kula kulmay Haayadaha Deeqaha bixiya ee Caalamka qaarkood waxa uuna la gorfeeyey sidii horumarka gobaladda SSC kor loogu qaadi lahaa, Qaabkii Deeqaha loogu soo gudbin lahaa , waxa kale oo uu Garad Jamac kala hadlay Mas’uuliyiinta Haayadaha in Dhulka Daraawiisheed yahay kan ugu nabad fiican soomaaliya balse ay Been tahay Dacaayadda laga  Fidiyey  

Garad jaamac ayaad moodaa guud ahaanba in uu  is afgarad ku soo dhameeyey hawlihii uu safarka ugu baxay ee danaha Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan SSC , ayan dhamaanba jaaliyadaha  Dibadda  ay Isi  soo fahmeen  loona Balamay Shirka bartamaha bisha October ka dhici doona  Laascaanood  

Shirka October

Shirkan ayaa ah mid ay sanadkasta  yeelan jirtay  Haayadda SSHDA  oo ah Haayad ay leeyihiin  Jaaliyadaha W/Ameerika iyo Yurub ee ka soo jeedda gobaladda SSC, loogana wadda hadli jiray  arimaha waxbarashadda IWm

Balse waxaad moodaa in uu ka sal balaadhan yahay sidii hore  oo markii uu dhamaaday kii sanadkii hore  ee lagu qabtay Minnessota   ayaa Garadku waxa uu ka codsaday  in ay ku qabtaan kan xiga Laascaanood, nasiib wanaag shirkii Garadku la yeeshay Hawadeenadda  Haayadda qaarkood iyo Jaaliyadda SSC ee w/Ameerika ayaa waxaa la isku afgartay in sanadka soo socda shirkii Haayadda lagu qabto Dalka Soomaaliya uuna noqdo mid ay ka soo wada qayb galaan  madax dhaqameedyada Daraawiisheed, Jaaliayada SSC iyo waxgaradka  SSC oo badan 

Shirkan ayaa  ah mid sida uu Garadku Shaaciyey in looga hadli doonin  Siyaasadd, Cidna aan wax  lagu yeelayn  balse uu yahay oo kaliya  mid Mustaqbalka murugsan ee SSC looga arinsan Doono

 Shacab weynaha   SSC ee   Dibadda iyo gudahaba ayaa Garadka waxa ay u muujiyeen kalsooni waxa ayna u Diyaar garoobayaan oo ay Naawilayaan sidii ay uga miro dhalin lahaayeen fikirka Macquulka ah ee uu ku Hamiyey Garadkooda Garad Jaamac Garad Cali Garad Jaamac  

Cabdiqani Makhtal Maxamed

Cabdiqanimakhtal@hotmail.com   

254726950180

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 21, 2007 

Dhulka Soomaalida ee Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com