SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 

Dhalinyarada Muqdisho oo 88% isaga soo qaxay caasimada.

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somalia waxaa ka dilaacay bilooyinkii lasoo dhaafay qax aad u weyn, taasoo ay wadaan dhalinyarada ku dhaqnaa caasimada.

 

Gawaarida aada gobolada dalka Somalia iyo Diyaaradaha ayaa waxaa buux dhaafiyay dhalinyaro aad u fara badan oo maalinba maalinta ka dambeysa sii saa’idaya kuwaasoo sheegaya inay ka baxsanayaan ciidamada Dowlada KMG oo xiritaan iyo jirdil u geysta.

 

“Xabsiyada magaalada Muqdisho oo ay Dowlada gacanta ku heyso waxaa buux dhaafiyay dhalinyaro faceena ah oo aan waxba galabsan, kuwaasoo iyagoo mehradahooda jooga ama guryahooda laga qafaashay iyagoo aan waxba galabsan” sidaasi waxaa yiri Maxamed Xasan Cali oo kamid ah dhalinyarada Muqdisho kasoo qaxday.

 

Maxamed waxuu sheegay in asxaabtiisa intooda badan xiligaan ay ku jiraan xabsiyada dowlada, isla markaana inta badan jirdil fool xun ay u geysteen ciidamada Dowlada, waxuuna sheegay in isaga laba mar la xiray lacago laaluusha ahna lagu soo furtay sidaasi darteedna uu isaga soo cararay Muqdisho.

 

Boosteejooyinka gawaarida laga raaco ee Muqdisho ayaa lagu arkayaa dhalinyaro aad u fara badan oo doonaya inay ka tagaan caasimada iyagoo sheegaya inay naftooda kala baxsanaay ciidamada Dowlada, oo iyagoo aan waxba galabsan xiraya isla markaana aan deyneyn ilaa lacago laga bixiyo.

 

Arrimahaan ayaa ilaa iminka aysan ka hadlin mas’uuliyiinta Dowlada KMG ah ee Somalia, kuwaaso ka dhaga fareysta eedeymaha kasoo yeeraya dadweynaha ku dhaqan Muqdisho.

Addis-Ababa: sarkaal ka tirsan ciidamada DF oo tooreey lagu dilay.

Wararka naga soo gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia ayaa sheegay in sarkaal ka tirsanaa ciidamada Dowlada KMG ah ee Somalia tooreey lagu dilay.

Sarkaalkaan oo lagu magacaabi jiray Max’ed Cismaan sida la xaqiijiyay ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa caasimada Ethiopia, isagoo halkaasi keenay qoyskiisa oo kala soo qaxay magaalada Muqdisho.

Sarkaalkaan ayaa lagu soo waramayaa inuu ahaa mid aad u taabadcsan siyaasada Dowlada Federaalka xiligaan ay ku shaqeyneyso, isagoo dhowr mar meelaha fadhi ku dirirka ah oo ay Soomaalida iskugu yimaadana ku afgalaadeeyay beelaha Hawiye ee Muqdisho degan iyo Mas’uuliyiintii Maxkamadaha Islaamiga.

Nin Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa inuu habeen hore luuq u galay sarkaalkaan oo magaalada ka yimid isla markaana usoo socday gurigiisa oo ku yaala xaafada Makanaay, halkaaso ninkii soomaaliga ahaa tooreey uu dhuunta ka galiyay.

Meeydka Sarkaalka boliiska ayey Ciidamada Itoobiyaanka qaadeen,waxaase baxsaday ninkii dilay oo la baadi goobayo sida ay Waagacusub u sheegeen Soomaalida Makanaay iyo Booli.

Falkaan ayaa laga cabsi qabaa inuu waxyeelo gaarsiiyo kumanaanka Soomaalida ee Addis ababa ku nool,kuwaas oo aan badankood sharci deganaansho ku lahayn dalkaas .

Dadweynaha ku dhaqan Addis Ababa ayaa manta iyo shalay si weyn ugu hadlay dilka sarkaalkaan loo geystay, iyadoo ay cabsi ku abuurtay arintaan mas’uuliyiinta DF oo ilaalo la’aan dhex mushaaxa addis ababa.

Isku soo duuboo, falkaan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay oo noociisa ah oo ka dhaca Addis Ababa, iyadoo ciidamada Ethiopian-ka ay dar dar ugu jiraan sidii ay soo qaban laheeyn ninkii dilka geystay.

DF oo isku khilaafsan indho shareerka laga furayo haweenka

Dowlada KMG ah ee Somalia ayaa isku khilaafsan indho shareerka ciidamada Dowlada ay sida xooga ah ugu furayaan haweenka xijaaban ee ku dhaqan goobaha ay ciidamada dowlada kaga sugan yihiin Somalia.

Wasaarada diinta iyo awqaafta ayaa markii ugu horeysay ka hadashay arrimaha gurcan oo ay ciidamada Dowlada sida xooga ah kaga qaadayaan haweenka xijaaban indho shareerka ama niqaamka.

Wasiir K/xigeenka wasaaradda Owqaafta iyo diinta dowladda KMG ah Isaaq Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in wasaaradiisa oo arintaan u xilsaaran dowlada aysan marnaba raali la aheyn arinta ay sameynayaan ciidamada, waxuuna xusay in arintaan ay wataan mas’uuliyiinta sar sare ee DF iyo rag ka tirsan saraakiisha ciidamada ay ka amar qaataan.

“Wasaaradeyda marnaba amar kuma bixin in haweenka Alle dartii u xijaabtay inay ciidamada xoog kaga qaadaan indho shareerka, waaana arin cuqubo u keeni karta dowlada isla markaana aanan habooneyn in lagu dhaqmo” ayuu yiri Wasiir K/xigeenka.

Wasiir K/xigeenka waxuu arintaan ka dhawaajiyay kadib markii ciidamada dowlada KMG ah ee ilaalada ka ah xarunta Madaxtooyada Baydhaba ay xaaskiisa ku amreen inay indho shareerka iska bixiso, isagoo sheegay in qasab ay ugu dafeen.

Waxa uu cabashadiisa horgeeyay Baarlamanka oo uu sheegay in Baarlamanka uu cadeeyo in uu jiro sharci mamnuucaya in haweenka ay qaataan Indho shareerka, isagoo sheegay in baarlamanka uu ka doonayo in arintaasi ay ka hadlaan.

 “Aad baan shalay u carooday, arintaana waxaan hor dhigayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha hadii ay raali ka yihiina waxa dhacaya, markaas bur iyo biyo ayaa loo kala bixi doonaa” ayuu yiri Wasiir K/xigeenka wasaaradda Owqaafta iyo diinta dowladda KMG ah Isaaq Maxamed Maxamuud.

Wasiir K/xigeenka waxa u sheegay in ay muhiim tahay in haddii baaritaano ku aadan haweenka uu yimaado ay baaraan haween kale si looga fogaado waxyaabo badan.

Sarkaal sare ayaa isna sheegay in ciidamada lagu amray inay ka qaadaan haweenka indho shareerka wata hadii ay diidaaana ay xoog kaga qaadaan, isagoo tilmaamay inay arrimo ammaan awgeed ay u sameynayaan arintaan.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada DF ayaa intii ay yimaadeen Muqdisho iyo Baydhaba waday inay haweenka xijaaban isla markaana wata indho shareerka ay xoog kaga qaadaan indho shareerka iyagoo qaarkoodna jirdil foon xun u geysta.

Madaxweyne Yuusuf oo ka hadlay cafiskii ay u fidiyeen Maxkamadaha Islaamiga.

Madaxweynaha Dowlada KMG ah ee Somalia Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay cafis dowladiisa ay sheegtay inay u fidisay ragii ka tirsanaa Maxkamadaha Islaamiga Somalia.
 

Cabdulaahi Yuusuf oo caan ku ah marka uu qudbadeynayo inuu inta badan hadaladiisa kusoo daro erayo ay ka mid yihiin Argagaxiso iyo Al-qaacida, ayaa yiri “Dowlada KMG ah ee Somalia cafis ayay u fidisay ragii ka haray Maxkamadihii aan ka itaalka roonaanay, isla markaana wey ku noolaan karaan gudaha caasimada Muqdisho iyo guud ahaan Somalia, hana ka toobad keenaan falalkii Argagaxisnimada ahaa oo ay ku jireen”.

 

“Haddii ay ka faa’iideysan waayaan ragaan Argagaxisnimada ku dheeraaday, lagama yaabo inay mar dambe cafis helaan, waxaana lasoo hortaagi doonaa sharciga, sharciga cid ka weyn ma jirto” ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf.

 

Dowlada Federaalka Somalia ayaa mar walba sheegtay inay cafis u fidisay ciidamadii u dagaalamayay Maxkamadaha Islaamiga, iyadoo laakin si hoose u sheegta inay qaban doonto cid ka tirsanaa Mas’uuliyiinta Maxkamadaha hadii ay aragto.

 

Madaxweyne Yuusuf iyo Ra’iisul-wasaare Geedi ayaa inta badan fagaarayaasha ka sheega in dowladoosa ay tahay mid nabadeed balse marka loo eego dagaalada ay Muqdisho ka wado, iyo wararka lidka ku ah xasiloonida Muqdisho ee kasoo yeeraya ayaa u muujinayaan in dowlada aysan rabin nabad ka islaaxda caasimada iyo guud ahaan Somalia.


Ciidamada Dowlada Federaalka Somalia ayaa dadweyne aad u fara badan ka xir xira maalin kasta caasimada Somalia ee Muqdisho, taasoo sababta in dhalinyarada ay isaga soo qaxaan caasimada Somalia ee Muqdisho.

 

Si kastaba, xaalada caasimada Somalia ee Muqdisho ayaa xiligaan nabad daro baaxad weyn ay ka taagan tahay, iyadoo dadweynahana ay sheegayaan in ciidamada DF ay dhac bareer ah maalin kasta u geystaan.

Maxkamada Hargeysa oo sedex sano iyo sagaal bilood xarig ku riday hogaamiyaasha Xisbiga Qaran.

Xaakinka Maxkamadda Hargeysa Siciid Yusuf Cabdi ayaa ku dhawaaqay in dacwad socotay afar saacadood kadib, Gudoomiyaha Xisbigga Qaran iyo ku xigeenadiisa lagu xakumay sedex sano iyo sagaal bilood oo xariga iyo inaysan ka qeybgeli Karin doorashooyinka dalka Somaliland shanta sanadood ee soo socota.

Hay'ada u dooda xaquuqul insaanka ee Somaliland ugu wayn laguna magacaabo Shuronet ayaa xukunkaas cambaareysay,waxayna sheegtay in hogaamiyaasha aysan heysan qareena oo ay afkooda isku difaacayeen.

Xukunka ay Maxkamadda Hargeysa ku riday hogaamiyaashaas siyaasadeed ayaa dareen horleh ka abuuray Somaliland laakiin waxay ila xog ogaala sheegayaan inay jirto rajo siyaasadeed laga yaabo in lagu sii daayo cafis Madaxweyne .

Hogaamiyaasha Xisbigga Qaran ayaa xabsiga Mandhere loo dhaadhiciyay wada hadalo mudo socday oo fashilmay ka gadaal,lamana oga halka xaalkooda ugu dambeyn caga dhigan doono.

Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland ee lagu magacaabo Saleebaan Gaal ayaa hore sida axsaabta Qaran mudo loogu xiray Xabsiga Mandheere,ka dib markii uu ku dhiiraday dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed lidi ku ah Xukumadda Somaliland.

Aadan Sheekh oo baaq u diray kooxaha qaraxyada ka sameeya Muqdisho.

 

Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe” Guddoomiyaha Barlamaanka Somalia ayaa baaq u jeediyay kooxaha kasoo horjeeda dowladiisa oo qaraxyada ka dhanka ah dowlada ka sameeya caasimada Somalia ee Muqdisho.

 

Sheekh Aadan Madoobe waxa uu xusay in dowlada KMG ah ay tahay mid nabadeed isla markaana sida uu yiri aysan dooneyn dhiig ku daata Muqdisho iyo meel kale oo kamid ah Somalia.

 

Aadan Madoobe waxa uu tibaaxay in xaalada dalka Somalia maanta marayaa tahay meel wanaagsan isagoo carabka ku dhuftay in ay nabadgalyo ka soo iftiimeyso Muqdisho oo ahayd saldhiga dagaalada Soomaaliya.
Guddoomiyaha Barlamaanka Somalia waxa uu sidoo kale sheegay in dowladiisa aysan cidna dambi u heysan isla markaana xiligaan ay dooneyso nabad ay ka islaaxiso Somalia, waxuuna yiri “Kooxaha qaraxyada ka sameeya Muqdisho hasoo fariistaan miiska wada hadalka, xabad inaysan waxba tarin ku ogaada waxii dalka ka dhacay”.

 

Sheekh Aaden Madoobe ayaa sheegay in howlaha ka socda magaalada Muqdisho ay yihiin kuwa isaga soo jiitay ,wuxuuna sheegay in howlgallada ciidamada dowladu yihiin kuwa amaanka dib loogu soo celinayo aysana jirin cid si gaar ah loogu uraagsanayo.

Sheeka wuxuu mahadcelin balaaran ujeediyay ciidamada DF oo uu sheegay in ay yihiin geesiyiin isla markaana ay Soomaaliya ka xoreeyeen kooxo doonayay in ay Argagixiso hoy uga dhigaan.

Hadalka kasoo yeeray Guddoomiyaha Barlamaanka Somalia Sheekh Aadan Madoobe waxaa aad u cambaareeyay siyaasiyiin Soomaaliyeed kuwaasoo sheegay in Sheekh Aadan Madoobe uu yahay nin u adeega cadowga dalka isla markaana hadalkiisa uu yahay mid la iska yiri oo kaliya oo aan qalbiga jirin.

 

Weerar xalay lagu qaaday fariisimada ciidamada DF ee degmada Heliwaa

Kooxaha wax iskaabinta Muqdisho ayaa xalay weerar qorsheysnaa kusoo qaaday fariisimo ciidamada Dowlada KMG ah ee Somalia ku lahaayeen degmada Heliwaa ee gobalka Banaadir.

Kooxahaan weerarada soo qaaday ayaa qaraxyo aan horey loo arag ka geystay fariisimada ciidamada Dowlada, iyadoo ciidamadana lagu soo waramayo inay aqoon waayeen goob laga xigo oo ay ku kala firdhadeen xaafadaha degmadaasi.

Ka hor inta aaneey bilaaban tiro hoobiyeyaal ah oo lagu tuuray fariisimo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin xaafadda SOS ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa la maqlay ilaa 4 qarax oo loo adeegsaday bam gacmeedyo oo lagu weeraray ciidamo ka tirsan dowladda oo marayay inta u dhaxeysa suuqa xoolaha iyo isgoyska H/wadaag.

Hoobiyaashaan ayaa sida ay ku waramayaan dadka deegaanka ayaa qasaaro u geystay ciidamada Dowlada, iyadoo dadweynaha qaarkood ay sheegayeen inay arkayeen ciidamada qaarkood oo dhaawacadooda laga soo bixinayo fariisimadooda.

Weerarkaan hoobiye oo dhacay abaaro sagaalkii fiidnimo xiliga Muqdisho waxuuna istaagay daqiiqado ka dib, iyadoo aan la soo sheegin wax jawaabo ah oo ay ka bixiyeen ciidamada dowladda.

Ciidamada Dowlada ayaa isku fidiyay xaafadaha u dhow dhowaa goobaha xalay la weeraray, iyagoo saakay markii uu waaga baryay baaritaano ka sameeyay xaafado kamid ah degmada Heliwaa.

Muuse Cali oo kamid ah dadka degan xaafada SOS ee degmada Heliwaa ayaa qadka telefoonka saakay iigu sheegay in dhalinyaro degnaa xaafada oo uu ku qiyaasay dhowr iyo soddon qof saakay ay wateen ciidamada Dowlada, isagoo sheegay inaysan aqoon goobta ay geysteen dhalinyaradaasi.

Ma ahan markii ugu horeysay oo weerar hoobiyaan ah lagu qaado ciidamada Dowlada tan iyo markii ay soo caga dhigatay dowlada magaalada Muqdisho, iyadoo weerarkii xalayna lagu tilmaamo mid aad u culus oo noociisa oo kale maalmihii lasoo dhaafay aan ka dhicin Muqdisho.

Odoyaasha Hawiye oo ka carooday dilalka ka dhacaya Muqdisho.

Baaq ay soo saareen odoyaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye ayay aad ugu cambaareeyeen weerarada iyo dilalka abaabulan ee ka dhacay muddooyinkii ugu dambeeyay caasimada Somalia ee Muqdisho.

Odoyaasha ayaa sheegay inay aad ugu xun yihiin dilalka ka dhaca Muqdisho oo loo geysanayo dadka waxtarka u leh dalka iyo dadka, iyagoo sheegay inay aad u cambaareynayaan kooxaha geysanaya dilalkaasi.

Afhayeenka odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo baaqaan soo gaarsiiyay Saxaafada ayaa yiri “Hadii aan nahay odoyaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye aad baan ugu soo horjeednaa waxyaabaha ammaan darada ah ee ka dhacaya Muqdisho, waxaana ugu baaqeynaa kooxaha dilalka wada inay ka toobadkeenaan oo arrimaha ay hayaan faraha kala baxaan”.

Nabadoonka ayaa waxa uu ku baaqay in wax aan macno laheyn aan lagu dilin dadka, isla markaana la dhowro sharafta iyo walaaltinimada.

Nabadoon-ka waxa uu xusay in iyaga aysan mas’uul ka aheyn qaraxyada ka dhacaya Muqdisho oo loogula soo horjeedo ciidamada dowlada iyo kuwa Ethiopian-ka, waxuuna sheegay inay iyaga yihiin odayaal nabadeed oo aysan aheyn odoyaal dagaal.

“Marnaba raali kama nihin in ciidamada Ethiopian-ka ay sii joogaan caasimada Somalia ee Muqdisho, waana in sida ugu dhaqsiyaha badan ay isaga baxaan, waxaana inay heshiiyaan la doonayaa waa Soomaalida dhexdeeda ee ma ahan Ethiopian iyo Somalia sidaasi ha u fahmaan” ayuu yiri Axmed Diiriye Cali.

Mar la warsaday waxa uu u joogo xiligaan Muqdisho maadaama ragii uu lamid ahaa gaar ahaan Ugaas Cabdi Daahir ay isaga baxeen dalka, waxa uu yiri “Aniga lagama yaabo inaan dalka ugu baxo cadowga kusoo duulay, hadii ay I dilaana waxaan ahay muwaadin Soomaaliyeed oo sharafta dalkiisa iyo dadkiisa u dhintay, waxaana ku sugnaanayaa inta nafta ay igu jirto halkaan aan joogo”.

Si kastaba, baaqaan kasoo baxay odoyaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye ayaa kusoo aadaya xili ugaarsi xoogan uu ka taagan yahay Muqdisho kaasoo lagu dilayo dadka wax galka ah, aqoonyahanada, saraakiisha iyo waxgaradka.

Abdifitahaam Ahmed
Email: abdifitahaam@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 21, 2007 

Dhulka Soomaalida ee Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com