SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

بسم الله الرحمن الرحيم

BAAQ: WAR MA TAWBAD KEENAA? ILAAHAY MA BARINAA?

الحمد لله وحده والصلاة والسلام على رسول الله وآله وصحبه أما بعد ،،

Ummadda Soomaaliyeed wexey mareysaa marxalad imtixaana oo aad u qallafsan. Allaha awoodda weyn leh ayaa qaadi kara, lagana baryaa. Waxaan Marar badan qoray himilada (Soomaalida cusub) ee aan is iri haddii la helo sabab bey u noqon karaan in ILAAHAY ummuurteenna murugsan sabata bixiyo.

  • Gumaysi dalka qaarkiis xoog ku qabsaday
  • Dil iyo boob & xasuuq aan loo meel deyin,
  • Khilaaf ummadda dhexdeeda saaqay 4ba meel ku shirto
  • Cudurka Qabyaaladda iyo dagaal sokeeye oo nafeeyey
  • Aafooyin Gaajo, Cudur, Qax, iyo Aqoon la'aan
  • Hawa raac iyo Lexejeclo xeel dheeraatay oo keentay loolan kursi oo aan dhammaanayn. Kursina aanuba jirin!!
  • Hoggaan gurracan ama taagdaran ama aragti gaaban!!
  • Danaha guud oo lagu tunto si loo gaaro dana gaar ah
  • Jaahwareer iyo Burbur dhinac kasta saameeyey

Arrimahaas iyo kuwa kale oo badan oo isa sii dhalay, siina kala farcamay, wexey sabab u noqdeen, dhibaatada weyn ee innagu dul habsatey haddeynu nahay soomaali dal iyo dadba, cidina ayan firirkeeda ka badbaadin meel kastoo ay joogto. 

Arrinta murugsan ee Ummadda Soomaaliyeed wexey nala tahay maanta, baahida ugu weyni iney tahay: 

(( In Ilaahay Subxaanahu wa tacaalaa si dhaba oo daacada loogu gacma hoorsado, tawbadna loola yimaado, tabta iyo tabarta cid kastaa is bideysana laga hunguri dhigo!! Inuu Allaha weyni naga dul qaado dhibaatada sida xanuunka badan innoo taabatay)). Halkaasoo aan isleeyahay waxaa kasoo bixi kara Somaalida Cusub ee aan baadi goobeyno oo maslaxadda diinta, dalka iyo dadka ka hor Marisa wax kasta. 

Sidaa darteed, Waxaan ugu baaqeynaa dadka Soomaaliyeed Meel kastoo ay joogaan: 

  • Kullan: Alla Bari iyo Tawbad keen dhab iyo Daacad ah, oo qalbiga Ilaahay loo xaadho, Ummadda oo dhammina ka qayb gasho, yar iyo weyn, cirroolayaasha gurguurta iyo carruuraha la daadihiyo, Culimada diinta iyo Cuqaasha, Maamulada iyo Madaxda dawladaha, Soomaali oo idil meel kastoo ay joogaan, Adduunka oo idil, Laguna qabto Masaajidda, Bartamaha Magaalooyinka, Jardiinooyinka, Fagaarayaasha Ciidda lagu tukado, duleedyada magaalooyinka iyo tuulooyinka.
  • Barnaamijka: Wacdi ay bixiyaan Culimada diinta meel kasta, Tawbad keen, Duco iyo Allaah oo la baryo, Inuu Cadaabka naga dul qaado, Naxariis deg dega oo lagu nastana nagu soo dejiyo.
  • Waqtiga: Maalinta Jimcaha Ramadaanka ugu horreysa ee Sept 14, 2007.  Saacadda Soomaaliya 11.00 subaxnimo,  ilaa Qorraxdu dhacdo.(Meelaha kalana waqtiyada ku aadan khudbadda jimcaha ilaa Qorax dhaca). Waa waqtiga ay dhexdiisa taal sida axaadiistu tilmaameyso "Saacatul Ijaaba" saacadda ducada Ilaahay ajiibo, dad badan oo khayr badan, ducadooda la aqbalana aan rajayneyno iney Ummadda ku dhex jiraan, Khudbada Jimcuhuna noqoto "Fadliga Tawbadda iyo Allah Bariga iyo Waaqica Soomaalida ".
  • Waxaa loogu baaqayaa, dhammaan dadweynaha iney baaqi ku ahaadaan meelaha lagu kulmayo, ilaa qorraxdu ka dheceyso, Allaahna loo muujiyo, baahi, dullinimo, khushuuc, qur'aan akhris iyo baryo badan oo gacmaha kor loo taago.
  • Barnaamijkaasu inuu socdo shan jimce oo ah 14 Sept, 21 Sept, 28 Sept, 5Oct, iyo 12 Oct oo ay dhici karto iney ciid noqoto.

Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan culimada, ducaadda, Masaajidda, iyo Maraakista, iyo Hay'adaha Soomaaliyeed ee kala duwan, Soomaaliya Koonfur, Somali land, iyo Punt land iyo dduunka oo idil meel Soomaaliyi joogto, iney Barnaamijkaas fuliyaan, dadkana ugu yeeraan, Ummadana wacdiyaan.. 

Ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu Cadaabka naga dul qaado, naxariistiisana dalkeenna iyo dadkeenna muslimka ahna ku soo dejiyo AAMIIN.. 

Guddiga isku dubba ridka Kulamada

Allah Bariga Soomaaliya

Sh. Muxammed Idris Axmed

Guddoomiye 
 

Wixii faahfaahin iyo habayn lasoo xiriir: hayaan@gmail.com

Tel : + 966 50 959 6875 Makkah Al Mukarramah 

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 23, 2007 

Dhulka Soomaalida ee Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com