SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Gaadh-haye " Shirka Qaran Ee Beelaha Soomaaliyeed U Socdaa Weli Uma Gudbin Xaalada Dhabta ah...

Waxaannu waraysi dheer oo ku saabsan Shirka dib u heshiisiinta qaran ee beelaha soomalida ee ka socda Magaalada Muqdisho kala yeelanay maxamed Saaleebaan botaan (gaadh-haye) oo ka mid ah ergada shirka ka qayb gelaysa. wuxuuna u dhacay sidan:-

Su'aal:

sidee u aragtaa sida uu u socdo shirka dibuheshiisiinta ee ka socda Magaalada Muqdisho?

Jawaab

.Shirka Xamar ka soconaya run ahaantii sida uu hadda u socdo waxaan u arkaa in uu ku jiro arar ee aan weli loo gudbin arimo wax ku ool ah.

Su'aal

: shirku hada waxuu socnayaa mudo bilo ah miyaan la oran karin heshiiska beelaha ee ay isimad saxeexeen iyo midda midnimada dalka oo la yiri waa muqadas waa wax ku ool ?.

jawaab:

waa wax caadi ah waayo sida la ogsoon yahay Shirkii Carta ee sanadkii 2000 dhacay ee dhammaan Isimada soomaaliyeed waxay saxeexdeen Heshiis, iscafis ah iyo isucelin wixii hanti ma guurto ahaa mana suura gelin waayo Dowladdii fulin lahayd ayaan shaqayn, marka maamul arimahaas fuliya ayaa muhiim ah haddii kale warqado la saxeexaa waxba kordhin maayaan, arinta Midnimadana waa arin qofkasta oo soomali ah u arko in ay muqadas tahay Xilkeeduna si gaar ah dowladda ayuu saaran yahay sida ku cad qodobo badan oo axdiga Fkmg ah.

Su'aal:

Qaybta Siyaasadda ee la sheegay in uu shirku u gudbi doono waxaa jirta in barlamaanka FKMG ahi uu ka soo hor jeedo oo ay leeyihiin Waxaannu ogolaanay Shir dibuheshiisiin oo Beelaha soomaaliyeed ah ee waa in taas lagu ekaadaa, marka sidee loogu gudbayaa in shirku ka hadlo arimo siyaasadeed.

Jawaab

: Barlamaanku wuxuu uu dhisan yahay Sadex sano oo uu inta badan  Baydhabo fadhiyey welina ma imaan magaalo madaxda Dalka ee Muqdisho, una malayn maayo in uu oran doono dadka soomaaliyeed kama talin karaan aayaha dalkooda iyo dadkooda waxayna ila tahay in ay taageeri doonaan cid kasta oo ka shaqaynaysa Xalka dalkan ee jaahwareeray.

Su'aal:

waxaa lasheegayaa in uu si dhaqso ah u soo gabagaboobayo shirku maxaa ka jira arintaas?

Jawaab:

Waxaan u malaynayaa in uu socondoono illaa inta xal laga gaarayo guud ahaanba xaaladaha dalka uuna sii salbalaadhanayo.

Su'aal.

Maxaad uga jeedaa sii salbalaadhanayo?,

Jawaab:-

Waxaan uga jeedaa in ay ku soo biiraan dad badan oo kala duwan oo aan hadda shirka joogin .

Su'aal

.Waxaa jirta in ergooyin ka Cabanaya in aan wax kharaj ah la siin sidii ay shirka uga soo qayb galeen maxaa ka jira arintaas?.

Jawaab:-

Ergada waxaa la dejiyey Hoteelo Jiif iyo Cunna laga siiyo  wuxuuna u sheegay shirgudoonku in lacagna la siin doono wax dhib ahna kama jirto arintaaas.

Su'aal:

Waxaa la sheegayaa in shirka ay ka soo bixi doonaan in dowladda  la taageero oo keliya ee aan wax kale ka soo bixi doonin maxaad arintaas ka leedahay.?

Jawaab:

Waxaan u malaynayaa in aan dowladdu doonayn wax aan dalka iyo  dadka dan u ahayn, oo aan xal resmi ah keeni karin, dadka shirka yimidna ay u yimaadeen in ay ka taliyaan aayaha Dalka 17 sono ku jiray burburka iyo Baaba'a oo hadda loo bislaaday in laga baxo dhibkaas.

su'aal:

Dowladdu waxay sheegtay in ay Madaxbanaan yihiin guddiga  shirka hoggaaminaya balse ay dadka qaarkiis qabaan arin ka duwan oo ah inaysan madax bananayn gudigu maxaad ka leedahay arinkaas ?

Jawaab

: horta dowlada ayaa magacowday guddiga shirkuna wuxuu ka  dhacayaa muqdisho oo ay dowladdu deggan tahay waxayse ila tahay in cid kasta oo soomaali ah uu howshan hareera iska taagi doono si run ahna loo wajihi doono oo aan waqti dambe la iska lumin doonin.

Su'aal:

Dad badan oo soomaaliyeed waxay aaminsanyihiin in aanay jirin  beelo is hayaa ee loo baahan yahay in siyaasadda laga heshiiyo maxaad arintaas kaga jawaabaysaa:?

Jawaab:

Waxaan u malaynayaa in aan waxba dib loo dhiganayn oo wax  walba shirkan lagu xalin doono oo aan loo kala kacayn illaa xal la gaaro

su'aal:

Siyaasiin badan iyo kooxaha Eletariya jooggaa waxay sheegeen in aanay shirka ka soo qayb gelayn iyaga oo sheegay in dalkii ciidamo shisheeye haystaan marka ma suura galbaa in wax walba la xaliyo iyada oo aan kooxahaasi ka soo qayb gelin shirka.

Jawaab

:waa lagama marmaan in shirguddoonku wada hadal la furo cid kasta oo muhiim u ah shirka haddii la wada hadlana waxaan u malaynaya in wax walba la isku afgarandoono oo aanay adkaanayn meesha iyo goobta lagu xalinayo xaaladaha dalka ka taagan oo ay qof walba muhiim u tahay xalinteedu.

waxaa waraysigaasi soo qaaday weriye

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com


Wararkii: Aug 24, 2007

Paddy Ankunda " Soomaaliya Xiligan Nabadi Kama Jirto Waxayna U Baahan Tahay Ciidamo Nabad ILaalineed .

Afhayeenka ciidamada midowga afrika ee ay iminka ka joogaan ciidamada tirada yar ee ka socda dalka Ugandha Paddy Ankunda ayaa daboolka ka qaaday in dalka soomaaliya ay ka jiraan dhibato amaan xumo oo Qaramada midoobay looga baahan yahay inay ciidamo nabad ilaaleineed keento soomaamaaliya .

Ankunda oo warbahinta ka hadalayey ayaa tibaaxay in wadanka soomaaliya aysan ka jirin wax xasiliooni ah isdlamrkaana ay dhibaato siyaasadeed ka abuuran tahay xiligan tasoo ayuu yiri ka abuurtay cadaawad iyo nabad la,aan ka jirta soomaaliya gara ahaan casimada muqdisho .

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in Qaramada midoobay ay ciidan deg deg ah usoo dirto soomaaliya waayo ayuu yiri badanaaba Qaramada midoobay waxay ciidan u raadisaa ama u dirtaa meel nabadi ka jirto hadaba miyaysan ku haboonayn inay soomaaliya oo dhibaato amaan daro ka abuuran tahay ay ciidan usoo dirto .

Akunda ayaa ku dheeraaday ka hadlista amaanka soomaaliya gaar ahaan casimada oo uu ku tiklmamay mid xiligan la yaab ku ah dadka dalka soomaaliya dhibaato ba,an oo mudo soo jiitamaysay islamrkaana xiligan oo dowlad ka jirto kasii daraysa .

Afhayeenka oo taa taabtay meelo badan oo ku biyo shubanaya sidii amaanka soomaaliya ay Qaramada midoobay ciidamo iyo dhaqaale ugu soo diri lahayd ayuu hadana waxuu carabka ku adkeeyey inay dhowaan wafuud ka socda dalka burundi ay soomaaliya gaar ahaan caasimada imaan doonaan kuwasoo u kur geli doona sidii ay ciidamadooda ugu soo aamini lahaayeen iyo in kale .

Hadalka Afhayeenka ciidamada Amisom ayaa kusoo beegmaya xaalada magaalada muqdisho oo marba marka kasii dambaysa kasii daraysa tasoo ay habeen kasta ay ka dhacaan dagaalo kafool kafool ah oo laysu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan iyo weliba dilalka lala beegsanayo shaqsiyaadka . 

SH, Shariif SH,Axmed Oo Ku Eedeeyey Dowlada KMG ah Inay Ka Dmabeeyaan Dhibaatada Amaan Xumo Ee Ka Jirta Soomaaliya .

Sheekh shariif shekh axmed ayaa gaashanka u adruuray hadalkii ay dhowaan ay saxaafada ka sheegeen hay,ada u dooda xaquuqul iinsanka ee ay ku sheegtay inay dowlada KMG ah iyo weliba golaha maxakiimta islaamka soomaaliyeed ay ka dambeeyaan dilalka joogtada ah iyo weliba xasuuqa ba,an ee ka jira soomaaliya .

Sheekha ayaa ku nuux nuuxsaday inay dhibaatada baahsan iyo dilalka dadka soomaaliyeed ee shacabka ah loo gaysanayo ay ka dambeeyaan ciidamada Ethiopia iyo weliba daba dhuilifkooda oo uu ula jeedo dowlada KMG ah .

Sidoo kale sheekha ayaa Qaadacay inay ciidamada xaq u dirirka ah ee u dagalamaya xoernmadooda inay dhibaato gaystaan oo ula jeeday xoogaga sida weyn uga soo hor jeeda ciidamada shisheeye islamarkaana ku tilmaamay inay ciidamadoodu yihiin kuwo xoriyada shacabka soomaaliyeed u dagalamaya oo ah xiligan kuwo la haysto islamrkaana ay kusoo duleen ciidamo axmaaro ah oo wata kuwo daba dhilif u ah .

Sheekh shariif sheekh axmed oo ah gudoomiyaha golaha fulinta maxakiimta islaamka soomaaliya ayaa eeda dhibatada ka jirta soomaaliya gaar ahaan casimada dusha kaga tuuray madaxweynaha dowlada KMG ah c.lahi yuusuf axmed iyo weliba ra,iisal wasaraha xukuumada Ethiopia melez zanawi . 

Weriye Cabdi-Qaadir Mahad Oo Ay Dabley Hubaysani Ku dileen Jidka U Dhexeeya Diinsoor Iyo Baardheere.

Wariye cabdi qaadir mahad oo ka tirsanaa idaacada radio banaadir oo fadhigeedu yahay magaalada caasimada ah ee muqdisho ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray rasaas ay ku fureen gaari uu saarnaa dabley hubaysan oo jidka u gashay baabuurkas .

Weriye cabdi qadir mahad ayaa idaacada banaadir uga soo warami jirey gobolka gedo islamrkaana dhowaan safar ku yimid magaalada muqdisho oo uu ku qaatay tababar xaga saxaafada ah islamrkaana iminka kusii jeeday gobolka gedo kadib markii uu u dhamaaday tababarkasi xaga saxaafada ah .

Sidoo kale burcada jidgooyada isticmaasha ayaa kusoo badanaya wadooyinka u dhexeeya gobolka gedo iyo weliba gobolka baay taasoo dhawacaysa isu socodka gaadiidka u kala goosha gobvoladasi dersika ah .

Alaha u naxariistee Wariye C/qaadir mahad ayaa meydkiisa la geeyey magalada bardheere islamrkaana maanta halkaas lagu aasay qabuuraha duleedka baardheere ee loo yaqaano calanka .

Dilka ay burcada hubaysani u gaysanayso weriyayaasha ayaa dhowaanahan kusoo badanaya dalka soomaaliya taasoo ka dhigaysa weriyihii shanaad oo ay burcad hubaysani dil u gaysato .

geerida marxuumka ayaa waxaa tacsi tiiraanyo leh u diraya ururada saxaafada ee ka jira soomaaliya gaar ahaan Ururka suxufiyiinta qaranka soomaaliyeed ee NUSOJ oo fadhigiisu yahay magaalada muqdisho .

 yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 24, 2007 

Dhulka Soomaalida ee Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com