SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XAMAR

Kolonyo Ciidamada Ethiopia ah Oo Sabtidii Aroornimadii Lala Beegsaday Weerar Bam Gacmeed .

Aug 25, 2007: Weerarada hubaysan ee lala beegsanayo ciidamada Ethioopia ayaa kusoo badanaya deegano kamida caasimada muqdisho taasoo saaka subaxnimadii ciidamo ethiopian ah oo ku sugnaa deeganka suuqa xoolaha lagu kulmiyey bambooyinka gacanta laga tuuro.

Qaraxyadan bam gacmeedyada ahaa oo ugu yaraan dhowr qarax ahaa ayaa laga dareemay deeganada suuqa xoolaha iyo kuwa ku dhow dhow ,qaraxyadaas oo ahaa kuwo isdaba joog ah ayaa ciidamada ethiopia oo ahaa ciidamo kolonyo ah oo ka yimid dhinaca xerada Maslax islamrkaana kusii jeeday wersheda Baastada oo fariisin u ah .

Sidoo kale xaalada amaan ee deeganadaasi oo badankooda laga barakacay ayaa sababay inay gebi ahaanba istaagaan isu socodka gaadiidka isaga kala goosha deegankasi suuqa xoolaha iyo weliba bakaaraha taasoo ay ciidamada ethiopia oo wata gawaarida gaashaaman ay gooyeen wadada isku xirta suuqa xoolaha iyo suuqa bakaaraha .

Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxyadan lagu tuuray ciidamada ethiopia inkastoo wararka qaar sheegayaan inay qaraxyadaasi qaarkood oo bam gacmeed ahaa lala beegsaday ciidamada ethiopia tasoo ku dhex qaraxday.

Badanaaba ciidamada ethiopia ee fariisinkoodu yahay ex-wershedii bastada ayaa kooxaha diidan joogitaankooda ay la beegsadaan qaraxyo kala duwan iyo weliba weeraro isdaba jooga oo badanaaba dhaca waqtiga habeenkii .

Weeraro Hubaysan Oo Habeenkii Xalay ahaa Lagu Qaaday Hotel Laf-weyn Oo Uu Degan Yahay Maxamed Dheere.

Qaraxyo bambaano ayaa habeenkii xalay ahaa lagu weeraray hotel laf-weyn ee ku yaala magaalada muqdisho halkaasoo ay dhaawac kasoo gareen qaar ka tirsan ergooyinka u jooga shirka dib u heshiisiinta qaran ee ka socda caasimada muqdisho .

Qaraxyadan oo ahaa kuwo gil-giley agagaarka hotelka laf weyn oo badanaaba ay seexdan qaar ka tirsan masuuliyiinta DFKMG ah ayaa ahaa kuwo loo adeegsaday bam gacmeedyo islamarkaana la sheegay inay dhaawacyo kasoo gareen labo kamida ergada shirka beelaha soomaaliyeed ee ka socda ex-xaruntii hore ee gadiidka booliska soomaaliyeed ee magalada muqdisho kuwasoo la sheegay inuu dhawacoodu halis yahay .

Sidoo kale sida u saxafada u xaqiijiyey C/waaxid Max'ed Xuseen oo ah madaxa xiriirka dadweynaha iyo saxaafadda ee ciidamada booliska ayaa tibaaxay inay jiraan dhaawacyo soo gaaray labo kamida ergada shirka oo hoteelka jiifay islamrkaana uusan magacaabin halka ay ka yimaadeen iyo magacyadooda.

tacshiirad iyo rasaas ayay isweydarsadeen ciidamada ilaalada hoteelka iyo weliba kooxaha hubaysan ee weerarka la beegsaday kuwasoo rasaas socotey mudo daqiiqado ah halkaas laga maqlayey

Hotel laf-weyn oo ah hotelada badanaaba ay degan yihiin masuuliyiinta dowlada KMG ah ayaa hadana wuxuu hoy u yahay gudoomiyaha gobolka banadir ahna duqa magalada muqdisho maxamed dheere .

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 25, 2007 

.SOMALIYA DANO BADAN TALO BADAN & QALIN DAREER AH
. ERGO: TIX GABAY AH: Ku Socdda Maakhir ::: | Max'ed Xasan
. Gabadh ay isku haystaan Beesha Gabooye iyo Beesha Reer Xaamud

.
Soomaalida oo ay kusoo badaneyso dadka sheeganaya mansabyo

Dhulka Soomaalida ee Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon

cadaadoXaaladda Dadka ka soo Barakacay Muqdisho ee ku sugay Deegaanka Degmada Cadaado ee G/Galgaduud... Akhri... Aug 18

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com