SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

McDonald’s oo u dabaal degtay sanad guuradii 40-aad ee ka soo wareegatay Rootigii Sare u qaaday Dhaqaaleheeda. 

W/D: Yaxye Yuusuf Khasaaro

e-mail address: yaxyekhasaaro@hotmail.com

      Maalintii shalay ahayd ayaa shirkadda weyn ee ku caanbaxday sameynta Cuntada Fudud ee laga leeyahay dalka  Mareykanka ee McDonald’s waxa ay u dabaal degtay sanad guuradii 40-aad ee ka soo wareegtay markii ay si rasmi ah u soo bandhigeen Rootiga weyn ee loogu magac daray “Big Mac” ee sabab u ahaa sare u qaadidda magaca Shirkaddani.

      Maqaayaddani ayaa waxaa la aas-aasay 15-kii May 1940-kii, waxaana aas-aasay Laba Wiil oo Walaallo ah oo lagu kala magacaabo Dick iyo Mac, waxaana xaruntii ugu horreysay ee Maqaayaddani ay ka fureen magaallada San Bernardino ee California, halka waxyaabihii lagu soo bandhigay Maqaayadaasina ay ka mid ahaayeen Dooro Duban (Chicken), Rooti la dhex geliyay Hilib caadi ah iyo Mid Doofaarba (Hamburger), Baradho la jar-jaray isla markaana la kariyey, French Fries, Quraac iyo Cabitaan fudud.

      Aas-aaseyaasha Baarkan aadka u weyn waxa ay ku fikreen wax ay kaga duwanaan karaan Goobihii kale ee lagu cunteyn jiray waqtigaasi, waxaana markii ay isku darsadeen ra’yigooda u soo baxay in Rootiga ay ka gooyaan saddex qaybood, isla markaana laba qaybood la dhex dhigo Hilib iyo khudaar, waxaana rootigaasi ay u bixiyeen (Big Mac), halka Rootiga kale ee caadiga ah ee shirkaddanina uu u jaran yahay laba Qaybood isla markaana dhexda kaga jiro cad Hilib ah, waxaana loo bixiyay (Small Mac). 

      Muqddo sanad gudaheeda ayaa shirkani waxa ay ku yeelatay magac aad u weyn gudaha dalka Mareykanka, iyadoo ganacsigeedana markii dambe ka dhigtay mid weyn oo ku faafa Adduunka oo dhan, waxaana hadda McDonald’s ay xarumo gaaraya 31,000 ku leedah Dunida dacaladeeda, waxaana maalin walba booqda xarumeheeda dad ka badan 54-Milyan oo macaamiisheeda ah.

      Diana Brood oo ku hadlaysay magaca Shirkadda McDonald’s Qaybteeda Chicago ayaa waxay tiri “Haa waa Run, waxaan si weyn ugu kalsoonaanay Rootigani weyn (Big Mac) si uu u kordhiyo dhaq-dhaqaaqeenna, run ahaantiina maanta waa shayga ugu weyn ee shirkaddani soo geliyay dakhliga ugu faraha badan”.

      Waxaa kordhay Xarumihii shirkaddani iyadoo marba marka ka dambeysay Xarun cusub ka furanaysay goob ka mid ah dalalka Caalamka, waxaana meel walba can ka noqotay Astaanta shirkaddani iyo hal ku dhigeeda ah “I’m lovin’ it”, iyadoo Dhakhli sanadeedkii shirkaddani sanadkii 2005 lagu qiyaasay 2.602-Billion oo Dollarm, sidoo kale shaqaaleheeda ayaa iyana isla sanadkaasi lagu qiyaasay 447,000-shaqaale.

      Dhinaca kale horumarka Shirkadda cuntada iyo cabitaanka fudud ee McDonalds oo mararka qaar ka tarjumaya qaab nololeedka dadka Reer Mareykan ayaa horumarkeeda waxaa daba yaalla mar walba dhaliillo  iyo cambaareyn fara badan oo ka imaanaya dhinaca  Warbaahinta, iyadoo maalintii shalay ahayd Dr. Marion Nastel oo ah Macallin qaabilsan dhinaca Cuntada ee Jaamacadda New York uu yiri “Haa, Big Mac aad buu u macaan yahay…, laakiin waa in aanan hilmaamin in Rootigaasi gudihiisa laga helayo 30gm oo waxyaabaha lagu cayilo ah, anigu mucaarad kuma ihi in ay dadku cunaan Rootigani, laakiin waa in aan ka digtoonaanaa inaan joogteyno cunistiisa”.

      Aas-aaseyaasha Maqaayadda McDonald’s ee kala ah Richard (Dick) oo dhashay February 16, 1909, geeriyoodayna 14-kii July 1998-kii iyo Maurice oo isna magiciisa loo soo gaabin jirey “Mac” waxa uu dhashay 26-kii November isagoo geeriyooday 11-kii Bishii December1971-kii, waxaana ay asal ahaan labadani nin ka soo jeedeen Magaallada Manchester, New Hampshire, waxaana qoyskoodu oo asal ahaan ka soo jeeda Irish ah ay degaan Scotland.

      Geba-gebadiina baaritaanno fara badan oo la sameeyay ayaa waxaa lagu ogaaday in Rootiga McDonald’s uu sabab u yahay cayilka faraha badan ee shucuubta Dunida, haba ugu badnaadeen kuwa Mareykanka, waxaana daraasad hore oo ay soo saareen koox khubaro ah oo u dhalatay dalka Mareykanka ay ku soo bandhigeen in Carruurtu ay yihiin kuwa ugu badan ee Rootigani uu saameynta ballaarani ku yeeshay, iyadoo la sheegay in inta badan carruurta Mareykanku cayilkoodu saa’id yahay waxaana la arkay carruur 10-jir ah oo Culeyskoodu gaarayo 100kg ama ka badan yahay. 
 

W/D: Yaxye Yuusuf Khasaaro

e-mail address: yaxyekhasaaro@hotmail.com

                  yaxyekhasaaro@gmail.com   
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Danjiraha Itoobiya ee Sweden:"Annaga waxaa noo yeeratay Dowlada KMG mana nihin ciidan Gumeysi ah!"

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 26, 2007 

.SOMALIYA DANO BADAN TALO BADAN & QALIN DAREER AH
. ERGO: TIX GABAY AH: Ku Socdda Maakhir ::: | Max'ed Xasan
. Gabadh ay isku haystaan Beesha Gabooye iyo Beesha Reer Xaamud

.
Soomaalida oo ay kusoo badaneyso dadka sheeganaya mansabyo

Dhulka Soomaalida ee Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon

cadaadoXaaladda Dadka ka soo Barakacay Muqdisho ee ku sugay Deegaanka Degmada Cadaado ee G/Galgaduud... Akhri... Aug 18

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com