SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Barnaamijkii Radio Xoriyo
25 August 2007.
 
Dagaallo lagu jabiyey ciidamada gumaysiga Itoobiya.
 
Dadwayne ay ciidammada gumaysiga Itoobiya laayeen.
 
Dad ay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen meelo kala duwan.
 
Xildhibaan C/raxmaan (Indho-Mu,min) oo aan ka waraysanay socdaalkoodii qaar kamid ah wadamada yurub.
 
======================  
 
Dagaallo lagu jabiyey ciidamada gumaysiga Itoobiya.
 
Wariyaha RX uga soo warrama ayaa noo sheegay dagaallo dhawr ah oo si wayn loogu jabiyay ciidammada caga-jiidka ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladu waxay u dheceen sidatan;
 
22/08/07 dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga ku dhex maray Qudhacley, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
20/08/07 dagaal ka dhacay War-sug, oo Dhagax-madow  ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 6 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
19/08/07  Xamudhka, oo Fiiq ka tirsan, waxaa weerar gaadmo ah loogu gaystay ciidammo gumaysiga ka tirsan, waxaana weerarkaas lagaga dilay 4 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
18/08/07 Siraa-goole, oo Fiiq ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga Itoobiya lagaga gubay hal baabuur, oo ay ku dhinteen wixii saarnaa oo dhan.
 
Isla 18/08/07 Hodan-wayne, oo Fiiq ka tirsan, waxaa lagu weeraray ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal deegaankaas u yimid, waxaana laga dilay 13 askari, 9 kalana waa laga dhaawacay.
 
18/08/07 CWXO ayaa ciidammada gumaysiga baabuur kaga gubay meesha lagu magacaabo Labi-calaan, oo ka tirsan degmada Dhagax-madow, waxaana ku dhintay dhammaanba wixii baabuurkaas saarnaa.
 
Sidoo kale 18/08/07 CWXO ayaa weerar mir ah kug qaaday ciidammo gumayisgu leeyahay oo ku sugnaa Isku-dhoonley, waxayna weerarkaas cadowga kaga dileen 10 askari, 7 kalana way kaga dhaawaceen.
 
18/08/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar la beegsaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo baabuur saarnaa oo marayay meel u dhaw Labiga, waxaana weerarkaas ciidammadea cadowga lagaga dilay 10 askari, 15 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
17/08/07  Qolqolow waxaa ciidammada cadowga lagaga gubay hal baabuur oo Uuraal ah, kaasoo ay ku dhinteen dhammaan ciidammadii saarnaa oo 60 askari gaadhayay. Waxaa sidoo kale dhaawac xun loo gaystay labo baabuur oo kale oo ka tirsanaa kolonyo ciidammada cadowga ah oo halkaas marayay.
 
Isla 17/08/07 dagaal ka dhacay Kala-jeex, oo Shilaabo ka tirsan, waxaa ciidammada dac-darraysan ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 18 askari, 14 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
16/08/07 dagaal culus oo CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhex maray Bukadhaba, oo degmada Awaare ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 60 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 30 askari. Maydka iyo dhaawaca askartii gumaysiga dagaalkaas ka soo gaadhay waxaa labo jeer lagu qaaday diyaarad Helikobtar ah.
 
Markii dagaalkan lagu jabiyay, waxay ciidammada gumaysigu sidii caadada u ahayd ku gaydhadeen dadwaynihii rayadka ahaa ee deegaankaa degganaa, waxayna dileen 7 qof oo u badan oday-dhaqameedyadii deegaankaas. Magacyada odayaasha halkaas lagu laayay wali nooma ayna suuragalin inaan helno.
 
15/08/07 waxaa sidoo kale weerar mir ah lagu qaaday ciidammada gumaysiga ee ku sugan Nus-dariiqa, kuwaasoo loo gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
 
13/08/07 Bashuule, oo Fiiq ka tirsan, waxaa lagu miray ciidammo gumaysiga ka tirsan oo halkaas ku sugnaa, waxaana loo gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
 
09/08/07 Dagaal ka dhacay meesha lagu magacaabo Cali Fancad, oo ka tirsan gobolka Nogob, waxaa ciidammada gumaysatada Itoobiya lagaga dilay 3 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
Isla 09/08/07 Maygaag-wayne, oo Fiiq ka tirsan, dagaal ay CWXO iyo kuwa gumaysigu iskaga horyimaadeen, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
07/08/07 Jeerinka, oo Fiiq ka tirsan, waxaa lagu weeraray ciidammo gumaysigu leeyahay, kuwaasoo halwgal u yimid deegaankaas, waxaana lagaga dilay 5 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
13/08/07 weerar mir ah oo lagu qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Fiiq waxaa lagaga dilay inta la ogyahay 3 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
Dadwayne ay ciidammada gumaysiga Itoobiya laayeen.
 
Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa dadwayne rayad ah ku laayay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah.
20/08/07 ciidammada gumaysigu waxay Qawlata, oo Galaalse ka tirsan, ku dileen dad shacab ah oo ay ka mid yihiin;
1-    Shariif Maxamed Dhaxal-ride iyo
2-    Sh Maxamed Haybe
 
20/08/07 ciidammada gumaysiga ayaa magaalada Fiiq ku dilay nin shacab ah oo lagu magacaabi jiray Muxumed Raabi
 
19/08/07 waxay ciidammada gumaysigu sidoo kale magaalada Fiiq ku dileen Maxamed Budul Yuusuf
 
19/08/07 ciidammada gumaysiga ayaa magaalada Galadiid ku dilay Alla ha u naxariistee Xasan Khaliif (Feedha-yare)
 
12/08/07 Sgag waxay ciidammada gumaysigu ku dileen labo nin oo shacab ah oo lagu kala magacaabo;
1-    Mukhtaar Xaashi Tashad iyo
2-    Aaden Takhal
 
10/08/07 waxay ciidammada gumaysigu sidoo kale Malqaqa ku dileen nin shacab ah oo lagu magacaabi jiray Alla ha u naxariistee Yuusuf Axmed Carab.
 
08/08/07 waxay ciidammada gumaysigu Ceel-ma-xidho, oo ka tirsan degmada Dannood, nin shacab ah oo lagu agacaabi jiray Xuseen Cumar Madoobe
 
Dad ay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen meelo kala duwan.
 
Ciidammada gumaysiga ayaa dadwayne rayad ah ku xidhxidhay meelo kala duwan oo Ogaadeeny aka mid ah;
 
18/08/07 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Fiiq ku xidhxidheen dad shacab ah oo aad u badan, waxaana ka mid ah;
1-    Carab Kaariye Yoolac
2-    C/fataax Kaariye Yoolac
3-    Faarax Cabdi Xaashi
4-    Shugri Khaliil Macalin
5-    Maxamed Dayib Yuusuf
6-    Garaad Yusuf Cali
7-    Bashiir Axmed Ismaaciil
8-    Maxamed Baddal Maxamuud
9-    Aaden C/llaahi Ismaaciil iyo
10-                       Axmed Daahir Xuseen
11/08/07 magaalada Sagag waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Cali Sh Maxamed
2- Axmed Arbe Gaaxnuug
4- Shariif Axmed Xabiib iyo
5- Muxumed C/raxmaan
 
08/08/07 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Fiiq ku xidhxidheen dadka kala ah;
1-    Maxamed Kaadsade iyo
2-    Cabdi oo magaciisa oo buxa aaaab haynin
 
Intii u dhaxaysay 22 - 30/07/07 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Xamaro ku xidhxidheen dadwayne aad u badan, waxaanan magacyadooda helnay;
1- Yuusuf Aaden Nuur
2- Yurub Aaden Nuur
3- Deeq Salsal Xasan
4- Faa'isa Xasan Aaden
5- Ubax Cabdi Cumar
6- Faroole Cumar Daahir
7- Qorane Gaas Muxumed
8- Jawhar Mahdi Cumar
9- Xasan C/llaahi Ismaaciil
10- C/qaadir Gorad C/llaahi
11- Ardo Maxamed Wali
12- Faadumo Sh Xasan
13- Abshir C/risaaq
14- Xaliimo Ismaaciil Dawar
15- C/llaahi Aaden Dawar
16- Cabdi C/llaahi Mawsar iyo
17- Luul C/llaahi Mawsar
 
10/08/07 waxay ciidammada gumaysigu Gudhis agteeda jidhdil ba'an ugu gaysteen, ka dibna hanti kala duwan ka dhaceen dadka kala ah;
1- Cabdi Cali Maxamed
2- C/llaahi Suufi Maxamuud
3- Bishaaro Arbe iyo
4- Fatxi Maxamed Sulub
 
13/08/07 waxay ciidammada gumaysigu labo gabdhood ku kufsadeen Ceel-jiir, oo u dhexeeya Dhagax-madow iyo Sagag.
 
 25 August 2007
Axmed Gaal-Eri
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmahaa Talaadada & Sabtida  7:00PM – 7:30  waqtiga Afrikada Bari

Danjiraha Itoobiya ee Sweden:"Annaga waxaa noo yeeratay Dowlada KMG mana nihin ciidan Gumeysi ah!"

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 26, 2007 

.SOMALIYA DANO BADAN TALO BADAN & QALIN DAREER AH
. ERGO: TIX GABAY AH: Ku Socdda Maakhir ::: | Max'ed Xasan
. Gabadh ay isku haystaan Beesha Gabooye iyo Beesha Reer Xaamud

.
Soomaalida oo ay kusoo badaneyso dadka sheeganaya mansabyo

Dhulka Soomaalida ee Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon

cadaadoXaaladda Dadka ka soo Barakacay Muqdisho ee ku sugay Deegaanka Degmada Cadaado ee G/Galgaduud... Akhri... Aug 18

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com