SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Go’aan uu soo saarey maamulka Gobolka Banaadir oo ku Suubsan Suuqa Weyn ee Bacaadlaha Xamar-weyne

 

Guddmmoyaha G/Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho,marka uu arkey baahida weyn ee loo qabo in si degdeg ah loo howlgeliyo suuqa weyn ee Bacaadlaha Xamar weyne.

 

Marka uu arkey tala soo jeedinta ku xigeenka Guddoomiyaha gobolka Bnaadir,ahna duqa magaalada Muqdisho.

 

Marka uu arkey wadahadalka iyo talo soo jeedinta midowgga ganacsatada G/Banadir,marka uu arkey tixigeliyey;Baahida suuqa bacaadllaha ay u qabaan inuu shaqeeyo shacabka Gobolka Banaaadir.

 

Sidaas darteeed,laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 7August  2007,waxaa si rasmi ah loo billaabey boosaska suuqa Bacaadllaha Xamarweyne,iyadoo ganacsatada halkaas degeysa  laga raba shuruudaha hoos ku qoran.

 

1-In foomka lacag bixinta laga soo qaato  xafiiska midowgga ganacsatada Gobolka Banaadir,iyadoo masuuliyadda suuqaas si madax banaan loogu wareejiyey Midowgga G/G/Bnaadir.

 

2-Inuu Muwaaddinka Foomkaas hela uu bixinaayo lacag furaha ah oo dhan $2000,oo muwaaddinku uu xaq u yeelanaayo inuu furaha helo,inuu ku ganacsan karo  ebedkiisa,kireysanna kara,iibsanna kara asagoo u madax banaan nidaamka sharciga ee suuuqa u desgsan.

 

3-In Bakhtiyaanasiib lagu kala helaayo qolalka sida ay u kala fiican yihiin.

 

4-Inuu Bixiyo Muwaaddinku kirada qolka dabaqa hoose $35 bishiiba,dabaqa dhaxe $25 bishiiba,dabaqa sare $15 bishiiba,lacagtaasna ay tahay horumarin loona bixin doono saddex saddex Bilood ugu yaraan.

 

5-Iyadoo dayactirka bacaadlaha guud ahaan qarashaka ku baxaya uu bixinaayo maamulka G/Banadir.

 

Digreetadan ayaa waxaa ku saxiixan Guddoomiyaha G/Banaadir ahana duqa magaalada Muqdisho

Maxamed Cumar Maxamuud (Maxad Dheere).

 

Wa Billaahi Toowfiiq.
 

Muuse Maxamuud Jiisow

musejisow@hotmail.com

Muqdisho Somaliya 

025215576666

002521653623

Danjiraha Itoobiya ee Sweden:"Annaga waxaa noo yeeratay Dowlada KMG mana nihin ciidan Gumeysi ah!"

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 25, 2007 

.SOMALIYA DANO BADAN TALO BADAN & QALIN DAREER AH
. ERGO: TIX GABAY AH: Ku Socdda Maakhir ::: | Max'ed Xasan
. Gabadh ay isku haystaan Beesha Gabooye iyo Beesha Reer Xaamud

.
Soomaalida oo ay kusoo badaneyso dadka sheeganaya mansabyo

Dhulka Soomaalida ee Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon

cadaadoXaaladda Dadka ka soo Barakacay Muqdisho ee ku sugay Deegaanka Degmada Cadaado ee G/Galgaduud... Akhri... Aug 18

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com