Waa maxay dib u heshiisiinta soomaaliya u baahan tahay ee suurtagalka ah
mustaqbalka?:
mahad herse
london uk
htrmah@aol.com
Waxaad mooddaa in aad loo hadalhayo sanooyinkan danbe oo idil wax la
yiraahdo dib u heshiissin, laakiin wali lama garan waxa ay tahay dib u
heshiisiintu. Waxaana u baahan in la isweydiiyo si loo fahmo macnaha dib u
heshiisiin yaa la heshiisiinayaa? Maxaase laga heshiinayaa? Waxaad moodaa
marka la maqlo dib u heshiisiin in ay tahay in shir loo qabto qolooyin iyo
kooxo hadba meel ku shira oo dalxiis iyo tamashle siyaasadeed meel ku taga,
dabadeedna jagooyin iyo xilal aan jirin ku qaybsada,ama la yiraahdo waa la
is cafiyay, ama la yiraahdo waa in la tawbad keenaa,iyadoo halkaana lagu
kala tago wax walbana ay sidoodii yihiin oo wax isbaddalay aysan jirin.
Waxaad mooddaa in dib u heshiisiinta loo fahmay in shakhsiyaad siyaasiyiin
oo la isku keenio ay yahay,iyadoo macnaheediiba laga dhigay in haddii ay
hebel iyo hebel isku yimaadaan xal la gaarayo oo ay wax hagaagayaan,taas oo
ay marka ay isku yimaadaanna aysan waxba hagaagin wax sii xumaada mooyaane,
waxaana hadda aakhirkii aad mooddaa in la iska dhaadhicimay in haddii ay
isku yimaadaan kooxda imbagaati iyo dawladda cabdullaahi iyo geeddi iyo
kooxda kale ee asmara iyo maxkamadihii iyo labada shariif ay wax
hagaagayaan,iyadoo taasina ay tahay riwaayadihii horay looga soo daalay ee
waligeed la soo jilayay,iyadoo aan nasiibdarro aan wali la fahmin in
soomaaliya waxa isku hayaa ee is khilaafasani ee heshiisiinta u baahani
aysan ahayn shakhsiyaad iyo kooxo,balse ay tahay waxa isdiidani fikrado iyo
aragtiyo kala duwan oo ay asaas u tahay khilaafka iyo isdiidka fikradaha
nidaamyada dhaqameed ee qadiimka ah(traditionalty) iyo fikradaha nidaamka
kale ee casiyeed ee cusub(modernity),iyadoo ay fikradaha nidaamyadaas ay
kala matalaan ayna u taagan yihiin nidaamka dhaqameed oo ay matasho habka
qabaliyeed ee toleed(kinship) ee hannaanka beeleed iyo
oday-dhaqameed(eldership) ku salaysan,iyo nidaamka casriyeed oo ay matasho
nidaamka waddaniga ah(nationalism) ee hannaanka siyaasadeed iyo
dawladeed(statehood) ee magaalo ee casriga ah iyo hoggaaminta
siyaasadeed(poltical authority) ku salaysan. Waxaana taas awgeed loo baahan
yahay in dib u heshiisiinta loo fahmo laguna saleeyo sidii fikradahaas iyo
nidaamyadaas aan soo tilmaannay loo heshiisiin lahaa la iskuna waafajin
lahaa oo muwaafaqo loogu heli lahaa,iyadoo haddii aan dib u heshiisiinta aan
habkaas loo dhigin loona fahmin ay noqonayso wax kasta oo la isku keeno iyo
cid kasta oo isku timaadda mid aysan waxba ka soo bixin ooh al bacaad lagu
lisay xaalku ku dhammaado waxna ka soo bixin, balse la ismaaweelinayo oo
kaliya islamarkaana riwaayad aan jirin la jilayo oo gacmadaalis iyo
meeshaada joog aan dhaafsiinayn.
Haddaba dabaqadda aqooneed iyo siyaasadeed ee casriga ah ee soomaaliyeed,
haddii ay noqdaan qaybahooda cilmaaniyeed iyo kuwooda islaaminiyiin ee
diimeed ee qawmiga ah, ayay waajib ku tahay kuna qasban yihiin in ay indhaha
si fiican ugu kala qaadaan arragooda ay si qummaati ah ugu fiirsadaaan una
kuurgalaan si hoose oo qoto dheer,ayna kow ka noqoto oo ay ahmiyaddooda u
horraysa ay siiyan tijaabooyinka iyo tusaalaha ka hirgalay ee ka hana qaaday
ayna ku tallaabsadeen kana dhaqangalay maamulada soomaaliland iyo puntland.
Waxayna ka cibra qaadashada iyo ku dayashada nusqadaha tijaabooyinka
maamuladaasi ay tahay wajiga ugu muuqa dheer uguna yididiilo iyo soo
jiidasho wacan marka la eego wajahadda iyo fagaaraha fikirka iyo siyaasadda
soomaaliyeed ee casriga ah ee qawmiyeed intii waayahan u dabaysay la soo
arkay oo dhan,iyadoo nusqadda tijaabooyinka moodada maamulada soomaaliland
iyo puntland ay yihiin muuqaalada iyo dadaalada ugu roon oo tijaabooyinkii
dib u heshiisiineed oo la arkay, oo ay wax maamul iyo nidaam iyo dawlad u eg
ka soo baxeen, oo wax uun miradhal iyo nabad iyo degenaansho siyaasadeed
lagu gaaray,iyadoo soojiidashada iyo muhiimadda dheeriga ahba ay taas ku
heleen kuna kasbadeen sumcadda iyo milgaha magaca dheer ee ay leeyihiin.
Waxaana taas macnaheedu yahay oo aan ulajeednaa nuxurka iyo cibraqaadashada
laga heli karo ee aan ka qaadan karaa tijaabooyinka nusqadahaas dib u
heshiisiineed ee deegaanadaas ka hirgalay ay tahay, ku guulaysashada ay ku
guulaysteen maamuladaasi iyagoo abuuray soona gudbiyay oo hindisay
islamarkaana soo bandhigay sawir iyo muuqaal iskutolan iskuna sidkan oo
iskutidcan(towliifi),taas oo ku salaysan ama xambaarsan macne iyo nuxur
ujeedadiisu tahay mid ka tarjumaysa siyaasadda ah, in aan ubatada iyo
waraabuhu aysan dhiman oo gaajo dilin islamarkaana aan arigu dabar go’in oo
huf laga dhigin. Waxaana xusid mudan inkastoo ay jirto in ay maamuladaasi ku
guulaysteen oo ay sameeyeen tusaalaha moodada noocaas ah ee isku tidcan
iskuna tolan oo meesha dhexe iyo isafgaradka(compromise)nidaamka dhaqameed
ee toleed iyo nidaamka casriyeed ee dawladeed iyo waddaniyeed meel dhexe
isugu keenay, oo iswaafajiyay iskuna rakibay oo isku tolay iskuna
sidkay,ayaa haddana waxaa jira qolooyin isafgaradka iyo iswaafajinta
iskutolidda iyo isku sidigga noocaas ah aan ogolayn oo diiddan nusqadda
moodada dib u heshiisiin ee noocaas ah,kuwaas oo ah kuwo xagjira
islamarkaana inqilaabiyiin oo seeflabood ah oo qiiraysan,oo aaminsan
islamarkaana ay ka dhaadhacsan tahay ayna ku weyn tahay oo ay ku qufulan
tahay in aysan marna suurtagal ahayn oo aysan dhici karin in dib u
heshiisiin iyo isafgarad iyo muwaafaqo laga dhexsameeyo la isna waafajiyo,
nidaamka dhaqameed ee toleed ee qadiimka ah iyo nidaamka casriyeed ee
dawladeed iyo qawmiyeed.
Waxaa iyana qolada kale ee islaamiyiinta ahi ay iyana sidoo kale ay aaminsan
yihiin in aysan suurtagal ahayn oo aysan marna dhici Karin, in mashruuca
islaamiga ah ee qawmiga ah ee soomaaliyeed iyo nidaamka toleed ee dhaqameed
ee qadiimka ah ee beeleed,iyadoo ay ku qufulan tahay una caddahay oo ay uga
dheggan tahay in aan la iswaafajin Karin la iskuna keeni Karin labadaas
nidaam ee islaamiyeed iyo dhaqameed ee toleed,iyadoo qolooyinka muxaafidka
ah ee toleed ama qabaliyeed ay jiraan kooxo iyo qolooyin xag jirayaal ah oo
seeflabood ah, oo iyana dhinaca kale mowqifkoodu xagjirnimo ka muuqato oo
fogaaday, kuwaas oo nidaamka dawladnimada iyo mashruuca waddaniyeed ee
casriyeed diidan oo ka horjeeda oo ay jiraan kooxo muxaafid xagjira oo aad u
fog oo dhinaca kale ka soo jeeda. Waxaase iyadoo qolooyinka iyo kooxaha
mowqifyadoodu xagjirka yihiin oo noocaas ah ay jiraan, ayaa haddana waxaa
xusid iyo qaddarin iyo u fiirsasho iyo ka cibra qaadasho iyo ku dayashaba
mudan, in moodada iyo tusaalaha qaalibka ah ee la wada qaato islamarkaana la
hirgaliyo oo halbeeg laga dhigto la iskuna raaco uu noqdo, lana dabaqo oo la
meelmariyo halbeeg caado iyo hidde dhaqan iyo siyaasadeed oo cusub oo ku
dhisan asaaskiisuna yahay oo ay udubdhexaad iyo tiir iyo halbeegba ay u
tahay, ilaalinta iyo dhowrista badnaanshaha iyo kaladuwanaanshaha
tacadudiyaatka dhaqan,bulsho,toleed iyo siyaasadeed ee dhaladka ah iyo sidoo
kale u gardhiibadaka iyo ku kala bixidda ixtikaamka siyaasadeed la isku
aqoonsado laguna kala baxo oo lagu kala danbeeyo la iskuna ictiraafo
sharciyadda waddaniga ah iyo maamulada waddaniyeed ee casriyeed iyo
dawladeed, sida kuwa soomaaliland iyo puntland oo kale. Waxaana in la ogaado
lana tixgaliyo ay tahay in haddii tijaabooyinka iyo dadaalada noocan ah la
siiyo fursadda iyo waqtiga lagama maarmaanka u ah ee ay ku hirgali lahaayeen
kuna najixi lahaayeen tijaabooyinkaasi,iyadoo aan la carqaladayn lana
dhabqin oo aan qas iyo fadqalalo toona aan la galin dadaaladaas iyo
tijaabooyinka noocaas ah ee socda oo waqtigooda iyo fursaddooda la
siiyo,ayay waxay taasi horseedi kartaa bilaw fiicanna ay u noqon kartaa, in
aan gaarno oo aan hannano kuna guulaysanno nooc iyo qaab aan qad iyo daw cad
u helno farsamana aan u helno aan xiriir iyo isafgarad iyo muwaafaqo isfaham
u samayno, islamarkaana dhexdhigno oo qaab xiriir iswaafajin iyo isku
mataanayn iyo iskusidkin aan u helno marka la yiraahdo, nidaam dhaqameedkii
qabaliyeed ee toleed iyo bulsho ee mujtamaca soomaaliyeed u samaysan yahay,
iyo casriga cusub ee nidaam dawladeedka waddaniyeed ee aan ku noolnahay ee
marxaladda taariikheed ee casriga ah ee nolosha cusub ee magaalo ay la timid
ee hadda lagu jiro ee lagu nool yahay.
Haddaba mushkiladda ugu weyn ee soomaaliya haysata oo ay ka kici la’dahay oo
hortaagani ay tahay, in meeshii ay ahayd in waqti iyo fursad ballaaran oo
ahmiyadda la siiyo, dhismaha iyo abuuridda samaynta maamullo waddaniyeed oo
shacab iyo toleed oo dadweyne oo casri ah oo maxalli ah,iyadoo nasiibdarro
ay taas markasta carqalad iyo caqabad ku sameeyaan iyadoo laga dulkeeno
laguna jillaafeeyo, iyadoo la soo abaabulayo wax lagu sheegayo dawlad qaran
oo diyaarsan oo samaysan oo dul ka keen ah,waxaana moodada tusaalaha
dawladda qawmiyeed ee qaran ee noocaas ah ee diyaarsan(readymade)ee had jeer
la soo abaabulo lana soo dhoodhoobo ay aakhirka iska noqotaa mid iska
dhimata oo fashilanta laguna guuldarraysto oo aan waxba ka socon,iyadoo ay
islamarkaana ay caqabad iyo carqalad ku noqoto oo ay buklshada iyo tolka iyo
bulshooyinka beelaha maxaliga ah ay ka jeediso kana hoosaasiso in ay
dantooda iyo howshooda gartaan, ayna wax samaystaan oo ay mamullo waddani ah
iyo nidaamyo dawladeed oo casri ah oo maxali ah oo deegaan ay samaystaan,
ayna dhistaan nidaam maamul goboleedyo dawladeed oo maxali ah. Waxaana
dhibaatada moodada tusaalaha dawladaha iyo maamulada qawmiyeed ee qaran ee
diyaarsani ee la soo dhoodhoobo ay yihiin, kuwo aan iyana wax ka soo bixin
oo aan waxba soo kordhin waxna ka hirgalin oo aan natiijo yeelan,iyadoo ay
dhinaca kalena maamuladii waddaniyeed ee maxaliga ahaa ee dhismi lahaa ay
carqaladeeyaan oo ay meesha ka baxaan oo aan ahmiyaddii iyo muhiimaddii ay
lahaayeen aan la siin, lana dayaco oo aan la isku xilqaamin, laguna
mashquulo oo ay bulshooyinka iyo beelaha maxaliga ah ee dhaqameed ee ay
ahayd in ay maamullo waddaniyeed iyo dawladeed oo casri ah ay samaystaan
ayna soo dhistaan, ay hoosaasiso ayna mashquuliso oo lagu mashquuliyo iyadoo
la horjiidayo harag maran, kuna wajahan waxaa la soo dhisayaa oo dig laga
soo siinayaa dawlad qawmiyeed oo qaran oo diyaarsan oo wax kasta iyo dhib
kasta oo jira iyadu xal mucjiso ah u keenaysa wax kastana iyadu dhag ka
dhigaysa oo xallinaysa,iyadoo halkaana aysan dawlad qaran waxba dhag ka
dhigin waxna ka hirgalin oo aysan waxba xalliyin,maamuladii dhismi lahaana
oo ay beelaha iyo bulshooyinka maxaliga ahi ay dhisan lahaayeenna uu isna
halkaas ku haro oo aan looba dhaqaaqin la isna dhigto oo la sugayo la iskuna
maaweeliyo dawlad qawmiyeed oo qaran oo alla ku sii ah oo diyaarsan oo dig
soo tiraahda, oo wax kasta dhag ka dhigta oo xal mucjiso ah wadda oo dhibta
oo dhan meesha ka saarta ay budh soo dhihi doonto oo ay dhalan doonto oo
iyada la wada sugayo oo loo allabaryayo oo xag allah laga dhowrayo,iyadoo
aan la isweydiin dawladda noocaas ahi sidee ku imanaysaa ee ay ku dhalan
doontaa? goormayse dhalan doontaa? yaase samayn doona oo ka shaqayn doona oo
dhisaya oo laga sugayaa oo loogu fadhiyaa?
Waxaa soomaalidu laga soo bilaabo 1991 markii dawladda qaran ee soomaaliyeed
ay dhacday ilaa hadda ay ku mashquulsan tahay kuna daashay oo ay daba
ordaysaa gaarina la’dahay, in hadba la soo dhiso dawlad qaran oo
diyaarsan(readymade)oo alle ku sii ah oo hadba meel lagu soo dhoodhoobo,
aadna mooddo in ay tahay himilo hummaag maran(illusion) oo la isku
maaweelinayo ahna harag maran oo la ishorjiidayo. Waxaana laga yaabaa intii
hadda la sugayay ee la daba joogay oo kale iyo in ka badan in soomaalidu ay
dabasocoto ayna ku daasho oo sanooyin kale oo badan oo soo socda ay daba
oroddo kuna rafaaddo, iyadoo la sugayo oo rajo laga qabo in la helo dawlad
qaran oo diyaarsan oo alle ku sii ah oo soomaaliya halmar dhibta ka saarta
wax kastana dhag ka dhigta oo barakaysan.
Haddaba samaynta moodo iyo tusaale nusqad kulmisa oo isku dhafta iskuna
sidigta oo mataanaysa nidaamka dhaqameed ee toleed iyo kan casriyeed ee
dawladeed iyo waddaniyeed sida moodada nusqadda tusaalaha soomaaliland iyo
puntland oo kale. Waxaana qaabdhismeedka iyo hindisaha moodada samayska
noocaas ahi uu suuragalinayaa in haybta aqoonsiga toleed ee dhaqameed iyo
bulsho ee beeleed uu noqdo, asaaska qiimaha marjiciyad dhaqan iyo wacyi
daati ah oo weeleeya ayna ku rakiban tahay oo leh tarkiib unug samays
waddaniyad soomaaliyeed sida tarkiibta maamulada soomaaliland iyo puntland
oo kale oo leh tarkiibta samayska unugga waddaniyeed ay astaanta u tahay
summadda dhuleed ee waddaniyeed(land).
Waxaana xusid mudan in ay daw tahay ayna lagama maarmaan tahay in hadda iyo
waxii ka danbeeya in aad loogu fiirsado lagana cibraqaato oo hoos loo eego
lana tixraaco oo ahmiyad gaar ah la siiyo taariikhnimada iyo
hidde-bulsheedka dhaladka ah ee toleed(sociology)ee ay leedahay astaantana u
ah moodada nusqadda soomaaliland iyo puntland ee taariikhiga ah,
islamarkaana dhaladka ah ee bulsheed iyo toleed ee ku dayashada iyo tixraaca
mudan. Waxaana loo baahan yahay in la dhowro lana ilaaliyo tijaabooyinka
dadaalada noocaas ah ee taariikheed iyo bulsho ee dhaladka ah, lagana
ilaaliyo oo laga dhowro in aan la carqaladayn lana qasin oo aan la dhabqin
loona weecin lagana dhigin tijaabooyinka moodada tusaalaha noocaas ah ee
taariikheed kuwo loo rogo kuna milma nidaam iyo tusaale dawlad qaran oo
macmil ah oo diyaarsan oo la dhoodhoobay oo kooxeed oo samays ah(totality)
Haddaba darsiga iyo casharka ugu weyn ee laga heli karo lagana qaadan karo
ee lagala bixi karo tijaabada iyo nusqadda moodada soomaaliland iyo puntland
ayaa ah, in soomaaliya ay tahay oo ay u samaysan tahay ayna ku sifowday
soomaalidu taariikho iyo bulshooyin aan marna ka marnayn oo ay asaas u tahay
kuna dhisan kaladuwanaansho iyo badnaansho iyo noocyo kaladuwan kalana jaad
ah, marka la yiraahdo dhaqan,bulsho,toleed,siyaasadeed,iyo deegaanba
marka lagu daro oo la fiiriyo taariikhdii hore ee dhaqameed oo ay soomaalidu
ahayd bulshooyin iyo tolal badan oo kala duwan, iyo taariikhda cusub ee
casriga ah ee dawladeed oo ay soomaalidu yeelatay, ururro iyo jabhado
siyaasadeed oo iyana badan oo kala duwan oo matalaya una taagan
kaladuwanaanshahaas bulsho, iyo toleed sida ururada siyaasadeed ee aan
tusaalaha u soo qaadan karno SSDF,SSA,SNF,SNA,RRA,USC/PM, oo tilmaamaya
astaanna u ah kaladuwanaanshaha bulsho,toleed,dhaqan,siyaasadeed,iyo
deegaan ee mujtamaca soomaaliyeed u samaysan yahay ee astaanta iyo summadda
u ah ee lagu yaqaan. Waxaana taas awgeed loo baahan yahay oo lagama maarmaan
taasi ka dhigaysaa, in meesha laga saaro lagana takhaluso oo meel la iska
dhigo lagana fogaado oo la iska ilaaliyo in lagu qatalmo luggooyada iyo
hagardaamooyinka halkudhagyada iyo baaqyada indhasarcaadka ah ee ku salaysan
dawlad qaran oo diyaarsan oo samaysan oo dhammaystiran oo duuduub ah iskuna
dubbaaran(totality),iyo hayb aqoonsi aydhiyoolajiyo oo gacan ku rimis iyo
samays ah oo diyaarsan iyo halhayska la bartay ee oranaya qaran iyo qabiil
la isma tusi karo ee waa in mid laga takhaluso, uuna qaranka iyo dawladda
qawmiga ahi ay qabiilka ka takhalustaa oo ay hilfaha u qaaddaa ayna eridaa
oo ay cagta marisaa,iyo baaqyada iyana oranaya wax kasta oo aan kooxda
islaamka ahayn waa in laga takhalusaa oo cagta la mariyaa oo la dabargooyo.
Waxaana loo baahan yahay in la ogaado oo lagama maarmaan ah islamarkaana
xaqiiqdu tahay oo aan cidina indhaha ka qarsan Karin cidna diidi Karin oo
aysan dafiri Karin oo wax sugan oo jira ah, in ay soomaalidu tahay
bulshooyin iyo beelo iyo tolal iyo dhaqammo kala duwan oo badan oo kalajaad
ah, una baahan in ay yeeshaan oo helaan ayna samaystaan xayndaab fakir iyo
sharciyad waddaniyeed oo kala duwan, ayna dhistaan oo yeeshaan maamullo
siyaasadeed iyo dawladeed oo waddaniyeed oo casri ah oo dastuuri ah, oo
cabiraya una taagan oo matalaya islamarkaana ilaalinaya oo dhowraya
kaladuwanaanshahaas iyo badnaanshahaas dhqan,bulsho,toleed,iyo siyaasadeed
ee ay soomaalidu u samaysan tahay kuna qaabaysan tahay ee qaabdhismeedka u
ah
Haddaba ugu danbayntii waxaa cad oo aan dood iyo muran lahayn labana isku
diidanayn, in ay tusaalaha moodada nusqadda soomaaliland iyo puntland ay ka
jirto meegaar iyo xayndaab fakir iyo sharciyad waddani ah oo dastuuri ah oo
deggan ilaa xad,iyadoo tijaabada moodada nusqadda noocaas ahina ay tahay mid
la oran karo oo ku suntan astaanna ay u tahay, dib u kaca iyo dib u joogsiga
iyo kacaan bilaw hayaan geeddi taariikheed oo cusub,kaas oo ay shardi u
tahay kuna salaysan shuruudda ah in la helay uuna curtay kiyaan iyo samays
dhisme siyaasadeed waddani ah oo dastuuri ah oo casriyeed, ayna samaysantay
oo ay soo ifbaxday uuna baryay waa iyo taariikh cusub oo ay dhalatay hayb
aqoonsi ijtimaaci ah oo magaalo iyo waddan oo dhul iyo dastuur ku
abtirsada(land identity)islamarkaana leh hay’ado siyaasadeed iyo dawladeed
oo waddani ah iyo maamullo awood dhexe oo siyaasadeed iyo dawladeed oo
dastuuri ah(constitutional political authority) oo sugan ku dhisan,
islamarkaana deggan ilaa xad oo leh deggenaansho siyaasadeed iyo mid
bulshaba.
mahad herse
london uk
htrmah@aol.com
Danjiraha
Itoobiya ee Sweden:"Annaga waxaa noo yeeratay Dowlada KMG mana nihin ciidan
Gumeysi ah!"