SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WararkiI PL: Aug 27, 2007

  • Gudiga amniga ee deegaanada Puntland oo soo saaray Go'aamo Xasaasi ah.
  • Kulan baraarujin ah oo maanta lagu qabtay magaalada Qardho ee G/Karkaar

Gudiga amniga ee deegaanada Puntland oo soo saaray Go'aamo Xasaasi ah.

Xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe waxaa kulan ku yeeshay gudiga nabadgalyada gobalada dowlad gobaleedka Puntland oo ay ku jiraan xubno golaha wasiirada ayadoo shirkaasi laga soo saaray go'aamo muhiim ah.

Shirkaan oo ahaa mid Saxaafada loo diiday ,waxaa shirgudoominayay Madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland ahna gudoomiyaha gudiga nabadgalyada gobalka waxaa goob joog ahaa Madaxweyne kuxigeenka Puntland Xasan Daahir Maxamuud ahna gudoomiye kuxigeenka nabadgalyada Puntland.

Kulankaasi ayaa laga soo saaray markii uu dhamaaday go'aamo ay isla gaareen Madaxdii joogtay waxaana ka mid ahaa go'aamadii laga gaaray Warbixino kala duwan oo ay soo bandhigeen masuuliyiintii shirkaasi ka qeybgashay.

1. Ayadoo la tixgalinayo xaalada nabadgalyada iyo Amniga Puntland ,waxa ay dowladu awoodeeda koowaad saareysaa wax kastoo ka hormarineysaa Mudnaanta lasiinayaa Difaaca deegaanadan.

2. Ayadoo Maamulka Puntland si joogto ah ugu howlgalo xalinta Khilaafaadka beelaha Walaalaha ayadoo Maamulkuna door weyn arintaasi ka qaata.

3. Ciidamada Nabadgalyada waxaa farayaa in talaabo adag laga qaado ,lala qabqabto sharcigana la horkeeno dadka amnidarada ka wada deegaanada Puntland iyo Argagixisada deegaanadan ka wada amaan darada kuwaasoo iskugu jira kuwa udhashay Puntland iyo canaasiir ay soo dirsadeen Cadowga Puntland.

4. In Booliska Magaalooyinka waa weyn ee Puntland noqdaan kuwa isku dhaf ayadoo laga bilaabayo qorshahaas Caasumada Puntland ee Garoowe.

5. In Shaqsiyaadka faldambiyeedyada galay kala duwan meel walboo ay joogaan Cadaalada la horkeena lagana jaasiiyo Danbiga ay galeen.

6. In aan la ogaalaan in Magaalooyinka Puntland hub lugu dhex qaato ayadoo hubka loo ogol yahay ciidanka Amniga oo Kaliya markii howlgalo socdaan.

7. In La Xoojiyo lala dardargaliyo howlaha Isimada ,Nabadoonada iyo guud ahaan Waxgaradka kaga jiraan nabadgalyada iyo Mideynta Bulshada.

8. In aan magaalooyinka ,degmooyinka iyo tuulooyinka Ciida Puntland lugu qaban karin kulamo aysan ogeyn Wasaarada Amniga iyo gudoomiyaasha gobalada .

9. In la dardar galiyo lana joogteeyo Gudiyada nabadgalyada ee gobalada kala ee Puntland.

Ugu danbeyn waxa ay gudiga nabadgalyada Puntland ugu baaqayaan Shacabka in ay si firfircoon ula shaqeeyaan ciidanka amniga kala shaqeeyaan sugida amaankooda iyo sidoo kale in ciidanka wax walboo ay ubaahdaan ay ku taageeraan.

Kulan baraarujin ah oo Axadii lagu qabtay magaalada Qardho ee G/Karkaar

Kulan ballaaran oo lagaga hadlayey ololaha ciribtirka cudurka dabaysha iyo vitamine A, ayaa maanta lagu qabtay hooska shirarka ee cusbataalka guud ee magaalada Qardho

Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay ururada bulshada rayidka ah, waxgaradka iyo mas'uuliyiinta maamulka degmada Qardho.
Kulankan ayaa lagu soo qaaday waxtarka ballaaran ee uu tallaalku u leeyahay dhallaanka iyadoo la isku afgartay waxgarka vitamine ah.
Madaxa Tallaalka Polio ee Qardho, Cabdiraxmaan Siciid Aadan oo kulakan ka hadlay ayaa sheegay in kulankani uu yahay baraarujin furtaanna uu u yahay tallaalka Polio oo degmada Qardho ka socon doona muddo afar casho ah.

Mas'uuliyiintii ka qayb gashay ayaa waxaa kamid ahaa guddoomiye kuxigeenka gobolka Karkaar, Faarax Jaamac Boos, kuxigeenka duqa degmada Qardho Burhaan Cabdiraxmaan Aadan iyo madaxa waxbarashada ee gobolka Karkaar, Cabdiladiif Bilaal Cabdow.

Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowlada faderaalka ee Soomaaliya oo laga furayo Magaalada Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa maalinta Talaadad ah sida la qorsheynayo waxaa laga furayaa Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowlada faderaalka ee Soomaaliya,waxaa lakeenay dhamaanba qalabkii loogu talagalay Howshaasi.

Agaasime kuxigeenka Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowlada faderaalka ee Soomaaliya Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa AllPuntland usheegay in ay furitaankan ka danbeysay markii ay dalabaadyo fara badan kaga yimaadeen Bulshada gobalka Mudug ku dhaqan.

Cabdi Barre Yuusuf Jibriil ayaa sheegay in qalabkii xaafiisku ku shaqeyn lahaa lakeenay todobaadkan isla markaana haatan la qalabeeyey oo ay doonayaan maalinimada Talaadada ah in laga furo magaalada Gaalkacyo,wuxuuna noqonayaa markii ugu horeysay oo xaafiiska Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowlada faderaalka ee Soomaaliya laga furo gudaha magaalada Gaalkacyo.

Agaasime kuxigeenka Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee DFKMGS oo la weydiiyay Lacagta lugu qaadanayo Baasaboorkan cusub waxaa uu ku sheegay $100 isagoo sheegay in uu qofka ka maqnaanayo muddo gaaban.

Magaalada Gaalkacyo ayaa noqoneysa magaaladii Sadaxeed oo ka mid ah magaalooyinka Maamul Gobaleedka Puntland oo laga furo ,waxaa horay looga furay magaalooyinka Gaoowe iyo Boosaaso ,ayadoo maalmaha soo socdana laga furayo magaalada laascaanood oo lageeyey haatan Qalabkii kala duwanaa.

Markii ay dowlada Soomaaliya soo daabacday Baasaboorada Cusub ayaa Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowlada faderaalka ee Soomaaliya dadaal ugu jiraa sidii loo socodsiin lahaa Baasaboorada Cusub oo dadka Soomaaliyeed uqaadan lahaayeen.

Dadka Soomaaliyeed ayaa haatan waxa ay ku dhoofaan Baasaboorada kala duwan ,waxa ayna wali fursad uheystaan in ay sii isticmaalaan,inkastoo xaafiisyada ka furan yihiin deegaano kala duwan kuwaasoo ay ka mid yihiin Muqdisho oo ah Caasumadii dalka Soomaaliya ,magaalada Baydhabo oo xarun ah baarlamaanka Soomaaliya ,magaalada Boosaaso oo ah Xarunta gobalka bari iyo magaaladan Gaalkacyo oo Talaadad ah laga furayo.

 
bashiir cumar cali/qardho
bashiir137@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 27, 2007 

Dhulka Soomaalida ee Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com