SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Sh. Shariif Sh. Axmed Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Sii Wadi Doonaan Dagaalka Ay Kula Jiraan Ciidamada Etiopia.

Gudoomiyaha golaha fulinta maxakiimta islaamka soomaaliyeed shekh shariif sh,axmed ayaa daboolka ka qaaday in ciidamadiisa jooga gudaha dalka soomaaliya ay sii kordhin doonaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada Ethiopia ee ku sugan gudaha wadanka soomaaliya .

Sheekh shariif oo ku sugan magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritariya ayaa isagoo u waramayey warbaahinta shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan dagaalka uu ku sheegay xoriyada umada soomaaliyeed islamarkaana intaas ku daray inaysan u nasan doonin ilaa iyo inta ay kasoo noqon doonto karamadii ay umada soomaaliyeed lahayd waa siduu hadalka u dhigaye .

''waanu sii wadi doonaa dagaalka ay dagaalyahanadayadu kula jiraan Cadowga Ethiopia iyo weliba daba dhilifka u adeega kamana daali doono ilaa iyo inta aanu lasoo noqonayno karaamadii ay umada soomaaliyeed lahayd '' ayuu yiri sheekh shariif sh,axmed .

Dhinaca kale Dagaalada ku dhufoo ka dhaqaaqda ah ee dhaca caasimada xiliga habeenkii iyo weliba qaraxyada lala beegsanayo ciidamada isku dhafka ah ee ethiopia iyo kuwa dowlada KMG ah ayaa xiliba xiliga ka dambeeya kasii daraya tasoo ay dadka shacabka ee ku sugan caasimada ay wel wel iyo walaac ka muujinayaan iyadoo qaar badan oo shacabka ahina ay ka barakeceen deegaanadoodii .

Qaraxyo Gaystey Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Axadii Ka Dhacay Meelo Kamida Caasimada Muqdisho.

Sadex qof ayaa ku dhimatay qarax xoogan oo saaka ka dhacay xaafada ciise cabdi ee deegaanka dayniile ee duleedka caasimada muqdisho islamrkaana ay ku dhaawameen shan qof.

Qaraxan oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa lala beegsaday baabuur ay wateen ciidamada dowlada KMG ah oo ahaa nooca loo yaqaano (land-curser ) cabdi bilaha ah islamkaana qaraxa kadib ayaa waxaa tacshiirad xoogan furay ciidamadaasi saarnaa gaarigaasi iyadoon la ogayn khasaraha dhabta ah ee ay gaysatay rasaasta ay fureen ciidamada dowlada KMG ah

Sidoo kale qaraxyada kala duwan ee kuwa bam gacmeedka iyo nooca rimuudka laga hago ayaa magaalada muqdisho ka noqday kuwo caadi ah ,iyadoo dhinaca kale isla saaka deegaanka loo yaqaano jiiro garoob ee ka tirsan xaafada juungal ee degmada yaaqshiid uu ka dhacay qarax xoogan oo dhulka lagu aasay islamarkaana lala beegsaday ciidamada xukuumada Ethiopia ee fariisinkoodu yahay agagaarka hotleka bin -cali ee isla xaafadaasi.

Ma cada qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxan lala beegsaday ciidamada ethiopia xiligaas oo qaar kamida ay saarnayeen gaari nooca ay ciidamada Ethiopia caanka ku yihiin ee loo yaqaano Uralka ,waloow ay soo baxayaan warar aan la xaqiijin oo sheegaya in askari Ethiopian ahi uu halkaas ku geeriyooday dhaawac kaasoo gaaray qaraxaasi .

Qaraxyada isdaba jooga ah ee lala beegsanayo ciidamada isku jirka ah ee kuwa dowlada KMG ah iyo weliba Ethiopia ayaa kusoo beegmaya xili uu gudoomiyaha golaha fulinta maxakiimta islaamka soomaaliyeed uu ku hanjabay inay sii kordhin doonaan dagaalada ay kula jiraan cadowga dalka kusoo duuley iyo daba dhilifkooda waa siduu hadalka u sheegaye . 

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


Sheekh Shariif oo sheegay in dagaalada ay sii wadi doonaan inta Ethiopian-ka ay ka baxayaan Somalia.

 

Guddoomiyaha golaha fulinta Maxkamadaha Islaamiga Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wacad ku maray inay sii wada doonaan dagaalada ay kula jiraan ciidamada Ethiopian-ka ilaa ay isaga baxaan gudaha dalka Somalia.

 

“Somalia ma ahan dal gumeysi uu heysan karo, waa dal madax banana muddona kusoo dhex jiray dagaalo, waxaana hubaal ah in cadowga uu mar dhow guul dareysan doono” ayuu yiri Sheekh Shariif.

 

Wakaalada AFP ayaa sheegtay in sheekha uu yiri “ Soomaalida waa inay dalkooda ka daafacaan ciidamada Ethiopia ee gaar ahaan jooga Muqdishu, kuwaasoo xoog siinaya buu yiri waxa uu ugu yeeray dowlada daciifka”.

Sheekh Sharif isagoo u waramayey AFP waxa uu yiri “Mareykanka waa dowlada balaaran, laakiin waxay taageerayaan Ethiopia, waxay taageerayaan keligii taliyaha ra’iiwasaraha Ethiopia Meles Zenawi ee dilaya dadkeena,”

Waxa uu inta ku daray Sheekha in taa badelkeeda ay ugu baaqayaan wadamada Yurub, Mareykanka iyo Q.M inay taageeraan maxkamadaha.

Sheekh Sharif Sheekh Axmed oo loo tixgeliyo inuu yahay qunyar socod ku dhex jira maxkamadaha, ayaa sirdoonka reer galbeedka waxa ay sheegeen inuu ku milmay waxa loogu yeeray xag jiriin Al-Qacida, inkasto maxaakimta ay taasi si weyn u beeniyeen.

Si kastaba ha ahaatee, Maxkamadaha Islaamiga iyo odoyaasha ka soo jeeda beelaha Hawiye ee awooda ku leh Muqdishu ayaa diiday inay ka qeyb galaan shirka dib u heshiisiinta ee caalamka uu taageersan yahay ee Muqishu ka furmay 15-kii bishii hore ee July, arrintaasoo astaan u aheyd dib u dhacyo ku yimid dadaaladii ugu dambeeyey ee lagu doonayey in lagu xaliyo mashaqada wadanka ay dagaalada ku burburiyeen ee Somalia.

Muqdisho oo ka bilowday dhaca gaadiidka.

 

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somalia oo muddooyinkii ugu dambeeyay ka nasatay dhaca gaadiidka ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay si xoogan ugu bilowday kooxaha hubeysan ee dhaca u geysta gaadiidka.

 

Magaalada Muqdisho waxaa ugu dambeeyay dhaca gaadiidka xiligii ay ka talin jireen hogaamiyaashii dagaalka, iyadoo xiligii Maxkamadaha Islaamiga ay awooda la wareegaan laga nastay dhaca gaadiidka.

 

Kooxo ka tirsan ciidamada Dowlada KMG ah ee Somalia ayaa shalay dhacay gaariga mid kamid ah shir guddoonka Shirka dib u hesiisiinta qaran ee Somalia Maxamed Cumar Tootoow.

 

Ciidamadaan shalay dhacay gaariga Tootoow ayaa lagu soo waramayaa inay ku hubeysnaayeen dareeska ciidamada Dowlada KMG ah ee Somalia iyagoo watay qoryaha ay ku hubeysan yihiin ciidamada DF ee AK 47.

 

Magaalada Muqdisho waxaa saddex cisho gudaheed lagu dhacay 10 gawaari oo u badan kuwa xaragada ah, iyadoo baabuurtaan la sheegay in loo iibgeeyo gobolada Puntland sida la xaqiijiyay.

 

Mid kamid ah dadweynaha laga dhacay gaadiidka ayaa ku eedeeyay dhaca ka socda Muqdisho ciidamada ka yimid Puntland oo uu sheegay inay u iib geyaan Puntland..

 

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada KMG ah ayaa ilaa iminka ka hadlin dhaca gaadiidka ee kusoo xoogeysanaya magaalada Muqdisho iyadoo ciidamadeedana lagu eedeynayo inay ka dambeeyaan dhaca gaadiidkaasi.

 

Muqdisho: arday ku geeriyootay qarax ka dhacay xaafada Gubta.

 

Qarax xoogan oo saakay ka dhacay xaafada Gubta ee magaalada Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa inay ku geeriyoodeen labo arday oo da’dooda aad u yareyd.

 

Qaraxaan oo ka dhacay agagaarka dugsiga Al-Caalami ee xaafadaasi ku yaala, ayaa lasoo sheegay inuu qaraxaan ahaa miino lagu aasay wadada oo loogu tala galay ciidamada DF iyo kuwa Itoobiyaanka ee wadadaasi soo mara.

 

Qasaaraha uu geysay qaraxaasi ayaa isa soo taraya iyadoo wararkana ay sheegayaan inay ku dhaawacmeen saddex ruux oo rayid ahaa marka laga reebo ardayda geeriyootay.

Maamulaha iskuulka Alcaalami ee xaafadda Gubta Dr. Max’ed Axmed Faaraxa ayaa Saxaafada u xaqiijiyay dhimashada ardaydaasi oo sii galaysay dugsiga aroortii, isagoo sheegay in gabi ahaanba ay istaageen howlihii waxbarasho oo ay wateen.

Maamulaha waxuu sheegay inaysan aqoon cida ka dambeysay qaraxaasi balse sida caadada u noqotay Muqdisho maalmihii ugu dambeeyay uu qaraxaan kamid yaha kuwa lala beegsado howl-wadeena Dowlada KMG ah ee Somalia.

Maamulaha ayaa waxa uu sheegay in meydka labo ka mid ah ardeydiisa uu ka qaaday halkaasi, isla markaana uu wax laga xumaado ku tilmaamay arinkaasi, isagoo ugu baaqay kooxaha qaraxyada ka sameeya Muqdisho inay kala fogaadaan goobaha Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Maamulaha waxuu sheegay inaysan jirin ciidamo ka tirsan Dowlada KMG ah ee Somalia iyo kuwa Ethiopian-ka oo wadadaasi marayay xiliga uu qaraxa dhacayay.

Qaraxyada Muqdisho ka dhaca ee lala beegsado ciidamada Dowlada KMG ah ee Somalai iyo kuwa Itoobiyaanka ayaa inta badan qasaaro u geysay dad shacab ah oo aan waxba galabsan iyadoo hal ku dhiga Muqdisho u noqday muddooyinkii ugu dambeeyay “Sii dardaaran sooma noqon rabtidee”.

Meyd laga helay degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.

Dadweynaha deegaanka Xamar Jajab ee gobalka Banaadir ayaa xalay helay meydka nin rayid ah oo la dilay.

Dadweynaha ayaa sheegay in ninkaan laga helay wadada kowaad ee degmada Xamar Jajab xili ciidamada Dowlada Federaalka ay halkaasi ka wadeen howlo baaritaano ah oo ay ku ugaarsanayaan kooxo ay ku tilmaameen burcad.

Wariye Cabdixafiid Cabdisamad Zaciimka oo ka tirsan Idaacada Simba ee magaalada Muqdisho isla markaana degan xaafada Xamar Jajab ayaa saakay aroortii qadka telefoonka iigu xaqiijiyay in ninkaasi ay da’diisa ku qiyaaseen 30 ilaa 40 jir, waxuuna sheegay in ninkaasi aanan ku yaalin dhaawac jirkiisa ka muuqday.

Zaciimka waxa uu kaloo sheegay in ninkaasi uu xirnaa dharka dadweynaha caadiga ah ay ku labistaan, isagoo sheegay in ciidamada Dowlada ay qaadeen meydka ninkaasi.

Madaxa xafiiska xiriirka warbaahinta ee ciidamada booliska G/lle C/waaxid Max'ed Xuseen ayaa Saxaafada u sheegay in ciidamada ay wadaan baaritaano ku aadan cidii dishay ninkaan iyo sababa dilkiisa keenay.

Dadweynaha ku dhaqan xaafada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho ayaa walaac xoogan ka muujiyay dilka ninkaan rayidka ah iyadoo ilaa iminka aan la aqoonsan magaca iyo wajiga ninkaan.

Abdifitahaam Ahmed
Email: abdifitahaam@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 27, 2007 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com