SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Jawaabtii Sarmaan Ramses ee ku saabsaneyd wahaabiyada !!!!!

sahid maxamed yusuf( Rooti)
sahid_yusuf@yahoo.com

Maqaal dheer oo ku soo baxay shabkadaha Soomaalida oo ciwaankiisu ahaa (last hope for somalia and wahabi threat) oo uu qoray qoraal soomaali ah oo magaciisa la yiraahdo Sarmaan Ramses inkastoo magaciisa uu egyahay nin ajnabi ah, se waa nin soomaali ah oo aan anigu caadi ahaan u aqaano oo waliba da,diisu aysan gaarin sodonkii sano,qoraagaas oon ku wada kulanay forum la yiraahdo ( israaca)sanadkii 2001 !!! .

Maqaalkaas oo runtii aan cilmi ku dhisneyn marka la horgeeyo dadka takhasuska ku leh, ayaa haddana dad badan oon khibrad u laheyn soo jiidan kara marka laga fiiriyo sida uu u cilmiyeeyey qoraagu asagoo aad ugu faraxsan waxa uu aaminsan yahay haba khilaafsanaato Diinta islaamka iyo haddii kaleba.

Horudhac:  

Runtii cudurada qaarkood ayaa isku nooc ah (symptoms) kuwaas oo ay ku qaadato dhakhaatiirta in ay baaritaan culus sameeyaan si ay u kala saaran cuduradaas. Haddiise uu dhakhtarku kala saari kari waayo hargab xumad ama qandho wata(fever) iyo calool xanuun shuban wata ( dierrhie) ogow dhakhatarkaasi waa mid aan waxba aqoon ama aan si kale u iraahdo waa Dhakhtar allow sahal ah !!!

Haddaba waxaa taas la mid ah haddii uu qoraa ka hadlo wax uusan aqoonin sida Ramsas Sarman wuxuu noqonayaa ruux isku khalday hargab & shuban !!!! Haddaan si kale u iraahdo Ramses wuxuu la mid yahay nin Salmaan rushdi ku tilmaamay ciyaartooy u ciyaara Liverpool, taas oo ah khalad international ah oo aad u fudud in ruux kastaaba uu soo qaban karo,waana khalad aad & aad u fool xun !!! waxaaba karoonaa in uu isku khaldo Ronaldinho in uu yahay ciyaartooy u dhashay wadanka Spain ,maadama uu u ciyaaro Barshiloona !!!

waxaan la yaabanahay Soomaalida haddii takhasus yimaado ruux kasta waa lagu ixtiraam ilaa Diinta mooyaane,dhakhtarka waa lagu ixtiraamaa mihnadiisa,sidoo kale injineerka waa lagu sharfaa shaqadiisa,Abwaanada waa lagu ixtiraamaa suugaantooda,se markii Diin timaado ruux kastaayi weelkiisa ayuu darsadaa wuxuu rabo ayuuna ka hadlaa sida Ramses Sarman oo Salmaan rushdi u heysta ciyaartoyda ugu gool dhaliska badan kooxda liverpool !!!!. 

Maqaalkii wahaabiyada muxuu ahaa??? 

Sarmaan ramses wuxuu Maqaalkiisa la doodayaa dadka oranaaya waa in ay Dawladda ku meel gaarka ah(TFG) ay dibuheshiin la sameeyaan Maxaakiimta qunyar socodka ah, sida ay ku doodaan qaar ka mid ah international organizations amaba siyaasad Ameerikaanka mar marka qaarkood ku dhawaaqa in lala heshiiyo qolyaha Qunyar socodka ah ee Maxaakiimta !!!

Runtii Maqaalku wuxuu ahaa mid ay ku deehan tahay carro iyo aflagaado uu qoraagu u qabo Maxaakiimta,taas oo ay ka buuxaan ereyo aflagaado ah oo aan geedna loogu soo gaban ,Bal akhristoow aan kuu soo guuriyo hadalkiisii kuwii ugu darnaa anniga oon waxba ku darin :

1) The ICU initially started as the protectors of the abhorred war profiteers’ interest in Mogadishu and are mainly composed of one clan.

2) just this time under the smokescreen of religion.

3)but eventually, the religious masquerade the ICU’s cohorts (the Wahabi)

4) As we witness the situation in Iraq and Afghanistan, country rebuilding and stability is the least of the Wahabi groups’ concerns as long as they can wage a Jihad against the secular West and therefore get their ultimate prize – a ticket to paradise. The Wahabis believe everything else is meaningless and worldly pleasure, and worse yet, any civilian casualty is just a collateral damage as the situation is today in Mogadishu—this is a dangerous thought to entertain and very ungodly.

5) the Wahabi groups should have learned from the history and implications of the Cold War, but obviously they could care less as they are more geared unwittingly towards the afterlife.

6) The Wahabis or any religious extremists for that matter, unsophisticated as they are, always lack any foresight to their actions except naively believing that God is constantly on their side and will eventually make them the winners—

7) It will be impossible for these expatriates to eventually return their country and coalesce under the leadership of these extreme and unsophisticated individuals who only think and act in extreme measures under the guise of applying God’s laws, while also muzzling the freedoms of speech and expression that many Somalis became accustomed to and cherish while living among democratic societies.Meelaha qaarkood ceyba ka badan waxay tagayaan gaalnimo waa haddii uu Sarmaan ramses muslim yahay,haddiise ay ka dhab tahay sida uu magac u badeshay waxaan leenahay taasi waxba kama duwana dadka aan diinta laheyn ee atheist ha sida Ayan xirsi ama kuwii Belgiumka ee nabiga caayey amaba gaalada oo idil oo ilaahay Quraankiisa noogu sheegay colaadda ay noo qabaan:( yuhuud & Nasaaro Raali kaa noqon maayaan Nabi maxamadow ilaa aad ka raacdo diintooda) 2:120. 

  • 1)    Wuxuu ku tilmaamay maxaakiimta dagaal oogayaal kaalmeyn jiray (warlords) oo hal qabiil

  • 2)    In ay qiiq diimeed isku qarinayaan ama ay maskaraato diimeed oo wahaabi  yiraahdo.

  • 3)Dantooda oo idil in ay tahay in ay reer galbeed la dagaalamaan si ay tikid janada ah u helaan.

  • 4) Kuwo ku cibro qaata ma ahan dagaaladdii Qaboobaa,ee si cad xil iskama saaraan waxayna xoogga saaraan wax aan la hubin oo ah nolosha kadib ( Aakhiro)!!!!.

  • 5) Wahaabiyada & qolo kasta oo xag jireen ahba waa kuwa aan fiiro dheereyn, oon hoos u sii qodneyn ilaa in ay si liidata u rumeysan yihiin mooyee in ilaahay dhinacooda yahay oo markasta uu Guusha siinaayo.

  • 6) Waa kuwa xag jireen ah oon caqli badan laheyn oo dadka cabudhinaaya in ay xornimo u hadlaan sida soomaali badan oo wadamada Dimuqraadiyada ku nool ay qabatimeen.

Haddaan intaas uga baxo ereyadiisii xun xumaa bal aan haatanna u soo jeesto labo qodob oo uu ku dhaliilay qolyaha Maxaakiimta ka soo horjeeda,ayadoo dhaliilkiisu uu yahay mid boor ka jaf ah ama mid uu ku dardar galinaayo xooggaga isku baheystay islaam la dirirka waa mareykanka & Ethiopia,TFG deeda .

waa midda hore,e wuxuu eedeeyey mareykanka dagaalkii uu la saftay (warlords) oo uu ku tilmaamay fikrad aad doqonimo ku jirtay markuu la saftay dadkii ummadda dhawr & tobanka sano soo xasuuqaayey taas ooy wahaabiyiinta ay ka heleen buu yiri taakuleyn shacabka markay u tusiyeen in ay gaalo la dirir yihiin !!!

Qodobka labaadna ayaduna waa sii joogitaanka Ethiopia oo dadka Soomaaliyeed neceb yihiin in ay wadanka sii heysato taas ooy mar labaad maxaakiimtu dadweynaha ku beer jilicsan karto oo isku abaabuli karaan !!!.

Jawaabta maqaalkeygu xanbaarsan yahay: 

Haddan u soo noqdo in aan u jawaabo mr. Sarmaan Ramses oon horay idiinku sugay in uu Soomaali yahay se uu magaciisa casriyeeyey ayaan ku Radinaayaa hal qodob oo far waaweyn: 

FARAQA U DHAXEEYA WAHAABIYAH & AL-QAACIDDA; 

Cilmi la,aanta heysata Sarmaan Ramses waxay tahay ma kala yaqaano habeen & maalin ,gudcur & iftiin, qaraar & macaan,gabar & wiil,Salmaan faarisi & salmaan rushdi,C/laahi yusuf & Geedi iwm.

Haddii Akhristoow soomaali baan nahay waana kala naqaanaa khudbooyinka C/llaahi yusuf & kuwa Geedi,

Bal ka warama haddii aan khudbo kasta oo uu lahaa C./laahi yusuf aan siiyo Geedi maxaa la i oranayaa:

( warkaas geedi ma oran ee ninkii yiri C/llaahi yusuf ayuu ahaa) !!!!

Haddaba saaxiibkeeygii Israaca waxaan u kala baxsaneyn ( Wahaabiyah & Al-qaaciddah) !!! 

1) Al-wahaabiyah: 

 waa xarako islaami ah oo loo nisbeeyo shiikh maxamed cabdiwahaab Allah ha ka raali noqdee ,haddii aan wax yar ka sheegno shiikha noloshiisii,wuxuu ku dhashay magaalada AL-cuyeyna oo ka tirsan wadanka Sacuudi carabiya sanadka hijriyadu markay aheyd 1115 H oo ku beegneyd 1701 Taariikhda miilaadiga ah.

wuxuu quraanka xifdiyey intuusan gaarin toban sano ,wuxuuna fiqhiga xanbaliga iyo tafsiirka iyo xadiiska ka bartay aabihiis, wuxuuna ahaa mid aad wax u akhriyah wuxuuna aad u jeclaa in uu akhriyo kutubta shiikh Ibnu tiimiyah & ardeygiisa ibnu Qayim allah kuligood ha u naxariistee.

Caqiidada shiikh maxamed Cabdiwahaab: 

Caqiidada shiikha waa tii salafu saalixa ,waa tii uu la yimid rasuulkeenii nnkh iyo saxaabadiisii iyo kuwii raacay iyo imaamada hanuunsanaa,sida Abuu xaniifa,Maalik,Shaafici,Axmed bin xanbal,sufyaanu thawrii,sufyaan ibnu cuyeynah,c/laahi ibnu Mubaarak,Bukhaari ,muslim,abuu daa,uud,iyo ahlu sunanka oo idil, iyo kuwa la midka ah ee ahlu fiqhiga ah sida AL-ashcari,ibnu khuzeymah,Ibnu tiimiyah,Ibnu Qayim,Dahabi ,Ibnu kasiir iwm.

Skiikhu wuxuu ku caan abaxay in uu la dagaalamo khuraafaadka ,dadka qubuurta caabudaaya,kuwa awliyada isku sheegaaya,kuwa alaah qeyrkiis baryaaya , kuwa alaah qerykiisa wax u qalaaya,iwm.

Runtii shiikhu wuxuu Alaah soo saary waqti caalim Al-islaam ay khuraafaad aaminsan yihiin wuuna kala diriray markii uu caawiyey Boqorkii sacuudiga ee Maxamed Ibnu Sacuud ooy balan ku kala qaateen in uu Boqorkuna maamulka dawlada haayo ,shiikhana Diinta looga danbeeyo, kitaabka allahna la isku xukumo.

Sidaas ayey ilaa maanta Dawladda sacuudigu u sharaftaa dacwadii shiikha meel kastana u gaarsiisaa.

Haddii uusan shiikhu maalintaas dacwadaas u istaagi laheyn muslimiintu maanta Qabuuraha ayey caabudi lahaayeen, shiikhyadana wey dawaafi lahaayeen,Awliyo been ahna wey sheegan lahaayeen.

Allah ha u naxariisto shiikheena wuxuu Diinta islaamka ka badbaadshay shirki wuxuuna dadka ku soo celiyey diintii saxa aheyd sidee nabi Maxamed ula yimid ayadoo ah.

2) AL-qaacidda : 

Waa xarako cusub oo markii ugu horeysay aan maqalnay dabayaaqdii 1990 waxaana madax u ah Usaama bin laadin,waxaana ku xigeen u ah DR. Ayman AL-dawaahiri waxayna ku aasaasmeen wadanka Afqaanistaan!!!

Xarakadaas markii hore waxay ku aasaasantay raggii mujaahidiintii afqaaanistaan ee Ruushka la dirirtay kana xoreysay wadankaas markii danbese waxay qaateen afkaartii jaamcatul AL-jihaad ee masar oo uu ka tirsanaa Ayman Al-dawaahiri waxayna dagaal kula jiraan Dawladaha reer galbeedka iyo dawladaha cilmaaniyiinta ( secularka) !!! Usaama bin laadin oo ahaa nin taajir ah oo Sacuudiga u dhashay, Sacuudigu dhalashadiisii wuu ka qaaday wuxuuna u yaqaanaa ( usaama Al-khaariji) oo macnaheedu yahay midkii dawladda islaamka ka falaagoobay !!!

Xarakadaani waa mid xag jireen ah oo aaminsan oo kaliyah in Dagaal wax lagu keeni karo waana mid ka mamnuuc ah wadamada islaamka oo idil.  

Haddaba waxaan Sarmaan Ramses u sheegeynaa in haddii waahaabiyadu tahay waxa uu ku sheegaayo wuxuu Mareykanku dagaalka ka bilaabi lahaa Sacuudi carabiya ee Afqaanistaan kama bilaabeen.

Dawladda sucuudiguna waxay ku faantaa cawo & maalinba in ay raacsan yihiin dacwada Shiikh Maxamed cabdiwahaab allah ha ka raali noqdee sidaas ayey haddana saaxiib kula tahay Dawladda Mareykanka !!!

Taas ayaan ku cadeyneynaa in haddii maxaakiimtu tahay kuwo aaminsan dacwada wahaabiyah oo ku abtirsata salafu saalix waa asxaabtii & taabiciyiintii in aysan aheyn kuwa xag jireenka ah ee Rames ku tilmaamay ee ay yihiin kuwa ku taagan wadaddii rasuulka & asxaabtiisii !!!

Haddii uu MR. Sarmaan ramses sifo kasta uu wahaabiyah ku tilmaamay Maqaalkiisa uu oran lahaa AL-qaacidda labo caliba isma weydiiseen maqaalkiisa, waxa uu ahaan lahaa oo kaliyah nin dawladda ku meel gaarka ah la jira wuxuu doonaba ha ula jiree ama Qabiil ama fikrad(secular) laakiin muu ahaadeen nin salmaan Rushdi ku tilmaamay ciyaartooyga ugu gool dhaliska badan kooxda liverpool ama khudbooyinkii C/llaahi yuusuf mid siiya Cali geedi !!!

Waxaan maqaalkeyga ku soo gunaanadayaa maxakiimtu waan garanay in ay u arkaan shiikh maxamed cabdiwahaab in uu yahay caalim islaami ah sida culumadii ka horeysay amaba ka danbeysay,Diinta islaamkana ixtiraam & magac & sharafba ku leeyahay !!! Se ma oran karnaa Maxaakiimtu waxay ka tirsan yihiin AL-qaaciiddah ????

Sida wax badan aan ka maqalnay wareysiyadii maxaakiimta islaamiga -- ee sida mucjizada leh ku nabadeysay Magaalada Xamareey -- waxay markastaba iska fogeeyeen ururkaas xag jirka ah in ay ka tirsan yihiin !!! waadna ka dhageysan kartaan wareysiyadoodii oo wali duuban oo websaadyada ka buuxa !!!!

waxaan la yaabanahay Soomaalida haddii takhasus yimaado ruux kasta waa lagu ixtiraam ilaa Diinta mooyaane,dhakhtarka waa lagu ixtiraamaa mihnadiisa,sidoo kale injineerka waa lagu sharfaa shaqadiisa,Abwaanada waa lagu ixtiraamaa suugaantooda,se markii Diin timaado ruux kastaayi weelkiisa ayuu darsadaa wuxuu rabo ayuuna ka hadlaa !!!!!  

Maxaa caawa xalay uga eg,Sarmaan Ramses baa Diin ka hadlaaya,maxamed cabdiwahaab uu wax ka sheegooyaa,tukulush timir gaari waayey iska dheh,maska waan necbahay dadkuu cunaa,salmaan Rushdi waa ciyaartooy,C/laahi yusuf areey u dhiib,geediga ma jidho ha dhaho,gaalkacyo iyo caliyaale kala fogaa,waraf iyo shinbiri war iskuma hayaa,waarimeyside war hakaa haro,wadanka anigaa iska leh wadeynimo kaama rabo waraaboow maalin wacan,in aan goroyo cawl uga tagaa waa mid aan go,ine,soomaaliyeey toosoo !!!! 

fii amaani laah !!!

sahid maxamed yusuf( Rooti)

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 27, 2007 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com