SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Shir ay isugu yimaadeen beelihii ku dagaallamay deegaanada Wabxo, Goobo iyo Maxaas ee Xawaadle iyo Murusade oo go'aanno laga soo saaray

Shirkan oo lagu qabtay hotelka Naasahablood ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay in ka badan 50 xubnood oo ka kala socday beelaha Murusade iyo Xawaadle.

Shirkan oo dabasocday shir hore loogu qabtay magaalada London ee waddanka Ingiriiska oo ay soo qaban qaabisay jaaliyadaha ku dhaqan halkaasi ee labada beelood ayaa labada beelood waxay wakiisheen min labo qof si ay uga akhriyaan heshiiska ay isla gaareen labada dhinac.

qabashada shirkaan ayey gacan weyn ka geysteen jaaliyadaha ku dhaqan caro ingiriis sida ay sheegeen qaarka tirsan qabanqaabiyayaasha shirka .

Shirkan ayaa waxaa codsaday in la qabto beesha Xawaadle, halka beesha kale ee Murusade ay iyagu gogosha dhigtay.

DSC00952

Islow Daahir Cabdi Kulmiye Ugaas "Waxaan isugu yimid shir ka dhacay Hoteelka Naasahablood ayaanu isugu nimid labadeena beelood ee Xawaadle iyo Murusade annagoo ka wada hadalnay dagaalka ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Galgaduud qaasatan Maxaas iyo Wabxo, waxaan ku heshiinay labada beelood wixii dhex mara in lagu dhameeyo wada hadal iyo maskax iyo caqli oo aan wax lagu qeybsan xabbad iyo kala aargoosi" ayuu yiri Islow Daahir Cabdi Kulmiye Ugaas oo ka socday beesha Murusade oo intaa raaciyay

"Waxaan ku heshiinay inaan shir deg-deg ah oo aan qaadan muddo 24 saac ka badan aan isugu nimaadno, oo aan dirno wafdigii aadi laheyd goobaha ay dhibaatadu ka dhacday.

Dhanka kale Nabadoon Cismaan Afraxow Guure oo u hadlayay beesha Xawaadle oo kulankaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday dhibaatada colaadda ah ee ka dhex aloosan labada beelood ee walaalaha ah.

Nabadoon Cismaan Afraxow Guure "Anigoo ka tiiraanyaysan ka xun waxaan u soo jeedinaynaa dadkaasi inay walaaloobaan hubkana iska dhigaan, go'aannada aan gaarnay waxaa ka mid ah in sida ugu dhaqsiyaha badan xabadda loo joojiyo, ciidamada laga kala qaado, in sida ugu dhaqsiyaha badan loo diro wafdi labadaasi beelood xabadda joojinteeda iyo ciidamada kala qaadisteeda hubiya, suga in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu diro goobaha ay colaaduhu ka socdaan, in labada beelood ee Murusade iyo Xawaadle sida ugu dhaqsiyaha badan ay dib isugu soo laabtaan una diraan wafdiga halkaasi aadi lahaa" ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay nabadoon Cismaan Afraxow Guure.

Intaa kaddib ayaa waxaa hadalkii qaatay Nabadoon Aadan Sheekh Nuur Sheekh Maxamed (Aadan Qooje) oo sheegay inuu ayidsan tahay odayaasha ka horreeyay wixii ay sheegeen dhammaan, ayna yihiin go'aan ay wada gaareen labada dhinac, wuxuuna sheegay in loo wada dhan yahay baaqaas, isagoo u soo jeediyay ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba inay taageeraan baaqaas iyo wadahalkaas ay gaareen labada beelood,

sidoo kale waxa uu u soo jeediyay dadka walaalaha ee xidid iyo walaalo ah inaysan dhiig dambe iska daadin oo ay wixii horena ka towbad keenaan, inta dambena ka qoomameeyaan, isagoo u sheegay dadka labada beelood ku abtirsada ee dibadaha jooga ee ka xumaaday ee mar walba na soo wacay waxaan u sheegaynaa inaan qaadanay taladoodii, walaalaheena kalena aan u gudbineyno oo waqooyi jira, annaga oo xamar joognana aan halkaasi u ambabixi doono mar dhow.

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Nabadoon Max'ud Cali Nuur (Dhagnaas) oo ah guddoomiyaha golaha dhaqanka ee beesha Xawaadle ayaa sheegay inuu ku waafaqsan yahay baaqan iyo nabadeyntan labada beelood ay isla gaareen, "Shirkan waxaa soo jeediyey beesha Xawaadle una soo jeediyay beesha Murusade inay is arkaan maalinta Khamiista ee na soo dhaaftay, waxaana uga mahad celinaynaa sida ay nooga aqbaleen,

waxaana maanta gogosha dhigay beesha Murusade" ayuu yiri Nabadoon Maxamuud Cali Nuur (Dhagnaas) oo intaasi ku daray "Nimanka jaaliyadaha ee dibadaha jira ee ka dhashay labada beelood ee isu tagay ee la hadlay meelihii ay ka dhaceen dagaalada, annagana nala soo hadlay aad baan ugu hambalyaynaynaa, waxaana ka ranaynaynaa inay meeshooda ka sii wadaan howsha ay u hayaan ummadda ay ka dhasheen si arrintaasi loo dardargeliyo, annagana waxaan ku waafaqsanahay lana diyaar nahay inaan si dhaqsi ah u baxno"

Dhanka kale waxa uu Nabadoon Max'ud Cali Nuur (Dhagnaas) sheegay in dadka walaalaha ah ee deggan labada meelood ee ay wax ka dhaceen, walaalo inay yihiin isu sheegi mayno, waan soo soconaa, odayaalna waa leedihiin, aqoonna waa leedihiin, wixii dhacayna waad ka qoomamaynaysiin, aan isa soo gaarno, dhib dambe yuusan dhicin, ciidanka ha la kala qaado, ka bacdi markaan isu nimaadno oo aan goob xaarano, geesna fariisano ayaa laysu sheegi doonaa wixii eed la kala qabo, "waxaan idiinka codsanaynaa inaad nagu sintaan sii qabataan, sii dedejidaan nabad gelyada heegan gelisaan" ayuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisa Nabadoon Maxamuud Cali Nuur (Dhagnaas).

DSC00947

Shirkan ayaa waxaa laga soo saaray baaq nabadeed oo ku aaddan heshiis ay isla gaareen labada beelood maanta oo ay taariikhdu tahay 26/08/2007 ayaa waxaa shir isugu yimid hotelka Naasahablood ee magaalada Muqdisho xubno ka tirsan beelaha Murusade iyo Xawaadle oo dhowaan dagaal qaraar uu ku dhex maray deegaannada Wabxo, Goobo iyo Maxaas.

Labada beelood ayaa soo wakiishay min 25 xubnood oo isugu jira odayaal iyo waxgarad ka socda labada beelood oo ay colaaddu horay ugu dhex martay gobollada Hiiraan iyo Galgaduud gaar ahaan deegaanada Wabxo iyo Maxaas, waxayna isku waafaqeen qodobada soo socda:

1. In si degdeg ah xabbadda loo joojiyo, lana kala qaado labada ciidan ee is horfadhiya.

2. In si degdeg ah loo diro odayaal iyo waxgarad guddi ah, iyagoo kaashanaya waxgaradka deegaanadaas.

3. In wada hadal lagu dhameeyo wixii khilaaf ah ee jira.

4. In ay shir degdeg ah isugu yimaadaan waxgaradka si ay u ambaqaadaan guddiyadii u bixi lahaa deegaanadaas.

Baaqa waxaa soo wada jeeday dhinaca Xawaadle Islaan Daahir Cabdi Kulmiye, Nabadoon Cismaan Afraxow Guure halka dhinaca Murusadena ay ka soo jeediyeen Islow Daahir Cabdi Kulmiye Ugaas iyo Caaqil Aadan Sheekh Nuur (Qooje)

Xubnihii ka soo qeyb galay ayaa waxay kala ahaayeen dhinaca Murusade

  • 1. Maxamed Nuur Gacal

  • 2. Sheekh Max'ed sheekh Axmed (kashka)

  • 3. Max'ed Axmed Yalaxow

  • 4. C/laahi Axmed Garabey

  • 5. Aadan Sheekh Nuur (Qooje)

  • 6. Max'ed Cali Jimcaale

  • 7. Cabdi Maxamed Maxamuud

  • 8. Sheekh Cali Yuusuf Sabriye (Gacamey)

  • 9. Axmed Cilmi Maxamed

  • 10. Islow Daahir Cabdi Kulmiye Ugaas

  • 11. C/laahi Axmed Saruurow

  • 12. Cali C/laahi Xayle

  • 13. C/laahi Ibraahim Dhagey

  • 14. Nabadoon Ibraahim Fagaareeye

Halka beesha Xawaadle ay ka mid ahaayeen:

  • 1. Maxamuud Dhaqane Nuur

  • 2. Nabadoon Cismaan Afrax Guure

  • 3. Maxamuud Axmed Xashow

  • 4. Xasan Sh. Ibraahim

  • 5. Cilmi Takar Barre

  • 6. Siyaad Aadan Ibraahim

  • 7. C/laahi Dhimbil Warsame

  • 8. Xuseen Cadow Cali

  • 9. Ibraahim Guure Cali

  • 10. Xaamud Guure Kulmiye

  • 11. Cismaan Nuunow Guure

  • 12. C/laahi Caddow Bulaale

Sawirada halkan ka eeg...

Muuse Maxamuud Jiisow

musejisow@hotmail.com

Muqdisho Somaliya 

025215576666

002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 28, 2007 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com