SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Barnaamijkii Radio Xoriyo
28 August 2007.
 
Dagaallo ciidammada cadowga lagu jabiyay
 
Waxyeellooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha.
 
Kulan ay xubnaha Golaha Dhexe ee JWXO  ku yeesheen Ogaadeenya.
 
Zenawi oo qorsheeyay in JWXO qabyaalad lagu kala daadiyo.
 
Dowlada Maraykanka oo 19,000,000 oo doolar ugu deeqday Ogadenya.
 
UN-ta  oo Ogadenya udiraysa gudi soo baadha xasuuqii ay gaysteen ciidanka Gumaysiga Itoobiya iyo JWXO oo bayaan  soo dhaweyn ah kasoosaartay baaqaas.
 
Jaaliyadda Ogaden ee Manchester-UK oo shir iskugu timid.
 
======================            
 
 
Dagaallo ciidammada cadowga lagu jabiyay
 
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr ah oo waxyeello badan loogu gaystay ciidammada maxaysatada ah ee Itoobiya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;
 
27/08/07 Cutubyo ka tirsan CWXO ayaa weerarro is-dabajoog ah ku qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo meelo kala duwan laga keenay, kuwaasoo lagu soo ururiyay San-xaskulle. Cidammada cadowga ee halkaas lagu soo ururiyay ayaa afar mar oo is-xigta lagu qaaday weerarro mir ah, waxaana loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
 
24/08/07 ciidammada gumaysiga ka tirsan oo hawlgal u yimid Gal-da’a, oo ka tirsan degmada Galaalshe, ayay CWXO ku qaadeen weerar si fiican loo qorsheeyay, waxayna weerarkaas kaga dileen 10 askari, 9 kalana way kaga dhaawaceen.
 
23/08/07 waxaa weerar mir ah lala beegsaday ciidammo gumaysigu leeyaha oo ku sugnaa Jiingada, oo ka tirsan degmada Qabri-baxay, waxaana loo gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
 
19/08/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar kadiso ah ku qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa meesha lagu magacaabo Garba-yayle, oo ka tirsan degmada Gunagado, waxaana weerarkaas cadowga lagaga dilay 3 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
Waxyeellooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha.
 
Cidammada cadowga ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa waxyeellooyin kala duwan u gaystay dadwayne rayad ah oo aan waxba galabsanin, kuwaasoo ay u gaysteen waxyeellooyin isugu jira dil, xidhay, jidhdil iyo dhac.
 
24/08/07 waxay ciidammada gumaysigu ku dileen magaalada Shilaabo afar qof oo rayad ah, waxay sidoo kale dhaawaceen labo qof oo kale. Dadka ay ciidammada gumaysigu dileen waxay kala yihiin;
1-    Qoxooti Sh Cali Xuseen
2-    C/llaahi Cabdi Dhuux
3-    C/llaahi Jaamac Cabdi (Dhoorre) iyo qof kale oo magaciisa aanaan haynin.
Dadkan la laayay waxay wateen baabuur ay ciidammada gumaysigu isla meeshii ku gubeen.
 
Isla 24/08/07 Birqod waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin shacab ah oo lagu magacaabi iray Nuur Xaashi Xayle
 
28/07/07 Xaashaa-lillah, oo Qabridaharre ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin shacab ah oo magaciisa aanaan helin
 
22/08/07 Maryo-maydh waxay ciidammada gumaysigu jidhdil ba’an ugu gaysteen dadka kala ah;
1-    Maxamuud Maxamed Cali
2-    Xamdi Qalinle iyo
3-    Maxamuud C/qaadir
 
22/08/07 Yoocaale waxay ciidammada gumaysigu jidhdil ba’an ugu gaysteen, ka dibna la tageen iyadoon la ogayn meel ay geeyeen labo nin oo lagu kala magacaabo;
1-    Shinbir C/wahaab iyo
2-    C/llaahi Macalin Cabdi
 
20/08/07 Yoocaale waxay ciidammada gumaysigu jidhdil ba’an ugu gaysteen dadka kala ah;
1-    Nimco Nuur Siciid iyo
2-    Sahra Cabdi Bahjad
 
19/08/07 meesha lagu magacaabo Dhaala, oo Fiiq ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen C/llaahi Maxamuud Raabi. Waxay sidoo kale jidhdil ba’an u gaysteen, isla markaana ka dhaceen wixii hanti ahaa ee ay haysteen hooyadii Maryan C/llaahi Faarax iyo walaashii oo lagu magacaabo Ardo Maxamuud Raabi.
 
16/08/07 tuulada Kala-jeex, oo ka tirsan degmada Shilaabo, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen labo qof oo shacab ah, kuwaasoo kala ah;
1-    Kaamil Mawlaani iyo
2-    Saynaba Cadhays oo 80 jir. Waxay kaloo gubeen 7 Aqal oo ay lahaayeen carruur ay dhashay haweenaydan waayeelka ah ee ciidammada gumaysigu dileen.
 
20/08/07 Magaalada Garbo waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dad rayad ah waxaana ka mid ah dadka aan magacyadooda helnay;
1-    Mulkiya Maxamed Aar iyo
2-    Quraysha Mahad Cabdi
 
23/08/07 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Garbo kula wareegeen 7 Baabuur oo waday badeecado kala duwan oo dawaynuhu lahaa.
 
19/08/07 Simane, oo Fiq ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1-    Bishaaro Maxamuud
2-    Bishaaro Macalin Dayr iyo
3-    Aamina Cabdi Ibraahim
 
Kulan ay xubnaha Golaha Dhexe ku yeesheen Ogaadeenya.
 
Xubnaha Golaha Dhexe ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO ayaa kulan hawleed isugu yimid intii u dhaxaysay 21 – 23/08/07. Kulankan waxaa lagu qiimeeyay hawlgalladii cadowgu dalka ka fuliyay iyo waxa ilaa iyo hadda uga qabsoomay.
 
Markii la qiimeeyay ololihii ay ciidamada gumaysigu qaadeen iyo ujeeddooyinkii ay ololahaas ka lahaayeen, waxaa la isla gartay in gumaysatada Itoobiya ay si cad ugu fashilantay ololahaas, isla markaana ay ka gaadhin natiijooyinkii ay ka filaysay. Waxaa la isla qiimeeyay in ciidammada gumaysiga lagu jabiyay dagaalladii ay la galeen CWXO, isla markaana uu gumaysigu ku guuldarraystay inuu wax daanno ah gaadhsiiyo cududda iyo kartida ciidan ee CWXO.
 
Waxaa la isla qiimeeyay in xasuuqa iyo cunaqabataynta ay ku hayso dadwaynaha rayadka ah ayna haba yaraatee ka gaadhin wax natiijo ah oo lagu naalloon karo, balse ay sii kordhiyeen isku duubinda iyo dhiirranaanta shacabka.
Kulankan waxaa sidoo kale lagu dajiyay qorshe hawleed cusub oo la xidhiidha xaalada uu halganku ku sugan yahay iyo sidii loola jaan-qaadi lahaa duruufaha haganka ku soo cusboonaaday oo ay ka midka yihiin xasuuqa uu cadowgu dalka ka wado iyo gadoodka ay dadwaynuhu ka muujiyeen dalka intiisa badan.
 
Kulanku wuxuu ammaan u soo jeediyay CWXO oo si fiican u gutay xilkooda, isla markaana cashir lama illaawaan ah u dhigay ciidammada isu keen-keenka ah ee gumamysiga Itoobiya. Kulanku wuxuu sidoo kale dadwaynaha Ogaadeenya ugu baaqay inay sii wadaan caabbiga ay gumaysiga kula jiraan oo ay u guntadaan sidii ay maatidooda iyo hantidoodaba uga difaacan lahaayeen caadiammadan haawayda ah ee lagu soo fasaxay.
 
Kulanku wuxuu hay’adaha samafalka ah, kuwa caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ahba, ugu baaqay inay iyagu gaadhsiiyaan wixii gargaar ah ee loogu talagalay dadwaynaha ku tabaalaysan Ogaadeenya, isla markaana ay ka gaashaantaan in ciidammada gumaysiga Itoobiya ay raashiinka gargaarka ah u adeegsadaan siyaasad ay ku kala qaybiyaan oo ku dullaysataan dadwaynaha tabaalaysan.
 
Zenawi oo qorsheeyay in JWXO qabyaalad lagu kala daadiyo.
 
Wariyaha RX uga soo warrama magaalada Jigjiga ayaa noo soo sheegay in markay taariikhdu ahayd 24/08/07 ay shir isugu yimideen guddiga fulinta waxa loogu yeedho Kililka, kuwaasoo ka shiriy sidii loo fulin lahaa qorshayaasha uu gumaysigu ku xasuuqayo dadwaynaha aan waxba galabsanin ee Ogaadeenya.
 
Shirkan waxaa qalabka isgaadhsiinta ee maqal-aragga ah kaaga qayb galay kaligii taliye Meles Zenawi oo khudbad dheer oo hanjabaad iyo awaamir isugu jirta u jeediyay adeegayaashiisa halkaas ku shirayay.
 
Waxyaabihii uu kaligii taliye Meles isku maaweelinayay ee adeegayaashiisana ku amray inay ka hawlgalaan waxaa ka mid ahaa in JWXO loo kala furfuro hab qabyaaladeed. Kaligii taliye wuxuu tusaale u soo qaatay sida uu ugu guulaystay inuu hab qabiil u kala furfuro dadwaynaha soomaaliyeed ee Jamhuuriyada, gaar ahaan dadka Muqdsho ku dhaqan.
 
Wuxuuna yidhi waa inaan JWXO qabiil ugu kala daadino sidii aan qabiil ugu kala daadinay dadkii Muqdisho ka dagaallamayay oo aan gaadhsiinay heer ay qoys-qoys u kala dhaqaaqaan. Adeegayaasha ayaa iyaguna sidii caadada u ahayd ka ballanqaaday inay sida ugu fiican u fulinayaan qorshahaas.
 
Dhinaca kale waxaa 22/08/07 sidoo kale magaalada Jigjiga lagu shiriyay odayaal ka soo kala jeeda gobollada kala duwan ee Ogaadeenya, waxaana amar lagu siiyay inay u socdaalaan gobolladoodi, isla markaana ay ka dhisaan ciidammo Dabaqoodhi ah. Gobol walba waxaa loo diray 5 Oday, marka laga reebo Qorraxey oo isaga 10 Oday loo diray.
 
Maraykanka oo ku dhawaaqay Mucaawino Deg deg ah oo la gaarsiiyo, Ogaadeenya.
 
Wasaarada arimaha dibada ee wadanka maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay wadanka Ogadenya ugu deeqday gargaar deg deg ah oo gaaraya ilaa iyo in ku dhaw 19 mil oo doolarka maraykanka ah , mucaawinadaas oo loogu talagalay in ay gaadho dadka ku dhaqan wadanka Ogaden ee ay dhibaato aad u ba’ani ka jirto
Xukuumadda maraykanka ayaa sheegtay in gargaarkaas  intiisa badan uu noqon doono deeq raashin oo qiimihiisu dhan yahay ilaa iyo 18.7 milyan oo doollar,
Mucaawinaddan ayaa loo marin doonaa sida ay ka dhawaajisay dowlada maraykanku hay,adada caalamiga ah: sida labada hay,adood ee UN-ta ukala qaabilsan Horuminta iyo cuntada aduunka waa UNDP iyo WFP e.
 qayb ka mid ah gargaarkaas waxa uu noqon doonaa mid wax looga qabto dhinaca caafimaadka, nafaqo xumada iyo waliba nolosha asaasiga ah ee ka jirta dhulka Ogaadeenya
Sanadihii abaaraha, daadadka, colaadaha,cuduradda iyo cuno yaraanta ayaa waxa ay Shacabka Soomaalida Ogaadeenya ku reebeen dhibaato joogto ah faqri iyo waliba macaluul gaadhsiisay in ay la baaba’aan
Dhulka ogaadeenya oo ah dhul qani ah oo saliida shiidaalku ay ceegaagto ayaa hadana nasiib daro dadka soomaalida ah eek u dhaqan wadankaa ayaa ah dad ay gaajo iyo fakhri diloodeen, shacabka Soomaalida Ogaadeenya ayaa mudo dheer ka war dhawrayyey sidii ay mar gacanta xukuumadda Gumaysiga ee Addis ababa.
Dhinaca kale safiirka gumaysiga itoobiya ufadhiya wadanka maraykanka siiba magaalada Washington DC ayaa isna calaacal iyo  dhawaaq afka furtay  isagoo  ku hanjabay inay ka jawaabi doonaan  hadii talaabo kale ay ku daraan madaxda maraykanka  ee u ololaynaya sidii cunaqabataynta loogu soo rogi lahaa xukuumada ku caanbaxday tacadiyadda ka dhan ka ah xuquuqul insaanka iyo waliba maamulkeeda ku dhisan gumaysiga iyo qabyaalada
Mudane u hadlay dawlada maraykanaka ayaa ku tilmaamay qayladaa ka soo yeedhay safiirka xukuumada Gumaysiga itoobiya mid aan laga fiirsan , waliba uu ku tilmaamay wax lagu qoslo in qof gacan hoorsi ku jira hadan sii hanjabo , waxa uu sheegay mudanahaas in canshuurta shacabka maraykanka laga aruuriyaa aysan ahayn mid loogu talo galay in lagu xasuuqo shacab aan wax danbi ah galabsan
Isku soo duuboo waxaad hubaal ah tan iyo dharaartii ay CXO ku guulaysteen hawlgalkii ILeys ee Cobolo kaas oo ay cunaha qabteen damacii gumaysiga in qadiyadii Ogaadeenya ay si toos ah u gashay masraxa caalamka Siyaasadii JWXO ee ku aadanayd arimaha dibadana ay si dhab ah u talaabo qaaday iyadoo kaashanaysa shacabkeeda geesiyaasha ah ee waliba mintidiinta had iyo jeerna u taagan in ay difaacaan sumcadooda.
 
 
QM oo ogadenya u diraysa gudi soo baadha xasuuqii ay gaysteen ciidanka gumaysigu
Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadenya (JWXO) ayaa bayaan ay shaacisay ku sheegtay in ay soo dhawaynayso mawqifka ay Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ka qaadatay xal u helida dhibaatada lagu hayo shacabka dulman ee Soomaalida Ogaadeenya.
JWXO waxay sidoo kale bayaankeeda ku sheegtay in mawqifkani yahay iyadoo laga fiirinayo dhinaca wanaagsan talaabadii oogu horeysay ee Jimciyadda quruumaha ka dhaxayso qaado iskuna daydo in wax laga qabto dhibaatada bini aadanimo ee ka jirta Ogaadeenya taas oo ah dhibaato si ula kac ah loo sameeyay ee aysan ahayn mid rabaani ah
JWXO ayaa ku baaqday in Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa aysan xadidin qorshaheeda bini aadanimo ee xaqiiqo raadiska ah ee ay waliba baarid dhab ah ku samayso dhamaan danbiyo dagaalka  lagula kacay shacabka Soomaalida Ogaadeenya kaas oo ay si ula kac ah u fuliyeen Jabhada TPLF ee ka talisa Addis ababa
Sidoo kale JWXO ayaa wali codsanaysa inay Jimciyadda Quruumaha ka dhaxayso ku qasabto xukuumada gumaysiga itoobiya inay u ogolaato in saxaafaddaha caalamiga ah loo fasaxo in ay ka hawlgalaan ciida Ogaadeenya iyadoo wakhtiga xaadirka ah laga mamnuucay in ay galaan ciida Ogaadeenya waliba in qorsho safar xitaa loo diiday
JWXO waxa kale oo ay ku cadaysay bayaankeeda in ay diyaarisay una soo bandhigayso wax kasta oo muhiim ah kuna caawin doonto qorshahan iyo waliba xubnaha saxaafadda caalamiga ah ee danaynaya inay ku biiraan hawlgalkan kana faa’ideystaan in ay galaan dhammaan dhulka Ogaadeenya
 
 
 
 
28 August 2007
Axmed Gaal-Eri
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmahaa Talaadada & Sabtida  7:00PM – 7:30  waqtiga Afrikada Bari


Faafin: SomaliTalk.com | Aug 29, 2007 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com