SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 

C/qaadir Oromo ma u qalmaa Qoraa?; Maya Garashaday

Iyadoo qofwalba oo soomaali ah uu ka dharagsanyahay waxtarkii waynaa ee dalka ay u soo hoysay dowladii kacaanku, guulihii dowladii siyaad barre ay ka gaadhay horumarka dalka iyo dadkabana aan la soo tiro koobi karayn, iyadoo waxyaabaha sida wayn loogu xasuustan karaana ay ka mid yihiin kor u qaadidda tacliinta iyo manhaj midaysan tayanna leh, kor u qaadida adeega caafimaad iyo dhisidda ciidamo tayo badan oo militeri ah. ciidamadaas oo magac wayn u soo hooyay umada soomaaliyeed xiligii dowladii militerigu shaqaynaysay gacanna ka gaystay xoraynta wadamo badan oo Afrikaan ah.

Arimahaas aan kor ku soo xusay iyo waxyaabo kaleba waxay ka midyihiin waxtarkii dowladii Alle ha u naxariistee maxamed Siyaad barre madaxwaynaha ka ahaa taasoo wadanka ka soo talinaysay mudadii 21kii sano ee ka horeeyay dagaalada sokeeye.

Hadaba qoraaga lagu magacaabo C/qaadir Oromo ayaa ah qoraa soomaaliyeed oo qoray dhowr buug oo ka hadlaya taariikh nasakhan oo uu ka qoray hab dhaqanka sandaladihii soo maray somaliya, balse buugta uu ninkaasi qoray oo ay ka mid yihiin bugaagta magacooda uu ula baxay ''Tiirka Colaadda'' iyo iyo sababihii bur-burka somaliya ayaa run ahaantii qofkastoo dheehda aan ninkaas kula deg-degayn in uu ugu yeedho magaca ama weedha ''Qoraa'' oo iyadu micno wayn ku dhex leh bulshada.

Waxaa dhab ahaantii niyaddaada soo galaysa inaanu ninkaasi ahayn insaan niyad san iyo soomaali sax ah midna,iyadoo aad qoraaladiisa ka dhadhansanaysid caadifad wayn oo salka ku haysa qabyaalad.

Taariikhdu waa mid dhigan oo aan qofna wax ka badali karayn, waxna ku siyaadsan karin. sidaas si la mid ahna dhacdo kasta oo dhacda iyadaa isu qorta iskeed una gasha diwaanka taariikhda.

C/qaadir Oromo ayaa isagoo sheeganaya inuu yahay nin khimrad u leh sababaha dhaliyay burburka ku dhacay somaaliya, goobtoogna yiri waan ka ahaa dhacdooyinka loo aanayn karo in ay ka sabab u yihiin burburka Somali ku dhacay intuusan sheegan goob joognimadoodana uu yiri waxaan ku sameeyay daraasad balaadhan, iyo xog waraysiyo  ayaa ah habeen aan in yarna ka ogayn taariikh  soomaaliya leedahay, wuxuu sidoo kale meel uga dhacay sharaftii ay lahayd dowladii hore ee kacaanku kuna dhex lahayd bulshada soomaaliyeed iyo dhamaan wadamada afrika.

Wuxuu qofkasta oo caqligiisa qaba ogsoonyahay in xukuumad kasta oo hirgasha ay yeelan karto dhaliilo wax dhamaystiranna aysan   jirin Alle mooyaane ''Alkamaalu lillaah'' ayaa Oromo buugtiisa ku soo bandhigay dhaliilo been abuur ah oo  ka wayn maskaxda bini’aadamka, islamarkaana aanu qof soomaali ahi dhayal ku rumaysan karin oo uu ka been abuurtay dowladii umadda soomaaliyeed u horseeday horumarka, wuxuuna been ka dheegay taariikhdii ay lahaayeen dhamaan maamuladii ka soo hirgalay soomaaliya, isagoo ku faanay in beesha uu ka dhashay ay guul ku gaadhay dagaaladii sokeeye ee lagu hoobtay kuwaas oo wadanka ka socday wixii dowladdii siyad barre ka danbeeyay   sababayna bur-bur lixaad leh, Kaaga sii darane Sayid maxamed cabdulle xasan ayuu ku tilmaamay nin doonayay  inuu wadanka ka hirgeliyoxukun diktaatooriyad qabyaalad cuskan dushana ka huwan falsafad diimeed. sidoo kalena ku tilmaamay nin ka xaq darnaa gaalkii koofil (Cofield)  ee ingriiska ciidamadiisii wadanka ku soo duulay hogaamiyaha ka ahaa oo daraawiishtii maxamed cabdulle xasan  hogaanka u ahaa dileen.

Nusqaan iyo iyo nasiib darro weyn waxaa ah in nin sheeganaya inuu yahay qoraa soomaaliyeed uu qalinkisa u adeegsado burbur iyo kala fiijin soomaaliyeed ku salaysan qabyaalad, waa camal shaydaan iyo talo ibliis in nin sheeganaya muwaadin soomaaliyeed uu guul ku tilmaamo dhibaatadii ba'nayd ee wadanka ka dhacday intii ay socdeen dagaalada sokeeye, kuwaas oo si ba'an dadku ugu hoobteen.

Waa garasho jaan iyo maan guracan in Oromo ku tilmaamo dhamaan xukuumadihii ka soo jiri jiray soomaaliya kuwo ku salaysan eex qabyaaladeed, sad bursi iyo iswaynayn ay hogaan ka yihiin qabiil uu si qaawan u magac dhebay oo ka mid ah qabiilada soomaaliyeed.

ugu danbayntii waxaan leeyahay Oromo ilama qumana in qalinka ficil qabyaaladeed loo adeegsado, taas oo aan meelna kaga jirin xeerka qoraagu tix gesho ee wax qoridda. 

Said Suleiman Mohamed

Email: saidyare7@hotmail.com

Tell:+254-728622791, Nairobi-Kenya


 

Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 30, 2007 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com