SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Safiirka Soomaaliya ee Indonesia oo Waraaqaha laga Guddoomay

  • Safiirka Somalia u fariisanaya Uganda oo soo gaaray Magaaladda Kampala.

Safiirka Soomaaliya ee Indonesia oo Waraaqaha laga Guddoomay

Ku: Saxaafadda Madaxa bannaan ee Soomaaliyeed,

Galab Wanaagsan,

Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaliyeed ee Indonesia waxaa sharaf u ah in ay soo gaarsiiso in maanta oo ay taariikhdu tahay 30 Novermber 2007, in Mudane Maxamuud Colow Barow, Danjiraha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee Indonesia uu waraaqihiisii danjirenimo ugu gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Indonesia Mudane Susilo Bambang Yuhdoyono.



Danjire Colow, wuxuu ka mid ahaa todobo wadan oo maanta ay safiiradoodu gudbiyeen waraaqaaha danjirenimo, isagoo Danjire Colow, uga mahadceliyay dawladda Indonesia xiriirka wanaagsan ee soo jireenka ah ee ay la leeyihiin shacbiga Soomaaliyeed, ayuu marlabaad ka codsaday in dawladda Indonesia ay dowr wax ku ool ah ka geysato samatabixinta shacbiga iyo Qaranka Soomaaliyeed.



Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee Indonesia oo la furay 2005, waxay ahayd safaaradii ugu horeysay ee laga furo wadamada laysku yiraahdo ASEAN oo dhamaantood aanan hore ugu lahayn ayaa noqonaysa talaabo cusub oo ay Soomaaliya u qaaday sidii ay xiriir iskaashi oo horumarsan ula furan lahayd wadamadan oo dhawaanahan gaarayay hormar xaga ganacsiga iyo dhaqaalaha, waxayna safaaradu noqonaysaa tii ugu horeysay ee ujeedadaas hirgalaysa, iyada dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee daneynaya in ay wax la qabsadaan wadankan ay gacan ka siin doonto.



Nabad, Gobonimo iyo Horumar...

Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee Indonesia,
Jakarta, Indonesia
somalirep_jkt@yahoo.com


Safiirka Somalia u fariisanaya Uganda oo soo gaaray Magaaladda Kampala.

Danjiraha Somalia u fadhin doona wadanka Uganda Ambassador Sayid Axmed SHeekh Daahir ayaa maalintii shalay aheyd soo gaaray magaaladda Kampala ee caasimada wadanka Uganda, haslkaas oo saraakiis ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowlaada Uganda iyo mas’uuliyiin kale oo uu ka mid ahaa ku simihii safaaradda C/qaadir Faarax ay ku soo dhaweeyeen Garoonka Diyaaraddaha ee Entebbe Airport oo 42-km u jira magaaladda Kampala.

Siyaasiga caanka ah ee Injineer Sayid Axmed Sheekh Daahir oo ka dulay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya oo uu ku sugnaa dhowr maalmoood, kaddib markii uu ka yimid Magalaadda Baydhabo ee xarun u ah Dowladda KMG ayaa hadda degan Hotel-ka DAY-TO-DAY ee magaaladdan Kampala, halkas oo aan caawa kula kulmay.

Ambassador Sayid Axmed ayaa maantaba Documents-kiisa aqoonsiga iyo shaqo uu u gudbiyay wasaarada Arrimaha Dibadda, isagoo ka sugaya in si buuxda loo aqoon sado, looguna ogolaado shaqadiisa Safiirnimo iyo qaabi taanka Madaxweynaha dadlkan Yoweir K. Museveni, isagoo Madaxweynuhu Safiirka ka guddoomaya file-ka shaqada iyo ambassador nimada.

“aadbaan ugu faraxsanahay imaan shaheyga halkan, runtiina shaqadu waa billaaban dootaa sida ugu dhaqsiyaha badan” ayuu yiri Ambassador Sayid Axmed oo xalay kulan gaaban kula qaatay Hotelkiisa koox odayaal ah oo ka tirsan Jaaliyadda Somali ee Halkan Kampala.

Ambassador Sayid Axmed ayay suurto gal u tahay in maalinta Isniinta ah ee soo socota ay wasaaadda Arrimaha Dibadda ay u dhameyso documents-kiisa, wuxuuna safiirku booqasho ku tagay Xarunta Safaaradda iyo guriga intaba.

Sayid Axmed oo Dowladda KMG ah ay u magacoowday inuu noqodo Danjiraha Somalia u fadhiya Wadanka Uganda, waxaana safiirka ay u tahay markii labaad ee uu yimaado wadankan, iyadoo kal hore ee uu ahaa Wasiirka Maaliyadda ee Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan uu halkan shir uga qeyb galaeen isaga iyo Ra’iisul Wasaarihii Xilligaas Cali Khaliif Galeydh.

Xaflada soo dhaweyn ah ayaa lagu wadaa in ay u qabtaaan Safiirka Jaaliyadda SOomaaliyeed halkan, waxaana Safiirku uu la hadli doonaa dadka ka yahay Masuulka, isagoo kala hadli doono dhinacyo badan oo u baahan in wax ka qabasho, iyadoo wixii warar ah ee ku soo kordha socdaalka shaqo ee safiirka aan idin la socodsiin doonno haddii Rabbi Idmo.

Dhinaca kale guddoomiyaha Somali Community Association In Uganda Xuseen Garweyne oo ka mid ahaa dadkii booqashada iyo soo dhaweynta ugu tagay Safiirka Cusub ayaa socdaal ku soo maray Isbitaalka Mengo Hospital halkaas oo ay jiifaan dhowr qof oo Bukaan Soomaaliyeed ah oo ay soo riteen Malaariyo, Cagaarshoow, Jabniin, Gubasho iyo qaliin indhaha ah.

W/D: Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
Kampala, Uganda
Email: farahblue_545@hotmail.com
Tel: +256 (0) 774228112

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 1, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com