SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Taageerid bayaankii beesha cabdi koombe
Assallaamu caleykum wr wbr

Marka hore walaal waxaan idinku salaamayaa sallaanta islaamka salaan kabacdi waxaan walaalaha wanaaga jecel ee beesha cabdikoombe ugu hambalyeynayaa

sida dadnimada leh ay uga soo horjeesteen boobka lagu hayo hantiga qaranka ah ee ka dhexeysa ummadda soomaaliyeed oo idil. Sidoo kale waxaan

dhammaan beelaha deggan deegaanka puntland u soo jeedinayaan in ay ka horimaadaan wixii dhibaato iyo xaalufin u geysanaya hantidooda iyo kheyraadkooda.

Ugu danbeyntii waxaan ummadda soomaaliyeed usoo jeedinayaa iney Alle(swt) ka cabsadaan danahooda iyo masiirkooda ka tashadaan. Walaalayaal waxaad ogaataan dhibka maanta na haysta uu yahay waxaan gacanteena ku keensanay. Walaalayaal bal aan mar qura fekerno oo aan is aamino oo aan aayaheena ka tashano. Inta ay qoloba qolo u gaatameyso weligeen walaalayaal xal gaarimeyno. Soomaali wexey gaartey heer ay xitaa qabyaalayadii ay keento masaajidada. Wax walba waa la gaaraa haddii Alle(swt) la talasaarto, camalka la qabanaya daacad laga yahay.

Wabillaahi towfiiq

Afhayeenka Xaqudirirka soomaaliyeed
abuyonis114@gmail.com
Maxamed Yusuf Muse
Abuyonis(Denmark)

Jaaliyadda Puntland gaar ahaan dadka  ka soo Jeeda Gobolka Bari oo Taageeray Go'aankii ay ka qateen Buruc Beesha Cabdikoonbe (janbeel)... Akhri Nov 29

"Buruc Lagama Baari  karo Wax Macdan ah Xilligan"
botBeesha Cabdi Koombe ayaa Bayaan ka soo saartay in aan magaalada Buruc wax macdan ah laga baari karin xilligan.
Akhri Bayaankii Afhayeenka, Bootaan Barre Nov 25

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 1, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com