SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Mudgi Socosho - Cabdinaasir Guure (Jeer)....

Qore: Bashir Salah
bashiris@hotmail.com
 
Nasiib darada haysatay umadda Soomaaliyeed ayey ka mid tahay arinta Cabdinasir Guure (Jeer). 

Inagu uguma horeyn ummad jaha wareer ku dhaco oo wanaaga iyo xumaanta, saaxiibka iyo cadowga, saxa iyo khaladka, dhibka iyo raaxadda, habeenka iyo maalinta, iwm kala garan waayey.  Umadda badan ayaa arinta soo martay, laakiin Quraanku wuxuu in xusuusiyey reer bani-Israa’iil oo labadii nabi ee la socday ka geeriyoodeen intii ay ku jireen arinteena oo kale. 

Laakiin waxaa haboon in aan isweydiino sidee uga baxeen dhibkii ayna ku jireen meeshii ay diidanaayeen ee Rabina la rabayna ku gaareen? 

Waa in aan ka faa’iidaysanaa waaya aragnimada umadaha kale ee inaga horeeyey, waxaa dhab ah in aan ku bixi doono sidii ay ku bixeen.  Boqolaad qof ayaa hadhi doona inta jidka lagu sii jiro, dhinac fikradeed iyo mid caafimaad kay doonto ha ahaatee.  Had iyo jeerna umad waxaa dhibka ka saari kara dad ahdaaf, ra’yi iyo aragti dheer leh oo aan haasaawe iyo hoos u hadal midna kaga daahi Karin arimihii ay bartilmaameedka ka dhigteen.  Haddii umad tolnimo, qoys, bah, iyo qabiil lagu mideyn karo ama horumar lagu gaarsiin karo Soomaaliya ayaa caalamka ugu horeyn lahayd. 

Bahda Somalitalk.com waxaan leeyahay xaal iyo cimaamad ayaan idinka saarnay gafka, aan xeerka masuuliyadeed ka muuqan ee Cabdinasir idinkula kacay, laakiin arin iyo masuulad weyn oo umadeed ayaan sideen ee yey idinka daahin.  Arinta afayeenimo mucaaradkana (Ramaas) walaalkayna waxaan leeyahay waa ragow barasho geelow rarasho.  Ninba taagtiis ayuu rogmadaa horaa Soomaalidu u tiri.  Markuu qofku habeen guureeyo isagoo aan la socon col iyo nabad wuxuu mudan doono arintiisu sow mugdi socosho maahin.  Cabdinasir sow hadda inama oran wixii aan mudo idiin sheegayey waxba kama jiraan, anigu ninkii aad ii haysateen ma ihi ee nakala wada. 

Waxaan hubaa in jidku dheer yahay, arintuse waa yaa ku xiga.
 
Mahadsanid.
 
Bashir Salah
bashiris@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 1, 2007

 

ciiroXisbiga Ramaas oo Beeniyey in Afhayeenkii Xisbigaas ee London uu Wakiil u Noqday DGPL Waxaana xisbiga Ramaas uu DGPL uga Digey in ay iska magacawdaan C/Naasir Guure "jeer"... Akhri..

jeerGen. Cadde Muuse Saxiixiisa ma Lagu Been Abuuranayaa?.... C/Naasir Guure "jeer" oo cadayn waayey xilligii uu Cadde Muuse u magacaabay afhayeenka Akhri...

Ganacsatada Puntland qaarkood oo beeniyey heshiis dhexmarey iyaga iyo Puntland
Waxaana arrintaas looga hadlay kulan ka dhacay Boosaaso

faysal"Faysal Ali Waraabe: Ma aaminsani wax Puntland Layiraahdo""maxaa yeelay Puntland waa Qabiil, Qabiilna dowlada ma noqon karo", sidaas waxaa yiri Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo ka hadlayey shir jaraa'id Nairobi.. Akhri

Boosaaso: kulan ay Soo Qaban Qaabiyeen Gabdhaha Beesha Ismaaciil Cali
kulanka waxaa looga hadlayey baahida wax qabad ee beeshu ay u baahan tahay oo ay kamid yihiin, sidii loo... Akhri Dec 1

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com