SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PUNTLAND

Ilaalada Gaarka ee Madaxweyne Cadde Muuse oo Jirdil u geystay mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka Puntland.

  • SomaliTalk.com | Boosaaso | Dec 2, 2007

Ilaalada gaarka ah Madaxweynaha DGPL ayaa jirdil u geystay Xildhibaan Maxamuud Cali Guray oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka Puntland xilli Doorshada Duqa Bosaso ay ka socotay Xarunta Dawaladda hoose ee Bosaso.

Xildhibaan Maxamuud Cali Guray waxa uu ka mid ahaa masuuliyiinta loo xilsaaray Doorashada Duqa Bosaso, xilliga xildhibaanka jirdilka loogeysanyo waxa lagu jiray hoolka doorashada waxana aloosnaa buuq iyo isfahamwaa ka dhexjiray xubnaha Golaha degaanka iyo masuuliyinta Dowlada dhexe ee Madaxweynuhu hogaaminayay.

Xildhibaan Guray oo doonayay in uu xaliyo buuqasi ayaa istaagay islamarkaasna qabsaday Makarafoonkii lagu khudbadeynayey waxana uu doonayay in halkaasi uu ka akhriyo sharciga Golaha Degaanka gaar ahaan qodobadii lagu muransanaa.

Xildhibaanka intii uu hadalka bilaabin nasiib daro waxa si caro ka buuxdo fariiso ugu yiri madxweyne Cadde Muuse, lakiin xildhibaanka ayaa Madaxweynaha u jawaabay waxana u sheegay inuu doonayo in uu soo bandhigo qodobo sharciga waafaqsan oo la xiriira waxyaabaha lagu muransanyahay.

Intaasi kadib Madaxweyne Cadde Muuse waxa uu amar kusiiyay ilaalo xoog badan oo la socotay in xildhibaanka banaanka ay si xooga ugu saraan hadii uu ka dhego adeeygona ay jiidaan ilaa albaabka laga saarayo.

Xildhibaan Maxamuud Cali Guray oo aan kadib xiriir aan la sameynay ayaa sheegay in arrinta dhacday uu masuul ka ahaa Cadde muuse.

Xildhibaanka oo xiligaasi aanu ku booqnay Hotelka uu deganyahay ayaa waxa ka muuqday Nabaro waaweyn oo Madaxa kaga yaala balse waxa uu sheegay in ay jiraan kuwo kale oo qarsoon oo u badan dhinaca feeraha.

Ma aha markii ugu horeeysay ee ilaalada Cadde Muuse ay jirdil u geystaan Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Puntland.

Qabka Doorashadii u Dhacday:

Dhanka kale doorashadii duqa magaalada ayaa sii socotey waxaana doorashada la qabtay iyada oo uu goobta ka maqnaa ninkii la tartamayey duqa hadda loo magacaabay.

Waxaa doorashada duqa magaalada isugu soo haray laba xubnood oo kala ah: C/risaaq Xareed Ismaaciil iyo nin lagu naanayso 'Majabe", laakiin waxaa goobtii doorashada ka maqnaa  'Majabe',  sidaasna uu duqii afraad ee ay yeelato magaalada Boosaaso kunoqday C/risaaq Xareed Ismaaciil. Waxaana ku xigeenka loo doortay C/qaadir Maxamud Aaden.

Doorashada Duqa Boosaaso oo la filayay iney dhacdo sabtidii iyo ka hor ayaa murano jiray aawgeed u baaqatay ilaa uu shalay soo aadey Madaxweynaha DGPL Gen. Cadde Muuse oo maanta (Axad) goobjoog ka ahaa doorashada.

Cadde Muuse oo si sarbeeb ah wax u tusaaleeyey col. Nuur Cadde:

Dhinaca kale Madaxweynaah DGPL Gen. Cadde Muuse ayaa maanta (Axad Dec 2, 2007) mar uu khudbad ka jeedinayey doorashadii duqa cusub ee degmada Boosaaso waxa uu sheegay in Ra'iisalwasaarihii hore ee DFKMG, Prof. Cali Maxamed Geeddi sababta uu isku casiley ay ahayd isagoo ka soo horjeestey horumar inay gaarto Puntland iyo in ay Puntland ka faa'ideysato khayraadkeeda.

Gen. Cadde Muuse waxa uu intaas raaciyey in uu si buuxda ula shaqayn doono ra'iisul wasaaraha cusub. Isla markaasna waxa uu goobta ka sheegay in uu xiriir la sameeyey ra'iisul wasaaraha cusub ee DFKMG, col. Nuur Cadde, oo ay ka wada hadleen sidii ay u wada shaqayn lahaayeen maadaama ay Puntland tahay qayb muhiim ah ka tahay DFKMG.

Hadalka uu yiri Gen. Cadde Muuse waxa uu ku soo beegmay xilli uu col. Nuur Cadde ku dhawaaqayey golihiisa wasiirada oo ka koobnaan doona 31 wasiir, 11 wasiiru dowlo iyo 31 wasiir xigeen oo isku darku yahay 73 xubnood....

Hadaladaas waxay dadka la socda arrimaha Puntland ku macneeyeen in Gen. Cadde Muuse uu col. Nuur Cadde ugu muujinayey in uu aqbalo heshiisyada Puntland ee Batroolka, haddii kale uu mari doono wadadii pro. Geeddi. Maadaama sababta uu Cali Maxamed Geeddi kursigiisii kuwayey (sida uu Geeddi qudhiisu qiray) in ay ahayd arrimaha la xiriira Batroolka Puntland.

caddeAkhri: Gen. Cadde Muuse oo Tabco Hordhigaya Col. Nuur Cadde, ra'iisul wasaaraha cusub Wafti ka socda shirkada Africa Oil Corp ayaa Gen. Cadde kula kulmay Garoowe... Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 2, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com