SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL

  • Doorashadii gudoomiyaha degmada Boosaaso oo aan qabsoomin Ka dib markii Wasiirka dowladaha Hoose gaashaanka Ku !!!.

  • Baarlamaanka Puntland oo ka doodaya Miisaaniyada dowlada Puntland.

Doorashadii gudoomiyaha degmada Boosaaso oo aan qabsoomin Ka dib markii Wasiirka dowladaha Hoose gaashaanka Ku !!!.

Dec 1, 2007

Doorashada gudoomiyaha degmada Boosaaso oo maanta lafilayay in ku qabsoomto Magaalada Boosaaso ,ayaa dhicin in ay doorashaadi qabsoomto.

Xarunta dowladah Hoose oo maanta ay soo buux dhaafiyeen Kumanaan dad ah ,ayaa halkaasi waxaa ka hadlay ugu horeyn Wasiirka dowladaha Hoose iyo Horumarinta gobalada Puntland Cali Cabdi Awaare.

Wasiirka oo ka soo sheekeeyey waxyaabihii kala duwanaa ee soo marey Golaha deegaanka ee Boosaaso ,ayaa ugu danbeyntii waxaa halkaasi laga yeeriyey Magacyada Xildhibaanada golaha deegaanka Boosaaso.

Cali Cabdi Awaare ayaa gaashaanka ku dhuftey in ay fadhigii maanta soo fariistaan qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha deegaanka ,wuxuuna sheegay in looga baahan yahay Beelaha ay ka soo jeedaan Xildhibaanadaasi in ay dib usoo xushaan xubno kale oo aan aheyn kuwa hada ku jira golaha deegaanka.

Xubnahan Wasiirku diiday in ay maanta fariistaan Doorashada ayaa ka mid ahaa ,Xildhibaano horey loo dhaariyey ayadoo lasheegayay in ay Xubnaha doonayeen in uu xilka ku soo baxo C/risaaq Xareed Ismaaciil ,oo horey u ahaa wasiirku xigeenka Maaliyada Puntland ,kana mid ah Musharaxiinta waqtigan ugu cad cad doorashada.

Wasiirka dowladaha Hoose iyo Horumarinta gobalada Ayaa sheegay in ay doorashadu dhaceyso markii ay beeluhu soo bandhigaan ,magacyada iyo xubnaha uga qeybgalaya golaha deegaanka Boosaaso loona dhaariyo Xubinimadooda.

Cali Cabdi Awaare Ma uusan sheegin sababta Xubnahan oo horey loo dhaariyey waqtigan loo diiday in ay galaan Doorashada golaha deegaanka ,isagoo markaasi ka dibna xirey Fadhigii Doorashada halkaasina lugu kalatagey.

Diimada ka timid dowlad gobaleedka Puntland ee ku aadan Xubinada Xildhibaanadaasi ayaa caro ku beertay qaar ka mid ah Beelaha ay ka soo jeedaan Xildhibaanada loo diiday in ay ka mid noqdaan golaha deegaanka Boosaaso.

Baarlamaanka Puntland oo ka doodaya Miisaaniyada dowlada Puntland.

Baarlamaanka Puntland ayaa ka doodaya Maanta oo ah sabti Miisaaniyada dowlada Puntland ,ayadoo dhowr jee lugu celiyey golaha Xukuumada Puntland.

Baarlamaanka ayaa xalay loo gudbiyey Miisaaniyada ayadoo ay shaleyna soo baargareeyeen Golaha Xukuumada ,uuna soo gudbiyey Madaxweynaha Puntland Cadde Muuse Xirsi.

Xubnaha baarlamaanka ayaa siyaabo kala duwan u arko Miisaaniyadaan ayagoo ku tilmaamaya in ay tahay mid aan lugu dhaqmin ,ayagoo dooda Miisaaniyadu soo socotey Fadhiyadii ugu danbeeyey ee Baarlamaanka dowlada Puntland.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa kalfadhigii 18-ilaa 19aad ee ay hada ku jiraan waqtiyo badan ku celinayay dadka ay khuseyso ,ayagoo ku tilmaamayay mid aan sax aheyn ,luguna soo cadeeyo Miisaaniyada dhaqaalaha faraha badan ee aan ka muuqan.

Gudiga dhaqaalaha ee Baarlamaanka Puntland ayaa soo qorey dhawaan shax ka hadleysa xaalada Miisaaniyada ,ayagoo daaha ka qaaday dhaqaalaha fara badan ee ku baxay qaar ka mid ah goobaha dowlada Puntland laga maamulo.

Wasaarada ku shaqada leh Xisaabaadka Puntland & Madaxtooyada Puntland ayaa gudigu ku eedeeyeen in ay lacag fara badan oo dheeri ah isticmaaleen ,ayna ka muuqato qoraalka loo soo gudbiyey ,balse aan micna la raacin ay ku dhacday.

Baarlamaanka Puntland ayaa lafilayaa in ay caadi ahaan ka doodaan ,ka dibna ay gudiga Dhaqaalaha usaaraan oo ay gudigaasi ka soo baaraan dagaan ,hadii ay markale diidaan baarlamaanku waxa ay nijad jab xoog leh ku tahay Xukuumada Puntland.

bashiir cumar cali/puntland
bashii137@hotmail.com
bashiir137@gmail.com

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com