SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan

Nairobi, Kenya ,

Botaan1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 1, 2007


Halkan ka dhegeyso warbixinta Shirkii Annapolis ama Halkan (mp3)

Magac Allaah ayaan ku bilaabayaa mahad oo idil eebe ayay u sognaatay naxariis iyo nabad galiyo rasuulka SWC kor kiisa ha ahaato intaa ka dib . Assalaamu Calaykum 

Shirka Annapolis iyo Shirarkii Soomaalida lagu dhex dhexaadin jiray waa isku mid . 

Waxaa magaalada Annapolis ee gobolka Maryland ee dalka Maraykanka ka furmay kulinkii 11-aad ee lagu dhex dhexdhexaadinyo carabta iyo Israaliyiinta hadii an si kale u iraahdo Yuhuuda iyo falastiiniyiinta waxaana kulankaasi ka soo qayb galay 16 wadan oo carab ah iyadoo kulankaan uu yahay kii ugu horeeyay oo tiro wadamo carabeed oo intaasi le’eg ay ka soo qayb galaan shir loogu yeeray in lagu dhex dhexaadinyo Falastiiniyiinta iyo Israaiiliyiinta. 

Kulankaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay madax waynaha Maraykanka G Bush, isgoo ku dhawaaqay Bishii July 2007 ee sanadkaan balse bish November bilawgeedii ayaa si rasmi ah loo shaaciyay in uu dhacayo 27 November 2007. 

Sadexda Hogaaamiye ee hoday shacabka Falastiiniyiinta ee ay  hargar daamada siyaasadeed ku haya, ayaa hadalkooda,hogaamiyaha USA,Bush ayaa yiri ‘’ Waxaa la gaaray wakhtigii nabad lagu soo dabaali lahaa Falastiiniyiinta iyo Israiliyiinta kulankaana waa bilawga nadaas’’ Hogaamiyaha Falastiin Maxamuud Cabaas Abu Masin mar oo isagu ka hadlayay shirka ayaa waxaa uusan marnaba soo hadal qaadin hagardaamada yuhuudu ku hayaan shacabka falastiiniyiinta. 

Laakiin waxaa uu ka hadlay in uu la dagaalamayo waxa uu ugu yeeray [[Argagaxisada]] oo ay Ururka Xamaas ku macnayeen in loola jeedo ergaysaasi iska caabinta shariga ah ee reer falastiin 

Uhuud Orlmart Raisul wasaaraha Yuhuuda oo isaga ka hadlayay kulanka dhex maray sadexdooda ayaa waxaa uu ku bilaabay hadalkiisa ‘’ waad xasuustaan weeraradii lagu qaadi jiray basaska dad waynaha iyo makhaayada shacabkeena ee ay argagaxisadu ka danbeeyaan’’ hadalkiisa isagoo sii wata ayaa waxaa uu yiri waxa aan doonayno waa Dowlad Israil ay yee lato oo Yuhuud ah mana soo hadal qaadin in dowlad falastiina ay lee dahay la dhisto. 

Looma rabo shacabka  Reer falastiin in ay helaan dowlad ay lee yihiin oo madax banaan iyo dhul xor ah sidaa waxaa yiri hogaamiye ka tirsan ururka Xamaas oo isgu ku sugan magaalada Qaza hadii dowlad la rabo mar hore ayaa la dhisi lahaa oo ciidamada naga gardaran nalaka difaaci lahaa 11 shir ayaa uu shirkaan ku yahay wax uu soo siyaadinayo ma jiraan ayaa uu yiri isagoo hadalkiis sii wata. 

Shirarkii dhacay  ee lagu sheegay in lagu dhameynayo khilaafaadka Falastiin iyo Israil balse ku dhamaaday minco darrada. 

Shirkii Camp David Accords • Shirkii  Madrid  • Shirkii Oslo Accords • Shirkii Oslo II • Shirkii Hebron Agreement • Shirkii Wye River Memorandum • Shirkii Sharm e-Sheikh memorandum • Shirkii Camp David 2000  • Shirkii • Shirkii Road map • Shirka Annapolis Conference waa kii ugu danbeeyay 27 November 2007

 
RW Israil Yitzhak Rabin,MD Bill Clinton, MDH Yasser Arafat Oslo Accords  September 13, 1993.


Palestinian PM Mahmoud Abbas, US Pr George W. Bush,  Israeli PM Ariel Sharon jooga Aqaba, Jordan, June 4, 2003.

Isku soo wada xoori dhamaan shirarkaasi maahayn kuwa ay wax dhaxal gal ah ay ka soo baxaan iskaba dhaafe waxaa lagu sii kala qaybin jiray siyaasada Caalamka carabta  

Israel Ma boodeen,Bari dhex intuu tagay nabad kuma bariisteen Nabad ciyaareen.

Waa Boqol Yuhuudiyo ragbaa baa biirinaayee,beerka u firayaa barqa laguma gaareen.

Beydkii Ilaahiyo Barxadii  barxadii Rasuulka waxaan loo  Bannayn iyo bakhti kuma dhex kariyeen

Bishimaha Dushoodiyo Been weeye Nabaduye

Baaruudda qiiqdiyo buntuq weeye dunidyo

Afirkay isbiirsoo Isa soo bahaystoo Ninkii Baal u leexda basar wax ugu sheego ku ballama dagaal. 

Ereyadaasi waxay ka mid ahaayeen Heestii Xassan Aadan Samatar,Xasuusin heestaan markii laga sii daayay Radio Muqdishu idaacadii Dowlada Soomaaliyeed ayaa waxaa ay Israil ku hanjabtay in ay weerari doono Radiyaha hadii aan heestaan la joojin iyadoo markii danbe sidaa loo joojiyay  

Shirka Annapolis iyo Shirarkii Soomaalida lagu dhex dhexaadin jiray waa isku mid !!! 

Somalia :-Hadii aan u soo laabto xagasha aan ka galayno arintaan,Soomaaliya waxaa loo qabtay 14 shir oo nabadeed caalamkuna xal kama rabin awal waxii ka horeeyay June 2006 markii ay soo shaac bexeen kooxihii islaamiyiinta ahaa ee maxaakimta Islaamiga la magac baxay xiligaasi oo ay gobolada dalka ay gacanta ku dhigeen kuna soo rugeen shareecada islaamka taas oo walaac ku dhalistay dowladaha reer galbeedka iyo taageerayaashooda gobolka oo ay dowlada Ethiopia ugu wayn tahay waxaana gacanta lagu dhigay wadankii soomaaliya iyadoo loogu soo gabanayo in ay ka dhalatay koox aragaxiso ah 

Wadanka Kenya ayaa waxaa lagu dhisay dowlada FKMG ah oo ahayd mudu hal sano iyo bar mid aan taag iyo tayo lahayn laakiin markii ay soo shaac baxeen Maxaakimta Islaamiga ahayd ayaa waxay isku dayeen in ay meesha ka saaraan Alla Yaa u sheegi lahaa in aan iyaga aysan socodka boobsiinin oo ay daganaan iyo wada xaajood ku wadaan arinta,laakiin waxa uu rabbi qoondeeyo ayaa soconayee weerar ayay ku soo qaadeen magaalada Baydhabo ay daganeed dowladii taagta yarayd taas oo ay ka dhalatay in caalamka u soo hiiliyaan si meesha looga saaro Islaamiyiinta iyadoo mudu ka yar bil ay arintii soomaaliya isku badashay [ waxaa la garwaaqsaday in islaamku yahay xalka kaliya] reer galbeedka xinka iyo xumaanta ay u qabaan in Islaamku xal yahay ayaa waxaaa la taageeray dowladii FKMG ahayd oo ay is hayeen Islaamiyiinta xalkoodu ahaa Islaamka meesha ayaana laga saaray,isla xiligii meesha laga saaray maxaakimta ayaa waxaa dowlada maraykanku ku dhawaaqay in la sameeyay Isbahaysiga Xiriirka Caalamiga ah ee arimaha Soomaaliya iyadoo ay Soomaaliya booqatay Kaaliyaha wasiirka arimaha dibada ee maraynka Jendey Frezer.

 

Falastiin:-Sidoo kale Falastiin 11 shir oo lagu dhex dhexaadinyo iyada iyo Israil ayaa la qabtay xiliyo kala duwan daacad iyo xal in la gaaro lagama rabin laakiin markii Ururka Islamiga ah ee Xamaas uu ku soo baxay dowlada falastiin oo ay inta badan kuraasta baarlamaanka la wareegeen oo ay Raisul wasaaraha Dowladana ay iyga soo doorteen,ka dib markii si cadaalad ah loo doortay Xamaas ayaa cuna qabatayn lagu soo rogay dowldii falastiin marinka qaza iyo daanta galbeed,laakiin dowladii Xamaas ayaa waxaa cin qilaabay ururka Fatax oo taageero ka helaya Yuhuuda iyo Maraykanka. 

Taas ayaana keentay in shirka ka furmay magaalada Annapolis la qabto si loo sii xoojiyo cuna qabtaynta lagu hayo Ururka Xamaas iyo shacabka reer falastiin ee kale. 

Balse kulanka ayaa waxaa uu yahay tilaabo dhanka wanaagsan loo qaaday maadaama magaalada Raamallah ee Ururka Fatax ka taliyaan banaan baxyo logoa soo horjeedo kulanka taas oo dhabar jab ku ah Fatax guulna u ah Xamaas iyo shacabka reeer Falastiin. 

Dhamaad Dhamaad  

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan

Nairobi, Kenya ,
Botaan1@hotmail.com Bootaan_somalitalk@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 2, 2007

Sadax sanno kadib doorashadii madax waynaha DFKMG ah Maxaa Soomaaliya ku soo siyaadisay.? Akhri

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com