SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - K/AFRIKA

Bulshoweynta Soomalida Gobolka Gauteng ee K/Africa oo Dooratey Gudi Cusub.

“Xaqiiqda Soomaalida South Africa” 

Johannesburg, Shirweyne ey kasooqeybgaleen Soomaali isugujirta ganacsato, culumaa’udiin, mutacalimiin, ardey, dhalinyaro, waayeel (rag & haweenba leh), xubno katirsan ururka taladda wadanka K/Africa kacanta kuhaya ee ANC, Police iyo Bulshadda Rayidka, ayaa kadhacey galbeedka xaafadda Mayfair, ujeedada shirkani oo aheyd in Soomaalida gobolka Gauteng ey kudhistaan Jaaliyadd matasha danahooda. 

Kulankani oo maalinkii shaley dhacey (2nd dec) ayaa siheersare ah oo nidaameysan ey ugasooshaqeeyeen gudiga doorashadda oo maamuleysey geyisocodka doorashadda, waxey kulabisnaayeen uniform iskumid ah, dhalinyaro xirfad u leh soodhaweynta kaqeybgalayaasha kulankani ayaa si-ey kudheehantahey saxibtinimo ugusoodhaweynayey dadweynaha kasooqeybgaley oo kacodeeyey hallka weyn ee xaafadda Brixton. 

Furitaankii xafladda oo uu aayado qur’aanka kariimka ah lagufurey, iyo wacdi diineed oo dhiirigelin sidii ey gacmaha isuqabsanlahaayeen bulshoweynta soomaalida Gauteng kudhaqan ayaa waxa halkaasi kajeediyey fadiilatul Sheekh Hassan, waxaa furitaankii kulankaa doorashadda gudoominimo ina-kahadley Md Osmaan Raage oo ah Mutacalin Soomaaliyeed & Gudoomiyaha Gudiga Soomaalida Pretoria oo halkaasi ereyo dhiirigelin ah kasoojeediyey goobtaasi, kadibna halkaasi waxaa kabilowdey in 3dexda musharax oo u tartamayey kaalinta Gudoomiyanimadda in ey soobandhigaan balanqaadkooda wixii ey uqabandoonaan bulshadda Soomaalidda ee K/Africa hadii loodoorto. 

Musharaxyadan oo kale ahaa Suleybaan Abdi Malaaq, Eng.Maxamuud Muuse Barkhadle, iyo Mudane C/hakim Mohamed Haadi waxey soobandhigeen balanqaadyo iskumid ah ama iskudhowdhow oo run ahaantii hadii ey meelmaraan daboolaya badi baahiyaha iyo dhibaatooyinka heysta Soomaalida kudhaqan Gobolka Gauteng & guuahaanba goboladda kaladuwan ee K/Africa, waxey 3dexda Murashax balanqaadyadooda  ugumuhiimsanaa kamid ahaa; 

  • Arimaha Amniga
  • Arimaha Home Affairs
  • Waxbarashadda
  • Adeegyadda Caafimaadka
  • Wacyigelinta Bulshadda

Waxaa markaasi gudiga doorashadda jaaliyadda looyagleelayo R.Gauteng ey gudogaleen in ey dadweynihii kasooqeybgaley kulankaasi oo kor u dhaafayey 250 ruux in ey u sharxaan nidaamka guud ee doorashadda iyo sida codeeyuhu codkiisa uu u vote gareenkaro iyo weliba in la ilaaliyo nidaamka iyo kaladanbeynta. 

Doorashadu waxey u dhacdey si dimuqraadi ah oo xalaal ah oo qofkastaa rabitaankiisa uu qofkuu rabo ugucodeynayo sida uu iixaqiijiyey Mudane Faadil oo kamid ahaa indhoindheyaashii doorashadda. 

Habsamida ey u dhacdey doorashadu ayaa aheyd mid sifiican loogashaqeeyey loona abaabuley, waxaa kale oo xusid mudan sida loogataxadirayey in hal qof hal mar inkabadan uu codeeyo.  Abaaro 3dexdii galabnimo ayaa latiriyey codadka ey kalaheleen 3dexda musharax oo kalaheley sedan hoos kuxusan 

  • Eng. Barkhadle oo heley 22 cod oo ah boqolkiiba 17.6% ee codbixiyaasha
  • Md Malaaq oo heley 48 cod 48% ee cod bixiyaasha
  • Md Haadi: oo heley 202 oo cod oo udhigmeysa inkudhow boqolkiiba 75%

Captain Ngobeni K.T oo ah Kaptain sare oo kamid ah ciidanka Policeka ee Xaafadaha Soomaalida ee Magaaloweynta Johannesburg heysta oo kamid ahaa dadkii kasooqeybgaley kulankani ayaa iisheegey “uguhoreyntii waxa aan kuleeyahey Mudane Saeed, doorashadani waa mid sixor ah udhacdey oo dimuqraadi ah, waxaa aad iigu cajiib noqotey sida dadka hortooda loogu tiriyey codadka murashixiintu kalaheleen waa mid qofkaste tusineysa sida cadaalada ah ee loosoo abaabuley barnaamijkan”ayuu iisheegey Captain Ngobeni isagoo siiwada hadalkiisa oo kajawaabaya in uu kawaramo codadka ey kalaheleen 3dexda murashax wuxuu yidhi “3dexda murashax si discipline iyo wanaag kudhaahanyahey ayey isusoosharaxeen, laakiin waxaa iimuqata in aaney jirin iskudheelitirnaan marka aad eegto sida dadku u doorteen, waxaa fiicneyd in qofka ladooranayaa ey bulshadu sifiican u taqaano wuxuu gudo iyo wuxuu uqaban karo, markaa waxaan uhambalyeynayaa Mudane Haadi oo cod aad ubadan kuguuleystey, waxaaney itusineysaa in dadkaa doortey Haadi ey sifiican uyaqanaan in uuyahey kiiwax laqabanlahaa” ayuu yiri captainku.  Waxaa isna hadalo sedan oo kale ah iigucabirey aaraadiisa Md Osmaan Raage oo ah mutacalin Soomaali oo islamarkaana ah Gudoomiyaha Gudiga Soomaaliyeed ee Tshwane/Pretoria iyo agagaarkeeda, “aad iyo aad ayaan ugufaraxsanahey sida habsamida ah ee xalaasha ah ee dimuqraadiyaddu kudheehantahey ee doorashadani u dhacdey, waxa aan aad ujecleystey oo kale kasooqeybgalayaasha iyo ixtiraamka iyo eedaabta ey muujiyeen intii kulankani socdey” ayuu yidhi Osmaan Raage. 

Waxa halkaasi loo caleemosaarey Mudane C/hakim Haadi oo ey 2dii kale murashaxna si ey kudheehantahey walaaltinimo iyo farxadi ey ugu hambalyeeyeen Mudane Haadi. 

Waxaa gabogabadii halkaasi hadalo dhiirigelin ah kasoojeediyey Mudane Ismaaciil Soomane oo gudoominayey doorashadda, iyo Dr.A/rashiid oo ah doctor soomaaliyeed oo degan Johannesburg iyo dadkale, waxa halkaasi si iskucod ah dadkii uwadaqaadeen heesta calanka soomaaliya iyo sacabeyn aad uxoogan oo lagusoodhaweynayo gudoomiyaha cusub md Haadi, sacabkaasi iyo soodhaweyntaasi kumey koobneyn oo keliya gobolka Gauteng ee gobolo badan oo kamid ah 9 ka gobol ee wadankan K/Africa kakoobanyahey oo aan telephone kulaxiriirey ayaa siweyn Soomalida degan goboladaasi ey ugutahniyadeynayaan Md Haadi xilkaasi loodoortey iyagoo uguduceynaya in Rabi laqabto xilkani. 

Hadii eynu waxyar kasheegno Mudane C/hakim Mohamed Haadi, waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo leh xirfado sida loodhiso ururada aan dowliga aheyn (non govermenral organizations) isagoo sanadkii 2000kii dhisey ururkii Horn Of African ururkani oo caawiyey dadbadan oo tabaaleysan oo ey kamidyihiin in uu ardey Soomaaliyeed kacaawiyey dhinacyadda dhaqaalaha iyo dhinacyadda waxbarashadaba, sida uu iixaqiijiyey ardey degan gobolka Gauteng md A.Mohamed, waxa kale oo uu Mudane Haadi kasooshaqeeyey ururka sakadda ee k/Africa (SANZAF), halkaasi oo kacaawiyey dad ubadan maati (dumar iyo caruur) dhinacyadda guryaha, cuntadda i.w.m sida ey iixaqiijisey hooyo soomaaliyeed oo aan magaceeda iisheegin, “doorashadda loodoortey C/hakim gudoomiyanimo waa mid uu uqalmo, aniga iskuqabiilna mamihin ee si lilaah ah baan kuugusheegayaa in uu dadbadan caawiyey intii uu ushaqeynjirey SANZAF, marka uu arko dumar soomaaliyeed oo ragoodu u shaqeeyo oo u imanaya sidii ey caawimo u helilahaayeeen, C/hakim siwalaaltinimo kudhaahantahey ayuu ugusheegayaa in Sakadda loogutalogaley dad masaakiin ah” ayey tidhi hooyadaasi soomaaliyeed. 

Laakiin waxaa horyaala hawlo iyo carqalado badan oo ey tahey in Gudoomiye Haadi uu lakaaashado waayo aragnimadiisa iyo waayo aragnimadda dadka uu u magacowdo gudigiisa fulinta oo ey tahey in ey kamidho dhaliyaan sidii ey ugaadhilahaayeen ujeedooyinka ururkoodan cusub oo ey dad tirobadan oo soomaali ahi ey kadhursugayaan. 

Carqaladahaasi iyo sida gudiga cusub ee Md Haadi ey ugaadhilahaayeen ujeedooyinka loo aasaasey waxaan kawareystey mutacalin Reer Somaliland ah, Md Abdifatah Ismail oo PhD Town Planning ah ka samaynaya jaamacada UCT (University of Capetown) 

Wuxuu kubilaabey hadalkiisa mahadcelin uu usoojeedinayo gudiga cusub “Waan ku faraxsanay in jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan South Africa gaar ahaan Gauteng ay isu timaado oo ay samaysato urur matala danahooda caamka ah. Waxaanan rajeynaynayaa in ururkani aanu noqon urur qof shandad ku sito sida ka jirta inta badan meelaha Somalida dibad jooga ahi kaga dhaqantay daafaha caalamka, ee uu noqdo urur meel loogo soo hagaago leh” ayuu yidhi C/Fataax, isagoo siiwada hadalkiisa wuxuu raaciyey “Waxa mudan in la xuso in sida qaalibka ah ururada jaaliyadaha Somalidu ay hanna qaadi wayaan waxaanan u malynayaa taas in ay ugu wacantay laba arimood oo waawayn. Ta koowaad waa mid la xidhiidha qaab dhismeedka ururada oo inta badan aynu ka soo daysano nidaamyada jira ee ururada loo dhiso oo ay dabadeed iska horyimaadaan dhaqankeena reer guuraanimada iyo madaxbanaanida shaqsiga ah ku salaysan iyo nidaamka kala danbaynta ku salaysan ee ururada casriga ah loo dhiso” ayuu yidhi C/Fataax oo aan kulaxidhiidhey Telka isagoo jooga Magaaloweynta Capetown, mar uu kahadlayey sida ururkan cusubi uguguuleysandoono himilooyinka iyo ujeedooyinka uu rabo in uu gaadho (Hadii Eebe yiraahdo), waxa uutilmaamey “Haddii la rabo in ururkani guulaysto waa in loo sameeyaa nidaam uu kaga badbaadi karo boholahaa qaab dhismeed ee kuwii ka horeeyay ku dhaceen. Tusaale ahaan waxa looga badbaadi karaa in xubnaha gudiga fulinta aan hal mar la soo dooran ee keliya la doorto gudoomiye dabadeedna uu soo magacaabo gudi fulineed oo la shaqeeya kuwaas oo uu xilka ka qaadi karo markuu doono inta uu xafiiska hayo. Taasi wax looga badbaadi karaa kala danbayn la’aanta inta badan burburka u horseeda ururada Somalida.  

Ta labaad waxa weeye, had iyo jeer waxa aan si cad loo qeexin himilooyinka laga leeyay ururada noocan ah ee Somalidu dhisato taasina waxay horseedaa burbur ku yimaada ururadaas, waayo marka horeba dadka meesha isugu yimaada ee wax dhisanaya ayaa meelo kala duwan wax u kala wada. Tusaale ahaan qaar baa tageersan in Somalia kala go’do, qaar baa leh ha is raacdo, qaar baa qabiil aaminsan. Haddii markaa qolo ka mid ah ururku ay dareemaan in danahoodii laga horyimi wixii wuu burburayaa. 

Taa looga bixi karaa in hadafka ururka si cad loo qeexo oo weliba lagu soo ururiyo waxa ay raacsanayihiin dadka meesha isugu tagay. Tusaale ahaan in ururku ka shaqeeyo danaha dadka Somalida ah ee ku dhaqan South Africa, danahaas oo weliba ku kooban kuwa gudaha dalkan aynu ku noolnay ee South Africa” ayuu yidhi. Abdifatah Ismail oo PhD Town Planning ah ka samaynaya jaamacada UCT. 

Wadanka K/Africa oo eykunoolyihiin Soomaali tiradoodu kor udhaaftey 30,000 kun oo ruux ayaa waxaa K/Africa gudiyo Soomaaliyeed oo tiro ahaan kor u dhaafey 7 oo kakalajira goboladda kaladuwan ee K/Africa, sida Gudiga R.Rustenburg oo sanadkan horaantiisii isna lagudhisey sidoorasho xalaal ah lana odhankaro wuxuu tusaalefiican u noqdey yagleelida iyo sameynta gudigan Gauteng, Jaaliyadda Soomaalida Tswane/Pretoria,gudiga qaxootiga Soomaalida R.Pretoria, Gudiyadda ARdeyda ee Capetown, Jaaliyadda Soomaalidda Polokwane oo dhowaan iyana dhidibadda lootaagey, ururadan waxey soodhaweyeen ururka cusub ee gudoomiye loogudoortey Md Haadi, laakiin waxaa qaadacey doorashadan Gudiga SASA ee kadhisan Gauteng gaar ahaan Johannesburg oo isagu qaadacey kanasooqeybgelin habayaraatee doorashadda ururka cusub, ururka SASA oo ahaa ururkii uguda’daweyn marka loo eego ururadani ayaa mar aan laxidhiidhey mid kamid ah taageerayaasha ururkaasi oo magaciisa aan ogolaan in magaciisa lasheegin ayaa yiri “ururkani cusub dadka ayuu aad usiikalakaxeyn, soomaalida wadankan kudhibaateysan ayuu siikalakaxeyni” ayuu yiri mudanahaasi oo an kulakulmey Johannesburg. 

Wadanka K/Africa oo ey kadhacaan danbiyo aad u tirobadan oo eykamidyihiin dil, dhac, kufsi i.w.m ayaa lagudiley Soomaali ganacsato u badan oo tiradoodu kor u dhaaftey 500 oo ruux ilaa 1999kii sida uu iixaqiijiyey mudane Mohamoud oo ah gudoomiyaha Jaaliyadda Qaxootiga ee Pretoria oo kusugan Pretoria, dilka, dhaca iyo dhibaatooyinka laguhayo Soomaalidda K/Africa waa mid u baahan waxkaqabasho iyo wacyigelin lasiiyo dadka cusub ee soogaleetiga ah oo lootilmamo meelaha khataraha leh iyo in dabagalo lagusameeyo kaseysaska (case) policeka loogafuro dadka ladilo. 

Waxaa diyaariyey 

Saeed furaa, 

Freelance Journalist, 

Johannesburg

somaliland.journalist@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 4, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com