SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SUUDAAN

Xaflad qalin jabin dhakhaatiir soomaliyeed  ee Dalka Sudan  

Xaflad si aad ah loo soo maamuusay ayaa ka dhacday hoolka shirarka ee Al-rabiad Al-wadani, xafladan oo lagu maamuusayay dhakhaatiir soomaliyeed oo ka qalin jaabisay jaamcadaha kala duwan ee dalka sudan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Ururka Dhakhaatiirta Soomaliyeed ee Dalka Sudan, 

     

Dad aad u fara badan oo iskugu jira Arday iyo masuuliyeen kakala socota jaamcadaha dalka sudan ayaa ka soo qayb galay xafladan,

Waxaa sidoo kale xafladan ka soo qayb galay masuuliyiin iyo madax ka socotay jaamcada sida wayn looga qadariyo dalka sudan International University of Africa, halkaas oo musuuliyiinta jaamacada ay ka jeediyeen hadlo aad u qiima badan.

Xafladan ayaa  u dhacday si heer sare ah, waxaana laga jeediyey  hadalo lagula dardaarmay dhaakhaatiirtii qalin jabisay iyo hadlo sidoo kale  lagu dhiiri galinayay kuwa cusub oo sanadkaan bilaabaya jaamcadaha , waxaana sidoo kale goobataas  erayo ka jeediyey  gudooomiyaha Uruka Ardayda Caafimaadka ee dalka Sudan Dr.Maxed Xusen Xaaji Muumin ,  sidoo kale waxaa kalimad ka jeediyey Dr Maxamed Cali Diiriye  oo isagu ku hadlayey  magaca ardayda qalin  jabisay,

Munaasabadaan ayaa waxaa lagu soo bandhigay riwaayado, heeso hidaya iyo dhanaqanka soomaliyeed iyo barnaamijiyo kale oo dadka aad u soo jiitay.

Dalka sudan ayaa door wayn ka qaatay waxbarashada dadka soomaliyeed  gaar ahaan waxbarashada sare ee jaamcadaha, dalkaan ayaa waxaa ka qalan jibiya sanad walba arday Soomaliyeed oo aad tira badan kuwaas kulaabta dalkooda hooyo si ay uga saaraaan dhibaatada iyo dagaalada afeeyay,

Tirade ardayda sanadkaan kaqalin jabinaysa dalka sudan ayaa la filayaa inay gaarto heerkii ugu sareeyay, iyadoo lafilanayo in sanadkaan jamacadaha dalka sudan ay kaqalin jabin doonaaan ardaydii ugu farhabadneed ee kaqalin jabisa abadka.

Ugudanbayntii munaasabada ayaa waxaa lagudoon siiyay dakhaatiirtii qalin jabaysa shahaado sharaf iyo abaal marino kala duwan.

Gabagabadii xafladan ayaa waxay ku dhamaatay jawifarxad leh iyo rayanrayn kamuuqatay dadkii kasoo qayb galay munaasabadaan.

Abdifitah M. Sugule
 Mobile:00249-923858020
    Sudan- Khartoum 
cabdisugulle@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 4, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com