SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Nuur Cadde oo u oggolaaday C/llaahi Yuusuf inuu caddaalad-darradi ugu xumeyd ku sameeyo beelweynta Abgaal

Abshir | Abshir111@yahoo.com 
   
Ra'iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen wuxuu Axaddii soo bandhigay xukuumad lagu dhex sameeyey guriga Korneel Cabdullaahi Yuusuf, taasoo ka koobnayd 73 Wasiir, Wasiiru Dowle iyo Wasiir ku xigeen.

Xukuumaddaan ayaa Korneel Yuusuf wuxuu si ka baxsan xadka uga siiyey beeshiisa Majeerteen Wasiir, Wasiiru-Dowle iyo saddex Wasiir ku xigeen oo kala ahaa:

  1. Maxamed Yusuf Weyrax Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda {Daarood/Majeerteen}
  2. Maxamed Axmed Kulan W/ Dow. Wasaaradda Beeraha {Daarood/ Majeerteen}
  3. Maxamud Axmed Kulalihi W/ku. Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga {Daarood/Majeerteen}
  4. Cabdulaahi Bile Nuur W/ku. Wasaaradda Waxbarashada {Daarood/Majeerteen}
  5. Ms. Jamiila Siciid Muuse W/ku. Wasaaradda Qorshaynta {Daarood/Majeerteen}

Beesha Abgaal oo ka mid ah beelaha ugu ballaaran qabaa'ilka deggan Soomaaliya ayaa iyadana xukuumaddan laga siiyey Wasiir iyo Wasiir ku xigeen oo keliya, taasoo fajac ku noqotay dadweynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka ayaa kala ah:

  1. Cabdulaahi Axmed Afrax W/ Wasaaradda Ganacsiga {Hawiye/Abgaal}
  2. Salaad Cali Jeelle W/ku. Wasaaradda Gaashaandhigga {Hawiye/Abgaal}

Xukuumad ka kooban 73 Wasiir in beesha Abgaal laga siiyo Wasiir iyo Wasiir ku xigeen, beesha Majeerteenna laga siiyo Wasiir, Wasiiru Dowle iyo saddex Wasiir ku xigeen ayaa waxay noqotay mucjiso ka weyn maanka bini'aadamka. Caddaalad-darrada uu sameeyey Cabdullaahi Yuusuf ayaa kun jeer laba jibbaaraysa tii Maxamed Siyaad Barre uu ugu sedburin jiray beeshiisa, waxayna noqonaysaa ka dar oo dibidhal.

Hase yeeshee waxaa la yaab leh in beesha Abgaal aysan illaa iyo hadda uga dhiidhin caddaalad-darradaan lagu sameeyey sida ay uga dhiidhiyeen beelaha Raxanweyn, Mareexaan, Jareerweyn iyo Reer Xamar.

Abshir Godinlabe
Abshir111@yahoo.com 

Qoraaladii hore ee Abshir...

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 5, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com