SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Aragtayee Ma Barateen: Gumaysiga Itoobiyaanka!

Innagu ma isnaqaan? 

Maxamed Jaamac

USA 

ASC Soomaalaaaaay, 

Muddo dheer ayeey shacbka Ogaadeenya ku hoos jireen gacanta itoobiyo. Ummada Soomaaliyeed waxay u hureen naf iyo maalba sidii looga hoos bixin lahaa gacantaas. Taariikhyahanadu  waxay gaarsiiyaan doodaas ilaa ay Soomaaliya u burburtay, walow la oran karo xoogaa waa’ay ka badbadiyeen haddna waxbaa ka jira taas. Waa xaq inaan xuso una mahad celiyo dadkii naftooda iyo maalkooda u huray xoraynta dhulka innaga maqan.

Anigoo taariikhdaas markhaati u ah waxaan isu keeni waayey in Jenanadii, professoradii, xildhibaanadii, waxgaradkii, kornayladii, afleydii iyo wax ma garataddii ay u yeerteen in Itoobiya u soo gurmato sababtoo ah dowladii ayaa rabta in la caawiyo.

Ma runbaa in dadka Soomaaliyeed aysan heshiin karin? Ma runbaa in Soomaaliland goosan karto? Ma runbaa in Puntland madax banana tahay? Ma runbaa in baarlamaan uu xor yahay? Ma runbaa in madaxweyne iyo ra’iisul wasaare aanu leenahay? Ma runbaa in shacabka habeen iyo maalin la gumaado? Muxuuse Cadde kordhin karaa?

Jawaabtu ma tahay Haa mise waa  maya? 

Ku daa sidaas.

Mala socotaan Soomaalaay

Shilinka dhanka kale u rog, Gobolka soomaaliyeed ee Itoobiya gumaysato waxaa ka dhacay kana socoda waxayaabo aadan rumayn karin oo xadka ban’aadamka ka baxsan dil, xariga, baro kicin, hoog aan dhamaanayn. Waxay ciidanka Itoobiyaanka ku dhaqmeen in dadka ay dilaan ay wadooyinka dhigaan, soo dhaafe taas, inay maasjidka hor dhigaan, soo dhaafe taas, inay dukaanada hor dhigaan, soo dhaafe taas inay dhagax weyn dul dhigaan ruuxa, soo dhaafe taas, inay dal dalaan oo soo lalmiyaan ruuxa.

Dadku maxay sameenayeen?  Waxay ku barayootamaan aanu xaabalano maydka; wey ka talaabsanaan maydkooda, ma yaqaanaan qofku uu yahay, kan deldelan wey hoos maraan kan gurigooda horyaal uma ooyaan, wey isku riixriixaan cida uu yahay. Waxay ku hadaaqaan Geeridu waxay ku fiican tahay geel jire iyo nimaadan aqoon, ma run baa taa? 

Aqoonyhan iyo webpageyada gobolkaas u dhuun daloola maxay ka qoraan gobolka; ONLF waa qabiil. ONLF ayaa wada xasuuq. Onlf ayaa dadka ka hortaagan horumarka. ONLF ONLF……… miskiinbaa misko la fuulo leh. Maxaa diiday inay u hadlaan shacabkooda? Maxay ugu mashquuleen ONLF? Maxaa shacabka loo weydiinayaa inay bixiyaan kharashka waxbarasha? Awey dowladii laga rabay horumarinta gobolka? Ma qodid shidaal baa horumarinta ah? Muxuuse Geedi u galbadey? 

Dowladnimada la siiyey gobolka ayaa ah mid dhalanteed ah oo qurux badan laakin waxaaba ka sii daran habka ay u shaqayanayso oo ah hab shaydaan. Itoobiya waxay yeelatay hal ra’iisul wasaare, Soomaaliyana labo ra’iisul-waraase, gobolkuna wuxuu yeeshay malaha darsin madaxweyne mid kastaan arrin gaar ah ayaa lagu  fuliyey deedna waa laga takhalusay. Sida qaalibka ah dadku isku dareen ma wada aha waxaa dhici karta waxyaabaha qaarkood inaadan samayn karin marka aad heerkaas gaartid waxaad la iman iska cabin ama is adkayn, bilcaksi meeshaas ku hakisay oo damiirkaaga kuu diiday ood dhaafi weydo waxaa jira ku walaalkaa ah oo dhaafi kara oo dardar cusub galin xiisana u haya usha shaydaanka inuu isagu sido; nasiib daro falsafadaas qaawan ayaa wax lagu maamulaa. Zinaawi ragga uu bebedali muu ka caqli badan yahay?  

Qaab dowladeedkeedka noocaas ah in la raadiyo ragga bah dillan oo qaameeysan deedna loo magacaabo xil sare iyo mid hoosaba,  lana soo tijaabiyey ilaa iyo xadka uu ordi karo lagana fiiranhayo xag qabyaalada, dilka, dhac, lunsashada, kufsiga, horumarin, damiirka iyo arrimo nafsi ahoo badan ayaa xil loo magacaabaa.  

Soomaaliya waxay baryahan dhadhamisay dhibaato laga hor joogay, waxay aragtay Hooyadii in wiilkeedu noqon karto shaydaan meel gaaban ama dheer u fuuli kara inuu hooyadiisa nuugo isagoon ka waji qarsanayn kana naxayn illin hooyada dhowrahaysa.

Soomaaliya waxay bartay faanka kala qaybsanaanta, wanjalaada iyo tan ugu daran ee ah kana sib kana saar; hadaad eegto Warlords, waxaa lagu bedelay baarlamaan waxaa lagu garab waday wasiiro iyo ra’iisul wasaare dabcan waxaa jira madaxweyne.

Cododkii iyo wajiyadii na soo maray Muse…… Jeele… Barre….Geedi aaway maanta? Kan saar! Lagbuur …. Cadde maxay?    

Qaabka Cusub ee Dagaalka Iskashif iyo Qabyaalad Qaawan 

Markii layska caabiyey oo xoogag diidan dulinmada iyo arxandaran ay xoogaysteen waxay qaateen nooc dagaal cusub oo baro kicin, go’doomin magaalooyinka, xayiraada quutul daruuriga iyo inay u dhex raaciyaan gubid deegaanka taasoo uga dan lee yihiin baro kicin. Waxaa garab socotay wax la yiraahdo is kashif. Magaalooyinka Ogaadeenya ama killilka ama Soomaaligalbeed marka ay madaxdu soo booqoto waa Tigraayge e waxaa loo shiriyaa dadweynaha waxaan la weydiiyaa yaa is kashifahaya?  

Akhri dhacdadan; Ma doonayo inaan farta godo, bal si fiican u akhri dhacdadan; shir baa loo soo ururuiyey dadkii waxaa booqasho magaalada ku yimid nin sare oo Tigraaya ah deedna waxaa shacabkii oo dhulka fadhiya la weydiiyey yaa is kashifahay? Guux la’aan waxaa istaagay nin meel dhexaad oo jira 40+ deedna wuxuu yiri anaa is kashifayahaya hadladiisii waxaa ku jirtay, “… maalin dhaweyd waxaan jabhada u geeyey loor bariis ah iyo nus loor sonkor iyo labo adhi ah… waxaana ii dhiibatay sodohdeey oo tiri u gee xaq….” Guux la’aan deg deg ayey sodohdii isku difaacday waxay tiri, “ iimaanka lagaa qaadayey ma anigaa nabad diidka wax kuugu dhiibay waxaad igu tiri caruurtii ayaa baahi u dhimanaysa oo kugu sii dhiibay hadaad adigu nabad diidka u geysay maxaad aniga iigu soo qaloocin..” 

Is kashifkii intaas kuma harin, ragga la shaqeeya waxaa loo sameeyey WEBPAGE howshooda wax weeye borbogaandka dowlada inay fuliyaan iyo/ isla mar ahaantaan inay ka shifaan shakhsiyaadka laf dhabarta u ah halganka shacabku ku jiro. 

Tan kale ee xoogga la saaray waa qabyaalad qaawan; ragga madaxda inay ku qayliyaan qabyaalada oo yiraahdaan reer hebel oo halkaas degan iyo reer hebel oo halkaas degan wey iska celiyeen jabhadii. Siyaasadii iyo ciidamadii markii ay guulaysan weyday ayaa reerihii lagu khasbayaa in ay masuul ka noqdaan deegaankooda haddii kale in iyaka deegaan ahaan ay masuul ka yihiin khasaaraha halkaas ka yimaada.  

Soomaaliya ma ku aragteen qabyaaladaas qaawan? Wali ma fahantahay istiraajiyada dagaalka ee ka socda Xamar? Hadaadan fahmin sida Xamar loo xarxariiqay sideed u aragtaa in Dayniile seddex casho ka badan ay ciidamada Itoobiyaanka kor fadhiyeen si ay u godoomiyaan? Maxayse ogolaadeen reer Dayniile inay fuliyaan si aan loo xasuuqin? Ma garanaysaa sababta madiina aan loo duqayn ama ugu yar tahay? Dowladnimada Soomaaliya qabiil ma ku salaysan tahay? Itoobiya qabiil ma laga isticmaalaa? Madaxda Soomaaliyed meel walba ha joogeene qabyaalad ma ku ceesheen?

Kol hadaad fahantahay Soomaaleey qormadayda oon idin ku lifaaqay dhacdo gaagaaban oo run ah maxaad aragtaa oo kuu bidhaamay?

Mar hadii ay Qabyaaladu noqon karto baasiin hurin kara burbur deedna waxaad u baahan tahay in lagugu saacideeyo adigaa jira leef waxaad leefi karto.  

Qabyaaladu kuma tusi karto dhibka iyo rafaadka ay reeruhu ku jiraan waxaa kuu muuqda malo awaalka madaxnimada. Waxaa intaa kuu dheer isticmaalka magaca Soomaaliyeed.

Maxaa kaa galay marka adiga gurigaagu yahay kan shidan raashin, gawaari, dadka  saboolnimo beerka dhulka ugu hayaan, markaad kacdaba uu cabdi bille xiimahayo. 

Kala gurka dooda

Anigoo salka qoraalkaygu uu ahaa Soomalida degta Ogaadenya iyo dhibaatooyinka loo gaystay shacabka ayaan waxaan ku dhex fasiray qaab maamuleedka ka socda dhulka Soomaaliyeed in laga soo min guuriyey kan Ogaadeenya. 

Soomaliya hul qurmuun ayey ku dhacday waxaa ka rajo fiican Soomaalida degta Ogaadeenya. Waxaa is hirdinaya kala doorshada Soomaalinimada iyo qabyaalada, saaxiibtinimada iyo calooda Itoobiya, falsafada xagirnimada iyo islaamnimada, qaybsanaanta iyo wadojirka.

Dhiig kasta oo daata himiladu shacabku waa nabada iyo dowladnimo laakin darbi gaaban oo qabyaalada ah ayaa lagu gudbay mana ah mid ay Itoobiya kaliya wadato ee waa mid dunidu nagu dhowranyso. Waxay ku taageeraan inay soo eegaan wixii ay gaysteen waxay tilmaamaan baro kaca iyo dhibka kolba waxay soo saran istaatiskada iyo tirade inta baro kacday, waxay sheegaan inay ka xun yihiin tacdiga shacabka loo gaystay. Maamulkii waxay ku wareejiyeen NGO ilaa kii la shaqeenayey ay u magaacbeen kan maamuli Soomaaliya. Aloow na bixi sharka uu soo wado CADE. Aamiin 

Innagu ma is naqaan (Soomaaliyeey) SoomaaliLand maxay u dalbtay inay wariyaashii Xamr ka soo cararay inay ku yirrahdaan naga baxa? Walise ma dhiibeen? 

Maxamed Jaamac

mohjama1@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 07, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com