SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

Xaalada dadka soo barakacay ee ku jira xeryaha xaqootiga ee deegaanka shiikh cali cabdulle iyo galgalato oo ay soo wajaheen dhibaatooyin aad u daran.

Dadkaa oo aad u jilicasan wejiyadooduna aad ka dheehan kartid ayaa waxaa ay ka warbixiyeen dhibaatooyinkaa noloshooda ku cusub waxeyna sheegeen in aysan weligoog tuugsan isla markaana aqoon durugsan u laheyn habka loo dawarsado.



Waxayna intaasi raaciyeen in ay dhibaatooyin kala duwan oo dhanka nolosha ah ay la soo deristay xili lagu guda jiro bisha barakaysan ee xajka qoysaskaan oo ah kuwa dantu isu keentay kana soo barakacay gudaha iyo daafaha magaalada muqdisho ayaa waxaa ay ku nool yihiin buushash 3 mitir ah oo ay ku galaan 4 qof bushkiiba qaarkood mana laha bacaha roobka iyo qaraxda la iskaga celiyo sidoo kale ma heystaan biyo la cabo iyo macuunta wax lagu karsado waaba hadii la helo wax la karsadee ,

Dadkaan soo barakacay ee ku jira xeryaha kor ku xusan oo tiradooda lagu sheegay ilaa lixboqol oo qoys ayaa waxaa qaarkood ku soo dhaweeyey sh:cali cabdulle kaas oo siiyey meel ay ka dhistan buushashka.

Qaxootigaan oo aan qaarkood kula kulmay deegaanada galgalato iyo gubadley ayaa waxaa iiga muuqatay tabar daro ,dhiig.la.aan hoy iyo hunguri la.aan ,waxaana ay ka koobnaayeen bulshada qeybaheeda kala duwan sida waayeel caruur ,haween qaarkood indha la. Agoon, dad dawarsada oo ay hada aan awoodin iskana dhexjiifa buushashka dhexdooda iyada oo aananay jirin cid u maqan iyo cid halkaa ku og.

Sida ay ii sheegtay haweeney haysata 9 caruur agoon ah oo isuma qado ah seygeediina mudo sadax bilood ah uu aasan yahay oo lagu magacaabo fadumo owcali: ma shaqeysano mana tuugsano oo manaqaan sida loo baryo dadka halkaana dadka joogo wax laga baryo ma heystaan ayey tiri iyada oo indhaheedu ay ilmo soo buuxisay.

Sidoo kale xaawo ayaa ii sheegtayu in odaygeeda oo da.ah uu tuugsan jiray hadana uu awoodi waayey in uu aado magalaada isaga oo jilcal isla markaana rooma tiisimo waxa ay ku sheegat ku dhacday .

Dadka somaliyeed dhibaatooyinka heysta waxaa ka mid ah biyo la.aan hoyla.aan .musqul la.aan, maadaama ay ku jiraan buushash qaxootigaan ayaa intaa ku daray in gudoomiyaha suuqa bakaaraha cali dheere uu mar mar u keeno booyad biyo ah tasoo aan ku fileyn baahidooda biyood ee maalinlaha ah .



Sidoo kale dadkaan mashaqada ku dhacday waxaa ka mid ah wax barasho la'aan soo wajahday caruurtooda iyo xaga daawada iyada oo aysan jirin wax daryeel caafimaad ah oo loo fidiyey tan iyo markii ay halkaasi degeen iyaga oo ku eedeeyey hay.adaha samafalka iyo dowlada in ay ku guul daraysteen wax u qabashada dadkaan gudaha ku barkacay .

Dadkaan qaxootiga ah ayaa sheegay in ay u adkeysan waayeen rasaasta habowga ah iyo hugunka madafiicda la isku weydaarsanayey guryihii ay degenaayeen waxeyna sheegeen in ay qaar qoysaskooda ah kaga dhinteen goobihii ay deganaayeen ka hor intii aysan ka soo barakicin.


Warsaxaafadeed ay soo saareen gudiga barakaca deegaanada galbeedka magaalda Muqdisho

Gudiga barakaca deegaanada galbeedka Muqdisho wuxuu deeq bixiyayaasha ,hay’addaha caalamiga ah iyo gudaha ugu baaqayaa in ay gargaar samafal ah oo degdeg ah la soo gaaraan kumanaankaan kun ee somaliyeed oo la ildaran dhibatooyin soo wajahay intii ay ku jireen nolsha barakaca ah kuwaas oo ka so barakacay magaalda Muqdisho xafadaheeda ,

Dadkaas oo aan heysan hoy,cuno,hu’ gabaad , daawo ,iyo qalabka wax lagu cuno dhibatadaas oo ay ka dhashaan cudurada faafa nafaqo daqo baahsan waxaana u nugul haweenka ‘caruurta’ waayeelka’ iyo kuwa saboolka ah ayaa lagu yri warsaxaafadeedka maatana ka soo baxay xafiiska Gudiga barakaca deegaanada galbeedka muqdisho

Gudigu wuxuu cabasho ka muujiyey sida hay.addaha gargarka bixiya oo ka gaabiyey cuno u qeybinta dadkaan kusoo barakacay deegana daynile warsaxaafadeedkaan ayaa waxaa ku saxiixnaa gudoomiyaha gudiga barakaca deegaanada galbeedka muqdisho


Marwo Caasha Cisman Ugaas ( Caasha Shaacuur)
Ku xigeen Dr. Maxamed Cabdulle Cusman ( John )
Xubin Muse Cali WEHELIYE oo qoraalkaan saxafada u aqriyey

Gudigaan ayaa ka kooban 5 xubnood gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeen waxaana loo aasaasay ka dib markii uu culeyskaga yimid dadka soo barakacay kuna soo bateen dagmada dayniile iyo deegaanada ku teedsan


Muuse Cali Weheliye

Xaalada dad soo barakacay ee ku sugan deegaandayniile ee duleedka Magalada Muqdisho

In badan oo ka mid ah dadka ku barakacay deegaan dayniile ayaa waxaa soo wajahday dhibaatooyin farabadan oo xaga nolosha ah waxeyna isugu jiraa bulshada qeybheda kala duwan sida haween , caruur , dad da.ah iyo kuwo cuduro iyo nafaqo daro ay diloodeen ,

Dadkaan ayaa ah shacab aan waxba heysan sida hoy la’aan ,biyo la’aan caafimaad iyo waxbarasho la’aan taasoo qaarkood ay u dheertay cuduro iyo dhaawacyo soo gaaray waxeyna qaarkood u muuqdaan kuwo aan awoodin in ay hadlaan dhibaatada la soo deristay owgeed wajiyadooda ayaa laga dareemayaa saameynta ay ku yeelatay noloshooda inta ay ku guda jireen noloshaan barakaca ah

Dadkaan ayaa waxey u barakaceen deegaanada dayniile xiliyadii ay bilaabmeen dagaalada lagaga soo horjeedo joogitaanka ciidamada shisheeye ee gudaha somaliya

Deegaanada galgeedka magalada muqdisho uga teedsan waxaa u barakacay shacab tiradooda lagu qiyaasay 40 ilaa 45 kun oo qof kuwas oo hada u baahan wax kasta oo noloshu u baahan tahay

maja jiran ilaa hada wax gargar bini adanimo u diyar ah in ay geeyaan shacabkaan ku dhibaataysan geedaha hoostooda ee deegaanada galbeedka magalada muqdisho in kasta oo ay hay.addaha qaarkood cuno qeybin gaabis ah ay ka wadaan waxaadna arkeysaa marka aad u socoto xaafadahooda cooshadaha ka sameysan caagado wadooyinka daadsan oo saf ugu jira sugayan biyo dhaamin iyada oo aad ka dheehan kartid muuqaaladooda dhibaatoyin aad u farabadan marka aad tagtid geedaha hoostooda oo ay guryo ka dhigteen intooda badan ,

Dadkaan soo barakacay ayaa waxey degeen 13 goobood oo ay ka mid yihiin daymaroodi, yoocaalow ,ismaaciiliya,abtooy, aadan saloog ,saqiiro ,tubaakaale, bangaalo ,dugsi shanaad ,iyo goobo kale oo aad u farabadan

Dadkaan soo barakacay ayaa hada waxaa la soo deristay nafaqo daro waana dad macluul ah oo aan waxba heysan

Muuse maxamuud jiisow
Musejisow@hotmail.com
Muqdisho somaliya
025215576666

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 12, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com