SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO

  • Sh. Aadan Madoobe “Waxaa lays weydiinayaa Magaalooyinkii Amaanka ahaa waxa ku soo kordhiyey nabadgelyo xumida”.
  • In ka Badan 80 Xildhibaan oo soo gudbiyey Mooshin Cusub
  • Sil silad Qaraxyo is daba jooga oo Magaalada Baydhabo ku soo badanaya

Af-hayeenka Baarlamaanka DFKMG Sh. Aadan Madoobe “Waxaa lays weydiinayaa Magaalooyinkii Amaanka ahaa waxa ku soo kordhiyey nabadgelyo xumida”. Warbixin uu siinayey mudanayaasha Baarlamaanka

In ka badan 160 Xildhibaan oo soo xaadirey kulan uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe oo dabayaaqadii Todobaadkii aynu ka soo gudubney soo gaarey Magaalada Baydhabo, ayaa Gudoomiye Sh. Aadan Madoobe Warbixin ka siiyey mudanayaasha Safarkii uu ku tegey Ethiobia iyo waxyaabihii uu kula soo kulmey.

Gudoomiye Sh. Aadan Madoobe wuxuu warbixintiisa ku sheegey in uu ka soo qaybgaley shirar kala duwan, intii uu joogey Ethiobia, wuxuu kaloo sharaxaad ka bixiyey Ajendayaasha shirarkii uu ka qaybgaley, islamarkaana ay ka mid ahaayeen doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Midowga Afrika iyo Shir gaar ah oo ay ku yeesheen Urur Goboleedka (IGAD) oo isna looga hadleeyey Qeexida Xeerka Ururr Goboleedka (IGAD) iyo arimo kale oo uu ku sheegey Gudoomiyuhu waxyaabo muhiim ahaa oo ay soo gudbiyeen xoghaynada Midowga Afrika.

Sh. Aadan Max’ed Nuur (Sh. Aadan Madoobe) wuxuu warbixintiisa ku xusay markii uu yimid Nayroobi in uu kula kulmey xubno ka tirsan dadka ka soo horjeeda dowlada (FKMG), islamarkaasina ay isla soo qaadeen sidii meel wax laysula dhigi lahaa arimaha murugsan ee Soomaaliya.

Dhamaan arimahaan iyo kuwo kale oo uu ku sheegay Sh. Aadan Madoobe Warbixintiisa, iyadoo faah faahsan

In ka Badan 80 Xildhibaan oo soo gudbiyey Mooshin Cusub

Dhinaca kale intii uusan Gudoomiyaha warbinta siinin xildhibaanada Baarlamaanka, Prof. Dhalxa oo gudoomiyaha uga waramayey intii uu maqnaa waxyaabihii Baarlamaanka uu qabtey ayaa sheegey " in ka badan 80 xubnood mooshin ay soo gudbiyeen, mudanayaasha Baarlamaanka uu horyaalo Baarlamaanka, taasoo ay ku doonayaan in marka codbixinta kalsoonida Xukuumada cusub la gaaro ay ahaato mid Qarsoon", hase ahaatee warar kala duwan oo aan la shaacin wali oo aan heleyno ayaa waxay sheegayaan in Xukuumada cusub ee Col. Nuur Cade lagu sameynayo isku shaandheyn cusub, iyadoo jiritaanka Xukuumada cusubna uusan gaarsiisneyn mudo bil, taasoo u muuqato mid la tiic tiicaysa caqabadihii hore u ragaadiyey Xukuumadii hore ee Geedi wax u eg.



wararkaan ka soo baxaaya Xukuumada cusub ayaan ahayn kuwo si rasmi ah laysugu haleyn kara ilaa uu Ra'iisul Wasaare Nuur Cade si rasmi ah ugu dhawaaqo, isku shaandheyntaan.



Laakiin warbixinta Gudoomiyaha ayaa u muuqatey mid ka duwan safaradii hore uu ku tegi jirey dalalka dibada, qaarka mid ah xildhibaanada ayaa markii uu dhameeyey waxay isku dayeen in ay wax ka weydiiyaan warbixinta gudoomiyaha, balse lagu qanciyey in maanta ay ahayd oo keli ah in warbixin la isa siino, inkastoo ay jiraan Xildhibaanada qaarkood oo guux hoose ay muujinaaya.

Sil silad Qaraxyo is daba jooga oo Magaalada Baydhabo ku soo badanaya

Dhinaca kale Abaarihii 8:13 daqiiqo subaxnimadii saaka (Sabti Dec 15,2007) ayaa Qarax aad u xoogan waxa uu gilgilay Magaalada Baydhabo, kaasoo ka dhacay halka ay iska qabtaan Wakaaladii hore ee Biyaha iyo Buundada Isha Baay ee Magaalada Baydhabo, daryanka Qaraxaan ayaa laga maqlayey guud ahaan qeybaha Magaalada Baydhabo.

hooyoXeryaha Qaxootiga Gubadley, Galgalato iyo Xerada shiikh cali cabdulle oo la iloobay.. Xaalada dadka soo barakacay ee ku jira xeryahaas qaxootiga ayaa waxaa soo wajahey dhibaatooyin aad u dara, sida cunto la'aan, hoy la'aan, iyo daryeel la'aan... Akhri.... Dec 12

kadib markii Gaari Tikniko ah oo ay leeyihiin Ciidamada DFKMG oo halkaasi marey lala beegsadey, Qarxaan lama oga cida ka dambeysa balse mar aan tegay goobta Qaraxu ka dhacay ayaa Dad goob joogayaal ah oo aan wax ka weydiiyey waxay ii sheegeen, in qaraxu ahaa Miinada dhulka lagu aaso, ma jiro cid mas'uul ah oo ka hadashay Qaraxaan.

Goobta qaraxu uu ka dhacay ayaa inta badan waxaa jooga marka uu Baarlamaanku uu shiraayo ciidamo Ethobian ah iyo ciidamada Booliiska DFKMG oo inta badan amaanka Xildhibaanada Baarlamaanka suga marka ay kulmayaan, majiraan ilaa iyo hada wax khasaare ah oo goobta ka dhashay oo uu geystey Qaraxaasi inta la og’yahay.

Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwo madaxtooyada soo gaarey ayaa kudhowaad 30 daqiiqo xirey goobtii uu qaraxu ka dhacay, waxayna joojiyeen dadweynihii isaga gudbaayey qaybaha kale ee magaalada iyo gaadiidkii marayeyba, Qaraxaan ayaa wuxuu qayb ka yahay silsilada qaraxyo is xig xiga oo maalamahaan ka dhacayaayey Magaalada baydhabo.

Ciidamada Ethobia iyo kuwa Baaliiska Gobolka Baay oo uu horkacaayo Taliyaha saldhiga Dhame Aadan Biid ayaa shaley hawlgalo baarintaan ka fuliyey inta u dhexeysa goobta Qaraxu uu ka dhacay iyo agagaarka suuqa weyn ee Magaalada Baydhabo.

Dhamaan qaraxyada is xiga ee ka dhacaaya Magaalada baydhabo ayaa waxay u muuqdaan kuwo, isa soo taraaya maalinba maalinta ka dambeysa, dadkuna waxay ka muujinayaan aragtiyo kala duwan qaakood waxay ku sheegayaan in magaalada baydhabo ay soo galeen Kooxihii mucaaradka dowlada, islamarkaasina ay kala dambeeyaan, halka kuwo kale ay ku sheegayaan kooxo ka tirsan dowlada oo arimo siyaasadeed ay uga danleeyihiin, balse arimahaan ma ahan kuwo si dhab ah loo shaacin karo in labadaasi fikir ay ka dambeeyaan, inkastoo hore uu u sheegey Taliyaha ciidamada Booliiska Gobolka Baay Gen. Ibraahim Xaashi Gaabow in mid ka mid ah kuwii qaraxyada geystey ay qabteen, islamarkaana uu qirtey, balse ma sheegin sababta ninkaan la qabtey uu falkaasi u geystey, laakiin waxay su’aali ka taagan tahay Qaraxyadaan dhacaaya ma ahaandoonaan joojintooda kuwo lagu guulaysto?!

Maxamed Macallin Cismaan(All-man)Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 15, 2007

Golaha Siyaasadda Beelaha Digilmirifle oo Magaalada Baydhabo Shir Weyn Ku Qabtay
iyo Xildhibaanada Beesha Direed ee ku sugan Magaalada Baydhabo oo Bayaan adag soo saarey...
Akhri Dec 14

Tahriibayaal Soomaali iyo Afrikaanka kale isugu jira oo ku Geeriyooday xeebaha dalka Yemen

Waxgaradka deegaanka Deyniile oo qaayla dhaan tii ugu weeyneyd ka soo saaray degaankaas

Jaamacadda Muqdisho oo qabatay barnaamij-deeq Waxbarasho loogu Raadinaayo Gabdhaha Soomaaliyeed‏

Rice's Interview with ETV About Somalia & Ethiopia

Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo Muqdisho Ku Xasuuqay Dad Shacab ah
Xilli uu Muqdisho ka dhacay dagaal aad u xoog badan ayey ciidamada Itoobiya madaafiic ku garaaceen xaafadaha shacabku deggan yahay, waxaana hal madfac diley dad lagu qiyaasay ilaa... Akhri.. Dec 13

Jabhadda Islaamiga ee Soomaaliya (JIS) oo Looga Dhawaaqay Soomaaliya,
waxayna Jabhadda islaamiga JIS soo bandhigtay Barnaamijyadeeda Siyaasadeed... Akhri...

oilWasiir Puntland iska casiley, sida loo maamulay Khayraadka Dabiiciga awgeed (badda, macdanta, batroolka).. Akhri

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com