SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Baaq Bani'aadaninimo oo ku Aadan Maamulada Muqdisho & Puntland

Waxaan ku wargelinaynaa Madaxda Sare ee uu baaqani sida tooska ahi ugu socdo inay la socdaan Xuquuqda ay leeyihiin Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Maamuladooda ku hoos nool ee ku imanaya Xadgudubyada ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha ee soo gaaraya Xafiisyada Hay'adaha u dooda Xuquuqda Aadahana ee Dunida kuwaas oo sii kordhaya Waxaana Muhiim ah inay wax ka bedelaan nidaamka iyo Sharciyada ay u adeegsanayaan Dadka raydka ah ee ku nool Dalka gudihiisa oo la Sheegayo in loo geysanayo Xasuuq iyo Xarrig Sharci darro ah oo aan lahayn Amar Maxkamadeed ama ah Awood Sheegasho.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ugu horeeya ku Xadgudubka Xuquuqda Aadanaha oo ay u adeegsanayaan Dadka raydka ah ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo ah Muraayadii Dalka Ciidamo Shisheeye oo Maxaysata ah oo Shacabkii u geysanya Xasuuq iyo Xarrig Sharci darra ah oo ay iminka ay u Xiran yihiin Siyaasiyiin,Culuma'udiin ,Dhallinyaro Xaq u dirir ah ,Odayaal,Dumar , iyo Caruur aan gaarin Xadka u Degsan Xariga Maxaabiista ee Dunida ee ah (International Law) ,iyo weliba Suxufiyiin Xaq u dirir ah oo ka run sheegaya Xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Magaalada Muqdisho ,Maamulka Muqdisho ayaa Khiraal ku sameeyey inay si Sharci darro ah u haystaan Hayeyga Axmed Diiriye Cali kaddib markii ay Shaaciyeen in lala sugayo Dad kale oo la soo xiri doono taasina waa Xadgudub Aadane .

Maamulaka Puntland ayaanu waxaanu ku Cambaaraynaynaa inay ka dameeyeen inay Badaha ku la'daan Dad fara badan oo Soomaali iyo Afrikaan kale isgu jira oo ay ka dhoofiyeen Xeebahooda kuwaas oo la qaatay Lacgo fara badan naftoodiina lagu halagay Maamulka Gobolka Puntland ee Dalka Soomaaliya ayaa waxay tahay inay Ciidamadooda Boliiska ee ka qayb qaatay Fal-dembeyeeyadani ay si deg-deg ah Maxakmad u soo taagaan kuna eedeeyaan Waajibaad gudasho Xumi iyo Risk inay Dad nool Dil u geysteen iyagoo lacag ka qaadanaya ,Maamulka Puntland ayaa sidoo kale lagu Eedaynayaa inay isdba marsiiyeen Lacago iyo Deeqo ay bixiyeen Hay'ado Samafal oo Dunida ka mid ah kuwaa oo marin habow ku riday aysan gaarsiin Cidii Xaqa u lahayd ee loogu tala galay.

R/Wasaaraha DFKMG ahi Mudane Nuur Xasan Xuseen oo ah Rug Cadaa Siyaasi ah ,Waxaannu ka Codsanaynaa inuu baaris Culus ku Sameeyo dhacdooyinka aannu kor ku soo sheegnay isla markaana Tallaabooyin wax ku ool ahi ka qaado ,si loo badbaadiyo Xuquuqda Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo loo geysanayo Xadgudubyada ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha oo sii kordhaya , Waxaannu kaloo R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen ay si Xushadi ay ku jirto uga Codsanaynaa inuu bilaabo Dadaal loogu adeegayo Maxaabiista ku Xirxiran Dhammaan Xabsiyada Dalka inta aan la gaarin Maallinta Ciida ee fooda inagu soo haysa , Maadaama uu horay u ahaan jiray Xeer Ilaaliyihii MBD uuna garanayo Qiimaha ay leedahay Qofka Xoriyadiisii laga Qaaday iyo Sharci darrada Dalka ka jirta maantay.

Maamulada uu Baaqani khuseeyo waxaanu ka Codsanaynaa inay tixgeliyaan Codsigani Xabsigana ka Siidaayaan Dhammaan Maxaabiista u Xiran Xaq darrada ee ku jira Xabsiyada aad gacanta ku haysaan iyo kuwa Ciidamada Cadowgu ay Maamulaanba ,si Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ula Ciidaan Maalinta Farxadda Walaalahooda kale ,isla markaana ay u helaan Xoriyad buuxda ,Codsigani waa inuu noqdaa mid aan Shuruudo ku Xirnayn ,isla markaana aad ku wargelisaan Dhammaan Saxaafadda iyo Warbaahinta Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisaba si loo dhowro Xuquuqda uu leeyahay Muwaadinka Soomaaliyeed ee Dulman.

Gunaanadkii iyo Baaqani Ciida Weyn ee Ciidul-Adxa waa inay Siidaayaan Dhammaan Maxaabiista u Xiran Sharci darrada ee wax ay galabsadeen aan la arag ,isla markaana la siiyaa wixii ay ku noolaan lahaayeen ee Lacag ama Raashin ah ee ay ku Ciidi lahaayeen Maadaama Xarriga loo gastay uusan ahayn mid Sharci ah ,Waxaana DFKMG ahi Xaq ku ah inay Mag -dhow siiso Dhammaan Maxaabiistaasi kuwaas oo inatay Xirnaayeen ay ka luntay fursadihii ay ku Shaqaysan lahaayeen ama ay ku Ganacsan lahaayeen oo dhan,waana inay Ciidamada Shisheeye ku Wargeliyaan inay joojiyaan Xasuuqa iyo Hanjabaadaha ay wadaan

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daandurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 15, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com