SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print


hooyoXeryaha Qaxootiga Gubadley, Galgalato iyo Xerada shiikh cali cabdulle oo la iloobay.. Xaalada dadka soo barakacay ee ku jira xeryahaas qaxootiga ayaa waxaa soo wajahey dhibaatooyin aad u dara, sida cunto la'aan, hoy la'aan, iyo daryeel la'aan... Akhri.... Dec 12


Weligiin ma booqateen   Al-Basaatiin.. .?!

     Sida laga war-qabo, tan iyo bilowgii burburka dalka, waxaa Waddanka Yemen, si aan kala go' lahayn ugu soo qulqulayay kumaan-kun Qaxooti Soomaaliyeed, oo dagaallada sokeeye, dar-xumooyinka iyo tacaddiga dalka ka jira ka soo firdhanaya. 

     Soomaalida dalka Yemen ku sugan, intooda badani, waa kuwo ku yimid Doonyaha Tahriibka,kuwaas oo ay u sugnaatay dayac, dac-darro, jir-dilka Muhaajiriinta  iyo weliba dadka oo lagu dhex-daadiyo Badweynta; falalkaas oo ay ku kacaan duulal dembi-lowyaal ah, oo aanan Dawlad- dhexe, mid maamul-goboleed iyo doc  kale toonna ,aanan xiriir la lahayn,kana amar-qaadan.

     Dadka Soomaaliyeed ee Qaxootiga  ku ah dalka Yemen, waxay u qaybsamaan laba qaybood:(1) Qaybi waxay ku jiraan Xerada Qaxootiga ee "Al-kharaz", oo ilaa 140-km. Galbeedka Cadan ku taalla. Dadka ku jira xeradaas, inkastoo ay saluugaan tirada iyo tayada waxa la siiyo ee quutal-daruuriga ah, haddana waxay  u xaraysan yihiin Hay'adda Qaxootiga ee Qarammada midoobay( UNHCR ) . Gargaar iyo garab-qabasho kale ayay mar-mar Qaxootigu ka helaan Ururrada sama-falka ah iyo dadka reer Yemen ee uu Nebigu (NNKH) ku sifeeyay Xikmadda iyo Iimaanka.

     (2) Qaybta kale ee Qaxootigu, waxay ku firirsan yihiin magaalooyinka dalka Yemen , ee ay ka midka yihiin; Sanca, Cadan, Taciz,Xudeydah, Mukallaa, Shabwa, Ma'rib iyo kuwa kale. Qaxootiga jooga magaalooyinka, iyaga ayaa iskood u dabbarta noloshooda oo la kacaa-kufa.  Hay'adda Qaxootigu  waxay siisaa Qaxootigan magaalooyinka Warqadda Aqoonsiga Qaxootinimo, taas oo ka caawisa dhinacyada Aqoonsiga, dugsi ku qoridda Caruurta, gelidda heshiisyada guryaha, u kala socdaalidda gobollada dalka iwm.

     Meelaha ay sida la yaabka leh u deggan yihiin Qaxootiga Soomaaliyeed waxaa ka mid ah; Xaafadda "Al-basaatiin", taas oo markii hore ahaan jirtay dhul-beereed, magaca "Basaatiin'" oo uu micnihiisu yahay Beer, meesha  ayay ka soo jeeddaa. Waxay ku taallaa duleedka dhanka woqooyi ee magaalada Cadan.

     Aniga oo fikrad buuxda iyo warar tifaftiran midna aanan  hore uga  heysan, ayaan  kal hore  hawl uu Xafiiska UNHCR uu leeyahay  darteed u booqday "Al-basaatiin", taas oo la xiriirtay Diiwaan-gelinta iyo Aqoonsi u samaynta Qaxootiga  Soomaaliyeed". Waxaa jiray saaxiibbo hore iiga siiyay meeshaas fikrad aanan fiicnayn, marka la eego diinta Islaamka,dhaqanka dadka Soomaaliyeed iyo  Akhlaaqdaba; laakiin markii aan caga-dhigtay, oo aan meesha u kuur-galay, waxaa ii muuqday, inay saaxiibbadey dhan kaliya wax ka eegeen, hal dheg oo kaliyana wax ku maqleen, iyaga oo illowsanaa inay bulsho dhexdeed wax kastaa ka imaan karayaan, dadkuna nooc kasta uu leeyahay, sida ay maahmaahda Carbeed u tiraahdo:-"Aqal kastaa suuli ayaa ku yaalla".Arrimaha ay Wadaayadey tilmaameen wax waa ka jiraan,laakin waa laga bad-badiyay.

     Ruuxii taga oo dhex-istaaga "Al-basaatiin", wuxuu moodayaa inuu joogo magaalo ka mid ah Magaalooyinkeennii Soomaaliya. Mar baan shakiyay oo mooday inaan  dhex-joogo degmooyinka Boon-dheere, Waaberi,Kaaraan ama Cabdulcasiis middood. Inta badan suuqa, baararka, dukaannada, farzada baabuurta iyo adeegga dadweynaha intaba, waxaa gacanta ku haya dad soomaaliyeed,; waana arrin fiican oo ay Basaatiin kaga duwan tahay dhammaan Xaafadaha  kale ee Soomaalida Yemen.

     Arrin kale oo aan aad u jecleystay ayaan Basaatiin ku arkay, taas oo ah; dhammaan Badeecaduhu waa raqiis, aad bayna uga jaban yihiin sicirrada kale ee Yemen wax lagu kala iibsado, walow aanan sababteeda aad ugu kuur-galin. Taas darteed, waxay dadka qaarkii yiraahdaan; 'Basaatiin Baytul-masaakiin'"(Basaatiin waa gurigii masaakiinta). Tusaale ahaan:Qado ka kooban   Saxan Bariis ah, rubuc-digaag ah,khudrad iyo Cabitaan oo Sanca ilaa 350-riyaal iigu kacaysay, ayaa Basaatiin(Cadan-Tacis) la iga siiyay 150-riyaal.

     Waxaa iyaduna bogaadin leh; Soomaalida magaalooyinka kale ee Yemen, waa ay kala firirsan yihiin, waxayna deggan yihiin xaafado kala fog-fog, taasoo wada-kulankooda  iyo isku-xirnaanshahooda adkayn karaysa. Al-basaatiin, hal meel baad ka wada heli karaysaa Soomaalida,sida: Masjid, Madrasah,Makhaayad, Meelaha ganacsiga ,Meheradaha iyo marinnada oo dhan. Ruuxii booqday baa iiga marqaati noqon kara inuu Faras-magaalaha Basaatiin uu shaabbaho: Suuq-boocle, suuq-bacaad iyo xataa meelo ka mid ah Bakaaraha.

     Arrimahaas iyo kuwa kale oo wanaagsan, waxay ku illowsiinayaan jiritaanka tira yar oo Soomaalida ka mid ah, oo uu qaldan yahay" hab-dhaqankooda", walow, ay dhaawac u geystaan sumcaddii dadka Soomaaliyeed. Waxaa habboon oo waajibna ah inay tirada badan ee wanaagsan,siiba Odayaasha iyo aqoon-yahannada inay aad ugu dadaalaan oo u guntadaan u caqli-celinta tirada yar ee ay ficilladoodu fool xun yihiin. Waxaa xil na wada saaran ah: ilaalinta xadka Eebbe iyo dhaqanka hagaagsan ee dadka Soomaaliyeed.

     Gabagabadii, waxaan jeclaystay inaan Soomaalida "Al-basaatiin' ku iraahdo; walaalayaal, inaad xoogsataan, nolol-maalmeedkiinna soo dhacsataan(Al-youm), ganacsataan, cibaadaysataan, isku fillaansho ku dadaashaan, waad u guntateen, laakiin, maxaad u xusuusan weydeen inaad dhexda u xirataan nadiifinta iyo dhowridda bilicda xaafaddiinna...?!!!.

    Waxaa la yiraahdaa:-(a) Inta uu Qashinku kuu jiro, ayuu Cudurkuna kuu jiraa..(b) Arrad waa dan, Usgagna waa doqonnimo; Diinteennuna waxay na baraysaa :in ay Nadaafaddu ka mid tahay Iimaanka.

     Docda kale,Tuugsi talo ma aha; kuwiinna taagta roon, maxay ugu tafa-xeydan waayeen: tusaaleynta, la-talinta, tilmaamidda, toosinta iyo taakulaynta kuwa taagta-daran ee tuugsanaya...?!!. Soomaalidu waxaa ay tiraahdaa:-(a) Rag waxaa u liita ma-tashade, ma-toshe iyo ma-tashiishe..(b) Iskaashato ma-kufto..      (c) Ilko wadajir bay wax ku gooyaan..(d) Dhagax meel dhow ayuu ku dhacaa, dhawaqna meel dheer....

     WQ/Muxyaddiin M.kaalmoy   - kalmoi@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 15, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com