SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO

Col. Nuur Cadde oo Shaaca Ka Qaaday in uu Dib u Soo Dhisidoono Xukuumad Cusub oo aad uga tiro yar tii hore...

Col. Nuur Cadde "Xukuumada cusub lama kala dirin oo wey shaqeynaysaa, laakiin qaabka farsamada ayaa ah....."


golaha wasiirada oo fadhiya

Shir socdey saacado badan oo ay isugu yimaadeen Golihii Wasiiradda cusubaa ee Xukuumada cusub, islamarkaana uu shir gudoominaayo Ra'iisul Wasaaraha DFKMG Col. Nuur Cade oo looga hadlaayey qodobo dhowr ah ayaa gunaanadkii waxaa laysla gartey in Xukuumad cusub uu soo dhiso Ra'iisul Wasaaraha.

Ra'iisul Wasaaraha DFKMG Nuur Cadde mar uu sharxaayey sababta keentey in dib loo soo dhiso Xukuumada cusub ayaa wuxuu yiri "markii aan dhegeystey dhawaaqyada ka soo yeeraya Baaralamaanka, islamarkaana ay is casileen qaar ka tirsan Xukuumada, iyagoo markaa tabanaayey cadaalad daro iyo ku qanacsanaan la'aan xilka loo magacaabey iyo dhawaaqyada kale ee ka soo yeerayey Bulshada Caalamka ayaa waxaan go'aanay in Xukuumad yara oo tayo leh aan soo dhiso".

Ra'iisul Wasaare Col.Nuur Cadde oo ay uga harsan tahay wax ka yar laba Todobaad oo aan wax ka weydiiyey goorta uu soo dhisaayo Xukuumada iyo waxa sababey markii hore in loo badiyo Golaha Wasiiradda isagoo arimahaasi ka hadlaaya..

Nuur cadde iyo Saalim
col. Nuur Cadde oo la hadlaya Saalim Caliyow oo dhegeysanaya
nur adde car
Ra'iisul Wasaaraha DFKMG, col. Nuur Cadde, oo ka degey gaarigiisa, isagoo gelaya Hoolka shirarka Madaxtooyada

Laakiin kala dirista Xukuumada cusub ee Ra'iisul Wasaare Col. Nuur Cade ayaa u muuqata mid ay lugaha la sii galayso qalalaase hor leh oo ka daran tan hada uu kala direy, iyadoo aan isaga loola dan lahayn, tanina waxay horseed u tahay, bisaylka siyaasadeed ee uu ku doonayo rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, tan Golaha Baarlamaanka, Mucaaradka DFKMG iyo guud ahaan tan Beesha caalamka, balse Kooxaha arimaha siyaasada ku xeel dheer mar aan soo dhegadhegeeyey ayaa waxay carabka ku adkeynayaan in sida uu u doonayo xalinta dhibaatada Soomaaliyeed ay ka go'an tahay, balse dhismaha siyaasada DFKMG sarteeda ay meel ka qurmoon tahay, halka kuwo kale ay soo dhaweeyeen sida uu ula dhaqmey Golihiisa wasiiradda iyo doonista Xukuumada cusub. Sidoo kale Kooxo kale oo mucaarad ah islamarkaana ka tirsan Xukuumada cusub ay iyaguna waxay leeyihiin wuxuu noqdey Fuley, iyadoo Xukuumadii Baarlamaanka aan la geyn ayuu iska cararey, Ra'iisul Wasaaraha DFKMG Col.Nuur Cadde wuxuu ku celiyey khudbadiisii hore waxyaabihii uu ku sheegey in ay ka go'an tahay, hase ahaatee waqtiga uu haysto iyo caqabadaha horyaala ayaa waxaad moodaa inaysan ku filneyn inuu maareeyo, waxayna su'aali ka taagan tahay halka ay ku soo biyo shubandoonto mustqabalka Xukuumada cusub ee Ra'iisul Wasaaraha DFKMG Nuur Cade.

Nuur Cadde
Col. Nuur Cadde

Qayb kamid ah fadhiag golaha wasiirada DFKMG
raiisul wasaaraha dfkmg Soomaaliya
Col. Nuur Cadde oo la hadlaya

col nur adde

Maxamed Macallin Cismaan{All-man}Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 16, 2007


mctcWaraysi: Madaxa Ururka Ardayda Soomaalida ee Minneapolis MCTC:
C/laahi Maxamed Aadan ayaa faahfaahin ka bixinaya arrimo muhiim ah oo ka wadaan Minneapolis Community &Technical College.. Akhri Waraysiga SomaliTalk...

aloorePuntland oo Loo Sameeyey Wasaarad Cusub ee Batroolka iyo Macdanta oo Aan Lahayn Wasiir-ku-xigeen... Akhri...

Gen CaddeGen. Cadde Muuse oo Isku Shaandheeyey Golihiisii Wasiirada
Wasiirada la bedeley waxaa ka mid ah wasiirkii is casiley ee kalluumaysiga, waxaana jagadoodii waayey Cali Cabdi Awaare iyo... Akhri

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com